![]() |
|
[Qaxootiga Soomaaliya ee Dalka Yemen] Dadkaas la la'yahay waxay qeyb ka ahaayeen dooni tahriib waday oo maalmihii la soo dhaafay ka soo dhaqaajisay Waqooyi- bariga Soomaaliya meel dhowr kiilo mitir u jirta xeebta Boosaaso sida ay inoo sheegeen dad ka mid ahaa rakaabkii doonidaas ka badbaaday oo tiradooda lagu sheegay inay ahaayeen 120 ruux, halka ay ka soo badbaadeen 80 ruux 40 kalena weli la la'yahay. Sababta adkeysay in la ogaado akhbaarta dadkaasi inay weli nool yihiin iyo in kale ayaa waxa dadka Bad yaqaanka ah ama xeebleydu ku sheegeen in dabeylaha oo u dhacaya dhanka iyo badda oo dib ayay bada u naqsataa waqtiyadaan oo kale,, dabeyluhu dhanka dhulka ayay ka imaanayaan marka waxaa suura gal ah in meed kooda ama wixii noolba meelo kale ku caariyaan amaba suuro gal tahayba in dib xeebaha Soomaaliya loogu arko. Dadka soo badbaadayna waxay badankood lagu hayaa xeryaha soo dhoweynta ah ee hayadaha qaar ay ku sameeyeen xeebta (Reception), ka dibna waxaa loo soo daadgureyn doonaa xerada weyn ee [A-kharaz Somali Refugee Camp] ee Huwerib, Lahaj Govn. Walow beryahaan danbe ay sii yaraaneysay dhibaatooyinka laga soo sheego dadka soo galootiga ah ee Qaxooti iyo shaqo doonka ah, taas oo lagu micneeyo iyadoo ay soo dhowaatay amaba la gudagalayba bad-xerinkii oo mudo sadex bilood ah ay bada xirmeeyso dabeelo daran iyo badda si xowli ah u kacda. Hadaba waxaan dadka doonaya inay si sharci darro ku soo galaan xeebaha Yaman uga digeenaa inay ku soo dhiiradaan ama ay nafahooda khatar ku soo gelinin guud ahaan waxa loo yaqaano TAHRIIBKA; gaar ahaan waqtiyadu uu jiro badd-xiranka taas oo badanaa sababta khasaare nafeed oo dad badani naftoodu ku waan karaan tahluukadaas. Waxaa Alle mahadiis ah in tahriibayaashii ugu danbeeyay ee soo gaara Dalka Yemen ay badankood ku soo gaareen xeebaha si nabada ah taasoo markii aan wareesiyo la yeelanaya dadka soo tahriibay ay inoo sheegeen in isbedelka jiraa uu yahay iyadoo dadka wax tahriibiyaa ay bedeleen qaabkii hore ay wax u soo rari jireen iyagoo dadka xadiday tiradooda oo tiro kooban oo ay doonta qaadi karto , iyo waliba waxa jira warar sheegaya in dadka ka ganacsada tahriibka inay heleeen Doomo cusub oo aad u dheereeya arimahaas ayaa la oran karaa waxay hoos u dhigatay dhibaatooyinkii soo gaari jiray tahriibayaalka. Mar walbana dhib waa jiraaaaaaaaaaaaa!!!! Walaalka doonaya tahriibkoow mar walba dhib waa jiraa ee ka digtoonoow naftaada si sahlan yay kugu dhaafin. By:Abdirahman Tammaam tammaam@hotmail.com |
|