![]() |
|
FAA'IIDADA GUDNIINKA UU RAGGA U LEEYAHAY Dabayaaqada sanadkii tagey 2007 darsaad ay sameeyeen Machad cilmi baaris oo laga leeyahay dalkaasi Mareykanka ayaa waxaa daraasadaasi lagu sheegay ama wax ka tilmaantay faaiidada gudniinku ragga u leeyahay , daraasada waxay sheegatay in gudniinka ragga uu door weyn ka ciyaaro sidii uu jirka isaga difaaci lahaa cudurada lees qaad siiyo leeskuna qaadsiiyo isku-taga Ragga iyo Dumarka, Daraasada waxay si khaas ah u taabatay in VIRUZ ka dhaliya HIV AIDs uusan si fudud ugu gudbi Karin ragga gudan marka la eego kuwa aan gudneen. Hadaba taas micnaheedu mahan ruuxa gudan inay dhiiro gelin u tahay ama damaanad inuusan qaadi kareenin cudurada halista ah, dhiiro gelinn uma aha inuu xumaantaas ku dhaco Zinada , balse sidaan soo sheegnay wuxuu ka qaadis yar yahay ruuxa aan gudneen, labaduna waxay qadi karaan cudurada faafa balse way ku kala badan yihiin, Mida kale waxaa xasuus mudan in diinteena Islaamka xaniifka ah ay arintaas ummada ku boorisay in gudniinka ragga ay ka mid tahay waxyaalaha loo yaqaan FIDRADA, lagana soo dhaxlay ayna Laazimi jireen Ambiyadii, Rusushii Alle, sida ku soo arooray xadiis ka rasuulka ah nabad-gelyo iyo naxariis dushiisa Allaha yeelo. Waxaa Qoray: Abdirahman Tamaam tammaam@hotmail.com Copyright©[G-News] |
|