HomeAbout usChattingCasharoAroosDhalashoTacsiadverMembersGuddiga Sarre ee badbaadinta Gendershe

3D Animated Flags--By 3DFlags.com

Qolobaa calankeedu, waa ceynoo, Innaga keenu waa, Cirkoo kale e, Oon caadna lahayn, Ee caashaqaye. Xidigyahay cadi, Waad noo ciidamisee, Carradaa kaligaa adow curadee cadceeda sideedaa u caan noqo ee

[Wararka Bisha July 2008]

Qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka KMG ayaa ugu baaqay Xukuumada uu hogamiyo Ra’iisul Wasaare Nuur Cadde in ay iscasisho. Xildhibaanada baarlamaanka dowlada KMG ayaa maanta waxa ay baaq u jeediyeen Xukuumada uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaaraha dwolada KMG Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) in ay iscasisho kadib markii sida ay sheegeen ay ku fashilantay howlihii ay u xilsaarneed sida amaanka iyo fadeexad maaliyadeed,iyadoo ay soo hordhigeen qaar ka mid ah mudanayaashaasi oo arintani ku aadan in ay iscasisho xukuumada Nuur Cadde kadib qoraal ay soo saareen. Mudanayaashaan oo katirsan Baarlamaanka KMG ayaa la tilmaamay in ay gaarayaan ku dhawaad 32 Mudane ayaa waxaa kamid ahaa Cabdi Rashiid Shabeel oo idaacada Shabelle u aqriyay qodobadii la hordhiyay baarlamaanka KMG ah oo ku aadan in Xukuumada Nuur Cadde ay is casisho. Ma aha markii ugu horeysay oo xildhibaanada Baarlamaanka KMG ay iscasilaad u soo jeediyaan Xukuumada uu hogaamiyo Ra’iisul wasaaraha dwoalada KMG iyadoo xildhibaanadaan ay horay iscasilaad u soo jeediyaan xukuumada Nuur Cadde.
Iska horimaad socday muddo daqiiqado ah ayaa goor dhoweyd oo barqanimadii maanta ah waxa uu ka dhacay agagaarka Isgoyska afarta Jardiino oo ka tirsan degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho kaasoo u dhexeeyey ciidamo ka wada tirsan dowladda federaalka Somalia, iyadoo iska horimaad-kaasina uu ka dhashay qasaarooyin iskugu jira dhimasho iyo dhaawac. Sida dad goob joogayaal ahi sheegeen iska horimaadkan ayaa yimid ka dib markii ciidamada DF ee halkaasi ku wada sugan uu soo kala dhex galay khilaaf iyo muran u xuubsiibtay gacan ka hadal salka ku haya lacago canshuuro ah oo halkaasi looga qaado gaadiidka dadweynaha, waxaana iska horimaadkaas ku dhintay hal askari oo ka mid ah labada dhinac ee halkaasi isku fara saaray halka mid kalena uu ku dhaawacmay.Isu socodkii dadka iyo gaadiidka ee deegaankaasi oo hakad galay intii uu iska horimaadkaasi socday ay dib u soo laabtay hadda ka dib markii uu soo dhamaaday iska horimaadka, iyadoo sidoo kale ay dib u furmeen goobihii ganacsiga ee halkaasi ku yiilay, ma jiraan illaa hadda mas’uuliyiin ka tirsan ciidamada iyo degmada Yaaqshiid oo falalkaasi ka hadlayey hase ahaatee iska horimaaadkaasi ayaa ka mid ah kuwa joogto ah oo ka dhaca magaalada.
30/07/08 [G-News]
Waxaa saaka lagu toogtay agagaarka halka loo yaqaano macmacaanka oo ka tirsan degmada Dharkeynley ee magaalada Muqdisho askari la sheegay inuu kaa tirsanaa ciidamada DF ee halkaasi ku sugnaa, iyadoo dilka askarigaasina ay ka dambeeyeen kooxo hubeysan oo weerar ku soo qaaday sida dad goob joogayaal ahi sheegeen. Warka ayaa intaa ku daraya in xiliga la tooganayey askarigan uu ku howlanaa inuu lacago baad ah ka qaato gaadiidka dadweynaha ee halkaasi isaga goosha, waxaana weerar gaadmo ah ku soo qaaday koox ku hubeysan bastoolado oo halkaasi ku toogtay, waxaana dilka askarigaasi uu keenay iney muddo kooban xiranto wadada weyn ee dhexmarta degmada Dharkeynley, iyadoo goobiuhi ganacsiga qaarkoodna cabsi awgeed loo xiray. Qaar ka mid ah ciidamada DF ayaa daqiiqado ka dib halkaasi soo gaaray iyagoo goobta ka qaaday meydka askariga lagu toogtay mana jirin wax dhibaatooyin kale ah oo ay halkaasi ka geysteen, waxaana markii dambe dib uga laabtay halkii ay markii hore ay ka yimaadeen oo aheyd saldhiga booliska galbeed ee ku yaala degmada Dharkeynley, iyadoo wixii ka dambeeyeyna u dib u bilowday socodka dadka iyo gaadiidka iyo dhaqdhaqaaqii ganacsiga ee halkaasi ka jiray.
30/07/08 [G-News]

Warar lagu kalsoonyahay oo aan kasoo xiganay shaqaalaha Dekedda Muqdisho ayaa sheegaya in Dekedda Muqdisho uu ku xiran yahay Markab sida raashin loogu tala galay xoolaha lana damacsan yahay in loo iibgeeyo Dadweynaha iyadoo lagu wado in laga faa'iideysto baahida shacabka iyo xaalada maanta ka taagan geyiga Soomaaliya.
Warku wuxuu intaas ku darayaa in loorarka ay ku jiraan raashinkaasi ay ku qoran yihiin 'Animals food' laguna bedalayo dekedda dhexdeeda. Waxaana falkaasi kukacaya waa Ganacsato Soomaali ah oo aan naxariis lahayn. waxa keliya oo ay fiirinayaan waa sidii ay dhiiga uga miiran lahaayeen Shacabka tabaalaysan ee fiirsanaya nolol maalmeedkooda.
Gendershe.com
Waxay ugu baaqaysaa Mas'uuliyiinta u xilsaaran Ganacsiga iyo dhaqaalaha ee Dowladda kumeelgaarka Soomaaliya inay arintan wax ka qabtaan cadaaladna lasoo taago cida ka danbeysa.
30/07/08 [G-News]

Afhayeenka Maxkamadaha Islaamiga dhinaca howlgalada meleteri SH.C/RAXIIM CIISE ayaa beeniyay inay wadahadalo u socdaan Maxkamadaha iyo DFKM kadib markii shalay uu sheegay wasiirka gadiidka cirka iyo dhulka XAABSADE inay wadahadalo u socdaan DFKM iyo Maxkamadaha islaamka ayna la dagaalami doonaan urur diimeedka hubaysan ee AL SHABAAB.
Sh. Cabdiraxiim ayaa dhankiisa ka sheegay in mujaahidiinta aan lakala dhantaali karin hadafkoodana uu mid yahay.
Wuxuu kaloo raaciyay waxa ladoonayo waa sidii loo kala jibin lahaa dagaalyahanada, wax lala dagaalamo waa jiraan waa cadawga Diinta iyo Dadka Soomaaliyeed ee Itoobiya iyo wixii soo raaca.
30/07/08 [G-News]

Dibax balaaran ayaa iminka wuxuu ka socdaa inta u dhaxaysa Xamar iyo Afgooye oo ay ku nool yihiin dadkii ka barakacay Magaalo madaxda Muqdisho; Banaanbaxaasi ayaa lagu taageeray xil ka qaadista lagu sameeyay Gudoomiyihii hore ee Gobolka banaadir ahaana duqii Magaalada Muqdisho MAXAMED CUMAR XABEEB (MAX,ED DHEERE). oo ay ku tilmaameen inuu ahaa nin Mujrim ah oo laayey Shacabka maatada ah ee ku nool magaalada Muqdisho iyo dacaladeeda.
30/07/08 [G-News]
Gudoomiyihii gobolka Banaadir isla markaana ahaa duqii magaalada Xamar MAXAMED CUMAR XABEEB (MAX,ED DHEERE) ayaa jagadaasi laga xayuubiyay maanta, kadib markii wareegto looga qaadayo xilkaas uu soo saaray Ra'isul wasaaraha DFKM NUUR XUSEEN XASAN (NUUR CADDE) Waxaana si kumeel gaar ah xilkaasi loogu magacaabay ku xigeenka duqa magaalada dhanka Arimaha Bulshada MAXAMED CISMAAN CALI (DHAGAX TUUR). [G-News]
. Warar Soomaaliya oo goosgoos ah:
Doon ay saarnaayeen lix ruux oo ka timid dhanka degaanka KUDHAA kuna socotay magaalada Kismaayo ayaa ku qalibmatay meel 20KM u jirta xeebta Kismaayo kadib markii ay soo wajaheen mowjado culus oo doonta kula qalibmatay, dadaal badan kadib waxaa laga soo badbaadiyay seddex ruux halka la la' yahay seddexda kalle oo raq iyo ruuxba aan lahayn.
Xaalada Suuqa Huriwaa ayaa kacsan kadib markii halkaasi ku faafeen ciidamada DFKM ee dhawaan lagu soo tababaray Itoobiya waxayna halkaasi ku dhaawaceen wiil dhalinyaro ah.
Waxaa dib u furmay wadada maka al mukarama kadib markii saakay waaberigii ay xireen ciidamada Itoobiya iyo kuwa madaxtooyada oo halkaasi ka sameeyay miino baaris xoog badan, warar aan la xaqiijinin ayaa sheegaya in uu yimid Madaxwaynaha DFKM Cabdullahi Yuusuf Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo oo maalmahaan ku maqnaa socdaalo qaar kamida gobolada Dalka.
[G-News]29/07/08

Wasiirka dagaalka ee Israail Ihud Barak oo ka codsaday dowladda Maraykanka inay sii wado khiyaarka caskarinimo ee lagu doonayo in lagu wiiqo barnaamijka Iiraan ee Nuyuklerka
Ihud Barak ayaa ku adkeeyay dowladda Maraykanka inaysan iska deyn khiyaarka caskarinimo ee lagu wiiqayo barnaamijka Iiraan ee Nuyuklerka, iyo khiyaarada kaleba ee diblomaasiga ah.
Ihud Mar uu kula shiray wasiirka dagaalka ee Maraykanka Robert Gets magaalada Washington ayaa cadeeyay in barnaamijka Iiraan uu khatar ku yahay deganaanshaha Gobolka bariga dhexe iyo Caalamka oo Idil isagoo tilmaamaya in la adkeeyo cunaqabateyta dhaqaale ee lagu hayo dowladda Iiraan.
Mas'uul ka tirsan wasaarada Dagaalka ee Israail Caamuus Jalcaad ayaa sheegay intuusan Ihud Barak u duulin Washigton : In Israil aysan ka aamusi karin hanjabaada " Nuyuklerka Iiraan " ayna haboon tahay in ahmiyada koowaad lasiiyo khiyaar diblomasi, laakiinse ay Israail diyaar u noqoto khiyaarada oo dhan.
Mar sii horeysay ayaa wasiirka Gaadiidka ee Israil bixiyay hadalo xiisad dhaliyay kol uu socdaal ku tagey Ameerika wuxuuna yiri:
Hadii ay Iiraan kusii socoto Barnaamijka Nuyukleerka waanu weerareynaa
[G-News]29/07/08

Askari Ingiriis ah ayaa ku dhintay kadib markii ay xoogaga Dhaalibaan duqeyn u geysteen Fariisin ay ciidamada Ingiriiska ku lahaayeen Gobolka Helmand ee koonfurta Afgaanistaan. halka ay ciidamada NATO ka qiratay inay dileen 2 caruur ah. Bayaan kasoo baxay Wasaarada Gaashaandhiga ee Ingiriiska ayaa sheegay in askariga ladilay maalintii Isniinta ahayd markii ay kooxo hubaysan ay tacshiirado ku fureen roondo ay wadajir ku ahaayeen iyaga iyo ciidamda Afgaanistaan, haseyeeshe Dhaqdhaqaaqa Dhaalibaan ayaa arintaasi ku tilmaamay mid been ah oo weerarka ay ku dileen askariga ku sheegay inay ahayd duqeyn ay duqeeyeen fariisinka ciidamada Ingiriiska.
Bayaanka wasaarada ayaa ku daray warkiisa in roondadii wadajirka ahaa ay heleen macluumaad ay soo gaarsiiyeen dadka deegaanka in kooxo raacsan dhaalibaan ay ku xeersan yihiin halka ay kusii jeedaan, laakiinse inta aysan difaac gelin ayaa tacshiirado lagu soo furay oo halkaasi lagu dilay askariga.
Askarigaa la dilay ayaa ka dhigaya tirada askarta Ingiriiska ee lagu dilay Afgaanistaan 113 askari halka ay ciidamo gaaraya ilaa 7700 ku baahsan yihiin cariga Afgaanistaan.
Wararka kale ayaa sheegaya in ciidamada Ingiriiska la kordhin doono sanadka soo socda bilowgiisa lana gaarsiin doono 8030.
Ciidamada NATO ayaa qirtay inay ku dileen laba caruur ah koonfurta Afgaanistaan, dilkaasi ayey ku tilmaameen inuu ahaa mid Askarta Ingiriiska ay xabado ku fureen gaari kusoo dhawaaday Gaari ay askarta saarnaayeen kol ay marayeen koonfurta Qandahaar.
warku wuxuu intaasi raaciyay in ay siiyeen tilmaan ah inuu ka fogaado gaariga laakiinse way iska dhegatireen.
Qaramada Midoobay iyo xukuumada Afgaanistaan ayaa ka codsaday ciidamda isbahaystay ee NATO inay ka fogaadaan waxyeelida dadka rayidka ah taas oo wiiqi karta caawinaada inuu helo Karazai iyo iyadoo ciriiri gasha joogitaanka ciidamada Isbahaystay NATO.
[G-News]29/07/08

