![]() |
|
![]() URURKA HORUMARINTA GOBOLKA SHABEELAHA HOOSE Sawiradan waxay lasii socdaan howlihii laga fulinayay Degaanweynaha GENDERSHE, DHANAANE, BAQAL, XUDUR-MUUSE, NO.60 kaas oo ahaa howlo ay si wadajir ah u fulinayeen Gudiga sare ee badbaadinta Gendershe iyo Ururka Horumarinta Gobolka Shabeelaha Hoose sida ceelashii duugmay, Masaajidada dayactirkooda, Wadooyinka isku xira Muqdisho ilaa Marka ee marta Dhanka Xeebta. Roobabkii lixaadka lahaa ee dhawaan kada'ay Gobolada Shabeelaha hoose waxay si ba'an u waxyeeleeyeen Dugsiyadii Quraanka oo markii horeba iska ahaa kuwo aan si wanaagsan u dhisnayn, Ceelashii oo aan sare u qaadneyn, Masaajidada qaar oo saqafkii ka kacay dayactir la'aan soo wajahday Hadii eebe karaali noqdo URURKA wuxuu ku hanweyn yahay dib usoo nooleynta dhamaan meelihii ay roobabka waxyeeleeyeen ee degaanada Shabeelaha hoose iyo waxtarka dadka dhibaateysan ee walaalaheena ah. Waxaa jira mashaariic fara badan oo u baahan waxqabad la'oran karo waa degdeg. La'aantiinana waa nagu dhib, nafsadiina, maskaxdiina, waxqabadkiina, maalkiina, taladiina, fikradihiina, waa wax loo baahan yahay mustaqbalka dhaw iyo kan fogba ee walaalayaal hayasina, hayareysanina ha ciyaarsanina wax alla waxaad awoodaan waa wax walaalahiina ka maqan oo loo dhibaateysan yahay. Waxaa ogaan kara oo keliya ruuxa soo booqda goobaha ay dhibka ka jiraan. Wixii talo iyo tusaalaba ah hanaga bakheylina. ![]() Waa Ceel duugmay oo u baahan shaqo [ Ilaahay mahadii Howshiisa waa dhamaatay oo dib ayaa loo furay - maantana waa uu shaqeynayaa.] ![]() Dugsiga Quraanka oo Looxyo iyo dayactirba u baahan [55% waa lasoo afjaray] ![]() Dugsigii oo ardaydii dhiganaysa.... ![]() Qaar kamida ardaydii Iskuulka ![]() Waa Iskuulkii oo ay ardaydii dhex fadhido ![]() Waa Iskuulkii Deegaanka ![]() Masjidka Nuuraani oo u baahan Dayactir Gudaha iyo Banaankaba ![]() Waa Masjidka Xaaji Xayeesi oo u baahan isna Dayactir kooban ![]() Waa Masjidka Jaamaca ee Degaanka Dhanaane oo u baahan Dayactir weyn ![]() Waa Masjidka Jaamaca ee Degaanka Dhanaane oo u dibadda laga soo sawiray ![]() Waa Masjidka oo kutubadii ka dhamaaday una baahan KUTUBO
Mahadsanidiin ..... Howsha la qabtay iyo sidii ay wax u dhaceen oo sawiro wata ayaan idiin soo gudbin doonaa... hadii eebe Idmo. E-mail. Gendershe@gendershe.com E-mail. hsaan@hotmail.com Website: WWW.GENDERSHE.COM |
|