HomeAbout usChattingCasharoAroosDhalashoTacsiadverMembersGuddiga Sarre ee badbaadinta Gendershe
Barro Siirada Rasuulka Nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha'ahaatee waxaad siirada oo af somaali lagu qoray ka heli kartaa [Somalitalk website] ama Adigoo riixa halkan
Siiradii Rasuulka
QAADAC BADEECADA CADAWGAADA IYO CADAWGA MUSLIMIINTA
Bismillaahi Arraxmani Arraxiimi
Ilaah ayaa mahad iska leh oo nagu nicmaystay Islaamnimada … Nabad iyo Naxariisna ha ahaato Nabigeena Muxammad Dushiisa, Ilaahna haka raali noqdo Dhamaan asxaabtiisa iyo ehelkiisa iyo intii wanaag ku raacday ilaa laga gaarayo maalinta Qiyaama. Anagana Ilaah ha naga dhigo kuwii raacay oo diintiisa kor yeelay. Aamiin.
Intaa kadib waxaa sharaf xumo inoo ah inagoo sheeganayna Muslimnimo hadana ka aamusan aflagaadada weyn ee loo geysanayo Rasuulkeena Suuban Muxammad Nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha’ahaatee….!!!
Runtii waa arin aan u baahnayn kahadal … ee maanta waxay arintu taagan tahay [Waan jiraynaa oo joogeynaa ama Jiri mayno oo joogi mayno.] Maxaa yeelay..?Soomaalida waxay ku maahmaahdaa Mar idage Allah dago Laba mar idagase Anigaa is dagay. Waa markii labaad oo ay Doonfaarada DENMARK ay aflagaadeeyaan Rasuulkeena Suuban NNKH …. Markan labaadse waxaa ay sameeyeen 17 jariido ayaa mar keliya isla daabacay; waxaa kaloo jira dowlado kale oo fikradaas ku raacsan laakiinse dhowraya ama fiirinaya falceliska Muslimiinta ay sameynayaan taas oo ina tusaysa sida gaalada ay uga midaysan yihiin Cadawtinimada ay u hayaan Islaamka.
Waxaan xusuusanaa in markii hore ay ku daydeen dowladaha Norwey, Australia, Newziland, Fransa, Italia, Germany…. Waxaad dhihi kartaa dhamaan dowladaha reer Yurub.. [Midowga yurub oo kusheegay in Denmark ay xor u tahay warbaahinteeda].
Waxaa is weydiin mudan Xoriyadda ay ku dhawaaqaan reer galbeedka ma waxay xoogan tahay oo keliya kolka Islaamka iyo Calaamadahiisa la aflagaadeeyo. Weli lama hayo qof si xor ah uga hadlay Huriskii ama Gubkii Holocaust… halkaasi xor uma ah… Laakiinse waxaa xaqiiqa ah oo halkaasi yaala waa inay ka siman yihiin Cadawtinimada ama Ladagaalanka Islaamka oo maanta ay ugu yeeraan Argagixiso. Walaalayaal yaanay ku dheeraan hadalka … ee Marxalada aan maanta taagan nahay uma baahna hadal oo keliya ee waa HIIL IYO HOO
Qof waliba oo Muslim waxaa xil ka saran yahay sidii aad u joojin lahayd aflagaadadan, ha’ahaato Hadal, ama adigoo qaadaca Badeecadaha ka yimaada Denmark, adigoo Caruurtaada ama ehelkaaga bara Siirada Rasuulka. tusana Jaceylka rasuulka in uu yahay kan ugu weyn wax la jeclaado Ilaahay kadib.
Xusuusnow in Berito Maalinta Qiyaama aad hor istaagi doonto Rabigii ku abuuray ee lagu su’aali doono waxaad qabatay…!!!!

Paracode cusub oo ay yeelatay DENMARK
Walaalayaal waxaa jirta in Dunida Yurub ay iskugu gargaarayaan sidii ay uga badbaadin lahaayeen dhaqaala darada soo qabsatay DENMARK kadib markii ay muslimiinta wada qaadaceen badeecooyinka ka imaan jiray DENMARK ... waxaa jirta qaab cusub oo ay u isticmaaleen inay badeecada DENMARK u wareerjiyaan taas oo ah waxaad arkeysaa in badeecooyinka ka yimaada Yurub oo idil lagu qoray {{ Made in Europe }} marka waxaa jirta dowlad walib baracode u khaas ah oo ay lee dahay ... marka kan DENMARK waa EU000076 waa badeecadaha cusub ee wata "Made in Europe" kii horena wuxuu ka bilowdaa 57. Ilaahay ha'inaga dhigo kuwii Rasuulkiisa iyo diintiisaba daafaca... waxna yaan loo aaba yeelin kuwa yaryareysanaya qaadacaada. waa dad isdhiibay.
 
 
 
 
 
 
 
 
 


Waxaa qoray:
Maxamuud Sheekh Cabdulqaadir [Diyeeshe]
BADEECADAHA SOO SOCDA WAA QAAR KAMIDA KUWA KAYIMAAD DENMARK
Caanaha Caroline
Caanaha Dano
Caanaha NIDO
Caanaha ANCOR
Saudi MILK "Xaliib asacuudi"
Caanaha SHIKA
Foormaajada Saddexda Sacood
[Albaqaraatu- athalaatha]
white Denmark Cheese
Mozarilla Cheese
Puk Cheese
Fita Cheese "Saudi fita cheese"
Lurpak butter "Zubda Luurbaak"
Matild "Coffe and Milk"
QAAR KAMIDA CABITAANKA
Magestic drink
Saudi Drink
Saudi Juice
Fefari Juice
SunTop Juice
Saudi Water
Sun Cola
Sun Quick
QAAR KAMIDA CUNADA
Salsada [Saudi Tomato Paste]
Crispy Mark
Tiolip Checolate
Kinder Checolate
All Arla Products
Badeecadaha qaarkood iyo Sawiradoodaba halkan ka eeg waa qoraal PDF ah
ama si aad u dejisato ku dhifo Mouseka dhankiisa midig ka dibna dooro save target as .... Mahadsanidiin.