HomeAbout usChattingCasharoAroosDhalashoTacsiadverMembersGuddiga Sarre ee badbaadinta Gendershe
Allgedo
Abaaji
Ababshe

Afgoye
Al-karama

AwdalDevelopment
allpuntland
allSomali
Arlaadi.com
ArlaadiNet
amsasconsulting
Banadir
Baydhabo
Boosaaso
Bulhan
Buurhakaba
Calmadow
CodkaBeesha
CodkaSomGalbeed
Daawo
Doollo
DarwiishNet
Dayniile
DjibtiNet
DhulkaNet
Dulmane
Gaarhaye
Gabanow
Gedohomepage
Gedonet
GeeskaAfrika
Gendershe.com Goobjoog
Halganews
Hiiraan
HornAfrik
Horseed.com
Horseednet
Horyaal
IftiinNet
KenyanSomalis
Lafoole
MarkaCaddeey
Midnimo
Mogadishu
NugaalNet
NugalOnline
puntlandpost
Puntlandstate
PuntOnline
PuntLandNetNet
Qandala Home
Qaranimo
Qardho
Radiogarowe
Riverineland
SahanOnline
Samafale
sbconline
somaliaRebirth
SomaliaWatchOrg
SomaliaWatchCom
Somaliainfo Somalidenmark
SomaliGlobe
SomaliGov
Somalihome
Somali.Italy
SomaliLand
SomaliLandForum
SomaliDesigns
SomaliNet
Somalipeace
SomaliUK
SomaliWebsite
SomaliWeyn
SomDenmark
somheritage
somlink
Somitek
SomTV
Taleh
UNSomlia
Wadani
WarsidahaPuntland
widhwidh.com

