HomeAbout usChattingCasharoAroosDhalashoTacsiadverMembersGuddiga Sarre ee badbaadinta Gendershe

3D Animated Flags--By 3DFlags.com

Qolobaa calankeedu, waa ceynoo, Innaga keenu waa, Cirkoo kale e, Oon caadna lahayn, Ee caashaqaye. Xidigyahay cadi, Waad noo ciidamisee, Carradaa kaligaa adow curadee cadceeda sideedaa u caan noqo ee

[Wararka Bisha June, 2008]
Xoogaga kacdoonka ka wada geyiga Soomaaliya ayaa maqribnimadii caawa waxay weerar culus ku qaadeen fariisin ay ciidamada Itoobiya shalayka ka samaysteen Degmada Guryaceel, Dagaalka oo weli socda awgii ayaan la ogaan karin khasaaraha dagaalka ka dhashay balse Dadka degaanka ku haray ayaa bilaabay inay isaga cararaan degmada Guri ceel iyadoo ciidamada Itobiya ay bilaabeen inay qaybiyaan Madaafiic..
29/06/08 [G-News]

Mogabi oo isu diyaarinaya maanta kudhawaaqida Madaxweynenimada Dalkaasi Zimbabwe, kadib markii doorashadii labaad ee celinta ahayd uu galay keligii xili uu dib uga noqday hogaamiyaha Mucaaradka.
Waxaa ay sheegayaan warar ku dhowdhow dowladda in Mogabi uu ku guulaystay doorashadii si buuxda oo aan shaki lahayn hayeeshee ku dhawaaqida Natiijada loo dib dhigay maanta iyadoo weli la filayo sanaadiiqda ka timaada gobolada fogfog inay soo gaaraan maanta.
29/06/08 [G-News]
WAR DEG DEG AH gudoomiye ku xigeenka degmada xamar jajab CAMBARO CALI CILMI ayaa dhaawac halis ah loogu gaystay gurigeeda waxaa toogtay seddex dhalinyaro oo ku hubaysnaa bastoolado goobtiina way ka baxsadee.g-news. .
29/06/08 [G-News]
Xaalada degmada Guri ceel ayaa maanta kacsan kadib markii xalay weerar lagu qaaday ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee shalay ka soo tagay Gobolka Hiiraan dagaalka ayaa waxaa ku geeriyooday afar ruux oo rayid ah dhowr kalena way ku dhaawacmeen..
29/06/08 [G-News]
Ciidamadii Itobiyaanka ee ku harsanaa Gobolka Hiiraan ayaa xalay saqdii dhexe isaga baxay iyadoo aan la ogayn dhankay qabteen iyadoo xalay dagaal ka dhacay guri ceel..
29/06/08 [G-News]
Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee xalay ka baxay gobolka hiiraan ayaa goor dhow gaaray degmada Guri ceel inkastoo aan la ogayn inay halkaasi sii joogayaan iyo inay u horay ugu sii gudbi doonaan Dalkooda ama inay ku soo laaban doonaan gobolka hiiraan ama inay ku nagaan doonaan Guri ceel.
28/06/08 [G-News]
Magaalada Beled wayne ayaa maanta waxaa la wareegay Xoogaga Maxkamadaha Islaamka xili ay xalay saqdii dhexe isaga bexeen ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee ku sugnaa Buurta jante kuweendishe waana degmada ugu danbeeysay ee u harsanayd iyadoo horay ugu talinayay Gobolada Sh.Dhexe iyo Hiiraan maanta ayay si buuxda uga taliyaan guud ahaan labada Gobol, waxaa la ogayn halka ay ku danbeeyeen madaxda gobolka Hiiraan.
28/06/08 [G-News]
Labo qof oo shiyeeya ah iyo mid Soomaali ah ayaa lagu afduubay degmada Xudur kadib markii saakay weerar culus lagu qaaday guriga gudoomiyaha degmada Xudur waxaa halkaasi ku dhaawacmay lix ruux oo uu ku jiro gudoomiyaha degmada Xudur
28/06/08 [G-News]
Dadwaynaha ku dhaqan degmooyinka Xamarwayne iyo Xamarjajab ayaa waxay ka cabanayaan Dhac loogaysto iyadoo dhacuna ay gaysanayaan ciidamo ku lebisan dharka DFKM iyadoo aan cidna wax ka qabanaynin
28/06/08 [G-News]

