HomeAbout usChattingCasharoAroosDhalashoTacsiadverMembersGuddiga Sarre ee badbaadinta Gendershe

3D Animated Flags--By 3DFlags.com

Qolobaa calankeedu, waa ceynoo, Innaga keenu waa, Cirkoo kale e, Oon caadna lahayn, Ee caashaqaye. Xidigyahay cadi, Waad noo ciidamisee, Carradaa kaligaa adow curadee cadceeda sideedaa u caan noqo ee

Jariidad NORWEY ah oo soo bandhigtay Sawir xun


Jariidad Norwey ah ayaa shalay Talaadadii bogeeda kusoo bandhigtay Sawiro lagu fara xumaynayo Rasuulkeena suuban Nabadgelyo iyo Naxariisi korkiisa ha'ahaatee iyagoo taas ugu yeeray inay lagarab taagan yihiin Dowladda Denmark oo dhawaan Safaaradeeda ku taala Islamabad qarax lala beegsaday.
Garab istigaadida iyo Sawirka maxaa isu keenay ... maanta reer galbeedka wuxuu la'yahay inuu inaga dhaadhiciyo in cayda ay tahay xoriyad.
Goorma ayay CAYDU noqotay xoriyad. Waxaanu ognahay in Dowladdaha dunida oo dhami madaxdooda iyo kuwa ka tirsan barlamaanadaba ay lee yihiin wax loo yaqaan Ilaalin diblomasi oo cidina ma aflagaadeyn karto ...xitaa Maxkamad lama soo taagi karo inta uu haysto Xisaanada Diblomasi; marka sidey kula tahay in Nabi nabiyada kamida la aflagaadeeyo.
Reer Galbeedka waxay moodaan in muslimiinta ay kala soocayaan Nabiyada ... xitaa hadii la aflagaadeeyo Nabi Ciise ama Nabi Muuse Naxariisi korkooda ha'ahaatee Muslimiinta mu'miniinta ahi waa ay damqanayaan oo ma ogolaanayaan.
Laakiinse arinka jira ayaa wuxuu yahay Galbeedka siduu u dhan yahay waxay Islaamka u qireen inuu yahay Cadawgooda koowaad, waajibna ay tahay in lala dagaalamo oo dunida laga tirtiro.
Ma'ay Oga Nabigeena aan jecelnahay iyo Samaanta Islaamnimada; Keliya waxay ka og yihiin sida ay warbaahintooda ugu gudbisay oo ah Burbur, kharibaad, iyo [Istishhaadiyiin] oo runtii sikastaba hadii loo eego waxaad moodaa inay saxsan yihiin, laakiinse arinta waa ay kafog tahay sidaasi ... oo waxaynu ognahay in maanta dunida 80% warbaahinta kajirta ay maamulaan Sahyuuniyada ayna adag tahay sidii dhabta loogu gudbin lahaa reer galbeedka.
Waxaan xusuusanaa ... horumarkii warbaahineed ee ay samaysay Telefishanka Aljaziira. markay arkeen waxaa la isku dayey in lajoojiyo sikastaba. Waxaa la burburiyay xafiiskii Aljaziira ee Afgaanistaa "KABUL", Sidoo kale waxaa laburburiyay xafiiskii ay ku lahaayeen Baghdad waxaa laga dilay wariyihii Dhariq Ayuub oo kasoo hadlayey Magaalada Baghdad kolkii uu dagaalka socday...
Waxaa laxiray TAYSIIR CALUUNI oo haatan gurigiisa si khasab ah ugu xiran... Saami Alxaaj ayaa 6 sanadood xirnaa ... iyo dhowr kale oo aan lasoo sheegi karin... intaas oo idil waxaa looga dan lahaa sidii loo cabsi gelin lahaa inay wax ka sheegaan runta jirta ee ay ku dhaqmayaan reer galbeedka.
aan usoo noqono Mowduuceena ... Qaadacaada waa inay noqotaa mid joogta ah... dowlad kasta oo Rasuulkeena iyo Islaamnimada faragashatana waa in badeecadeeda lajoojiyaa, laguna ekeyn arinkaas oo keliya waxaa waajib ah inaynu ku dhegno wado kasta oo looga hortagayo kuwa ku xadgudba Rasuulkeena sayidkeena ah iyo Sayidkoodaba ku Sanduleyn xitaa Fatikaankaba.





Maqaalo la xiriira .... mowduucan..


Qaadac Badeecada Denmark
Mudaaharaadyo kadhacay meelo kamida dunida muslimka


Waxaa Qoray:
Sharmaarke Khaliif Saciid "Shardiid"
Email: sharmaarkekhaliif@yahoo.com
[G-News]

[ Indonesiya oo ku hanjabaaday inay xiri doonto Mowqica "Youtube" ] Mudaaharaadyo
Maqaal
Ma'ogtahay Faa'iidada Gudniinka ?!!
Maqaal
Shirkii jabuuti oo Umadda lagu heshiiyay
in aan la heshiin

Maqaal
Waa maxay Sababaha Furiinka badiyay ?!!
Maqaal
Kulayl Gubasho Gamaarasho

Maqaal
Tartanka VOA Vs BBC oo sii kordhaya
[ ka aqri halkan]

Maqaal
Timirtii hore DAB loo waa
[ ka aqri halkan]

Maqaal
Shirkadii Kaluumaysiga Shifco xagey kusocotaa???!!!!
Maqaal
Yaa u wan qalanaya???!!!
Shirka DFK iyo Mucaaradka.?
[ ka aqri halkan]

Maqaal
Tirada Qaxootiga Soomaalida dalka Yemen oo sii kordheysa !!!!!!
Maqaal
Tahriibka waa Tahluuko!!!!
Maqaal
Barro Cadawgaada!!!!
Maqaal
Sicir bararka Yaa ka mas'uul ah??
Maqaal
Dib u heshiisinta [Nuur Cadde] ma Miro dhali kartaa.!!!?
Maqaal
Caruurta Soomaaliyeed Dhaan u ma maqna!!!
Qeybtii Labaad [ka aqri halkan]
Maqaal
Maxaad ka taqaanaa Jubadda Hoose..?
Qeybtii Labaad [ J.hoose ]
Maqaal
Dhibaatooyinka Saxafiga
Maqaal
Dowlad waxay ka timaadaa Bulshada
Maqaal
Maxaad ka taqaanaa Xisbullah
Maqaal
Muqdisho iyo Maanta
Maqaal
Nabada iyo Nolosha
Sheydaanka iyo Meelaha uu kusoo ganbado.

Maqaal
Xumaanta iyo Samaanta

Weriye ama Sawir qaade SAAMI ALXAAJ Maxaad ka taqaanaa
. Waa weriye u dhashay Dalka Suudaan ... wuxuu u shaqeynayey Kanaalka Aljazeera ee Qadar ... [ka aqri Halkan.]