Ciidamada Itoobiya oo ay wehliyaan ciidamada DFKM, iyo Ciidamada AMISOM ayaa saakay waxa ay xireen wadooyinka soo gala isgoyska No.4 ee isku xira garoonka diyaaradaha iyo wadada Maka Almukarama ee aada xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.
Ciidamadaan ayaa la sheegay in ay isku dhereriyeen wadada dheer ee Garoonka diyaaradaha ilaa Madaxtooyada, waxaana la sheegay in ciidamada Itoobiya ay halkaasi ka wadaan howlo miino baaris ah. waxaana goobahaasi laga maqlayey rasaas la isweydaarsanayo oo darandoori ah taasi oo Cabsi weyn gelisay dadweynaha ku dhaqan degmooyinka Waaberi iyo Hodan.
Miino baaristan ayaa waxay kadanbeysaa kolkii dhowr jeer iska horimaad xoogan lagula yeeshay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM wadada Maka Almukarama iyo xaafadaha Waaberi iyo Hodan oo khasaaro xoog leh ay kala kulmeen.
Dad goob jooga yaal ah oo degan xaafadaha Waaberi iyo Hodan ayaa kusoo waramaya in deeganadaasi ay soo gaareen ciidamadii dhowaan lagu soo tababaray dalka Itoobiya. kuwaas oo isku dayaya inay kasbadaan dadka deegaanka, beryahan ayaa waxaa sii kordhayay dhaca la sheegay in ay geeysanayaan ciidamada Booliiska DFKM ee Soomaaliya qaarkood kuwaasi oo dadka rayidka ah ku baarta xaafadaha kala duwan ee gobolka Banaadir. mana jiraan ilaa iyo haatan falal ay ku kaceen sidii kuwii ka horeeyay.
29/07/08 [G-News]

Waaberigii saakay ayaa waxaa lagu arkay Dahablihii hore ee Xamar wayne labo ruux oo mayd ah oo ay ka muuqatay Xabado lagu dhuftay, lamana yaqaan waxa dilay labadaasi ruux iyo waxay ahaayeen, sidoo kalle waxaa saakay lagu arkay nin mayd ah Degmada Waaberi sida la sheegayna waxaa dilay Askarta Itoobiyaanka ah ee degan wadada Maka al Mukarama ee kala qeybisa degmooyinka Waaberi iyo iyo degamada Hodan..

Waxaa Xalay lagu dilay Degmada Shibis ee Gobolka Banaadir RAXMO CABDULQAADIR SHIIKHOW iyadoo kasoo baxday meel lagu kireysto Internet ayaa waxaa afduubay laba nin oo ku labisnaa dharka booliska Dowladda kumeelgaarka ah, markii ay keeneen fagaare kabaxsan goobtii ay kasoo afduubeen ayaa ay toorey dhuunta kaga dhufteen.
Sida ay wararku sheegayaan labadaasi nin ayaa ah kuwo laga yaqaano degaanka oo laba Usbuuc kahore ku dilay laba gabdhood isla dariiqada lagu dilay xalay gabadhan.
Isla wararka naga soo gaaraya degmada Shibis ayaa sheegaya in Labo dhalinyaro ah lagu dilay xaafada NASIIB BUUNDO ee degmada SHIBIS waxaana falkaasi gaystay kooxo ku hubaysnaa bastoolado; labada dhalinyaro ayaa lagu tilmaamay inay ahaayeen burcad dadka dhici jiray horayna loogu digay loona sheegay inay iska daayaan dhaca ay dadka ku hayaan shacabka, balse dheg jalaq uma siin digniinada la siiyay maantana waxay noqotay maalintii koowaad ee ay u hoydaan IILKA.
27/07/08 [G-News]

Goor dhow ayaa waxaa dagaal culus lagu qaaday fariisimada ciidamada itoobiya ay ku leeyihiin warshadii hore ee Baastada iyo sarta Xayle bariise, Dagaalka ayaa waxaa qaaday xoogaga muqaawamada waxaana laysku garacayaa hubabka noocyadiisa kala duwan dagaalka ayaa weli si xoog leh u socda.
Ciidamada Itobiyaanka ayaa waxay bartilmaameed ka dhigteen guryaha dadka rayidka ah, walow xaafadahaasi goor hore ay isaga qaxeen dadkii deganaa.
Madaxwaynaha Soomaaliya Cabdullahi Yuusuf oo shalay gaaray magaalada Garoowe ayaa maanta la filayaa inuu gaaro magaalada Gaalkacyo oo beryahan xaalada amaankeendu aan cago adag ku taagnayn. Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf oo uu hogaaminayo wafdi balaaran ayaa mas’uuliyiinta Puntland kula leh wadahadalo ku saabsan Burcad badeedda ku soo kordheya deegaanada Puntland, kuwaasi oo beryahan soo xoogeystay, saldhigyana ka samaystay deeganka, waxaana jirta in haatan dhowr Maraakiib lagu haysto deegaanka Puntland.
Sidoo kale ayaa lagu hadal hayaa in Madaxweynaha uu soo booqan doono degaanada ay kasocdaan Shiidaal baarista, lana yeelan doono kulamo warbixin ah mas'uuliyiinta goobahaas.
27/07/08 [G-News]
Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in wadada isku xirta tuulada Kamsuuma iyo Magaalada Kismaayo ay ku soo kordhayaan jidgooyooyin farabadan oo ay dhiganayaan maleeshooyin hubaysan; Maamulka magaalada Kismaayo ayaa shaaca ka qaaday inay wax ka qaban doonaan Isbarooyinka daadsan Kamsuuma iyo kismaayo iyagoo uga digay Maleeshiyadaha jidgooyada ka wada deegaanka inay gacan bir ku dhufanayaan.
27/07/08 [G-News]
Warar naga soo gaaraya Dalka Liibiya ayaa kusoo waramaya in Tahriibayaal Soomaali ah oo tiradooda lagu sheegay [50] konton ruux ayaa ku maanshooday xeebaha u dhaxeeya dalalka LIBIYA IYO TALYAANIGA iyagoo bishan 20keeda doonidii waday ka soo shiraacatay xeebaha liibiya kuna jeeday talyaaniga.
27/07/08 [G-News]

Waxaa maanta shaqo joojin sameeyay Darawalada baabuurta daabusha Dhagaxaanta, Carada, Nuuriyada ee loo isticmaalo dhismaha iyagoo ka cabanaya canshuuraha oo lagu kordhiyay ayna ku kordhiyeen maamulka degmada KAARAAN.
Darawalada ayaa intaasi ku daray inay sii wadi doonaan shaqo joojinta ay wadaan ilaa inta laga dhimayo canshuurta lagu kordhiyay.
Canshuurta la kordhiyay ayaa ah mid danyarta ku ah dhibaato weyn oo aanay awoodin iyadoo jirta sicir barar meel walba ah.
Darawalada ayaa ku andacoonaya kordhinta canshuurta inay wax u dhintay nolol maalmeedkooda iyo shaqadoodaba, waxayna maamulka degmada Kaaraan ku eedeynayaan inaysan ka shaqeyneyn danta shacabka dhibaataysan marxalada lamarayo.
Dhanka kale ayaa waxaa Bam gacmeed lagu weeraray Ciidamada DFKM ee fariisinka ku leh isgoyska TOWFIIQ lama oga khasaaraha uu dhaliyay, weerarka kadib ayaa ciidamada Dowladda waxay bilaabeen inay u ridaan rasaas dhan walba ah, waxaana ku dhaawacmay nin rayid ahaa oo marayay wadada.
26/07/08 [G-News]

Golaha Kaluumeysiga deegaanka Gendershe ayaa kusoo waramaya in lala'yahay Hal nin halka ay labo kallena si dirqi ay ugu baxsadeen kadib markii ay la qalibmatay Doon ayku kaluumaysanayeen xeebaha u dhaxaysa Gendershe iyo Jilib-Marka ee gobolka Shabeelada hoose.
Doontaasi ayaa xalay saqdii dhexe ka dhaqaaqday degaanweynaha Gendershe, sida caadada u ahna waxay soo laaban jireen Salaada Subax kadib, hayeeshee waxaa la waayey waqtigii ay kusoo noqan jireen kaluumaysatada kolkay saacadu ahayd 8:19 Subaxnimo ayaa xeebta u dhaxeysa Deegaanka Jilib-Marka iyo Gendershe lagu arkay Laba kamida Kaluumaysatada oo bed qaba inkastoo ay kamuuqatay daal iyo rafaad.
Wararka kusoo kordha dib ayaan idinla socodsiin doonaa....
26/07/08 [G-News]

Qarax aad u xoogan ayaa ka dhacay degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelada hoose kadib markii nin gaari gacanle ah ay miino kula qaraxday degmada Afgooye. Gaari gacanlaha ayaa sida lagu soo waramayo siday alaab, wuxuu dulmaray miino ku aasneyd wadada dhinaceeda, oo loogu tala galay in lala haleelo ciidamada Itoobiya oo dhowaanahan ku sugnaa deegaanka. Goobta Qaraxu ka dhacay waa kasoo horjeedka dhismaha ciidamada booliska ee degmada Afgooye iyadoo ay ciidamada Itoobiya ay galeen dhaqdhaqaaq ay isaga Ilaalinayaan weeraro laga yaabo in lagu soo qaado saacadaha soo socda.
Waxaa dhaawac aad u culus ku soo gaaray qaraxa Gaari gacanlihii oo durbadiiba loola cararay Cisbitaalka Degmada Afgooye
Xafiiska Warbaahinta Gendershe.com ee AFGOOYE [G-News]
Sarifka Lacagaha Qalaad
1 Dollar33.000 Sh.So.
100 Dirham UAE922.000 Sh.So.
100 Sh. Kenya 430.000 Sh.So.
100 SR. 712.000 Sh.So.
Sicirka Badeecadaha
OMO Top10.75$.
Bariis 50kg60$.
Sonkor 50Kg. 24.50$.
Saliid 20Kg. 31.50$.
Bur 50Kg. 47.50$.



Goor dhow ayaa waxaa qarax ka dhacay magaalada gaalkacyo xarun goboleedka mudug, qaraxa ayaa wuxuu ka dhacay xero meletirigii hore ay ku lahaan jireen magaalada Gaalkacyo. qaraxaasi ayaa lagu waramayaa inuu ahaa hub duugooway oo xerada iska oolay ayna uga tageen meletigii dowladii Maxamed Siyaad Barre, balse wax dhibah magaysan qaraxaasi.
Wararka ka imaanaya Magaalada Xudur ee gobolka Bay ayaa sheegaya in maanta jewigeeda uu kacsan yahay kadib markii laga war helay inay halkaasi ku soo wajahan yihiin kooxda dagaalyahanada AL SHABAAB ee ka soo horjeeda joogitaanka Ciidamada Itoobiya.
Gobolka Hiiraan ayaa isna waxaa dagaal aad u xoogan uu ka dilaacay Magaalada Beledweyne oo ilaa iyo iminka laga maqlayo daryanka rasaasta darandooriga u dhaca iyo Madaafiicda waaweyn. Waxaa laga soo sheegayaa magaalada Beledweyne in ciidamada Itoobiya ee ku sugan gudaha magaalada lagu hayo weeraro joogta ah oo aan kala go' lahayn, dhanka kalle ciidamada Itoobiya ayaa waxay PM ku ridayaan xaafada HOWLWADAAG ee magaalada Beledwayne.
Dhinaca kallena dadkii rayidka ahaa bilaabay inay kaqaxaan magaalada iyagoo ka cabsi qaba inay ku waxyeeloobaan Dagaalada aan joogsiga lahayn ee ka dilaacay Magaalada.
Dad barakacaya oo ka socday Magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in dagaalka haatan socda uu yahay kii ugu weynaa ee ay arkaan oo dhex mara ciidamad Itoobiya iyo Midowga Maxaakiimta Islaamiga.
25/07/08 [G-News]

Laba ruux ayaa ku dhimatay 17 kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii Gaari laga suubixay waxyaabaha qarxa uu ku qarxay Magaalada Sii-oon ee Gobolka Xadarmuut koonfur bari ee Dalkaasi Yemen.
Mas'uul amni oo katirsan ciidamada denbi baarista Yemen ayaa sheegay in ay bilaabatay denbi baaris si loo ogaado kooxda ka danbeysa dhacdadaan oo ilaa iyo haatan aan cidna sheegan mas'uuliyadeeda.
Bishii Janaayo ee ina soo dhaaftay isla gobolka Xadarmuut ayaa waxaa ka dhacay weerar lagu qaaday laba dalxiisayaal ah oo u dhashay dalka Beljiam iyo darawalkooda reer Yeman ahaa oo sadexdoodaba lagu dilay weerarkaas.
Yemen ayaa sidii loo joogaba ka dhaca weeraro ay mas'uuliyadooda sheegtaan Kooxda Alqaacida. Warar laga helay goobtii ay qaraxu ka dhaceen ayaa sheegaya in qaraxu uu ka dhacay Albaabka weyn ee Daarta Amaanka guud ee gobolka kaas oo sababay dhimasho hal Askari iyo kii gaari waday halka 17ka dhaawacmayna ay yihiin askar oo 4 kamida dhaawacoodu halis yahay.
25/07/08 [G-News]
Aqoonyahano kasoo jeeda qabaa'ilada u dhashay Gobolka SH/hoose ayaa shir ay ku wacyi gelinayaan dadyowga u dhashay gobolka SH/hoose ku qabtay Degmada Afgooye shirkaas oo bilow ah walina uu ku jiro sidii ay qabanqaabiyayaashu u qaban lahaayeen.
Shir ay dadka gobolka dega uwada dhanyihiin iyadoo ay qabanqaabiyayaashu ka kala socdeen qabaa'ilada hoos ku qoran.
Ka sii akhri warka intiisa kale halkan

