![]() |
|
Shir ay dadka gobolka dega uwada dhanyihiin iyadoo ay qabanqaabiyayaashu ka kala socdeen qabaa'ilada hoos ku qoran.
Waxay ka cudur daaranayaan Aqoonyahanadu inay arintu weli ay qabanqaabo joogto wixii sixid ahna in la saxo ay u dhega nuglaanayaan wixii khaldid ahna aysan dheg jalaq usiineynin, waayo wadanka caqabadaha hortaagan ayaa ka mid ah in gobolka SH/hoose dadka u dhashay uusan maamulkiisa gacanta ugu jirin balse ay jiraan dad u dhashay oo u adeega qolooyinka xooga ku haysta. Aqoonyahanadaasi waxay kaloo cadeeyeen in arintaasi ay ka timid in Gobolka dadka u dhashay gacanta u gasho, Culumo udiin, Aqoonyahano iyo Maalqabeeno u dhashay gobolka, marka ay arintaas hirgashana qeybahaas is biirsaday waxay xalin doonaan khilaafaadyada kale ee guud ahaan wadanka ka jira; waxayna ballanqaadeen inay mideyn doonaan Maalkooda, Maskaxdooda iyo weliba Muraqooda, kana imaan doonto arin anfacda wadanka oo dhan waayo dadbaa si dulmi ah arintaas ku mideeyay waxna ku noqday maxaad u maleynee hadaan si xaq ah ku mideyno ayaa ka mid ahaa hadalada ay is weydaarsadeen Aqoonyahanadaas. Wejiga hore ee shirkani waa xog aruurin iyo mideyn dadka gobolkaan u dhashay iyadoo khilaafaadka laga saaraayo, wejiga labaadna howsha xoogeeda dibadda ayay ka soconeysaa waa Dhaqaale uruurin, Qorsho loo sameeyo ka dibna howsha oo la gudo galo iyadoo maamulka laysaga dambeyn doono sida loo kala cilmi badan yahay mid diini iyo mid maadiba. Waxaa iyadana aan meesha ka marneyn in uu gobolku yeelan doono Ciidan mideysan oon dhexyaac ahayn xog dhameystirana ka hayn doono yoolka ay u halgamayaan asluub wanaagna lagu soo xulo. Xafiiska Warbaahin GENDERSHE: ee Degmada AFGOOYE info@gendershe.com [G-News] |
|
© For All Somali |