HomeAbout usChattingCasharoAroosDhalashoTacsiadverMembersGuddiga Sarre ee badbaadinta Gendershe
 
[Jamciyadda samafalka Al-wafaa oo xaflad lagu furayay Ceel cusub oo ay dhistay ku qabatay Tuulada Caanoole ee degmada Afgooye]

Jamciyadda samafalka Al-wafaa oo xaflad lagu furayay Ceel cusub oo ay dhistay ku qabatay Tuulada Caanoole ee degmada Afgooye

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay ayay Jamciyadda samafalka Al-wafaa waxa ay maalintii shalay ku qabatay tuulada Caanoole degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose oo laga furay ceel biyood ay ka cabi karaan maalintii 16-kun qof iyo sidoo kale 1500 xoolo ah.

Xafladdaas oo ay ka soo qeyb galeen waxgarad, isugu jira odayaal, culumaa’udiin, cuqaal, dhalinyaro rag iyo haween ayaa waxaa ugu horreyn ka hadlay Guddoomiyaha Tuulada Caanoole nabaddoon C/llaahi Cali C/raxmaan oo mahad celin u jeediyey Jamciyadda Samafalka Al-wafaa oo ceelka ka hirgelisay tuulada Caanoole, wuxuuna sheegay in ceelkaasi ay ka cabi karaan dadka iyo xoolaha ku dhaqan tuulooyinka Caanoole, Sabiib iyo kuwa kale ee la deriska ah.

Sidoo kale waxaa xafladdaasi ka hadlay Suldaan Xaaji Xuseen, Caaqil Oorow iyo xubno kale oo ka mid ah odayaasha degaankaas.

Magaca Jamciyadda Al-wafaa ee ceelka dhistay ayaa waxaa ku hadlay Xoghayaha Guud ee Jamciyaddaas Sayid Cali Macalin Xuseen oo sheegay in Ceelka ay ka dhiseen degaanka Caanoole ay ka faa’ideysan karaan 16-kun qof oo maalintii ka cabi karta ceelka, iyo sidoo kale ilaa 1500 xoolo ah, isagoo xusay in Barkadda ceelka ay qaadayso 60 fuusto oo u dhiganta 13Kun oo Liitar, isla markaana ay leedahay Barkado biyaha loogu shubo Xoolaha oo gaaraya 2 Barkadood. wuxuuna u mahad celiyey shaqsiyaadkii bixiyey qarashka lagu dhisay ceelkaas oo kala ah C/raxmaan, Waliid Manaaxis (Dhahru Rashd) iyo Axmed Qanaadhi oo lacagtii ay ku soo yaboobeen soo marsiiyey hay’adaha kala ah hay’adda nooleynta dhaqanka islaamka (Revival of Islamic heritage society) iyo Guddiga Qaaradda Afirka (African Continent Committee) ee ka dhisan dalka Kuwait.

Waxa kale oo uu sheegay in ceelkani yahay mid matoor saran yahay, isla markaana uu yahay ceel Riig ah oo noociisa oo kale aan laga qodin tuulooyinka Gobolka Sh/hoose, isagoo xusay in biyihiisa ay macaan yihiin.

Xoghayaha Guud ee Jamciyaddaas Sayid Cali Macalin Xuseen waxa uu shacabka ku dhaqan degaanka Caanoole kula dardaarmay inay ku dedaalaan ceelkan, ayna ka manaafacaadsadaan, kuna dedaalaan nadaafaddiisa iyo inuu noqdo ceel waara.

Xafladaas oo si heer sare ah u dhacday, si nabad ahna ku soo gabagabowday ayaa waxaa ka qeyb galay marti sharaf kala duwan oo ay ku jiraan xubnaha maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose iyo xubno ka socday DRC oo uu ka socday Cabdi Cali Yoonis, KAHRO oo uu ka socday Inj. Aayoow, Dalladda Waxbarashada Al-xikma oo uu ka socday Cumar Moorgan iyo marti sharaf kale oo fara badan.L
Dadka degan tuulooyinka Caanoole iyo Sabiib oo horey biyaha Webiga u isticmaalayay ayay haatan fursad dahabi ah u tahay ceelkan laga furay degaanka Caanoole oo ah ceel aan wax lacag ah looga qaadaynin, biyihiisuna ay aad u macaan yihiin, ayna ka faa’ideysan karaan tuulooyin badan oo ku yaala nawaaxiga tuulada Caanoole oo horey biyaha webiga u isticmaali jiray

Adham Amiinullaahi Maxamed
ad-ham@hotmail.com



http://www.gendershe.com ---- [G-News]