Ergayga qaramada midoobay ee u qaabilsan arimaha Soomaaliya ayaa ka codsaday golaha Amniga inay taageeraan heshiiskii ay kala saxiixdeen xoogaga Mucaaradka ee isbahaysiga dibuxoreynta Somaliya iyo Dowladda Federaalka kumeelgaarka ah bishii aynu soo dhaafnay magaalada Jabuuti, kaas oo dhigayey in ciidamada Itoobiya ay uga baxdo ciida Soomaaliya 4 bil gudahood lana keeno ciidamo Nabad Ilaalin ah oo ka socda Qaramada Midoobay.
Qoraal uu soo hordhigay Golaha Amniga ayaa Wala Cabdala uu ku sheegay inay jiraan 3 khiyaar oo lagu heli karo nabad ka dhalata Soomaaliya taas oo ugu horeysa in Ciidamada Midowga Afrika ee ku baahsan Muqdisho laga dhigo kuwo Caalami ah isagoo tilmaamaya waxa kadhacay gobolka Daarfoor ee Suudaan.
Tan labaadna in la dhiso ciidamo soo dabaala Nabada Tan sadexaadna in ladhiso Ciidamo Nabada Ilaalisa.
Sidoo kale wuxuu codsaday in goluhu qaado talaabooyin wax ku ool ah oo ku aadan Soomaaliya isagoo ka digay in lagu khimaaro mustaqbalka dalkaasi Soomaliya.
Wasiirka Arimaha Dibadda ee Soomaaliya Cali Axmed Jangali ayaa golaha Amniga ka codsaday inay dedejiyaan sidii loo keeni lahaa Soomaaliya Ciidamo Caalami ah oo Nabada Ilaalisa, wuxuuna isku xiray Nabada iyo dibu heshiisiinta iyo raynraynta xaalada aadaminimo ee Dalka.
24/07/08 [G-News]

WAR DEG DEG AH waxaa iminka Madaafiic xoogan ay ciidamada Itoobiya ku garacayaan degmada DAYNIILE ee magaalada XAMAR iyadoo aysan jirin wax weerar ah oo lagu qaaday ciidamada Itoobiya balse lama oga sababta ay ugu ridayaan madaafiicda goobtaasi.
Waxaa degan xaalada magaalada Beledwayne kadib markii saakay ay duqayn xoog leh u gaysteen ciidamada Itoobiya waxaan ilaa iyo iminka la xaqiijiyay inay ku geeriyoodeen todobo ruux oo rayid ah in ka badana tiradaana waa dhaawac iyadoo warar hoose oo ay helayso gendershe.com ayaa waxay sheegayaan in xoogaga Maxkamadaha Islaamiga ay sugayaan Gurmad xoogan oo ay rabaan inay weerar culus ku qaadaan ciidamada Itoobiya ee haatan gudaha u soo galay magaalada Beledweyne.
Wararka kale ee inaga soo gaaraya gobolada Bay iyo Bakool ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe magaalada Qansaxdheere ee gobolka Bay ay gudaha u soo galeen xoogaga hubaysan ee AL SHABAAB iyagoo maanta ay halkaasi ka bilaabeen inay ka aruuriyaan jid gooyinkii daadsanaa magaalada iyo hareeraheeda, waxaa degmada maalintii doraad iska casilay maamulkii DFKM ay u magacaabeen inayka arimiyaan ama kahowlgalaan degmada QANSAX DHEERE. Maamulkii Degmada ayaa sabaha uu isku casilay ay ku sheegeen inay soo wajahday cabsi kaga timid xoogaga ka soo horjeeda DFK.
24/07/08 [G-News]

Xubno katirsan Isbahaysiga dib uxoreynta Soomaaliya ee diidan heshiiskii Jabuuti ayaa magaalada Asmara ee dalka Eritrea kaga dhawaaqay inay xilkii ka qaadeen Sheekh Shariif Sheekh Axmed kuna wareejiyeen Sheekh Xasan Daahir Aweys oo noqonaya Hogaamiyaha Gudiga howlfulinta ee Isbahaysiga dib uxoreynta Soomaaliya.
Sheekh Daahir Xasan ayaa u waramay wakaalada wararka ee Reuter isagoo khadka teleefanka kula waramayey: "Waxaan ahay haatan ahay hogaamiyaha howlfulinta Isbahaysiga dib uxoreynta Soomaaliya" wuxuuna raaciyay in Sheekh Shariif xilkii laga wareejiyay kadib markii uu ka weecday wadadii kooxda Isbahaysiga ay ku aasaaseen Magaalada Asmara.
Guddoomiyaha Isbaheysiga dib u xoreynta Dalka Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in aysan jirin inuu kursi doon yahay xilka uu hayey Isbahaysigana ay tahay mido uu ugu shaqeynayo danta Shacabka Soomaaliyeed. horeyn aanan loogu dhiibin xilka, jaceyl ay u qabaan lakin loogu dhiibay in ay shaqeeyaan umaddana wax u qabtaan ayna ka shaqeeyaan sidii Soomaaliya looga saari lahaa Tikreega dalka kusoo duulay.
Waxaa uu yiri Anagu kursi doon ma ahan ee si qaldan ayay wax u fahmeen, Isbaheysigana waxaa la ogsoon yahay tirada kaga sugan Jabuuti iyo kuwa Asmara kusugan, majirto hab sharci ah oo nalooga qaaday jagada oo waafaqsan wixii aan dhisanay oo aan horey ugu heshiinay.
Sheekh Shariif ayaa cadeeyay maalgelinta Muqaawamada inay iyaga bixinayeen; dhanka siyaasadana ay iyagu difaacayeen kana dhaadhacsiiyeen beesha Caalamka in wadanka uu yahay mid Gacan Gumeysi ku jiro”
Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa eedeyn kulul u jeediyay Dowladda Eritrea oo uu ku eedeeyay in ay dooneyso in fikradeeda lagu shaqeeyo, waxayna doorbidaysaa in Dhiiga qubanaya uu sii socda, Anaguna waxaan ka shaqeyneynaa waa danta Shacabka Soomaaliyeed, Sidaa darteed walalaheenna kusugan magaalada Asmara fikradooda xor uma aha.
Asagoo hadalkiisa sii wata ma uusan hilmaamin kaalintii ay dowladda Eritrea ka geysatay isku ururinta iyo soo dhaweynta Shacabka Soomaaliyeed wuxuuna yiri maadaama ay nasoo dhaweysay uma diidanin arrintaasi waana uga mahadcelineynaa, taasina ma aha in aan danteeda ka shaqeyno. waxa keliya oo aanu kashaqeynayno waa Danta Shacabka Soomaaliyeed”
Ciidamo Soomaali ah oo lagu soo tababaray Dalka Ethopia ayaa xalay maqribnimadii oo ay taariikhdu ahayd 21-07-2008 magaalada wanla weyn soo gaaray; ciidamadaas oo katirsan DFKM ayaa tababarkooda kusoo dhameystay Dalka Ethopia. Maanta oo ay taariikhdu tahay 22-07-2008 waxay soo gaareen Degmada Afgooye waxayna ku dileen 2 maleshiyo Beeleedyadii ka howlgalayay Saldhiga Boliska Degmada Afgooye waxaana halkaasi ku dhaawacmay 4 kale oo mid shacab yahay iyo 3 isla maleeshiyada ah.
Wararka hoosta layskala hadlo ee dadka ayaa ay dadku ku kala fikir duwan yihiin iyadoo dadka qaar ay qabaan in ay ciidamadaas ay gacansaar la leeyihiin Gaalo taas oo ay qofka Muslimka ah ku habooneen. Halka qaar kalana ay qabaan in Ciidamada Shabeelada hoose joogaa ay wax raad ah ku laheyn diin oo ay yihiin Qabiil xoog ku haysta Gobolka una kala qeybsaday sida gumeystaha jufo jufo.
22/07/08 [G-News]
Goobihii ganacsi ee ku yaala degmada AFGOOYE ayaa gebi ahaanba xiran kadib markii ay halkaasi soo gaareen ciidamo Soomaaliya ah ee dhawaanahan lagu soo tababaray dowladda Itoobiya (KOOBI) iyo ciidamo itoobiyaan oo soo galbinayey iyadoo la arkayo iyagoo taagan luuq walba sidoo kalle waxay saamayn wayn ku yeelatay degaamada dadka ka barakacay XAMAR ee degan inta isku xirta XAMAR IYO AFGOOYE.
Ciidamadan cusub ee lagu sheegayo inay soo gelbinayaan ciidamada Soomaalida ayaa ka dhan ah oo wiiqaya heshiiskii dhowaan lagu kala saxiixday dalka Jabuuti kaas oo dhigayey in ciidamada Itoobiya ay ka baxaan wadanka, ee aanay soo kordhin ciidamo kale.
22/07/08 [G-News]
Xaalada degmada Xamar wayne ayaa kacsan shalay iyo maantaba waxaa socda howgalo lagu qabqabanayo dadka degan Xamar wayne taasoo loo aanaynayo dhaawacii shalay loo gaystay Fanaankii CUMAR NUUR BAASHARAX oo ahaa gudoomiyaha laanta Gobonimo ee degmada Xamar wayne iyadoo dadka ku dhaqan degmadaasi ay soo wajahday cabsi ku aadan qabqabashada ba'an ee lagu haayo rayidka aan waxba galabsan. Boqolaal kamida dadweynaha deegaanka ayaa xalay ku baryay Saldhiga Afar irdood iyagoo aan waxba galabsan.
Ciidamada Booliska ee Saldhiga Afar irdood ayaa sida lagu soo waramayo u geystay jir dilyo arxandaro ah dadkii ay shalay galab kasoo qabqabteen maqaayadaha iyo suuqyada degmada Xamar weyne. Raga lasoo qabqabtay ayaa ahaa kuwo iska fadhiyay meelaha lagu qaxweysto oo ku sugayey inay dhageystaan Idaacadaha dibadda sida BBC iyo VOA ...
22/07/08 [G-News]
Dagaal ayaa waxaa uu dhexmaray ciidamo ka wada tirsan DFKM oo kala ahaa kuwa ka howlgala degmada AFGOOYE iyo kuwo kalle ee saacado ka hor soo gaaray degmada AFGOOYE oo lagu soo tababaray dalka Itoobiya (KOOBI) waxaa halkaasi ku geeriyooday labo askari oo ka mid ah kuwa ka howlgala Afgooye iyo mid ka mid ah Askarta Soomaalidu u taqaano (KOOBI) iyadoo xaalada degmada AFGOOYE ay aad u kacsan tahay xiligan, waxaana gebi ahaanba haawaynaya suuqyada iyo wadooyinka ciidamda cusub ee lagu soo tababaray Itoobiya.
22/07/08 [G-News]
Mid ka mid ah booliiska ka hawlgala gudaha magaalada BOOSAASO ayaa xalay lagu dilay magaalada, waxaana dilka u gaystay kooxo ku hubaysan Mindiyo iyo Bastoolado .
22/07/08 [G-News]
Maamulka degmada UFUROW oo uu ku jiro gudoomiyaha degmada C/WAAXID MACALIN ayaa maanta iska casilay howlaha ay u hayeen DFKM iyadoo maalintii shalayto ay is casileen maamulkii ka howlgali jiray degmada QANSAX DHEERE. isla wararka Soomaaliya ayaa waxaa Kooxo ku hubaysnaa Bastoolado ay ku toogteen xaafada NASIIB BUUNDO ee degmada SHIBIS hal nin oo isla goobtii ku geeriyooday wuxuu ahaana aan la garaneyn balse waxaa la socday hal Askari oo ilaalo u ahaa, askarigana waxaa soo gaaray dhaawac culus isla markiiba waxaa soo gaaray goobtii gudoomiyaha degmada Shibis oo ay la socdaan ciidamada DFKM oo goobtii ka qaaday maydka iyo dhaawaca.
22/07/08 [G-News]

