![]() |
|
Biyaha waxaa lagu tiriyaa qayb kamida hido dhaqanka isku daaweynta xadaaradihii hore (Ilbaxnimadii hore) ee dunida kajiray, sida Xadaaradii hore ee Masar, Giriigii hore, Romaankii hore, waxaa loo isticmaali jiray isku daaweynta Musqulaha dadweynaha <<"Waxaa ilaa iyo haatan kajira Turkiya, Masar iyo dowlado kale ee carbeed sida Tunis, maroko iwm" Musqulo Dadweyne oo ah Meelo loogu talo galay in lagu qabaysto oo ijaar ah kadibna tadliik ama masaajo iyo wixii lahalmaala ay kajiraan>>. Isku daaweynta Biyaha waxuu bilowday qarniyadii koowaad isagoo ah Curiska koowaad ee Nolosha, iyo Cabitaanka koowaad iyo tiir kamida Aduunka. Dhowaan Qarnigii 19aad waxaa isticmaalay (Jhon Harvy) oo ah Dhaqtar layaqaan oo ku caan baxay isku daaweynta biyaha si loo xukumo Xanuunyada iyo daaweynta cudurada sida dhaawac sanbabeedka. Qarnigii 20aadna waxaa loo isticmaalay biyaha in lagu daaweeyo dhowr cudur oo gaaraya ilaa 69 cudur oo ay kamid yihiin: 1- Madax xanuunka 2- dhabar xanuunka 3- Calool xanuun 4- Xubno xanuun 5- Calool Maroojis 6- Maqaar yucyuca "Xoqashada maqaarka" 7- Hargabka - iyo neefta. 8- Gubashada 9- Xanuunka Caadada "Dhiiga uyimaad haweenka" 10- Bawaasiirka 11- Dhiig karka. 12- Sokorowga ... iwm. Dhaqaatiirta isku daaweynta biyaha waqtigan aan joogno ugu caansan waxaa kamida Dhaqtarad "Ajathatrace" oo ah Specialist"Pathalogia" ee dalka maraykanka. Tijaabo Caafimaadeed oo lagu sameeyay Mucjisada Biyaha: Waxay sheegtay Koox caafimaadeed oo dalka JAPAN ahi in ay sameysay Tijaabo isku daaweynta biyaha qaar kamida cudurada Casriga jira ... Daraasadii aysameeyeena waxay Natiijadeedu noqtay mid lagu guulaystay 100% Cuduradaa ay tijaabada ku sameeyeen waxay ahaayeen: 1- Madax Xanuun 2- Dhiig Kar 3- Dhiig yari "Anemia" 4- Cudurada lafaha 5- Sokorowga 6- Calool maroojis 7-kansarka 8- Sul 9- Xanuunka Caadada Habka la isku daaweynayo. 1- Aroortii hore in hurdada laga soo tooso kadibna 4 koob oo biyo (160ml). 2- Ha qaadan Quraacda caadiga ah 45daqiiqo ka hor, mana haboona in cunid iyo cabitaan ama raashin adag laqaato waqtigaa kahor. 3- Wax cabitaan ah haqaadan Quraacda iy cashada kadib ... 2saac kadib waad qaadan kartaa. 4- Cashada caadiga ah dabadeed haqaadan wax cabitaan ah ... ama kahor inta aadan Sariirta tegin. N:B (Dadka waaweyn ee da'da ah iyo kuwa caadiga ahiba way u nasan karaan qaadashada 4ta koob ee biyo inta laga gaarayo tirada ladoonayo). Waxaa talaabooyinkan lagu tijaabiyay cudurada soo socda... oo caafimaadkana laga helay mudooyinkan hoos ku cad. 1- Dhiig kar (30 maalmood). 2- Mandhaciirka iyo Bogga (10 Maalmood). 3- Sonkorta (30 Maalmood). 4- Calool Maroojis (10 Maalmood). 5- Kansarka (6 Bilood). 6- Sulka (3 Bilood). Waxaa lagu tiriyaa isku daaweynta biyaha inay tahay mid jirka uga dhib fudud isticmaalida daawooyinka oo leh dhib hooseed qarsoon.(side effects). Isku daaweynta biyaha waxay u baahan tahay xoogaa Samir iyo Caqli iyo daacadnimo uu layimaado ruuxa jiran.... Biyaha wuxuu kaalmeeyaa Caafimaad helida iyadoon Cabid kaliya ahayn. Waxaase loo isticmaalaa dhowr wado oo kale ... Waa sidee kaasuna? Biyaha wuxuu caafimaadka usaameeyaa isagoo leh wajiyo kala gedisan: 1- Cusbooneysiin iy firfircooni: taa oo laga helo biyaha qabow iyo Musqulaha wareega " Whirlpool bath " 2- Hoos udejinta Kulaylka: taa oo laga helo biyaha qabow oo loo isticmaalo shaashada wejida laga saaro ruuxa jirkiisu kulul yahay. 3- Kaadida uu soo saaro: Cabitaanka biyaha wuxuu keenaa kaadida oo socota. 4- Firfircooni xoog leh oo uu geliyo Wareega dhiiga. 5- Nadiifinta Jirka Gudihiisa: Cabitaanka biyaha wuxuu jirka ka sifeeyaa sunta, wuxuuna kaalmeeyaa bixinta haraaga aan jirka u baahneyn. 6- Nadiifiye: Cunada aan cuno ayaa lagu nadiifiyaa sidoo kale degaanka aan kunool nahay waan ku nadiifinaa... 7- Wuxuu reebaa Xanuunka: Barafka oo saameyn xoogleh ku leh daroogeynta xidida maqaarka. 8- Wuxuu dejiyaa Xidido xanuunka: Qubeyska biyaha qandaca ah Waxaase lagama maarmaan ah in si cilmi ah loo dejiyo Biyaha la isticmaalayo ha'ahaadeen Qabow ama Kulayl ama qandac ama baraf; sidoo kale qaab isticmaalka ha'ahaadeen Qubays ama Cabitaan ama u isticmaalid qaab faashadeed iwm. ay ahaadaan kuwo lala tashado dhaqaatiirta ku takhasustay howlahaa..... BIYAHA: Biyaha lacabo waxay ukala baxaan biyo Ceeleed iyo biyo laga sifeeyay kuwa badda ... Sikastaba ha'ahaatee biyaha macaan ee nadiifsan oo dhami waa la isticmaali karaa... Waxaase Xusid gaar ah mudan BIYO ZAMZAM oo ah biyaha ugu wanaagsan ee dunida yaala sida xadiis saxiix ahi kuyimidna waxaan ognahay in biyaha zamzamka ahi uu daawo yahay. Sida uu rasuulkeena Muxammed Nabadgelyo iyo Naxariisi korkiisa ha'ahaatee uu yiri ama xadiis macnihiisu sidan oo kale ahaa: Biyaha Zamzamka waa wax kastoo loo cabo "Jiro kasta oo lacabo waa daawadii". Waxay ku xiran tahay oo keliya Iimaanka qofka. Waxaa soo diyaariyay: Maxamuud Sheekh Cabdulqaadir "Diyeeshe" Email: diyeeshe@hotmail.com 'SOMALIA'[G-News] |