HomeAbout usChattingCasharoAroosDhalashoTacsiadverMembersGuddiga Sarre ee badbaadinta Gendershe

3D Animated Flags--By 3DFlags.com

Qolobaa calankeedu, waa ceynoo, Innaga keenu waa, Cirkoo kale e, Oon caadna lahayn, Ee caashaqaye. Xidigyahay cadi, Waad noo ciidamisee, Carradaa kaligaa adow curadee cadceeda sideedaa u caan noqo ee
Ma rabtaa inaad Noqoto
Malyuuneer

Alifaaga weyn ee Maraykanka John Hofman ayaa buugiisii:
"FANKA IYO URUURINTA QASHINKA"
ku soo bandhigay dhowr waano oo khaas ku ah dadka doonaya inay sidegdeg ah u gaaraan Hanti fara badan ama doonaya inay noqdaan MALYUUNEERO.
Buugaasi ayaa wuxuu tilmaano waaweyn siinayaa sida loo ururiyo Qashinka taas oo Qofka dhibaataysan ka dhigi karta mid kunool sida Boqorada oo kale.
Hofman ayaa ku sheegay Buugiisa ay kasoo qurmoonayaan Hawo ur badan gunaanadii tijaabo uu sameeyay hantida ku dhex duugan sanduuqyada Qashinka isagoo kucadeynaya hadalkiisa sawiro muujinaya tijaabadaa uu sameeyay.
Buugaasi ayaa wuxuu soo bandhigay tijaabo howlgal ah oo uu yaraantiisa sameeyay taas oo ahayd inuu uruurin jiray Qashinka oo uu ka qaatay khibrad waxa sanduuqa Qashinka ku jira. Wuxuu sheegay inay jiraan Dad Dabaalo ah dadka ku nool Ameerika khaasatan dabaqada Sarsare kuwaas oo ku rida sanduuqa Qashinka Alaab qiimo badan oo waxtar leh. wuxuu yiri kuwa qashinka uruuriya way ka faa'ideysan karaan oo waxay noqon karaan dad Malyuuneero ah waa hadii ay meeleeyaan arinkaa oo sidii larabay uga faa'ideystaan.
Wuxuu astaan ahaan siiyay in ruuxa Qashin baaraha uu labisto kabaha culculus iyo dhar adag uuna sito toosh [Karbuuno], iyo boorsad uu ku urursado waxyaabaha yar yar ee qaaliga ah, gacantana ku sito ul afka hore looga dhuftay Musmaar si uu ugu kala sooco qashinka kiisa waxtar leh iyo kan kale. wuxuu aad ugu waaniyay inay ka fogaadaan sanduuqyada qashinka ee ku jira raashinka lasoo reebay iyo muraayadaha jajaban. wuxuu aad ugu waaniyay in fiiro gaara u yeeshaan sanduuqyada ay ku jiraan alaabta raashinka ama sanduuqyada raashinka la isticmaalo ama alaabta la istimaalo ee lasoo riday.
Wuxuu buuga kusoo bandhigay qeybo kamida oo u fududeyneysa habka uu urogrogi lahaa sanduuqyada qashinka isagoo ku waaniyay inay marka hore iska uriyaan si ay u ogaadaan sanduuqa iyo waxa ku jira kana fogaadaan sanduuqyada ay Eeyaha iyo bisadaha ku falaadeen maxaa yeelay waa sanaadiiq ay ku jiraan raashin lasoo reebreebay.
Sidoo kale wuxuu ku waaniyay inay feejignaadaan oo sanduuqyada qaar ayay kala kulmi karaan wax dhaawaca. ayna mudnaanta koowaad siiyaan sanaadiiqda qashinka dabaqada sarsare si ay u gaaraan hadafkooda.

QEYBTII LABAAD [2]

N:B:
Waxaa xusitaan mudan in Buugan uu qoray Hofman uu gaaray Guul weyn kaas oo laga yaabo in ay Dhalinyarada sameeyaan ku dayasho si ay u gaaran taajirnimo degdeg ah sida uu yiri HOFMAN.

Waxaa soo diyaariyay :
Maxamuud Sheekh Cabdulqaadir
diyeeshe@hotmail.com
[G-News]

[ Indonesiya oo ku hanjabaaday inay xiri doonto Mowqica "Youtube" ] Mudaaharaadyo