![]() Fiiri Dadka Ra'yigooda dhiibtay Dhiibo Ra'yigaada |
![]() ![]() |
WADOOYINKA. Gendershe hal waddo oo keliya ayaa gasha taasoo ah wadada xeebta ee ka timaada dhinaca galbeed ee Magaalada Muqdisho. Waxaana wadadaas mara oo keliya baabuurta loo yaqaan (4wd). Iyadoo ay taasi jirto ayaa haddana waxaa go,i raba waddada keliya taasoo sabab u ah bacaadka oo ku sii kordhaayo maalinba maalinta ka danbaysa. Haddaba su,aasha taagan waxay tahay: sidee ayaa loo badbaadin karaa wadadaas iyo Gendershe lafsad ahaanteedaba? Su,aashaas waxay u taalaa dadka ku abtirsada ama ka soo jeeda Gendershe. Walaal ahow rag ama dumar waxaa xil kaa saaran badbaadinta Gendershe iyo wadadaas. Walaalayaal Markana ii ogolaada in aan fikradayda dhiibto oo waa tan ee igu raac ama keen fikrad kalle oo wanaagsan. fikradayda waa sidan:- Walaal soo qaado geedka loo yaqaan tiinka amaa tiitiinka ku rid mar walbo oo aaad maraysid wadada haddii aad tahay qof qurbo joog ahna soo wakiilo qof joogo dalka gudahiisa u soo dir lacag adigana ha kuu noqoto sadaqo koleyba waa sadaqo walaal ha dhayalsan go,itaanka wadadaas waayo waxaa ku nool dadkaaga waana dhulka. Gendershe waa gurigaada ee ha garab marin. CAAFIMAADKA. Gendershe waa degaan ay ku nool yihiin dad dhamaantooda aan waxba haysan oo sabool ah, iyadoo ay jirto midaas haddana ma helaan goobo Caafimaad sidda; ![]() Cisbitaalo,MCH-yo iyo Farmashiyayaal., Waxaa laga yaabaa maanta haddii uu qof dhaawacmo in aan loo heli karin cirbada dhiiga joojisa, iska daa xataa lagama heli karo hal kaniini oo Aspirin ah. Walalayaal; Gendershe waxaa nool haween iyo caruur waxay u baahan yihiin ugu yaraan (MCH) oo ah xarunta lagu daryeelo Caruurta iyo Haweenka, hadda ma helaan Talaalka la talaalo Haweenka marka ay uurka lee yihiin iyo talaalka Caruurta oo loogu hortago lixda cudur ee dilaaga ah. Walaal ahow rag ama dumar kasoo ka soo jeeda ama ku abtirsada Gendershe daryeel walaalkaaga ama walaashaada u baahan caafimaad. hadaad ku nooshahay dibada u soo dir xoogaa dhaqaale ah oo adigana sadaqo kuu noqda ama samaysta jaaliyad idin kulmisa si aad wax ugu tartaan dadkiina ku tabaaleesan Gendershe. DUGSIYADDA [SCHOOLS] Gendershe waa tuulo aad u qurux badan, oo ku fadhida Xeeb wanaagsan oo Nadiif ah Caradeeda iyo Hawadeedana ay Nadiif yihiin. Waxaa lagu qiyaasaa 73km in ay u jirto Magaalada Muqdisho marka laga fiiriyo dhanka Xeebta. Gendershe waxaa ku yaal Hal Dugsi Waxbarasho [school], kasoo ah Dugsi hoose malaha Dugsi dhexe iyo mid sarre. halka dugsi waxaa maalgeliya Hay,adda (WFL) oo macalimiinta ka saacidda dhanka mushaharka. Macalimiinta kuma jiraan dad ka soo jeeda Gendershe taasi maxaa u sabab ah? Waxaa sabab u ah ragga ama dumarka ka soo jeeda Gendershe ee wax bartay oo aan u soo jeedin inay wax baraan caruurtooda, xitaa kuma yaal hal berevaati [Privite School] oo lagu barto luqadaha Ingiriiska iyo Carabiga. Dadood maxaa talo ah? Maanta Dunida waxaa la isku dhaafay Waxbarasho cidii aan waxbarana dhulkaas ayaa looga tegay. Xuquuqdooda waa dhuntay, waxaana laga yaabaa in jiritaankooda uu baaba’o. Guriga waxaa dhismihiisa laga bilaabaa asaaska. Sidoo kale shacabna waa in qoyska laga soo dhisaa marka hore … si taasi u noqoto mid waxtar leh waxaa lagama maarmaan ah in reer Gendershe meel kasta oo ay dunida ka joogaan ay iska kaashadaan wax utarida Deegaanka Gendershe iyo dadka ku nool ha’ahaato qoraalada aan kor ku soo xusnay ee ahaa Dhanka: Wadooyinka, Caafimaadka, Dugsiyadda. Arimahan aan soo sheegnay waa Udub dhexaadka horumarka Deegaaneed …???? Talo adinkay idin jirtaaa…… Walaalayaalow… !!!! ![]() WAX SOO SAARKA BADDA IYO BERIGA
Gendershe waa tuulo aad u qurux badan, Gendershe waxay leedahay xeeb aad u dheer aadna u qurux badan, waxaana ka buuxa Khayraad fara badan sida; Kalluunka laakiinse malahan dad ka faa,idaysanaaya,waxaa kalloo laga samaysan karaa Cusbada laakiinse malahan dad maalgashi ku samaysanaya. ![]() Or Comment online |
|