Midowga Afrika oo codsaday in la hakiyo Dalabkii ahaa in Madaxweynaha Suudaan lagu soo qabto.
Golaha Amniga iyo Amaanka ee Midowga Afrika ayaa golaha Amaanka ee qaramada Midoobay ka codsaday in layara hakiyo talaabooyinkii uu jideeyay denbi oogaha Maxkamda Aduunka Okampo taas oo dhigaysay in lagu soo qabto Madaxweyne Albashiir iyadoo uu ku eedeeyay falal dembiyo dagaal ah oo ka dhacay gobolka Daarfuur ee dalkaasi Suudaan.
Bayaan ay soo saareen Golaha Midowga Afrika kadib shir wasiireed degdeg ah oo ay isugu yimaadeen xubnaha ka tirsan Midowga Afrika Magaalada Adis ababa ayaa qeexay
In fiiro gaar ah lasiiyo lagama maarmaanna ay tahay inaan la faragelin dadaalka Nabada loogu jiro ee haatan ka socota gobolka, lana fiiriyo marxalada haatan jirta taas oo wiiqi karta Maslaxada iyo Cadaalada dadka dhibaateysan.
Sidoo kale wuxuu bayaanku dhigay in lasameeyo gudi ka kooban shakhsiyaad Afrikaan ah oo u kuurgasha sidii loo daaweyn lahaa arimaha ku salaysan is xisaabinta iyo dib uheshiisiinta Gobolka Daarfuur bil gudaheeda laga bilaabo maanta.
Madaxweyne Albashiir ayaa si cad u diiday in dalkiisu aqbalo wax uu ugu yeeray baad siyaasadeed wuxuuna cadeeyay inuusan shakhsi Suudaani ah u dhiibayn Maxkamada. wuxuuna ku dhaartay xitaa inuusan tin kamida inuusan dhiibayn.
Warkaasi ayaa wuxuu ka danbeeyay sida uu u qeexay Madaxweyne Albashiir warar sheegaya in Suudaan ay dhiibto labadii nin ee ay Maxkamadu soo codsatay kadibna Madaxweynaha la iska cafin doono.
22/07/08 [G-News]
War Degdeg ah: Boqolaal ka mida dadka degan degmada Xamar wayne ayaa caawa oo ay TALAADO soo galayso ku hoyanaya Saldhiga AFAR IRDOOD oo ku yaala isla degmada Xamar wayne kadib markii ciidamada DFKM ay u qabqabteen dadka dhaawicii cuslaa ee waaberigii saakay loo gaystay Fanaankii CUMAR NUUR(BAASHARAX) oo ahaa gudoomiyaha laanta Gobonimo ee degmada Xamar wayne waxaana la cadeeyay in dhaawaca baasharax uu aad u culus yahay. ***
Ciidamo farabadan oo isugu jira Itoobiyaan iyo Soomaali ayaa fariisin cusub ka samaystay degaanka YAAQ BARI WAYNE gobolka Sh.hoose kadib markii shalay gelinkii danbe ay halkaasi ka dhaceen dagaalo u dhaxeeyay ciidamada isbahaystay ee Itoobiya iyo Soomaaliya iyo xoogaga AL SHABAAB.
21/07/08 - G-News -

Murashaxa Madaxweynenimada Maraykanka ee xisbiga Dimuqraadiga Barak Obama ayaa maanta gaaray Dalka Ciraaq iyadoo sifiican ay halkaasi ugu soo dhoweeyeen qolooyinka dhanka siyaasada kukala fog ee Dalkaasi, iyagoo ka rajeynaya in dedejiyo kagurida ciidamada Maraykanka wadankooda
Barak Obama oo ay la socdaan wafdi barlamaan ayaa ka yimid dhanka Kuwait isagoo socdaal kan lamida kusoo maray dalka Afgaanistaan oo uu u haysto inay tahay Jabhada Koowaad ee la dagaalanka Argagixisada.wuxuu ugu baaqay in sidegdeg ah loo sii kordhiyo ciidamada kahowlgala Afgaanistaan.
Obama ayaa lagu wadaa inuu sii aado Wadanka Jordan, Falastiin iyo sadex dowladood oo reer Yurub ah Jarmalka, Faransa, iyo Ingiriiska.
21/07/08 [G-News]

Xoghayaha arimaha dibadda ee Maraykanka Condoleza Rice ayaa uga digtay dowladda Iraan in ciqaab hor leh ay lakulmi doonto hadii aysan laba Usbuuc gudahooda Jawaab ka bixin bandhigii dhiiragelinta ahaa ee reer Yurub ay usoo bandhigeen dalka Iiraan si uu uga noqdo sii habeynta barnaamijka Nuyuklerka.
Waxaa isna la saadaalinayaa in ra'iisul wasaaraha dalka Ingiriiska uu isna bixin doono hanjabaad taa lamida.
Condoleza Rice oo kusii socotay dalka Imaaraadka Carabta ayaa warbaahinta kula hadashay diyaarada dhexdeeda in ay Iiraan la gudboon tahay inay bixiso jawaab lagu qanco laba usbuuc gudahood, iyadoo taa raacisay in wadada Newyork ay u furnaandoonto talaabooyin hor leh oo ciqaabid ah. iyadoo taa ula jeeda in loo noqon doono Golaha amniga ee qaramada Midoobay si loo xoojiyo cunaqabateynta ay ku jirto Iiraan.
21/07/08 [G-News]

Cajalad Vidiyow ah ayaa lagu soo bandhigay Toogasho arxandaro ah oo ay geysteen Askari Yuhuud ah iyo Sarkaalkiisa wiil dhalinyaro ah oo Falastiini ah. kol ay soo qabteen isagoo indhaha iyo gacmaha ka xiran.
Hay'ad Yuhuud ah oo loo yaqaan Betsalim una dooda Xuquuqda aadanaha ayaa sheegtay in dhacdadani ay dhacday laba Usbuuc ka hor markii wiilka laga soo qabtay dad ka mudaaharayey Derbiga ay Yuhuudu ka dhisayso tuulada Nacliin ee gobolka Raamallah.
Waxay cadaysay in [Ashraf Abu raxma] Wiilkaa dhalinyarada ahaa inuu san hubaysneyn kolkii lasoo qabanayey, kudhifashada Rasaastana waxaa goob joog ka ahaa Sarakaal sare oo kooxdaasi hogaaminayey.
Israaiil ayaa isku dayday markii hore inay inkirto sawirada lasoo bandhigay, waxayna sheegtay inay furayso baaritaan ku saabsan arinkaa...
21/07/08 [G-News]

Ciidamadii Soomaalida ahaa ee dhawaanahan lagu soo tababaray dalka Itoobiya oo beryahan ku sugnaa xerada DAYNUUNAAY raacoodii hore ayaa u soo kicitimayay dhanka magaalada XAMAR ayaa waxaa lagu ekeeyay weerar xoogan waxaana weeraray xoogaga kacdoonka kula jira. Ciidamada Soomaalida waxaa gelbinayay kuwo Itoobiyaan ah khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi weli lama helin dagaalkan wuu sii socdaa ilaa iyo iminka.
Wararka kale ee inaga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in 3 Askari oo Itoobiyaan ah ay ku qur baxeen kadib markii Bam gacmeed lagu weeraray dhufays ay ku jireen oo ku yaalay isgoyska TOWFIIQ ee degmada Yaaqshiid.
Waxaa Dagaal xoogan maqribnimadii caawa lagu qaaday Fariisimada ciidamada Itoobiya iyo kuwa Soomaalida ay ku leeyihiin degmooyinka Yaaqshiid iyo Dayniile, khasaaraha soo gaaray labada dhinac ma cadda balse shan ruux oo rayid ah ayaa ku geeriyootay inta la og yahay oo ay ku jireen arday dugsi qur'aan dhiganaysay .
20/07/08[G-News]

Xubnaha Isbahaysiga dib uxoreynta Somaliya ayaa ansaxiyay heshiiskii dib uheshiisiinta ahayd ee lala galay dowladda Federaalka Soomaaliya.
Shir ay isugu yimaadeen Magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti ayaa isbahaysiga u codeeyeen ansixinta heshiiskaasi.
Afhayeenka Isbahaysiga dibuxorenta Somaaliya ayaa sheegay in 106 xubin oo kasoo qeyb gashay shirkaasi ay ku waafaqeen si buuxda heshiiskii lala galay Xukuumada DFK ee ay hormuudka ka ahayd Qaramada Midoobay.
Afhayeenka ayaa sheegay in codeyntani ay guul weyn u tahay hogaamiyayaasha Isbaheysiga dib uxoreynta Somaaliya.
Waxaa shirka kasoo qeybgalay 106 qofood halka 191 xubnood ay kakooban yihiin Gudiga dhexe ee Isbahaysiga si loo ansixiyo heshiis xabadjoojin ah oo socda 3 bilood oo ay soo saxiixeen Ra'iisul wasaaraha DFK Nuur Xasan Xuseen iyo hogaamiyaha Isbahaysiga dib uxoreynta Somaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed 9kii bishii Juun ee aynu soo dhaafnay.
Waxaa lagu waday in uu heshiiskaasi dhaqan galo 9kii bishan luulyo [30 maalmood ka dib] sida ku dhigan heshiiska 3 bilood oo lasii kordhin karo, hayeeshee dagaalada joogtada ah ee u dhaxeeya Maxaakiimta Islaamiga iyo Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Somalida marna kama ay joogsan Magaalada Muqdisho intii heshiiskaasi qalinka lagu duugay.
20/07/08[G-News]

Duqayn ay geysteen diyaaradaha dagaalka ee ciidamada NATO ayay ku dileen 9 kamida booliska dalka Afgaanistaan kadib markii ay weerar duqeyn ah ku qaadeen xarun amniga gobolka Farax laga hago ee bariga Afgaanistaan. halka ay 5 kamida isla booliskaasi ku dhinteen weerar ay qaadeen dhaqdhaqaaqa Dhaalibaan gobolka Hiraat.
Maalintii Axadii ayaa dagaal qaraar ahi ka dilaacay kadib markii ay booliska afgaanistaan ay ku khaldameen ciidamo meliteri ahaa oo katirsanaa xukuumada Afgaanistaan kuwaasi oo ay hogaaminayeen ciidamada NATO iyagoo u maleeyay inay yihiin qaar kamida xubnaha Dhaalibaan sida uu sheegay Maxamed Rasuuli oo ah lataliyaha gudoomiyaha gobolka Hiiraat.

Wuxuu hadalkiisi sii raaciyay in ciidamada meleteriga ay isla markiiba codsadeen [ISAF] gargaar dhinaca hawada ah sidaasina ay ciidamada NATO ku soo duuleen halkaasi oo ay ku duqeeyeen booliskii oo ay ka dileen 9 kamida halka 5 kalena ay ku dhaawaceen.
Rasuuli ayaa sheegay in labada dhinac ay isweydaarsadeen dagaal socday 4 saacadood inta aysan diyaaradaha qumaatiga u kaca aysan duqayn fariisimada ciidamada Booliska.
20/07/08[G-News]

Jaamacadda Carabta oo diiday eedaynta lagu soo oogay Madaxweyne ALBASHIIR. Wasiirada arimaha dibadda ee jaamacada carabta ayaa dhaliilay Mowqifkii OKAMPO ee eedeeyay Madaxweynaha dalka Suudaan Cumar Xasan Albashiir kadib markii shir degdeg ah oo dowladda Suudan codsatay lagu qabtay Magaalada Qaahira ee dalka Masar.
Wasiirada ayaa u adkeeyay go'aan ay soo saareen wadahadal socday 7 saacadood kadib, in Garsoorka Suudaan uu xaq u leeyahay inay baaraan denbiyadii ka dhacay Galbeedka wadankaasi Suudaan ee Daarfuur. Taasi oo si toos ah uga ridaysa Maxkamada Aduunka inay wax shaqo ah ku yeelato arimaha Suudaan.
Waxayna ugu yeereen in ladhamaystiro dacwadihii ka socday dalka Suudan ee ku saabsanaa Denbiyadii ka dhacay Gobolka Daarfuur. iyo sidii loo dhameyn lahaa cadaalada qabsoomtay iyadoo ay eegayaan Jaamacada Carabta iyo Midowga Afrika.
Hogaamiyaha Jaamacadda Carabta Camru Muusaa ayaa shir jaraa'id ku sheegay shirkii kadib:
Waxaan aragnay go'aankii kasoo baxay denbi oogaha Maxkamada Aduunka Okampo inuusan miisaaneyn, oo aysan wax wara kasoo saarin dhinaca mucaaradka iyo waxay sameeyeenba.
20/07/08[G-News]

Xarakada Xamaas ayaa sheegtay inaysan degdeg u qabin wadahadalka ay Israail la hayaan ee ku saabsan Maxaabiis kala qaadashada labada dhinac; ee ay waqtigan lajoogo Ahamiyadda koowaad siinayaan heerka xabad joojinta iyo ka qaadista cunoqabadka Isaaiil ka taagan tahay.
Hogaamiye kamida hogaamiyayaasha Dhaqdhaqaaqa Xamaas Ismaaciil Radwaan oo u waramayey wakaalada wararka ee Jarmalka u sheegay: In Xamaas ay cadeynayso inaysan degdeg u ahayn arimaha kala qaadashada Maxaabiista ee ay marka hore eegayso sida ay Israiil ugu hogaansameyso heshiiskii xabad joojinta ahaa kaas oo ku xusnaa in la furo Marinada xuduuda ah ee ay GAZA la leedahay dhamaan labada dhinac ee Masar iyo Yuhuuda, sidoo kalena laga qaado Cunaqabateynta ay ku jiraan reer GAZA.
Erayadan Mr. Radwaan uu ku hadlay ayaa ay ka danbeeyeen qoraalo warbaahineed oo sheegaya in Dhaqdhaqaaqa Xamaas uu hakiyay wadahadalka kala madax furashada Maxaabiista labada dhinac taas oo ay hormuud ka ahayd dowladda Masar sidii loo sii dayn lahaa Askariga yuhuuda laga heysto Laba sanadood ee Jalcad Shaliid.
Radwaan ayaa aad u adkeeyay codsiga xarakadiisa inay Yuhuuda u hogaansanto heshiiskii bil kahor dhaqan galay ee ay Masaaridu dhexdhexaadinaysay inta aan laga hadlin sii deynta Shaaliid; isagoo ku eedeeyay Yuhuuda inay ciyaar ciyaar iyo kamaloogasho ka sameyneyso sidii loo sugi lahaa xabadjoojinta.
19/07/08 [G-News]

Dagaal ba'an oo ay isaga hor yimaadeen Ciidamada daacada u ah Maxaakiimta Islaamiga iyo ciidamada Itoobiya oo ay isgarabsanayaan ciidamada dowladda Somaliya ayaa dhaliyay dhimasho iyo dhaawac labad dhinac ah.
Goobjoogayaal ayaa ku waramaya in dhowr askari oo Itoobiyaan iyo Somali ah lagu dilay halkaasi, Dagaalkaasi ayaa bilowday maalintii Khamiistii kadib markii ay ciidamo ka socday maxaakiimta Islaamiga ay weerar kedis ah ku qaadeen Fariisin ay ciidamada Itoobiya ku lahaayeen Warshadii hore ee Baastada; sida ay warku sheegayaan waxaa halkaasi lagu dilay 6 askari oo Itoobiyaan iyo saddex kamida ciidamada DFK halka ay maxaakiimta uga dhimatay iyana 3 dagaalyahan. Dagaalka oo socday mudo saddex saacadood oo xiriirta ayaa ku dhimatay laba qofood oo rayid ahaa 6na ay ku dhaawacmeen.
War laga soo xigtay abaanduule ka tirsan Maxaakiimta Islaamiga ayaa sheegay inay ka qabsadeen Ciidamada Itoobiya laba koontarool oo ay ku lahaayeen wadada Warshadaha ee waqooyiga Muqdisho, dagaalkana uu kusii fiday xaafadaha Caymiska, Carafaat, iyo Wadada warshadaha ilaa iyo Miisaanka Dhuxusha. Iska horimaadkaasi ayaa laysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duduwan, Madaafiic, Gantaalo, iyo hubka darandooriga u dhaca.
19/07/08 [G-News]

Barakac xoogan ayaa maanta ka bilowday xaafada ZONE-K ee degmada HODON kadib markii ay xalay ay halkaasi fariisin cusub ka samaysteen ciidamada DFKM. Dadka deegaanka ee barakacay ayaa ka cabsi qaba inay ku dul dagaalamaan labada dhinac ee isaga soo horjeeda magaalada XAMAR. iyagoo dhowaanahanba ka cabanayey madaafiicda ay tuurayaan ciidamada Itoobiya ee ku sugan Cisbitaalka Digfeer kolka la weeraro.
Maalmihii aynu soo dhaafnay ayaa degmada Hodan iyo qeybo kamida koonfurta iyo waqooyiga Muqdisho waxay noqdeen goobo ay isku hirdiyaan ciidamada Dowladda iyo Itoobiya oo garab ah iyo kooxaha kacdoonka ka wada geyiga Soomaaliya.