<<< Tartanka Media ah ee u dhaxeeya BBC Vs VOA oo sii kordhaya >>>
tartankaasi muxuu ku saleesan yahay ???
Hadaba aqtistaha sharafta lahoow waxaan maqalkaan ku soo koobi rabnaa tartanka sii kordhaya beryahaan danbe oo u dhaxeeya idaacaha ku baxa afka –Soomaaliga guud ahaan, kuwooda ugu qobka wayn oo ka mid yihiin laanta afka soomaliga ku baxda ee laga leeyahay dalka Ingriiska BBC , iyo laanta kale oo iyadana ku baxda afka-soomaaliga lagana leeyahay ama hoos tagta codka Mareekanka VOA.
Waxaad dareeemaysaa inay si aad ah isu soo tareeso tartanka ama loolanka ka dhex jira labadaas idaacadood , dadka Soomaaliyeedna waa dad si aad ah u dhageysta wararka ama idaacadahah meel walba oo ay joogaan, hadaba labada idaacadood ee aan kor ku soo sheegtay ayaa si weyn waxaa looga dareemayay is jiijiid faro badan, iyo iyagoo soo bandhigaya muuqaalo ka duwan kuwii horey loogu bartay.
Waxaad arkeysaa in waqtiyada ay baxaan idaacadaha qaar la kordhiyay, barnaamijyada oo ka tayo fiican kuwii hore, waxaad arkaysaa in tartanka u dhaxeeya labada idaacadood uu maalinba maalinta ka danbeysa uu sii kordhaayo soona ifbaxaayo, rag culcullus oo wariyayaalka ah oo la kala jiid jiidanayo, FM-yada oo lagu soo kordhinayo gudaha soomaaliya si ay dhageestayaashu ugu sahlanaato in si dhib yar ay ku heli karaan idaacada; Hadaba idaacada BBC-da waa idaacad fac weyn mudo dheerna ku soo jirtay warbaahinta marka laga soo bilaabo dagaal weynihii aduunka ama sanadkii 1922 ayay aheyd markii idaacadii ugu horeesay ay hawada ka soo deeyaan , BBC-da waxay ku baxdaa luqado faro badan , oo af-soomaaligu ka mid yahay , waxay kalloo BBC-du dhowaanahaan hawada soo gelisay ama bilowdayba TV-BBC oo afka Carabiga ku baxa, bbc-da waxaa soo maray maamulo badana , Halka BBC-da sannadihii danbe laga soo sheegayay maamul xumo iyo inay u xaglineeso garab ka mid ah garabyada isku haya siyaasada Soomaaliya , tafatirayaalka soo maray waa aay badnaayeen tafatiro walbna dhegeystayaasha meel bay ku tirin jireen ama lagu xaman jiray , haba ugu badnaadee maamulka hada jira oo uu hogaamiyo ama horseedka ka yahay Yuusuf Garaad Axmed, loona tiriyo inuu masuul ka yahay hoos u dhaca ku yimid BBC-da laanta afsoomaaliga , waa sida dadka qaar qabaan, halka dadka qaarna aaminsan yihiin in Yuusf Garaad yahay nin dhalin yaro ah korna u soo qaaday howsha BBC-da intii uu xilka loo dhiibay, Berisamaadkii BBC-du waxay ahayd meesha kaliya wararka ay ka helaan Soomaalida ,waxaa soo maray xilli laga mamnuucay gudaha dalka dhageystayaasha inay dhageestaan idaacada BBc-da, waa xilligii kacaanka ee dowladii Meleteriga hogaamin jiray,. halka VOA –duna laanteeda af soomaaliga ay dhowaanaha dib hawada ugu soo noqotay ka dib markii hakad ku yimid sanadihii danbe , VOA waxay markaan danbe la soo baxday farsamooyin faro badan oo ay dooneyso in ku soo jiidato dhegaha dhageystayaasha , waxay si wayn ugu u guuleesatay inay rag badan ka soo jiidato amaba wariyayaal caan ah ay kala soo wareegto BBC-da, ragga ku soo biiray beryahaan danbe VOA waxaa ka mid ah Hereri , Axmed xasan Cowke , Cali Xaraare, Haarun Macruuf iyo waliba rag badan oo is bedel la taaban karo u sameeyaya VOA-da; VOA-da waxay si xowli ah u wadaa sidii ay soo bandhigi lahaayeen barnaamijyo tayeesan , waxayna mar walba ku dadaalyaan sidii ay dhageystasheeda ugu qeyb gelin lahaayeen doodaha markaas taagan , runtii waxaa VOA-du ku guuleesatay inay muddo gaaban ku kasbato dhageystayaal faro badan.
Labada idaacadoodna waxaa lagu kala xantaa ama dadka badiyaaba aamin san yihin inay kala taageersan yihiin ama u kala dhego nugul yihiin dowlada iyo kooxaha ka soo horjeeda, iyadoo VOA lagu xanto inay Dowladad C\laahi Yuusuf xagiisa u dhego nugushahay , arintaas lafteedana uu madaxweynaha cadeeyay wareesi uu siiyay VOA-da uu si bareer ah ugu weerararay idaacad BBC-da , mar walibana madaxweyne C\laahi Yusuf wuxuu wareesiyada siiya VOA-da.
Halka BBC-duna lagu tiriyo inay xaga muqaawamada ama mucaaradka fursado u siiso inay ka hadlaan amaba buunbuuniya arimaha mucaaradka, waa sida ay marar badan ku celceliyeen masuuliyiin ka tirsan DFK. oo arintaas bbc-da ka cabanaya. Ilaa iyo iminka waxaa la dhihi karaa tartanka inuu maraayo heer ay Idaacad walib ku gacan sareeyso Deegaano, Tusaale ahaan Dalka Yemen ayaa waxaa aad looga dhageystaa VOA-da taas aan ku qiimeynay ra'yi baaris aan ku sameynaya dhageytayaasha qaar oo noo soo baxday natiijo ah 56.5% VOA , halka rayi baaristaa ay BBC-da heshay 43.5 % BBC.
Dhanka kale ayaa Dalka Sucuudiga aad looga dhageystaa BBC-da oo Codayn lagu sameeyay dad isugu jira Duqow iyo Dhanliyaro, haweenba waxaa ay natiijadu soo baxday 85.3% inay dhageystaan BBC-da halka 12.5% ay dhageystaa VOA-da halka 2.2% aysan meelna u janjeerin.
Sidoo kale wariyaha G-News ee Magaalada Muqdisho ayaa isna warbixin arintaa ku saabsan soo qaaday oo ku sheegaya in 41% ay BBC-da dhageystaan halka 14.6% ay VOA-da ka dhegeystaan halka 44.4%na ka dhageystaan Idaacadaha Dalka.
Isla warbixin taa lamida oo lagu eegay Dalka UAE ayaa sheegaysa in BBC-da ay ku horeyso 49.7% halka 39.3%na VOA halka ay 11% ka gaabsadeen wax jawaabo ah.
Ugu danbeentii waa maxay ujeedada tartanka u dhaxeeya labadaas idaacadood ??? muxuuna ku saleesan yahay tartankaasi !!!
Jawaabta su'aashaas iyo qoraalo badan oo aan idiin soo uririnay waxaa si fiican aad ugu bogon doontaa buugg dhowaan soo bixi doona dabayaaqada sanadka 2008 oo ku farayareystay qoraaga da'da yar waxaan si weyn ugu faaideysan doontaa taariiqda labadaas idaacdood oo soomaalida si weyn loogu dhageysto guud ahaan gudaha dalka iyo walliba jaaliyadaha soomaaliyeed ee daafaha caalamka, waxaana si wayn ugu bogon doontaa aasaaskii idaacadaas ,maamulada ay soo mareen, waxqabadkooda , ujeedooyinkooda oo ay dad badani si wayn isku weydiyaaan.
Buuggan oo ku soo bixi doona labo 2 luqadood Soomaali iyo English dhowaana aad ka heli doontaan suuqyada ama maktabadaha buugaagta lagu kala iibsado

By:Abdirahman Tammaam
tammaam@hotmail.com

GENDERSHE Copyright © 2008 [G-News]