HomeAbout usChattingCasharoAroosDhalashoTacsiadverMembersGuddiga Sarre ee badbaadinta Gendershe

3D Animated Flags--By 3DFlags.com

Qolobaa calankeedu, waa ceynoo, Innaga keenu waa, Cirkoo kale e, Oon caadna lahayn, Ee caashaqaye. Xidigyahay cadi, Waad noo ciidamisee, Carradaa kaligaa adow curadee cadceeda sideedaa u caan noqo ee
Ma rabtaa inaad Noqoto
MALYUUNEER

Waxaa muhim ah Marka hore in ruuxa beni-aadamka ahi ogaado in Dunidan ay tahay mid lagu Imtixaanayo aysan marnaba ahayn mid waarta, waxa kadambeeya waa Maalin lala xisaabtami doono wax alla wixii uu sameeyay ha'ahaadeen Kheyr ama Shar labadaba.
Qiyaamuhu waa Noloshii daa'imka ahayd ee ruux walba u shaqeysan lahaa siduu ku noqon lahaa kii ku guulaystay Raxmada EEBE.
waxaana Ilaahay ka baryayaa dhamaan inta Muslimiinta ahi uu Naxariistiisa Janadii Firdowsa ku geliyo.
Marka si aan Maalintaa argagaxa leh uga gudubno EEBE wuxuu inoo soo diray Rasuulkeena suuban MUXAMMAD Nabadgelyo iyo Naxariisi korkiisa ha'ahaatee oo inoo cadeeyay wixii Kheyr oo idil ah, sidoo kalena inooga digay wixii shar ah.
Hadaba si aad Miisaankaaga maalinta Qiyaame u badsato waxaan kuu soo xulnay arimo fudud oo aad la imaan karto ... hadana EEBE agtiisa ka weyn, sida ruuxi yiraahda :
Subxaanal-laahi Alcadiim wabi xamdihi IYO Subxaanal-laahi wa bixamdihi
oo uu rasuulku Nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha'ahaatee ku sheegay in Miisaanka qiyaame ay ku culus yihiin carabkana ku fudud yihiin xaga EEBE laga jecel yahay.

Ajarada Miisaanka Qiyaame lagu laban laabo waxaa kamida:
1- Salaada oo Xaramka lagu tukado:
Labo rakcadood oo lagu tukado Maka waxay u dhigan taa 200 oo kun oo rakcado wax lamida 46 sano oo kaamil ah oo suno aa tukatay.
10 rakcadoodna waxay lamid tahay 230 sano macnaha Milyoon rakaco.

2- Salaada Jimcaha:
Talaabo kasta oo aad qaado waxay lamid tahay sanad adigoo tukanayey habeenkiina salaad ku soo jeeday. Sidoo kale dumarka ku baraarujiya ragooda iyo caruurtooda iyana waxay leeyihiin ajarkaas mid lamida.
waxaana u daliil ah:

Xadiiskani waa saxiix oo waxaad ka fiirin kartaa Saxiix ul Jaamic nambarkiisuna waa 6405
3- Salaada oo Jamaacad lagu tukado:
Ruuxi Salaada Subax [Fajarka] iyo Cishaha ku tukada Jamaacad ajarkiisu wuxuu la mid yahay mid habeenkii oo idil salaad u taagnaa...
waxaana u daliil ah:

Xadiiskani waa saxiix oo waxaad ka fiirin kartaa Saxiix ul Jaamic nambarkiisuna waa 6342
4- Sadaqa Jaariyada ama mid aan dhamaaneyn ajarkeeda ee socota inta Qiyaamaha laga gaaro:
Sida kaalmaynta dhisida Masaajidada, Ama qodida Ceelasha, ama Hoy ama barbaarinta Caruurta lagu barbaariyo Diinta Islaamka, Dadka oo wanaaga la faro.
waxaana u daliil ah:

Xadiiskani waa saxiix oo waxaad ka fiirin kartaa Saxiix ul Jaamic nambarkiisuna waa 793
5- Fududeynta Howlaha dadka: [Dadka dhibaataysan oo dhibaatada looga gargaaro]
Ajarkiisu wuxuu u dhigmaa Bil oo masjidka Ictikaaf lagu sameeyo [khilaawo].
[Bil cibaado loo go'ay - sida tobanka dambe ee Ramadaan loo sameeyo Ictikaaf]
waxaana u daliil ah:

Xadiiskani waa Wanaagsan oo waxaad ka fiirin kartaa Saxiix ul Jaamic nambarkiisuna waa 176
6- Dhibka oo lagu Sabro:
Ajarkiisu aad ayuu u wayn yahay xitaa dadka Caafimaadka qabay maalinta Qiyaamaha way u shalaynayaan markay arkaan dadkii dhibaataysanaa ee Ajarka badan lasiinayo.
waxaana u daliil ah:
Xadiiskani waa mid Wanaagsan oo ka eeg Saxiixul Jaamic 5484
Howlaha Ajar badan lagu gaarayo aad iyo aad ayey u fara badan yihiin oo ma'aha mid aan halkan kusoo koobi karno.
Howsha wanaagsan ee la qabto tobanka maalmood ee bisha Xajka, Salaada Duxada, Tasbiixa, Aqriska Quraanka, Salaada sunada oo Sir lagu tukado sida habeenkii oo aan cidna ku arkin, Bisha Ramadaan oo la cumraysto, Jihaadka Nafsada iyo maalkaba loo huro, Soomida maalinta Carafa [dadka aan xajinayn], Booqashada ruuxa jiran, Ehelka oo la xiriiriyo, Rasuulka NNK oo lagu saliyo, Istigfaarasho.... iwm.
Waxaan filayaa inaan xoogaa ka taabanay hadafkii qoraalka ee ahaa Malyuuneer sideen ku noqonaa....

Ugu danbeyntii waxaan EEBE ka baryayaa inuu Denbigeena iyo kii waalidkeena iyo kii Caruurteena, Macalimiinteena iyo kii Ehelkeena Kii walaalaheena Kii Deriskeena kii Muslimiinta oo idil kuwa dhintay iyo kuwa noolba Ilaahay cafiyo naguna kaalmeeyo sidii aan Isaga oo keliya u Caabudi lahayn


QEYBTII KOOWAAD [1]

Waxaa soo diyaariyay :
Maxamuud Sheekh Cabdulqaadir
diyeeshe@hotmail.com
[G-News]

[ Indonesiya oo ku hanjabaaday inay xiri doonto Mowqica "Youtube" ] Mudaaharaadyo