Helary Clinton oo ugu baaqday taageerayaasheeda inay codkooda siiyaan Murashaxa Dimuqraadiga ee Barack Opama.
Xaflad ay labada murashax ku midaynayaan Ololaha doorashada Madaxweyne ee ah "MIDNIMADII WAX BEDELKA" ku sheegtay inay tartameen bilowgii doorashada, maantase iyo maalin kastaba aan isdhinac istaagayaan si ay u daafacaan xujooyinkooda ku aadan Shacabka Maraykanka.
Barak Opama ayaa isna aad u tilmaamay sida uu ugu baahan yahay Xisbiga dimuqraadiga iyo Dalkaba dadaalka Helary iyo Bill sanooyinka soo socda.
wuxuuna horey u sheegay inuu doorbidayo dadaalka Helary ololahiisa doorashanimo. wuxuu yiri waxay awooday inay kiciso Malaayiin Shacabka Maraykanka ah sidaa darteed waxay ii noqon kartaa wakiil waxtar leh oo katarjuma Afkaarta iyo sharafta aynu wadaagno xisbi Dimuqraadi ahaan.
Ismaaciil Haniyah oo ah ra'iisul wasaarihii Falastiin ee la casilay ayaa ugu baaqay kooxaha wax iska caabinta Falastiin ee marinka GAZA inay Ixtiraamaan heshiiskii xabad joojinta ee ay dowladda Masar horseedka ka ahayd.
Haniyah isagoo la hadlayey warbaahinta GAZA salaada Jimce ka dib ayaa u sheegay inay kooxaha muqaawamada iyo shacabkaba ay aqbaleen heshiiska si ay u gaaraan Maslaxada Guud ee ku salaysan in la joojiyo gardarada uu cadawga maalin walba ku hayo shacabka, iyo in cuna qabadka laga qaado GAZA.
Afhayeenka Xamaas ayaa ku eedeeyay muqaawamada kasoo jeeda Xaraka FATAX inay doonayaan inay wadada ka wiiqaan heshiiskan lagu wado in cunoqabadka looga qaado marinka GAZA ... wuxuuna uga digay inay maslaxadooda gaar aysan eegin ... taas oo keeni karta kala burbur ku yimaada Jabhada gudaha ee Falastiin. Waxaa gebi ahaanba xiran wadada isku xirta Xarunta Madaxtooyada ilaa garoonka Diyaaradaha ee Caalamiga Aadan cadde ee magaalada Muqdisho waxaana halkaasi daadsan ciidamo isugu jira Soomaali iyo Itobiyaan sidoo kalle waxaa halkaasi mar qura laga maqlay qarax xoogan oo aan la ogay cidda lala bar tilmaameedsaday waxaa kalloo la maqlayaa rasaas ay ridayaan ciidamada isku dhafka ah ee ku sugan wadadaasi iyadoo aalaaba la xiro markay dhofayan madaxda DFKM.
27/06/08 [G-News]
Ciidamada Boliiska ee ku sugan degmada Dharkiinlay ayaa maanta qabtay labo dhalinyaro ah kadibna ku toogtay xaafada Xoosh, markaa kadibna waxay qaateen mid ka mid ah maydkii halka ay mid kalena ugu tageen goobtii ay ku dileen lamana garan sababtay u dileen.
27/06/08 [G-News]
19 Maalmood kadib ayuu xurayadiisa dib u helay Gudoomiyaha Degmada Heliwaa CUMAR CABDULLE AXMED (CUMAR JACFAAN) isagoo sheegay inuusan xirnayn balse u afduubnaa Ciidamada Itoobiya.
27/06/08 [G-News]
Dadka ku nool degmada Dayniile ayaa sheegay in Sagaal askari oo ka mid ahaa ciidamada DFKM lagu dilay halkaasi iyagoo ku qayilayay agagaaraha Saldhiga Dayniile waxaa weerarkaasi sheegtay Xarakada Dagaalyahanada hubaysan ee Al shabaab waxayna sheegeen inay horay u qaateen ku dhawaad toboneeyo qori.
26/06/08
. Dagaal laysku adeegsanay hubka fudud iyo midka culus ayaa goor dhow ka dhacay xaafado ka mid ah degmada Hodon, Dagaalka ayaa uu udhaxeeyaa ciidamada Itoobiya iyo kuwa DFKM iyo xoogaga kacdoonka kula jira iyadoo magaalada Xamar qaarkeeda si aad ah loogu maqlayay daryanka madaafiicda iyo rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac .
26/06/08