Mid kamid ah dadkii barakacayey oo lahadlay weriyaheena Gendershe.com ayaa u sheegay in xaaladu aysan ahayn mid fudud, deegaankuna uu noqday mid la isku ugaarsado astaanta shaqsiga. sidaa darteedna ay u barakacayaan iyagoo u baqay nafsadooda oo hadii ay sii joogaan suuragal ay tahay in guryahooda lagu dhex dilo sabab la'aan.
Wuxuu kaloo sii raaciyay inay ladagaalamayaan nolol maalmeedkooda oo aad u sii il dareysatay ayna ku dhow yihiin godka aakhiro taas oo usii dheer iska hor imaadka labada geesood.
18/07/08 [G-News]

Tuulda JAMBALUUL ee degmada AFGOOYE oo ka socotay Ciyaarta loo yaqaan istunka ayaa waxaa lagu weeraray Bam gacmeed waxaana ku dhaawacmay seddex ruux oo mid dhaawaciisu culus yahay.
Weerarkan ayaa ka danbeeyay sida ay goobjoogayaal sheegayaan kolkii xalay lagu daadiyay tuulada waraaqo digniino ah oo ku saabsanaa in aan la qaban karin Ciyaarta Istunka oo aalaaba waqtiyadan oo kalle la qaban jiray.
Ciyaarta Istunka waa ciyaar ay labo kooxood oo Ullo sita ay isga hor imaanayaan istun, Sanadkiina mar laqabto ciyaartaa.
Ciyaarta Istunka ayaa ah mid lagu yaqaano reer Afgooye iyo tuulooyinka ku xeeran waana ciyaar ay boqolaal sano soo ciyaarayeen. maantase waxay ku jirtaa qabashada iyo iska deynta ciyaartaasi.
Dadka qaar ayaa ku eedeeya in ay tahay ciyaartaasi mid Caqiidada Islaamka meel uga dhaceysa waayo dadka istumaya ayaa aaminsan in aan Beeraha si wanaagsan u baxayn hadii aan la ciyaarin ciyaartaas.
Midka kamida oo diiday in magaciisa la sheego kana mida beelaha degan degaanka Afgooye una dhashay beesha GELEDI oo lasoo xiriiray weriyaheena Xafiika Afgooye ayaa u sheegay inaysan ahayn arinka sida loo sheegayo ee ay tahay Ciyaar hido iyo dhaqan ah oo dadka ciil isuqaba ay isaga horyimaadaan oo keliya.
18/07/08 [G-News]

Amaanka Gobolka Shabeelada dhexe ayaa soo hagaagaya kadib markii Ciidamada ka amar qaata Maxkamadaha Islaamka ay gobolkaasi ka bilaabeen Roondooyin ay ku samaynayaan wadooyinka isku xira tuulooyinka iyo magaalooyinka Gobolka, iyagoo ka qaaday Isbaarooyin [Jidgooyin] farabadan oo yaalay wadooyinka dhexmara gobolka shabeelada dhexe.
Dadweynaha gobolka ayaa aad ugu riyaaqay dhaqdhaqaaqan ay sameeyeen Ciidamada Maxaakiimta taas oo kordhinaysa in ganacsigii gobolka uu dib usoo laabto.
Gobolka Shabeelada Dhexe ayaa beryahan ahaa mid Amaankiisa laga deyriyo, Tuugada Jidgooyada oo ku badatay awgeed, dadweynaha deegaankana waxay la baqeen nafsadooda iyo maalkooda.
Waxaase yididiilo weyn geliyay kadib markii ay ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ay sameeyeen baadigoob Jidgooyada ah qaar kamida jidgooyadiina lasoo xirxiray hubkii ay siteena lagala wareegay.
18/07/08 [G-News]

Dhul boob xoog leh ayaa ka socda warshadii hore ee HILIBKA KISMAAYO oo horey loo bililiqaystay. Dhulkii Warshada ayaa haatan waxaa ku socda Cabirasho iyo Dhismo oo ay dadka samaynayaan iyadoo aysan jirin cid ka hortagaysa Dhul boobkaasi baahsan.
Warshada Hilibka ee Kismaayo ayaa kamida ilihii dhaqaale ee Wadanka Soomaaliya ugu horeeyay, waxayna ahayd dhowrka warshado ee ka badbaaday bililiqadii ka dhacday dalka Soomaaliyeed kadib markii uu burburay Maamulkii Maxamed Siyaad Barre.

18/07/08 [G-News]

Ugu yaraan waxaa ku dhimatay 7 ruux oo rayid ah iska hor imaad ka dhacay saaka Magaalada Muqdisho kaas oo ay isaga horyimaadeen kooxaha Mucaaradka iyo ciidamada Itoobiya.
Labada dhinac ayaa waxay isu adeegsadeen hubka noocyadiisa kala gedisan sida Madaafiicda xooga leh iyo hubabka kale ee darandooriga u dhaca. iska hor imaadkaasi ayaa wuxuu ka dhacay xaafadda Huriwaa ee koonfurta Muqdisho oo lagu tiriyo halka ugu amaan daran ciidamada Itoobiya oo ku halaagsamaan.
Wakaalada wararka ee faransiiska war laga soo xigtay ayaa sheegtay in goobjooge u sheegay in lagu dilay haweeney iyo labadeeda canug hoobiye ay soo tuureen ciidamada Itoobiya kolkii la weeraray Fariisamahooda ku yaala goobtaas, halka ay rasaas iska socota ku dishay laba ruux oo kale.
Dhanka kale ayaa afhayeenka Maxaakiimta Islaamiga Sheekh Cabdiraxiim Ciise Cadow sheegay in ciidamadoodu ay weerareen 5 goob oo waqooyiga Muqdisho kamida oo ay fariisimo u yihiin ciidamada Cadawga Soomaaliya, ayna ka dileen dhowr askari halka uu qirtay in laga dilay iyaga 2 dagaalyahan 3 kalena ay dhaawac kusoo gaareen.
Iska hor imaadkan ayaa ah mid yimid Usbuuc kadib kolkii ay dhamaatay mudadii 9 luulyo ee la isu qabtay in lagu hirgeliyo heshiiskii ay dowladda kumeelgaarka la gashay hogaamiyayaasha waaweyn ee dhaqdhaqaaqa mucaaradka ugu weyn ay hogaanka u hayaan Islaamiyiinta.
Heshiiskaasi ayaa siinaya labada dhinac mudo bil ah inay bilaabaan hirgelinta xabadjoojinta, haseyeeshee qolada lagu tiriyo inay yihiin Islaamiyiinta madaxa adadag ayaa diiday heshiiskaasi, iyagoo sheegay inay marka ugu horeysa ciidamada Itoobiya ka baxdo Dalka inta aan la bilaabin wadahadal lala galo DFKM..
16/07/08 [G-News]

Waxaa galabnimadii maanta oo Arbaco ah si nabadgelyo ah ku tagay Degmada Bardaale xoogaga dagaalyahanada Islaamiga ee AL SHABAAB oo uu hogaaminayay Afhayeenka ururka al shabaab SH.MUQTAAR ROOBOW CALI(ABUU MANSUUR).
Waxaa si wanaagsan loogu soo dhaweeyay Degaanka oo ay isugu soo baxeen meel Fagaaro ah Odoyaasha deegaanka iyo dadweynaha ku nool degmada Berdaale>
Abuu Mansuur ayaa meel fagaaro ah kala hadlay dadwaynaha ku dhaqan degmada iyo Odoyaasha deegaanka BARDAALE isagoo ku booriyay inay qaataan ku dhaqanka shareecada Islaamka.
Markii uu dhameystay khudbadiisii ayuu kulan la qaatay Odayaasha dhaqanka isagoo u sheegay inay samaystaan maamul ka madaxbanaan DFKM.
16/07/08 [G-News]

Qarax ayaa goor dhowayd lala eegtay fariisin ciidamada DFKM ay ku lahaayeen isgoyska FOLERENSA ee Degmada Wardhiiglay waxaa halkaasi ku geeriyooday labo ruux oo marayay wadada dhinaceeda balse khasaaraha ciidamada gaaray lama yaqaano.
Weeraradan googooska ah ayaa beryahan noqday kuwo joogta ah oo lala eegto fariisimaha ciidamda DFK iyo fariisimaha ciidamda Itoobiya.
Ciidamada Dowladda ayaa beryahan ka waday degmooyinka Hodan, Huriwaa, iyo Suuqa Xoolaha Olole lagu raad joogsanayo argagixisada ajaanibta ah ee kusugan dhulka Soomaaliya sida uu u sheegay gudoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir uqaabilsan arimaha Bulshada.
Ololahaasi ma'aha kii ugu horeeyay ee dowladdu sameyso hayeeshee waa kii ugu balaarnaa ee ay ku dhaqaaqdo tan iyo intii ay dagaaladu kusoo rogaal celiyeen magaalada Muqdisho.
Ciidamo horleh oo Itoobiyaan ah ayaa xalay saqdii dhexe soo gaaray buurta 112km ee duleedka magaalada Beled wayne iyagoo kayimid dhanka Itoobiya. Ciidamadan ayaa xiray wadada dheer ee gasha magaalada, iyadoo dadweynaha reer Beledwayne ay muujinayaan cabsi ay ka qabaan ciidamadan cusub inay fuliyaan howlgalo arxandaro ah kadib markii maalmihii u danbeeyay ay khasaaro xoogleh kala kulmeen kooxaha kacdoonka ka wada Geyiga Soomaaliya.
Ciidamadan cusub ayaa ah kuwo buuxinaya halkii kuwii lalaayey maalmihii ina soo dhaafay.
Qaar kamida siyaasiyiinta wax ka indha indheeya gobolka ayaa sheegaya in talaabadan ay tahay mid Itoobiya ay fariin ugu dirayso kooxaha Soomaalida inaysan u hogaansamayn kabixida dhulka Soomaaliya ee ay joogitaankeedu yahay Gumaysinimo. Banaabax la filayay inuu shalay ka dhaco inta u dhaxaysa XAMAR iyo AFGOOYE ayaa maanta ka dhacay degaanada Ceelasha biyaha, Lafoole, Carbiska iyo km 13 wuxuuna ku saabsanaa dibadbaxaasi oo loogu soo horjeeday dilka lagu hayo dadka u shaqeeya Hay,adaha Samafalka ee ka howlgala koonfurta Soomaaliya.
15/07/08[G-news]

br>WAR DEG DEG AH: Dagaal xoogan ayaa goor dhow lagu qaaday Ciidamada DFK ee xarunta ku leh Tarabuunka degmada Hodan, weerarkaas ayaa kadanbeeyay kooxaha kacdoonka ka wada Geyiga Soomaaliya; waxaan la'ogeyn khasaaraha ka dhashay weerarkaasi oo dad goob joogayaal ahi sheegayaan in dhowr Hoobiye lala helay gudaha Xerada
15/07/08[G-news]
Afhayeenka Maxkamadaha Islaamka SHEEKH CABDIRAXIIN CIISE CADDOW ayaa iska fogeeyay inaysan wax lug ah ku lahayn dilka beryahan loo geysto Shaqaalaha haya'daha samafalka ee ka howlgala Koonfurta Soomaaliya.
Wuxuuna Cadeeyay inay ka danbeeyaan dad cadaw ku ah Shacabka Soomaaliyeed oo aan marnaba u naxayn dhibaatada haysata Shacabka. wadankana kusoo hogaamiyay Cadaw ugaarsanaya waxgaradka iyo kuwa dhaqdhaqaaqaya ee u gargaara Shacabka dhibaateysan
15/07/08[G-news]
Duhurnimadii maanta ayaa waxaa jidka loo galay ciidamadii DFKM ee dhawaanaha lagu soo tababaray dalka Itoobiya iyo ciidamada Itoobiyaanka ahaa ee soo galbinayay ciidamadaasi; waxaa weerar culus oo isu jilbolaabasho ah ku qaaday kooxaha ka soo horjeeda joogitaanka Ciidamada Shisheeye dhulka Soomaaliya.
Dagaalkaasi ayaa wuxuu ka dhacay meel u dhow degmada BARDAALE ee gobolka BAY.
Warar goosgoos ah oo ka imaanaya Gobolka ayaa sheegaya in khasaaro xoog leh ay soo gaareen ciidamadii lasoo gelbinayay iyo kuwii gelbinayeyba.
15/07/08[G-news]

