![]() |
|
[Sideen Kugaarnaa Nabad waarta] Waxaa gobolka Shabeelaha hoose isku dhaafdhaafay Qabqablayaal Dagaal oo aan u naxariisan dadka iyo deegaanka Gobolka, baabi'iyayna Ishii risqigooda sida Beeraha, Kaluumaysiga iyo Xoolaha; Mararka qaarkoodna uu dagaal ba'an ku dhexmaray gudaha Deegaanka, kaas oo abuuray Barakac, taran go' Nabada waa Nolosha oo hadii aysan Nabad jirin Nolol lama heleen. Hadaba sideen Nabad ku gaarnaa ... Marka hore Soomaaliya waa in Shacabka laga qaadaa Dulmiga bareerka ah, cidkastana loo celiyaa xoolaheeda iyo deegaankeeda. Qabiilna waa in laduugaa waa hadii aynu rabno inaan horumar gaarno. Kheyraadka Dhulkeena hadii si wacan loo adeegsado wuxuu deeqaa dhamaan Dowladaha Geeska Afrika oo idil; waxa keliya oo aan ku dadaalnaa waa horumarinta caruurteena oo aan ku dadaalnaa Waxbarashadooda, Caafimaadkooda... iwm. Maanta Dhibaatada ugu wayn ee Soomaaliya ka taagan waa joogitaanka Ciidamada Itoobiya oo ah mid gumaysi ah... welina kusaleysan diin ladirir. Waayo majiraan bareer keliya Gowraca ay ugeysteen Culimadii Masjidka Alhidaaya oo ahaa kuwa aan hubaysneyn... ee waxa keliya oo lagu dilay ay tahay "Inay muslimiin yihiin". Si loo gaaro nabad buuxda waa in marka hore Ciidamada Itoobiya laga saaraa Wadanka, Dagaal, wadahadal siyaasadeed intaba ee aan laga fadhiisan marnaba, la'iskuna soo dhaweeyaa Dadka kala durkay dhanka siyaasadda. Heshiis oo ay Soomaalidu gaarto waa mid Shacabka ay u riyaaqi doonaan, waase kolka lahelo Mas'uuliyiin diyaar u ah inay fiiriyaan Maslaxada Dalka iyo dadka. Waxaa qoray: Cabdulqaadir Nuux abnuh@hotmail.com [G-News] |
|