Boqortooyada Sacuudiga ayaa shaaca ka qaaday inay qabqabatay bilihii lasoo dhaafay in ku dhow 520 ruux oo isugu jira dhowr jinsiyadood, kuwaas oo u qorsheysnaa inay weeraraan goobaha batroolka iyo baraha Amniga.
Warbixin ay soo saaray wasaarada Arimaha Gudaha oo ay faafisay wakaalada wararka ee Sacuudiga ayaa sheegay in 701 ruux lasoo qabtay tan iyo bilowgii sanadkan, hayeeshee 181 ruux kamidi aysan wax shaqo ah kulahayn argagixisada oo lasii daayey. waxaase xiran 520 ruux oo ah qolada dhunsan magacan oo ah magaca sacuudiga uu u isticmaalo kolka ay sheegayaan Ururka Alqaacida.

Xusni Mubaarak oo diiday isku xirida Soo deynta Maxbuuska Israa'il iyo furitaanka Marinka RAFAX ee xuduuda GAZA. Madaxweynaha Masar ayaa cadeeyay inaysan ahayn wax caqli gal in la isku xiro Furitaanka marinka xuduuda ah ee Rafax iyo sii deynta Jalcad Shalid.
Isagoo u hadlayey wareysi uu la yeeshay talefishan Israa'iili ah wuxuu sheegay in mowduuca Askari maxbuuska ahi uu ka go'an yahay heshiiskii dhowaan la isla galay. waana arin ay wadahadalo ku socto oo khaas ah, wuxuu sii raaciyay isku xirida labada qodob inay tahay inaysan jirin wax xabad joojin ah ama heshiis lagaaray.

Axmed aw Yaxya oo noqday ra'iisul wasaaraha Xukuumada Aljeeriya, kadib markii madaxweynaha dalkaasi Cabdilcasiis Buutafliiqa uu sameeyay isku shaandheyn wasiiro.
Alyaxyaa ayaa bedelay ra'iisul wasaarihii hore ee dalkaasi Cabdilcasiis Bilkhaadim.
Awyaxye ayaa hore usoo ahaa ra'iisul wasaare tan iyo bishii may 2006. Magacaabidan ayaa dhexdhigtay muran dadka reer Aljeeriya oo qaar kamida ay saadaalinayaan in lagu fogeynayo isusharixida madaxweynanimo, qaar kale ay leeyihiin in magacaabidani ay tahay mid ay xukuumada ku doonayso isu diyaarin doorashada madaxweynanimo ee ka dhici doonta 10 bilood ka dib.

Maamulka degmada Qoryeeleey ayaa soo saaray go’aano lagu mamnuucayo hubka sharci darada ah ee lagu dhex mushaaxo magaalada Qoryooleey.
go’aankan ayaa ka danbeeyay kadib markii dilka uu ku soo batay degmadaasi Ciidamada amaanka iyagoo kaashanaya dadweynaha deegaanka ayaa waxay howgalo ka fuluyeen magaalada, sida ay wararku sheegayaan waxaa ilaa iyo haatan faraha lagu dhigay dhowr iyo toban burcad iyo hubkooda kala gedgedisan.
Dadweynaha degmada Qoryooley ayaa u riyaaqay howlgankan kuna tilmaamay mid wax katari doona amaanka gobolka shabeelaha Hoose oo idil.

Ciidamada Maraykanka ayaa sheegay in shalay laga dilay 2 Askari halka 4 kalena looga dhaawacay weerar lagu qaaday fariisin ay ku lahaayeen koonfurta Magaalada Baghdad. Mas'uuliin kamida ciidamada amniga dalka Ciraaq ayaa sheegay in labada Askari ladilay kadib markii xubin kamid ahaa golaha guurtida ee gobolka Madaa'in oo 30Km u jirta koonfur bari magaalada Baghdad uu rasaas kula beegtay.
Warar kale oo ka imaanaya Magaalada Baghdad ayaa sheegaya in qarax weyn lala beegsaday ciidamada maraykanka maanta oo ay ku dhinteen afar Askari [4] Maraykan ah oo laba kamidi yihiin shaqaalaha arimaha dibadda iyo gaashaandhiga
Gaari cabdi bile ah oo ay saarnayen ciidamada DFKM oo marayay wadada aada Garoonka diyaaradaha Caalamiga ee Aadan Cadde ayaa waxaa lagu weeraray bam gacmed waxaa ku dhaawacmay labo askari.
Wadadii uu gooyay biyaha roobka ee gasha Suuqa Bakaraha ayaa lagu bilaabay dayactir iyadoo si tabarucaad ay u sameynayaan Culumaa'udiin iyo dadka Soomaaliyed.