Madaxweynaha dalka Afgaanistaan Xamid Karazai ayaa ku eedeeyay Dowladda Pakistan inay ka danbeysay qaraxii lala beegsaday Safaarada Hindiya ee Kaabul isbuucii lasoo dhaafay.
Karazai oo u hadlayey suxufiyiin ayaa sheegay inay gaarsiiyeen xukuumada Pakistan in dilka loogeysto dadka iyo burburinta buundooyinka Afgaanistaan ay ka danbeeyaan calool ushaqeysato maslaxada Ciidamada Paakistaan.
Wakaalada wararka ee reuter ayaa laga soo xigtay hadalkii Karazai oo sheegay in kooxo katirsan sirdoonka iyo ciidamada Pakistaan aysan dooneyn in Afganistaan Degto.
Eedeynta ayaa waxay lasii socotaa kadib markii uu Karazai ku handaday inuu ciidamo u diri doono gudaha Pakistan si ay ula dagaalamaan dhaqdhaqaaqa Dhaalibaan isagoo ku eedeeyay Pakistaan inay ku guuldareysatay inay sameyso Dagaalkaas.
Dowladda Pakistan ay diiday inay ka danbeyso weerarka lagu qaaday Safaarada Hindiya, waxayna sheegaysaa in Afgaanistaan ay dooneyso inay ku daboosho guuldara 6 da sano ah ee ladagaalanka ay kula jirto Dhaqdhaqaaqa Dhaalibaan.
15/07/08[G-news]

Dagaal xoogan ayaa iminka uu ka socdaa inta u dhaxaysa warshadii hore ee BAASTADA ilaa xaafada SUUQA XOOLAHA, dagaalkaasi wuxuu u dhaxeeyaa ciidamada Itoobiya ee ku sugan geyiga Soomaaliya iyo xoogaga Kacdoonka ka wada Dhulka Soomaaliya. khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi ayaan weli la'ogaan ilaa iyo iminka oo dagaalku sii socdo.
15/07/08[G-news]

Gabal dhicii caawa ayaa waxaa weerar lagu qaaday Garoonka Diyaaraha ee Magaalada Muqdisho iyo xerada meleteriga ee ku agtaala duleedka garoonka XALANE. Weerarkan oo loo adeegsaday madaafiicda loo yaqaano HOOBIYE waxaa halkaasi degan ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa YUGANDHA iyagoo jawaabta ay bixiyeena ku garaacay meelo ay degan yihiin dad rayid ah balse weli lama haayo khasaaro soo gaaray rayidka waxaana weerarkaasi sheegtay urur diimeedka hubaysan ee AL SHABAAB.
15/07/08[G-news]

Xeer Ilaaliyaha guud ee Maxkamada aduunka ayaa maanta soo saaray wareegto uu kudalbanayo in lagu soo qabto Madaxweynaha dalka Suudaan Cumar Xasan Albashiir, isagoo ku eedeeyay inuu kadanbeeyo dilka iyo dandarada ka jirta gobolka Daarfoor ee Galbeedka Suudaan.
Sida ay sheegayaan khubarada qaanuunka aduunka Waa arin lala yaabo oo runtiina mustaqbalka saameyn xoog leh ku reebi karta xiriirada caalamka.
14/07/08 [G-News]
Odayaasha Dhaqanka ee magaalada Beled wayne iyo saraakiisha Maxkamadaha Islaamka ee ku sugan gobolka Hiiraan ayaa isla ogolaaday in ciidamada Maxkamadaha Islaamka laga saaro magaalada iyo in loo sameeyo magaalada Beled wayne ciidamo madani ah.
14/07/08 [G-News]
Waxaa goor dhow qarax lala eegtay gaarigii u wadan jiray gudoomiyaha degmada xamar jajab AXMED QOOR LEEX waxaa gebi ahaanba burburay gaariga waxaana ku geeriyooday haweenay saarnayd gaariga halka ay seddex kalena ku dhaawacmeen balse waxaa ka badbaaday gudoomiyaha oo la sheegay inuusan saarnayn gaariga.
14/07/08 [G-News]
Saacadaha soo socda ee maanta ayaa la filayaa in la qabto Banaanbax balaaran oo loogu soo horjeedo dilka loo gaysnayo dadka ka shaqeeya hay,adaha samafalka ee ka howl gala gudaha dalka Soomaaliya iyadoo beryahanba dil loo gaysto dadka samafalayaasha oo si xowli leh ku socota.
Dibadbaxa ayaa wuxuu ka dhici doonaa inta u dhaxaysa Xamar iyo Afgooye.
14/07/08 [G-News]
Seddex Markab oo ah kuwa dagaalka lagana leeyahay dalka CANADA ayaa soo gaaray xeebaha soomaliya iyadoo aan la'ogayn sababaha ay u joogaan halkaasi, waxaase beryahanba ka jiray gobolka qalalaaso badgooyo oo sii kordheysay.
14/07/08 [G-News]

Afhayeenka maxaakiimta Islaamiga SHEEKH CABDIRAXIIN CIISE CADDOW ayaa sheegay inay ka danbeeyeen dilka loo gaystay afar ruux oo lagu dilay magaalada Beled wayne wuxuuna ku sheegay inay ahaayeen dad jaajuus u ahaa ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan buurta 112KM eeku taala duleedka magaalada Beled wayne.
13/07/08[G-News]
Warar aynu ka helnay xuduuda u dhaxaysa Soomaliya iyo Itoobiya ayaa sheegaya in halkaasi ay soo dhaafeen kow iyo tobon [11] gaari oo noocooda yahay N3 oo ay saaran yihiin ciidamo Soomaali ah oo dhawaan tababar ku dhamaystay Itoobiya waxaana la socda ciidamo Itoobiyaan oo wata tobon gaari oo URAL waxaana la sheegay in dhawaan ay soo gaari doonaan xarunta barlamaanka DFK ee BAYDHABO.
13/07/08[G-News]
Wardegdeg ah oo ka imaanaya bariga Afgaanistaan ayaa sheegaya in Sideed 8 kamida ciidamada NATO lagu dilay iska horimaad ay la galeen dhaqdhaqaaqa Dhaalibaan [Xigasho Aljaziira]
13/07/08[G-News]

Iraan ayaa ku hanjabtay inay garaaci doonto 32 fariisin oo ay Maraykanka ku leeyihiin Gobolka iyo Qalbiga Israa'iil hadii ay ku dhacdo duulaan Maraykanka ah iyo Israiil.
Maraykanka iyo Israaiil ayaa caadeystay inay ku sheegaan barnaamijka Iraan ee Nuyuklerka inuu yahay mid ay ku doonayso inay kusameysato Bam Nyukler ah. haseyeeshee Iraan ayaa ku sheegtay barnaamijkeeda inuu yahay mid nabad ah oo hormarinaya Dhaqaalaha iyo warshadaha dalka. iyadoo uga faa'iideysanaysa awooda Danabka ee laga helo Nuyuklerka.
War laga soo xigtay wakaalada wararka ee Iraan [Faris] ayaa sheegtay hadalkii mid kamida lataliyaha Cali Khaamani dhanka ilaalada kacaanka Iraan Mujtaba duNuur inay si dhaqsa ah uga jawaabi doonaan dhirbaaxo kasta oo lagaarsiiyo wadankiisa, wuxuuna hadalkiisa ku sheegay inta busta weerarka aysan degin ayaan garaacaynaa 32 fariisin oo ay Mareykanka leeyihiin iyo Dhexda Israa'iil.
War saxaafadeed ay qoreen wargeysyada kasoo baxa Magaalada Tel aviv ayaa sheegayay in Ciidamada Cirka ee Yuhuuda ay tababar maalmahanba ku qaadanayeen Waqooyiga Ciraaq, inkastoo ay warkaan beeniyeen Maraykanka, Israel iyo Ciraaqba hadana Sirdoonka Iraan ayaa xaqiijinaya inay jiraan hadaladaasi ayse diyaar u yihiin jawaab celin laga sheekeeyo.[G-News]
13/07/08[G-News]
Gaari noociisu yahay HOMY oo siday Dad rakaab ah kana yimid degmada AFGOOYE kuna sii socday dhanka iyo magaalada MUQDISHO ayaa kolkii uu marayay KM_13 waxaa rasaaseeyay ciidamada DFKM waxaana halkaasi ku dhaawacmay shan ruux oo saarnaa gaariga.
12/07/08 [G-News]

Baabuurta isaga kala gooshta Xaafadaha Madiino iyo Nambar afar ayaa maanta shaqo joojin sameeyay iyagoo ka cabanaya in si xoog ah looga qaado lacag Baad ah ayna ka qaadaan ciidamada DFKM oo taako taako u taagan wadooyinka gala Madiino iyo Nambar Afar
12/07/08 [G-News]

Suuqyada magaalo xeebeedka KISMAAYO ayaa maanta laga bilaabay canshuur ay soo rogeen maamulka magaalada Kismaayo iyagoo sheegay inay wax ugu qaban doonaan dhanka amaanka oo beryahan aan deganayn iyo Caafimaadka bulshada iyo Waxbarashada caruurta.
12/07/08 [G-News]

Wasaaradda arimaha dibadda ee Maraykanka ayaa sheegtay in xeer Ilaaliyaha guud ee Maxkamada Aduunka Luwes Okambo uu diyaarinayo dalab lagu joojinayo Madaxweynaha Dalka Suudaan Cumar Xasan Albashiir isagoo lagu eedeynayo fal denbi dagaal ah oo ka dhacay gobolka Darfur.
Xukuumada Khartuum ayaa go'aankaasi ku tilmaantay inuu yahay Olole siyaasadeed oo dhan ka ah Suudaan halka ay dowladda Shiinaha ka digtay cawaaqib xumada uu ku reebi karo Gobolka.
Afhayeenka wasaarada Arimaha dibadda ee Maraykanka Shon Mackomark ayaa sheegay in Okambo uu garyaqaanada usoo bandhigi doono Macluumaad maalinta Isniinta ah kana dalban doono inay soo saaraan wareegto ku cad sii loo Albashiir loo horkeeni lahaa Cadaalada.
12/07/08[G-News]

64 qofood oo rayid ah ayaa ku dhimatay duqayn ay ciidamda Nato ka geysteen Usbuucii ina soo dhaaftay Bariga Afgaanistaan.
Laba Gudi oo xaqiiqo baarid ahaa ayaa maalintii Jimcihii gaaray in ciidamda NATO ee ay hogaaminayaan Maraykanka ay si arxan daro ahi duqeyn weerar ah u geysteen xaflada aroos ka jirtay bariga Afgaanistaa. gudiyadaas ayaa u cadeeyay Madaxweynaha Afgaanistaan in 47 kamida dadkii lagu laayey ay ahaayeen kuwo kasoo qeyb galay xafladaas inta kalena ay ahaayeen reerkii xaflada qabay. halka ay 9 kalena ku dhaawacmeen. waxayna sheegeen inay ahaayeen caruur iyo haween dadka lagu laayey xafladaas.
12/07/08[G-News]

Kuxigeenka Duqa magaalada Muqdisho Maxamed Cusmaan ayaa sheegay in maanta oo Sabti ah ka bilaaban doonto gobolka Banaadir iyo gobolada Shabeelada Hoose iyo Shabeelada Dhexe Olole looga hortagayo kooxaha argagixisada ah ee weerarka ku haya ciidamada Itoobiya iyo Ilaalada Nabada iyo Dowladdaba.
Howlgalkan ayaa sida uu sheegay ay qaadayaan Ciidamda Dowladda oo keliya isagoo sii sheegay in ay Argagixisada ku dhexjiraan tiro gaaraysa ilaa 500 oo argagixiso ajaanib ah kuwaasi oo kusugan saddex meel oo kamida Xaafadaha Magaalada Muqdisho.

12/07/08[G-News]
Duqayn ba,an ayaa loo gaystay xarun ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin buurta 112 ee magaalada Beled wayne iyadoo la cadeeyay in madaafiicdii lagu duqeeyay dhamaan ay gudaha u galeen xerada ay ku sugan yihiin ciidamada Itobiyaanka, halka ay iyagana jawaab xoogan ka bixiyeen weerarkaasi.
10/07/08 [G-News]

Tulada mad sheekh oo u dhaxesa degmoyinka baydhabo iyo bardale ayaa saakay dagaal ku dhexmaray xoogaga kacdoonka iyo ciidamo Itoobiyaan ah oo lug kaga soo dhaqaaqay magaalada Baydhabo kuna sii jeeday degaanka Bardaale, khasaaraha soo kala gaaray labada dhinac ayaan weli la helin, balse ciidamada Itoobiya ayaa goordhow gaaray Degmada Bardaale iyadoo ganacsigii degmadaasi ay u xirmeen cabsi soo wajahday dadka iyadoo dadka ay xaroodeen iyagoo ka baqaya dagaal ka dhaca degaanka dhexdiisa.
10/07/08[G-News]

Qiimaha shidaalka magaalada Xamar ayaa maalinba maalinta ku xigta cirka ku sii shareeraya iyadoo dadka ay ka cabanayaan gaawaarida BL_ka oo qiimaha lagu raacayo aan weli soo marin ahna kii ugu sareeyay
Isukala gooshida Afgooye iyo xamar ayaa lagu raacaa 20,000 sh.so. Halka Xamar wayne iyo bakaaro ay 5000 sh.so. noqotay sidoo kale Bakaaro iyo Suuqa xoolahana 12,000sh.so., No:4 iyo Bakaaro 4000 sh.so. Halka isna lacag lagu kordhiyay Korontada iyo Biyaha.
10/07/08[G-News]
Wararka aynu ka helayno xerada DAYNUUN ayaa sheegayaa in xeradaasi ay weerar ku ekeeyeen xoogaga Islaamiyiinta ee Al Shabaab waxayna sheegeen kooxda Al Shabaab inay xeradaasi ay la wareegeen ayna ku dileen todobo Askari kuwa kalena ay ku dhaawaceen qaar kalena ay halkaasi isaga carareen ayna ku furteen saanad meleteri.
10/07/08 [G-News]
Sarifka Lacagaha Qalaad
1 Dollar34.000 Sh.So.
100 Dirham UAE925.000 Sh.So.
100 Sh. Kenya 430.000 Sh.So.
100 SR. 710.000 Sh.So.
Sicirka Badeecadaha
OMO Top10.8$.
Bariis 50kg64 $.
Sonkor 50Kg. 25$.
Saliid 20Kg. 32$.
Bur 50Kg. 52$.

