|
Magaca eebe ayaan ku bilaabaynaa ee naxariis guud iy mid gaaraba naxariista. | |
|
![]() |
| Suuradani waa Suurad gaaban, hase yeeshee waa suurad
aad iyo aad u wayn, waxayna soo degtay markay gaaladii Quraysh nabigeena
ku dheheen Eebahaaga noo tilmaan. Wuxuuna Eebaheen ku cadeeyay Suuradan
inuu Kali yahay, Maxaa yeelay? wehel uma baahna, inuu Sayid kaaf toon
yahay dadkuna u baahan yihiin. Inuusan wax dhalin, siday Gaaladu qaarkood
sheegtay. wax lamid ahna uusan jirin. Bukhaari wuxuu wariyay inaan Eebbe Cidna uga adkaysin badnayn dhibuu maqlay, ilmay u sheegeen isna wuu arsuqaa oo caafiyaa. Hadalkii Eebe ee Qudsiga ahaa waxaa ku sugnaaday: Ibnu Aadam wuu i beeniyey kumana haboona, wuu i caayey kumana haboona, beenintiisu waa inuu yidhi ima soo celiyo siduu igu billaabay, Billowguna iigama fududa soo celinta, Caydiisuna waa inuu yiri: Eebe ilmuu yeeshay, anna waxaan ahay Keli Sayid ah, man dhalin laymana dhalin, wax ila mid ahna ma jiro.(Waxaa weriyay bukhaari). | |
|
Tixraac: Kitaabka Quraanka Kariimka ah ee ku tarjuman Af soomaaliga. |
|
Copyright © Gendershe 2007-2008 |