Dagaal qaraar ayaa iminka wuxuu ka socdaa agagaaraha xeradii hore Ciidamada Asluubta dagaalka oo dhaxeeya ciidamada itoobiya iyo kuwo soomaali ah oo dhinac ah iyo kooxaha ka soo horjeeda DFKM iyo joogitaanka ciidamada shisheeye dhulka Soomaaliya waxaa jira khasaaro soo kala gaaray labada dhinac, hayeeshe dagaalka oo aad u xoogan lama ogaankaro khasaaraha.[G-News]
Guri labo dabaq ah oo ku yaala degmada Shangaani ayaa gebi ahaanba burburay kadib markii uu beryahan uu ku da,ayay Roob xoog badan waxaana ilaa haatan gurigaasi lagu la,yahay Naag ku noolayd hoygaasi oo ku soo dumay.
Tiro madaafiic ah ayaa lagu garaacay garoonka diyaaradaha caalamiga ee Aadan Cadde waxayna madaafiicdaasi qaarkooda ku dhaceen dugsigii hore ee farsamada iyadoo ay gaysteen qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.[G-News]
Gaari siday cunto oo u kiraysnaa hay,ada WFB ayaa maanta lagu boobay degmada Xamar Jajab gaariga oo noociisu ahaa N3 ayaa waxaa qaar ka mid ah cuntadii saarnayd ka badbaadiyay booliiska DFKM oo halkaasi gaaray.[G-News]
Qarax bam ayaa goor dhow lala beegsaday ciidamo booliis ah oo lacag kaga qaadan jiray baabuurta Buundada Ansalooti ee degmada Waaberi iyadoo ku dhaawacmeen askartii halkaasi ku sugnayd.[G-News]
Waxaa xalay magaalada marka lagu dilay nin lagu magacaabi jiray NUUR MAADEEY (NUUR FANAX) waxaa dilkiisa loo adeegsaday FALAAR...sidookale waxaa degmada Xamar wayne makhaayad ku taala lagu dilay nin ka cuntaynayay makhaayadaasi iyadoo aan la ogayn sababaha loo dilay ninkani.[G-News]

Nin da'diisa lagu qiyaasay afartan jir ilaa konton jir [40-50] oo magaciisa lagu soo gaabiyay MAXAMED ayaa kooxo ku hubaysan bastoolado ku dileen Suuqa wayn ee Bakaaro.
Ninkaasi ayaa lagu dilay meel ku dhow qaybta sarifka lacagaha qalaad waxaa hakad galay ganacsigii ka ag dhowaa halka lagu dilay ninka iyadoo aysan ahayn markii ugu horaysay ee dad lagu dilo Suuqa Bakaaro balse waxaa beryahan laga nastay dilka ka dhaca suuqa gudihiisa.
[G-News]23/06/08.

Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubadda Hoose ayaa laga soo sheegayaa in xaafadaha magaalada loo sameeyay ciidamo madani ah oo u istaaga amaanka magaalada kadib markii ay magaalada kismaayo beryahan ku badatay dhaca loo gaysto Dadka iyo Hantidooda. Deegaanka kismaayo ayaa soo dhaweeyay samaynta ciidamadan oo ku tilmaamay mid dhaxal gal ah loona baahnaa in mar hore la sameeyo.
[G-News]23/06/08.

Madaxweynaha dalka Suudaan Cumar Albashiir ayaa diiday hanjabaadii reer Galbeedka inay cunaqabateeyaan Dalkaasi hadii aysan la shaqayn Maxkamada Denbiyada Aduunka.
Albashiir ayaa markale cadeeyay inuusan ruux Suudaani ah u dhiibayn Maxkamadaasi [Laahaay]. wuxuuna ku tilmaamay cadaadiska lagu hayo xukuumadiisa mid ula kac ah. wuxuu raaciyay Waxaan u cadeynaynaa oo aan ku dhaaranaynaa dhaar adag inaanan dhiibayn ruux Suudaani ah, waxaan ku dhahaynaa hanagu handadina go'aanadiina iyo cunaqabadka anagu manihin kuwo la handado.

