HomeAbout usChattingCasharoAroosDhalashoTacsiadverMembersGuddiga Sarre ee badbaadinta Gendershe
 
Baafinta waxaad kusoo hagaajin kartaa Emailkan:baafin@gendershe.com

BAAFIN ... BAAFIN ... BAAFIN


[Baafin Qamar Abuukar Sheekh Cali ]
Dhammaan Dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan Soomaalida ku nool dalka Yemen, waxaa si naxariis leh oo Soomaalinnimo, Islaannimo iyo Aadaminimaba ku dhisan looga codsanayaa:
in ay gacan ka geystaan baadi-goobka loogu jiro Gabadha uu halkan sawirkeedu la socdo oo lagu magacaabo:-

Qamar Abuukar Sheekh-Cali
oo 14-jir ah. Hooyadeedna la yiraahdo:-
Zeynab Maxamuud Cabdulle
Qamar waxaa ay markii ugu war-dambaysay waxay ku sugnayd deegaanka 'Axwar' ee Gobolka 'Abyan' ee dalka Yemen, xilli ay ka soo degatay Doonni tahriib ahayd oo ka timid Soomaaliya, dhowr bilood ka-hor.
Haddaba ciddii war ka heysta, ama aragtay gabadhaas ha la soo xiriirto Telefoonnada Waalidkeed oo Sanca ku sugan oo kala ah:-
733274557 ama 735226643 iyo 733130161...
waadna Mahadsan tihiin.


Waxaa soo tebiyey: Kaalmoy
raqaylow@hotmail.com

Anigoo ah GAHER Waxaan baafinyaa walaashey QURESH MACALIN MURSAL “Lafole University graduated”
Fadlan cid Alla cidii garanaysa meel ay joogo ama halka laga helo ha ila soo socodsiiyo. Iyo Dhamaan reer MACALLIN MURSAL
Kolkii iigu war danbeesey waxaa ay joogtay Muqdisho “Madiina – Wadajir” Somalia.

Wabilaahit Towfiiq
Telefankeygana waa 5072816361
Waxaan deganahay USA Magaalada Rochester, ee Gobalka Minnesota.



BAAFIN ... BAAFIN ... BAAFIN

Anigoo ah Sharma'arke Khaliif Saciid waxaan warkeeda doonayaa Walaashay oo igu war danbeysay mudo 3 sanadood ah
ARDO AXMED CABDULLE
oo markii iigu wardanbeysay la igu sheegay inay joogto London Cariga Ingriiiska .... waxaan Cidkasta oo aqoonsata ka codsanayaa inay ila socodsiiyaan ... waxaan ku suganahay Magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sacuudiga. waxaa la igala xiriiri karaa Emailkan:
sharmaarkekhaliif@yahoo.com