![]() |
|
![]() URURKA HORUMARINTA GOBOLKA SHABEELAHA HOOSE Sawiradan waxaa laga soo qaaday Degaanweynaha GENDERSHE kaas oo ahaa howlo ay fulinayeen Gudiga sare ee badbaadinta Gendershe sida ceelashii duugmay oo lasoo cusbooneysiiyay kadib markii ay roobabkii lixaadka lahaa ay kudareen dhulkii oo laga kasi waayey meeshii ay ku yaaleen iyo meel kaleba, taas oo halis ku ahayd caruurta inay dhooqada liqdo. sidoo kale celintii ama leexintii biyaha ka imaanayey Dooxada kore ee degaanka, taas oo qabyo ku noqotay dhaqaalihii oo kala go'ay darteed. Hadii eebe idmo sida ugu dhaqsaha badan ayaa loo sii wadi doonaa howshan bilaabatay, khaasatan biyo leexinta oo dhibaato ba'an ku haysa degaanka. Mustaqbalkana waxaa la hirgelin doonaa taakuleyn qoysaska liita iyo xaga Caafimaad baaris iyo bixin daawo [oo hada diyaar ah] ![]() Waa Ceel duugmay oo laga shaqeynayo ....sidii dhooqada looga saari lahaa loona shaqa gelin lahaa mar labaad. ![]() Ceelka oo howsha ku socota ![]() Ceelka oo howsha ku socota ![]() Ceelka oo howsha ku socota ![]() Waa Iskuulkii .... Ururka ka dhisay Degaanka ![]() Waa Dooxii ay biyaha ka yimaadeen oo la leexiyay ![]() Dooxdii iyo qaar kamida ciidamada madaniga ee Degaanka GENDERSHE. ![]() . Ururka Horumarinta Gobolka Shabeelaha Hoose wuxuu ugu baaqayaa dhamaan dadweynaha Soomaaliyeed inay gargaar u fidiyaan Ururka, oo haatan soo wajahay Dhibaato xaga Caafimaadka ah runtiina u baahan Dhaqaalo si looga hortago Dhibaato taagan marxaladan: 1- Cudurka Malaariyada 2- Cudurka Tiifowga 3- Nafaqo Daro guud 4- Shuban 5- Cudurada Caruurta sida Xiiqleyda iyo Neefta oo aad ugu badan Degaanka. Fadlan wixii kaalmo ah waxaad kusoo hagaajin kartaan ![]() Gudoomiye ku xigeenka Golaha Badbaadada Gendershe Eng. Sh. Xasan Sh. Cabdi Xuseen Walaalka iyo Walaasha Sharafta lahow wax Alla wixii aad awoodiin waxaad kusoo hagaajin kartaan [Dahabshiil, Qaran] kuna soo hagaajiya: Eng. Xasan Sheekh Cabdi Xuseen Tel: 00966502550034 Gudoomiye ku xigeenka Gudigga sare ee badbaadada Gendershe islamarkaana ka ah Xubin Guddiga Jaaliyadda Soomaaliyeed ee kunool Boqortooyada Sacuudiga. Walaalayaal Maanta dheesha waxay joogtaa meeshii ugu danbeysay waa maalintii wax wada qabsiga ... qof waliboow waxaad awooda hakala hagran Deegaankaaga iyo dadkaaga; xitaa isku daya inaad dhanka Ehelkiina ku gudbisaan si ay howshu u socoto. Mahadsanidiin ..... Howsha la qabtay iyo sidii ay wax u dhaceen oo sawiro wata ayaan idiin soo gudbin doonaa... hadii eebe Idmo. EEG QEYBTA LABAAD Howlgalo degmooyinka Dhanaane, Baqal, Xudur Muuse E-mail. Gendershe@gendershe.com E-mail. hsaan@hotmail.com Website: WWW.GENDERSHE.COM |
|