10/07/08 [G-News]


Dowladda Iiraan ayaa maanta tijaabisay Saaruukh [Gantaalka] Shihaab3 oo gaaritaankiisu dheereeyo. waxaa ay sheegtay inuu dhufan karo bartilmaameedyada Israa'il iyo Fariisimada Ciidamada Maraykanka ee kusugan Gobolka bariga dhexe.
Iiraan ayaa tijaabisay 9 gantaal oo kala duwan dhererka masaafada ay gaari karaan sida ay soo tebiyeen wakaalada wararka ee Iiraan. taasi oo xoojinaysa awooda Gantaaleed ee Dalka Iiraan.
Hogaamiyaha Ciidamda Cirka ee Iiraan Xuseen Saalimi ayaa sheegay in dhoolatuskani uu yahay mid lagu sii xoojinayo badbaadinta Umadda Iiraan. wuxuuna sii raaciyay Gantaalooyinkeena waa diyaar waqti kasta iyo meel kasta si habsami ah, waxaana lagudboon cadawgeena inuusan khaladaadkiisa soo celcelin maxaa yeelay buu yiri dhamaan fariisimadooda iyo bartilmaameedyadooda waxay dhacaan indhaheena hortiisa.
09/07/08 [G-News]

Laba ruux ayaa ku dhimatay 32 kalena way ku dhaawacmeen halka ay 5 kamida yihiin askar, kadib markii xalay uu kasoo cusboonaaday iska hor imaad dhexmaray laba qeybood oo SUNI iyo SHIICI ah oo deganaa Magaalada Tarabulos ee Waqooyiga Lubnaan sida ay sheegeen warar laga soo xigtay ilo amni ah.
Wararka ayaa sheegaya in iska horimaadkani sababay kadib markii saddex qaraxyo uu ka dhacay wadada kala qeybisa labada dhinac ee dagaalamay iyadoo aan la'ogayn ilaa iyo hadda cida ka danbeysay qaraxyadaas, taasoo daba raacday inay is weydaarsadaan xabado.
Waxaa horey uga dhacay iska hor imaad xoogan laba usbuuc ka hor kaas oo sababay inay ku dhintaan 9 ruux 45 kalena ku dhaawacmaan inta aysan soo dhex gelin ciidamada meletiga Lubnaan.
09/07/08 [G-News]

Wakaaladda wararka ee Iiraan ayaa sheegatay inay sameeyeen dhoolatus badda iyo cirka ah kaas oo ka danbeeyay Maraykanka oo ku dhawaaqay inay sameyn doonaan maalmaha soo socda dhoolatus kadib markii abaanduulaha Iiraan uu ku handaday inay xiri doonaan Marinka Hormuz hadii wadankiisa lagu soo duulo. Wakaaladu waxay sheegtay in cutubyo ka tirsan Ilaalada Kacaanka Iiraan oo ah garabka caqiidada ee xooga dalka Iiraan ay fuliyeen maalintii Isniintii shalay Dhoolatus ay ku sheegeen inay tahay mid lagu diyaar garoobayo laguna wanaajinayo tayada iyo tabta dagaaleed ee ciidanka.
08/07/08 [G-News]

Aqalka Cad ee Maraykanka ayaa beeniyay in ay jiraan wadahadalo ku saabsan sidii loo jadwalayn lahaa kabixida ciidamada Maraykanka wadanka Ciraaq.
Beenintaan ayay ka danbeysay kol uu horey usii sheegay ra'iisul wasaaraha dalka Ciraaq Nuuri Almaaliki mar uu la kulmay safiirada dowladaha Carabta ee kusugan wadanka Isutaga Imaaraadka Carabta oo uu booqasho ku marayey.
Waxaa warkaasi sidoo kale beeniyay Afhayeenka aqalka cad Gordon Jondro oo lasocda Madaxweynaha kuna sugan dalka Japan. iyo Aqalka Gaashaandhiga "Pentagon" oo iyana beeniyay sheegayna in kabixitaanka Ciraaq ay ku xiran tahay duruufaha amniga ee ka jira halkaasi ee aan Jadwalayn waqti ku xirnayn.
08/07/08 [G-News]

Israa'iil oo Faageysa meydadkii xisbullaah si ay maxaabiis ugu kala soo bedelato...>>> Ciidamada Yuhuuda ayaa maanta Bilaabay inay sii faagfaagaan qubuurayaasha reer Xisbullah ayagoo isu diyaarinaya inay kusoo kala bedeshaan Maxaabiis ay Xisbullahi ka qabsatay Jiilaalkii 2006, warkaasi ayaa laga soo xigtay mas'uul ka tirsan ciidamada dagaalka ee Israa'iil.
Isla arintan war ku saabsan ayaa sheegaya in kalabedeshigan uu noqon doono mid saddex waqti kala dhaca.
Hogaamiyaha Xisbullahi Sayid Xasan Nasrallah ayaa horey usaadaaliyay khudbad uu maalintii Arbaca jeediyay inay kala qaadashada maxaabiista ay dhici doonto laba Usbuuc kadib, kolka ay xukuumada Israel ansixiso.
08/07/08 [G-News]
Dagaalo culus ayaa haatan ka soconaya Deegaanka Wanlaweyn ee Gobolka Sh./Hoose, dagaaladaas oo u dhaxeeya Ciidamo ilaalo ka ahaa raashiin ay lahayd hey,ada cuntada aduunka oo ku siijeeday Gobalada Bay iyo Bakool oo ay dadka deegaanka oo aan ukala harin ay weerar ku soo qaadeen ilaa hadda waxaa ku geeriyooday Dagaalkaa laba qofood oo labada dhinac ah iyo sadax dhaawac ah ma,ahan markii uagu horaysay ee raashin hay,adi leedahay la boobo laakiin midkan waxaa laysu adeegsaday hub noolnool.
07/07/08 [G-News]
Waxaa maanta lagu aasay magaalada muqdisho madaxii hay,ada UNDPda uqaabilsanaa magaaladda Muqdisho marxuum Cusmaan Cali Axmed oo ay xalay kooxo aan lagaranayn oo sedex ahaa ku toogteen iyagoo ku hubaysan bastoolado Deegaanka Buula Xuubay ee magaalada Muqdisho mana ahan markii ugu horaysay oo fal loo gaysto dadka samafalka ka shaqeeya ayadoo horay loo af duubtay madaxii UNHCR ee magaalada Muqdisho u qaabilsanaa Qaramada midoobay.
07/07/08 [G-News]
Howlgal balaaran oo ay maanta ka sameeyeen ciidamada Dowllada Itoobiya inta u dhaxeysa warshadii hore ee kabka iyo Wasaaradii hore ee Gaashaandhiga ayaa la sheegay in ay ku qabqabteen tiro dad ah, howlgalkaasi oo ahaa mid balaaran ayaa lagu baarayay gawaarida BL ka ah iyo ku rakaabka qaada baabuurta la baarayay ayaa dadka laga wadda dejinayay kadibna daba ilaa dacal la baarayay.
Goobta uu ka soconayay howlgalkaas ayaa ah waddada warshadaha oo ah meelaha ugu daran ee iska hor imaadyada ay ku dhex maraan ciidamada Itoobiya iyo xoogaga ka soo horjeeda
06/07/08 [G-News]

Dagaalo culus oo laysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa saakay ka bilowday Deegaanka Wardhiigley ee magaalada Muqdisho, dagaaladaasi oo dhexmaraya ciidamada isgarabsanaya ee Itoobiya iyo kuwa Dowladda kumeel gaarka ah iyo xoogaga ka soo horjeeda joogitaanka ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya ayaan weli la ogayn khasaaraha ka dhashay inkastoo dad goobjoogayaal ah ay sheegeen in uu dhaawac iyo dhimashaba jiraan dagaal kaas ayaan weli istaagin oo haatan soconaya.
06/07/08 [G-News]
Maamulka degmada Cadaado ayaa ka warbixiyay dagaal qaraar oo maanta ka dhacay degmada Cadaado waxayna sheegeen in dagaal uu dhaxmaray ciidamada maamulka iyo kooxo diidan dhul horay Maxkamada u xukuntay inaysan lahayn waxaa halkaasi ku geeriyooday shan ruux shan kallena way ku dhaawacmeen balse xaalada degmada Cadaado ayaa iminka degan.
06/07/08 [G-News]
Dadwaynaha ku nool degmooyinka Xamar jajab iyo Xamar wayne ayaa ka cabanayaa rag ku lebisan dharka ciidamada DFKM oo dhac u gaysta dadka iyadoo markii hore habeennimo dadka la dhici jiray balse maalmahan ayaa dhaca wuxuu noqday mid habeen iyo maalin ah sidoo kalle maanta ayaa waraaqo digniino ah ayaa lagu daadiyay degmada Xamar jajab kasoo loogu digayay dadka ka ganacsada waxyaalaha maanka dooriya iyo raga dhac ka wada degmada Xamarjajab.
06/07/08 [G-News]

Boqortooyada Sacuudiga iyo Dowladda Qadar ayaa maalintii shalay ee Sabtida kukala saxiixday Magaalada Jeddah heshiis ah dhamaystirka calaamadaynta labada xuduud ee u dhaxeeya labadooda dhul.
Waxaa heshiiskaasi dhanka Sacuudiga u saxiixay Wasiirka arimaha Gudaha Amiir Naayif halka Qadarna uu uga saxiixay Ra'iisul wasaaraha dalkaasi Sheekh Xamad bin Jaasim.
Sidoo kale waxaa heshiiskaasi lagu qalin duugay inay sameeyaan Gole isku xir ah oo ka shaqeeya sii kobcinta xiriirka labada dhinac gaar ahaan dhanka Siyaasada, Amniga, Maaliyada, Dhaqaalaha, Ganacsiga, Hidaha iyo dhaqanka, Warbaahinta, iyo goob kasta oo Maslaxada labada dal u faa'ideyn karta.
Golahaas ayaa sanadkiiba lagu wadaa inuu fariisto mar laba Dal midkood iyadoo ujeedadiisu tahay sii xoojinta xiriirka diblomaasi.
06/07/08 [G-News]

Abaanduulaha Ciidamada Iiraan General [Feyruz Abadi] ayaa markale ku hanjabay inay xiri doonaan marinka Hormuz hadii duulaan lagu soo qaado Dalkiisa.
Iiraan marnaba u ogolaanmeyso kuwa kale inay Isticmaalaan Marinka Hormuz hadii Masaalixda Iiraan ay Khatar gasho, wuxuu hadalkiisa sii raaciyay isagoo ka hadlayey munaasabad lagu maamuusayey xusuustii Diyaarad Madani oo Iiraan ah ay ciidamada Maraykanka kusoo rideen Badda Khaliijka dusheeda labaatan sano kahor; in Iiraan ay ahamiyad xoog leh siinayso amaanka badmareenada hayeeshee hadii masaalixdeeda khatar lageliyo iyana u ogolaan meyso inay si nabad ku maraan.
06/07/08 [G-News]

Magaalada Baghdad ayaa lagu qabtay Maalintii Shalay Shir dib u heshiisiin ah oo aad u balaaran oo ay kasoo qeyb galeen Shakhsiyaad kasocday Dowladda iyo Siyaasiyiin iyo Odoyaal iyo qaar kamida Mucaradka Siyaasada iyo wufuud kasocotay Aduun weynaha.
Ka qeyb galayaasha Shirka ayaa soo saaray War cad oo aadan in laga faa'ideysto shirkan sidoo loo soo afjari lahaa kala go'a haysta shacabka Ciraaq.
Shirkan ayaa waxaa kamaqan xoog weyn oo katirsan Mucaardka Suniga ah kaas oo siyaasiyiintooda ku tilmaamay inay tahay mid la doonayo in si khasab ah loogu fuliyo ajenda lasoo dejiyay, maadaama horey loo itaaldareeyay carabta suniga ah.
06/07/08 [G-News]
Gudoomiye ku xigeenka Degmada Yaaqshiid ayaa BAM kuwa gacanta laga hago ah kula qaraxday magaaladda Muqdisho. Halkaasna waxaa ku geeriyooday gadoomiye ku xigeenka iyo sadex ilaaladiisa ah mana ahan markii ugu horaysay ee Bam lala beegsado maamulka degmada Yaaqshiid.
Xoogag taageersan golaha Maxaakiimta Islaamiga ah ayaa la wareegay gacan ku haynta Jazaa,irka MADHABO oo ka tirsan Gobalka J/hoose oo ay horay uga talin jireen maleeshiyooyin taageersan DFKM ah jasiiradaas ayaa ah jasiirad istiraatiiji u ah dhanka dagaaladda ayadoo ay horayna maxaakiimta ay ula wareegeen jasiiradda KUDHAA ee isla gobalkaas.