Fariisimaha NATO ee Bariga Afgaanistaan ayaa maanta lagu weeraray Gantaalo laga soo ganay dhanka Pakistan.
Ilo kamida amaanka ciidamada Nato ayaa sheegay in gantaalahaasi ay ku dhinteen 3 qof oo rayid ah halka goobo kale ay ka jiraan iska hor imaadyo sababay dhimasho iyo dhaawac.
Warku waxay sheegayaan in gantaalada lagu ganay Garoonka diyaaradaha Khost ee bariga Afgaanistaan haseyeeshee ay ku dhaceen laba guri oo rayid ah. Waxaa hoobiyayaal lagu weeraray Xero meleteri oo ay leeyihiin ciidamada NATO goor hore saakay sida ay sheegeen ciidamada ISAF ay iyaga ku jawaabeen Madaafiic goobihii laga soo tuuray hubka.

Hogaamiye siyaasadeedka dhaqdhaqaaqa Xamaas KHAALID MISHCAL ayaa sheegay in kooxdiisa ay u hogaansami doonaan heshiiskii xabadjoojinta inta uu cadawga Yuhuuda u hogaansan yahay isagoo ku handaday kajawaabid doorasho leh oo furan hadii ay jebiyaan heshiiska.
Wuxuu sii raaciyay in kooxaha Muqaawamada oo idil ay dhowrayaan heshiiskaas inta uu cadawgu u hogaansan yahay. hadiise ay jebiso Muqaawamada Falastiin waxaa u furan dhowr wado oo ay ku jawaab celinayaan.
Waxaanu dhowraynaa heshiiska sida ku xusan shuruudihiisa Lix bilood, waxaana ku celcelinaynaa in cunaqabadka laga qaado marinka GAZA gaar ahaan Marinka RAFAX.
Khaalid Mishcal oo ka hadlayey Shir qarameedka Falastiin ayaa sheegay in iska caabinta Falastiin ay ka dhalisay gobolka Dheelitir awood oo cusub. isagoo tilmaamaya isla waqtigaa heshiis gelidii xamaas iyo kooxaha kale ee Falastiiniyiinta uu ku yimid shuruudaha Falastiin ayna eegeen maslaxada Ilaalinta shacabka. Waxaa afduub loo geystay Madaxa hay,adda UNHCR ee dalka Soomaaliya XASAN MAXAMED KAYNAAN hoygiisa oo ku yaala degaanka Ceelasha biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.[G-News]

Qarax aad u wayn ayaa lala eegtay gaari CABDI BILE oo ay saarnaayeen ciidamada DFKM oo marayay agagaaraha Saldhiga galbeed ee degmadadharkiinlay waxaa halkaasi ku geeriyooday seddex askari shan kalena way ku dhaawacmeen gaarigiina gebi ahaantii halkaas ayuu ku basbeelay. [G-News]

Shir ay qaban qaabadiisu lahayeen madaxda isbahaysiga dib u xoraynta Soomaliya ayaa iminka wuxuu ka socdaa hotelka HILTON oo ku yaala magaalada Nairobi waxaa shirkasi lagu casumay Jaaliyada Soomaliya ee ku nool Dalka KENYA waxaa halkasi ka hadlay Sh.Sharif Sh. Axmed gudoomiyaha isbahaysiga dib u xoraynta Soomaliya wuxuu sheegay in ciidamada Itoobiya Hadii ay ka bixi waayaan dalka 120ka malmood ee lagu hishiiyay inay somalidu u furan tahay inay dagaalamaan.[G-News]
Nin magaciisa lagu soo gaabiyay KUUSOW ayaa galabta lagu toogtay magaalada Beledwayne ninkaasi ayaa tarjumaan u ahaa ciidamada Itoobiya waxaa dilay dhalinyaro ku hubaysnaa qoryaha loo yaqaano (AK47).[G-News]
Dagaal culus ayaa imankadan ka soconaya deegaanka Halgan oo ka tirsan gobolka Hiiraan dagaalkaas oo u dhaxeeya ciidamada Itoobiyaanka iyo kooxaha ka soo hor jeeda joogitaanka ciidamada Itoobiyaanka ee Dalkan Soomaaliya iyo siyaasada Dowlada kumaalkaarka ah. Dagaalkaas oo ah mid faraha looga gubtay sida aan wararka ku helayno ayaa laysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan waxii khasaaro ee halkaa ka dhacay lama ogo ilaa iminkan. [G-News]
Qarax loo adeegsaday Bam gacmeed ayaa xalay abaarihii ka dhacay shineemo Afrika oo ku taala deegaanka Xamar Jabjab ee magaalada Muqdisho, weerarkaas bam ayaa waxaa ku geeriyooday laba qof iyo shaniyo toban kale oo dhaawac ahaa dadkaasi oo ahaa dhamaan daawadayaal daawanayay filim halkaa ka socday dadka oo dad rayid ahaa ayaan la ogeen ilaa iyo hadda waxa loola beegsaday iyadoo uu maamulaha shineema Afrika mudane Maxamed Barqadle (Shabeeloow) usheegay Gendershe.com in uu garan karin waxa iyaga loo soo weeraray mar aan weydiinay majirtay wax digniin oo horay la,idunkugu soo jeediyay waxuu noo sheegay in aan wax digniin iyaga horay loo siin. mana ahan markii ugu horaysay oo bam gac meed lagu weeraro shineemo ku taal magaalada Muqdisho. [G-News]

