![]() |
|
Shirkii Jabuutii oo UMMADDA loogu heshiiyay in aan la heshiinin!! Waxaa in dhowaalaba la hadal hayay in shir la isugu keeni doono garabyada Dowlada iyo Mucaaradka dalkaasi Jabuuti, sidaan maqaalo horeba ugu faaloonay inta aanu shirku qabsoomin ayaan ifafaalo ka sii bixinay runtiina waxaa inoo soo baxay xaqiiqda dhabta ah ee aan ifafaaleenay , bal dib u aqriso maqaalkii ahaa: (Yaa u wan qalaynna???!! Shirka DF iyo Mucaaradka) Shirkii waa qabsoomay iyo ma qabsoomin ayaaba dad badan isweydiiyeen, ma is hor fariisaneeno iyo derbiga gadaashiis ayaan ka wada hadleenaa ayay gaartay, Anagu uma imaanin in aan Dowlada la hadalnee waxaan u nimid waan gaarnay, masuuliyiintii na soo dirsatay ayaan ku laabaneenaa iyo hadalo badan ayaa meesha ka soo yeeray, waa yaab ama amakaag !!!!!, Danta dadka iyo dalka inay wax ka qabtaan dad u socda meesha kama aysan muuqan hoteelkaan deg kan kale u guur, iyo tafaraaruq badan oo shacbka barkii ka shakisanaayeen ayaab soo if baxay Annaga nama matalo , iyo erayo badan oo ummada rajedeeda dilaya ayaa soo yeeray, balamo kalaa la kala galay, ugu danbeyn maxaa la dhihi karaa maxaa lagu heshiiyay ?? oona lagana heshiiyay? Bal dib u aqri maqaal kal hore bogaa ku baxay: ( Timirtii hore dab loo waaa ) Mida hore shirkaan wuxuu qeyb ka noqday shirarkii badnaa ee lagu yiqiiin qowleesatada ama siyaasiyiin isku sheegta Soomaalida, wuxuuna qaatay namabrka 49aad ee shirarkii loo qabtay dib-uhishisiinta Soomaalida, Waxaa yimid shirka ragg kale oo siyasad ku cusub ragii cuslaa ee hardanku ka dhexeeyay ma ay soo muuqaan mana aysan soo xaadirin marka waxaa meesha ka cad sida aysan daacad ugu eheen amaba weli aysan ugu bisleen in ay dalkii iyo dadkii badbaadiyaan,!!! Iyadoo dhibaatada iyo macluusha dalka Soomaaliya ay sii kordheyso isku celcelis tirada maalintii ku dhimata gudaha Soomaaliya siyaabo kale duwan ha u kala dhintaanee Baahi, Cuduro, Dagaalo iyo kala danbeyn la'aan waxaa lagu qiyaasay 100 ruux maalintiiba INNAA LILLAAHI WA INAA ILLEEHI RAAJICUUN !!! Hadana waxaad arkeesaa ragii mas'uuliyada sheeganayey inaysan marnaba u damqaneynin ummadaan daayaca ah oo ku dhow inay caalamka ka dabar go'do. Hadaba ugu danbeyntii waxaan oran karnaa shirkii jabuuti ee bartamihii bisha May 2008 waxaa lagu heshiiyay ama ummada loogu heshiiyay in aan la heshiini!! Taariikhduna rag bay Xumaan iyo Samaan ku xusi doontaa, Shacabkuna wuxuu mar walba ku qasban yahay inuu sabarka cuksado baryadda Allena badiyaan kana haraan qabyaalada, xarigga Allena ku midoobaan si looga baxo masiibadaan. Waxaa Qoray: Abdirahman Tamaam tammaam@hotmail.com Copyright©[G-News] |
|