Waxaa weerar xoog leh oo gaadmo lagu helay ciidamado Itoobiyaan ah oo xalay ka soo dhaqaaqay dhinaca deegaanka Yaaqbariweyne ee gobolka Shabeelada Hoose. Ciidamadan ayaa kusii socday dhinaca magaalada Muqdisho ayaa waxaa dagaal xoogan kala hor tagay xoogaga ka soo hor jeeda oo loo malaynayo [Dhaqdhaqaaqa Alshabaab] inkastoo aanu warka weli la xaqiijin markii ay marayeen meesha lagu magacaabo BALOW agagaarka garoonka diyaaradaha Balidoogle ee gobolka Shabeelada Hoose.
Goobjoogayaal ayaa sheegaya in dagaalkan socday mudo kooban hayeeshee aan lasheegi karin khasaaraha ka dhashay, iyadoo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
04/07/08 [G-News] Xafiiska Afgoye
CABDIRAXIIM CIISE oo ah Afhayeenka Maxaakiimta Islaamiga ayaa ugu baaqay Caalamka inay ku amraan Itoobiya inay kala baxdo ciidamadeeda wadanka Soomaaliya waa hadii uu caalamku doonayo inaan joojino howlgalada aan ku fulino cadawga Umadda Soomaaliyeed.
Wuxuu Cadeeyay inay burburiyeen Gaari dagaal oo xambaarsanaa Lidka diyaaradaha oo ay leeyihiin gumaysiga Itoobiya. iyo Gaari Ural ah oo qaada ciidamada. wuxuuna sii raaciyay hadalkiisa inay baqtiyeen dhamaan gawaaridaasi ciidamadii saarnaa.
Wuxuu balan ku qaaday inay kordhinayaan Dagaalka ay kula jiraan ciidamada Itoobiya iyo dhabadhilifyadooda. wuxuuna cadeeyay inay Dhamaatay waqtigii uu Cadawgu si nabad ah ugu mushaaxayey geyiga Soomaaliya.
04/07/08 [G-News] xigasho:(Aljazeera.net)
Kulan balaaran oo ay yeesheen in kabadan 50 ka tirsan Odayaasha iyo Culuma,udiinka beesha Sheekhaaleed oo ka dhacay maanta Degmada Marka ee gobalka Sh/hoose ayaa lagu cambaareeyay dagaaladii ay ku qaadeen ciidamada Itoobiya gobalada Hiiraan iyo Galgaduud iyo Afduubka loo geysanayo shaqaalaha gargaarka ka wadda Dalka Soomaaliya.
Afhayeenka midnimadda Beesha Sheeqaaleed C/qaadir Axmed Aadan ayaa sheegay inay ka xuntahay beelweynta Shiikhaaleed Dilka Dhaca iyo Dhibaatada laga wado Dalka.
Kulankaas waxaa kaloo lagu xaliyay dhibaato dhaqan oo Beesha xageeda ahaa iyagoo ay ka qayb qaateen Odayaal ka tegay Magaalada Muqdisho.
03/07/08 [G-News[

Dagaal aad u culus ayaa lagu qaaday ciidamada Itoobiya oo marayey CEEL GAAL oo ka mid ah degmada Beledwayne ee gobolka Hiiraan. iyadoo weerarka ay soo qaadeen xoogaga Maxkamadaha Islaamiga. Ciidamada Itoobiya ayaa rabay inay biyo ka dhaansadaan ceel ku yaala halkaasi hayeeshee waxay lakulmeen dagaalyahanada Maxaakiimta oo diyaar ugu ahaa goobtaasi; sida dad goobjoogayaal ahi ay sheegayaan waxaa halkaasi lagu dilay 2 qof oo rayid ah iyo 4 kamida ciidamada Itoobiya dhaawacoodana ilaa iyo hada lama oga dagaalkana si xoogan ayuu usocdaa ...ilaa iyo iminkadan duhurnimo.
Wararka kale ee naga soo gaaraya Gobolka Jubadda Hoose ayaa sheegaya in gacanta ku haynta degaanka KUDHAA ee gobolka jubada hoose ay la wareegeen Xoogaga Maxaakiimta Islaamiga, kadib markii dagaal xoogan uu dhexmaray maleeshiyo taabacsan DFKM iyo ciidamo taabacsan Maxkamadaha Iislaamka. dagaal ba'an kadib waxaa halkaasi la wareegay ciidamada Maxkamadaha

Ugu yaraan 53 ruux ayaa ku dhimatay dagaaladii u dhaxeeyay Maxaakiimta Islaamiga iyo Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Yugandha laga soo bilaabo maalintii talaadadii ee ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo Gobalada dhexe ee Soomaaliya.
Goobjoogayaal ayaa sheegaya in Shalay uu sii huray dagaal xoogan oo gaadmo ahaa, kaas oo ay Maxaakiimta Islaamiga la heleen Gawaarida qaada Ciidamada Itoobiya meel u jirta 450km waqooyiga Muqdisho.
Warar kale ayaa sheegaya in Dagaaladii xooganaa ee ka dhacay Galbeedka Magaalada Guri ceel looga dilay ciidamada Itoobiya 7 askari, halka uu afhayeenka Maxaakiimta sheegay in looga dilay hogaamiyaha weerarkaasi Macalim Farxaan iyo Cabdullaahi Cali oo kumagac dheer Sheekh Aasparo.

Dalka Ingiriiska ayaa sheegay inuu ku tirinayo Argagixiso Garabka Meleteri ee Xisbullah.
Arintaasi waxaa ka hadlay hogaamiyaha Xisbullah Sheekh Xasan Nasrallah oo yiri go'aankaasi waa mid maldahan oo lagu doonayo in lagu mugdi geliyo dhinaca wanaagsan ee dhaqdhaqaaqa xisbullah, khaasatan iyadoo ay socoto soo madax furasho maxaabiista ay yuhuudu gardarada u haysato. wuxuu sii raaciyay waa inoo BILAD sharaf in la'inagu sheego Argagixiso.
Sheekh Xasan Nasrarallah oo la hadlayey Shacabka Lubnaan ayaa sheegay inuu aqbalayo kala qaadasho Maxaabiis oo dhici doonta Usbuucan ama usbuuca danbe, kaas oo lagu madax furanayo dhowr maxbuus oo ay kamid yihiin Falastiiniyiin, Lubnaaniyiin iyo Urduniyiin.
Sarifka Lacagaha Qalaad
1 Dollar34.000 Sh.So.
100 Dirham UAE925.000 Sh.So.
100 Sh. Kenya 430.000 Sh.So.
100 SR. 710.000 Sh.So.
Sicirka Badeecadaha
OMO Top10.8$.
Bariis 50kg60$.
Sonkor 50Kg. 25$.
Saliid 20Kg. 32$.
Bur 50Kg. 48$.



Jamciyadda samafalka Al-wafaa oo deeq u fidisay boqolaal ruux oo kasoo barakacay dagaaladii Muqdisho.
Jamciyadda ALWAFAA ayaa barakacayaasha Soomaaliyeed u fidisay kaalmo Daawo iyo cunto ayagoo kaashanaya Hey’adda NOOLAYNTA DHAQANKA ISLAAMIGA "Ixyaa Alturaath Alislaami" ee Dowladda Kuweit.

Jamciyadda samafalka Al-wafaa kaalmooyin fara badan ayey kasameeyeen goobo fara badan oo kamida Gobolada Dalka Soomaaliya sida Gobolka Banaadir, Gobolka Shabeelada Hoose, iyo Gobolka Bay.
Furitaankii Ceelal ay Jamciyadda ka fulisay deegaanka Caanoole ee Gobolka Sh.Hoose ka aqri halkan.

Saddex Israa'iil ayaa ku dhimatay 34 kalena way ku dhaawacmeen halka ay 7 kamidi dhaawacoodu halis yahay, kadib markii mid kamida Falastiiniyiinta uu cagafcagaf ku weeraray bartamaha Magaalada Qudus.
Wararku waxay sheegayaan in weeraraha uu dhintay iyadoo dhowr rasaas lala helay kadib markuu Bas rakaab saarnaa uu rogay iyo dhowr gaari oo wadada Yaafa dhex socday.
Wakaalada wararka ee Asociated press war laga soo xigtay afhayeenka booliiska Israa'iil uu yiri: Ruuxa sameeyay weerarkani inuu yahay Carab cagafcagaftana kala yimid Mashruuc qodis kasocotay wadada Yaafa, wuxuuna kasoo jeedaa Qudusta bari horeyna u lahaa denbiyo.
02/07/08 [G-News]

Ciidamad Nato ee ka dagaalama Dalka Afgaanistaan ayaa sheegaya in looga soo riday Saaka Diyaarad helicopter bariga Afgaanistaan iyadoo lala helay xabado haseyeeshee sida ay sheegayaan wax dhaawac ah oo halis ah majiraan...
War kasoo baxay hogaanka Nato ayaa sheegaya in duuliyaha uu si nabad ah usoo dejiyay Diyaarada islamarkaana rakaabkii saarnaa si nabad ah looga daadgureeyay inta aysan Dab qaban. isagoo tilmaamay in baaritaan ku saabsan arintan lafuray.
02/07/08 [G-News]
Afhayeenka Maxkamadaha Islaamka dhanka howlgalada CABDIRAXIIN CIISE CADDOW ayaa sheegay in dagaalkii shalay lagu qaaday ciidamada Itoobiya ee ka dhacay Degmada matabaan inay ka danbeeyeen xoogaga maxkamadaha wuxuu intaasi uu ku daray in ciidamada Itoobiya ay ku hareeransan yihiin ciidamada Maxkamadaha islaamka.
02/07/08 [G-News]

Dagaal culus ayaa lagu qaaday ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee ka tagay Degmada Guri Ceel.
Kategidaasi ayaa sababtay kadib markii dhowr weerar oo isdaba joog ah lagu qaaday fariisimihii ay halkaasi ka sameysteen.
Wararka ka imaanaya dhanka Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Degmada Matabaan ciidamada Itoobiya ayagoo ku socday lug iska ilaalinaya in miino la kacdo ayaa lagu qaaday Weerar culus oo ilaa iyo haatan aan la ogayn khasaaraha soo gaaray, dagaalka oo si qaraar u socda awgii..
01/07/08 [G-News]

Wasiirka Arimaha Dibadda ee Suuriya 'Waliid Almucalim' ayaa beeniyay wararka sheegaya in uu ahaa barnaamij Nuyukleer oo sir ah halkii ay Ciidamada cirka ee Yuhuudu duqeeyeen sanadkii lasoo dhaafay isagoo rajeeyay in wadankiisu lahaan lahaa barnaamij nuyukleer lamida midka Yuhuuda.
Isagoo shir jaraa'id ka hadlayey ayaa wuxuu yiri Suuriya marnaba ma'ogolaateen in la baaro hadii ay lahaan lahaayeen Barnaamij Nuyuukleer.
01/07/08 [G-News]


Afhayeenka ciidamada Maraykanka ee ku sugan Gacanka Khaliijka Keven Kosigrif ayaa sheegay in wadankiisu marnaba ogolaaneyn in Iiraan ay carqaladeyso isumarka Gacanka khaliijka ama ay xirto marinkaas oo muhim u ah naftada aduunka. Hadalkani wuxuu ka danbeeyay kadib markii hogaamiyaha Ilaalada Kacaanka Iiraan Jeneraal Maxamed Cali Jacfari uu ku handaday inay xirayaan Marinka Hormuz hadii ay wadankiisa lagu soo duulo.
01/07/08 [G-News]

3D Animated Flags--By 3DFlags.com

Qolobaa calankeedu, waa ceynoo, Innaga keenu waa, Cirkoo kale e, Oon caadna lahayn, Ee caashaqaye. Xidigyahay cadi, Waad noo ciidamisee, Carradaa kaligaa adow curadee cadceeda sideedaa u caan noqo ee
<> Somali Links<>
<> Allbanadir
<> allgedo
<> Allwadani
<> Aftahan
<> Allsomali
<> Allsafari
<> baraawepost
<> Bartamaha
<> Buurhakaba
<> Ceelbuurnet
<> Ceelbuur
<> Cayaaraha
<> Dadka
<> DalkaNews
<> Dayniile
<> djibnet
<> Dulmane
<> Dadkeyga
<> Dhagaxtuur
<> Diinsoor
<> dooynet
<> FPDrivingschol
<> Galgaduud
<> Gedonet
<> Gendershe
<> Godeynews
<> Goobjoog
<> hamarey
<> Hillaac.Net
<> HilinkaToosan
<> Hiiraan
<> Hobyonet
<> Jamhuuriya
<> Janaale
<>Jiinwabi
<> Jilibweyn
<> Jowhar
<> Laasqoray
<> Lafoole
<> MarkacadeyNET
<> Midnimo
<> Midgaan
<> Mudugonline
<> Muq_University
<> ogaal
<> onkod
<> Osmanarts
<> Qaranimo
<> Qaadisiya
<> Qoraheyonline
<> Radiokismayo
<> Saakow
<> Somaliwide
<> Somalisport
<> Somaliunion
<> Somalinews
<> Somalidoctors
<> shabelle
<> Shareero
<> Somali Cartoons
<> Somalitalk
<> Somalilife
<> Somaliwatch
<> Somaliweyn
<> Somaliuk
<> Somalilandorg
<> Somalijecel
<> Somalipen
<> Soomaalinews
<> somali-youth
<> UNHS
<> Wardheernews
<> Warhaye
<> wargeyska
<> wariye
<> Waagacusub
<> Xeebta
<> Xogwaran
Gendershe Media Online 2007 - 2008 info@gendershe.com
© For All Somali