Howl gargaar degdeg ah ayaa maanta ka bilowday Deegaanka GENDERSHE. howshaas oo ay uwada dhan yihiin Gudiga Sare ee badbaadinta Gendershe iyo Ururka Horumarinta Gobolka Shabeelaha Hoose.
Gargaarkan cusub ayaa sababay roobihii Lixaadka lahaa ee dhowaan ka da'ey deegaanka kaas oo sababay dhibaato aad u wayn oo Naf iyo maalba leh.
Biyihii roobabka ayaa soo fariistay Degaanka Gendershe gudihiisa, waxaa ay qariyeen geedihii qumbaha, Deegaanka qaar kamidana waxaa dul fariistay biyihii...oo looga baqayo inay sababaan Cudurada faafa, inkastoo ilaa iyo haada aan laga soo sheegin cuduro
Halka lasoo sheegayo in guryaha qaar ee ku yaala xaafada Buulo ceel ay burbureen gebi ahaanba.
Howshaas ayaa wax dhan ka tahay howlihii horey uga socday degaanka ...ee ku aadanaa taakulaynta dadkii kusoo barakacay degaanka iyo wax uqabadka dadka tabaalaysan.
Howshan maanta bilaabatay ayaa waxay socon doontaa mudo bil ah oo lagu soo koobayo dhibaatada ka jirta deegaanka, sidii biyaha looga bixin lahaa biyaha loogana hortegi lahaa mustaqbalka roobabka iyo dhibaatooyinkooda.

Iiraan oo sikulul uga jawaab celisay wararkii ay warbaahinta dunida isla dhexmartay ee ahaa inay Israel sameysay dhoolatus isudiyaarin dagaal lagu qaado Iran si loo burburiyo Mashaariicda Nuyuklerka dalkaasi.
Madaxweynaha Dalka Iiraan Maxamuud Axmadi Najat ayaa warbaahinta dalka Iiran u sheegay in Cadawga Iiraan ay Nafsiyan quusteen Ilaahay Mahadii, Gacan kasta oo IIRAAN lagu soo taagano si dhakhsi ah loo goyn doono.
Sidoo kale mid kamida Culimada diinta ee ka muuqmuuqda dalkaasi [Axmed Khatami] ayaa khudbadiisi jimcaha ee uu baahiyay radiyowga Tahraan ku sheegay in cadawga Iiraan khaasatan Israail iyo Maraykanka iyo kuwa soo raacaba ay isku dayi doonaan xoog maquunis ... ee si fiican ha u ogaadeen inay la kulmayaan Dhirbaaxo adag oo lala yaabo.
Waxay wararku sheegayaan in Iran ay horay uga digtay in dagaal lagu soo qaado waxayna ku hanjabtay inay gantaalada meel dhexaadka garaaca isticmaali doonto kuwaas oo ay kamid yihiin Gantaalka Shihaab[3] ee gaara ilaa 2000km kaas oo micnihiisu yahay inay garaaci karaan Israail iyo Fariisimaha Maraykanka uu ku leeyahay dowladaha Khaliijka iyo Ciraaq.

Ra'iisul wasaaraha Dalka Lubnaan Fu'aad Alsanyuura ayaa diiday isku xirida inay Israel ka baxdo Beeraha Shabca ee Lubnaan iyo hub ka dhigista Xisbullah.
Alsanyuura ayaa yiri waxaa waajib in lakala bixiyo kabixitaanka Beeraha Shabca oo ah Rabitaan Lubnaani ah. Hubka Xisbullaahi waa arin Lubnaani oo loo xil saaray Madaxweynaha dalka Lubnaan oo si wadahadal iyo latashi ay ku jirto lagu daweyn doono. marna iskuma xirna kabixitaanka Shabca iyo hubka Xisbullah.

Tsfangray oo qorsheynaya inuu dib uga laabto isu sharaxida Madaxweynenimada Dalka Zimbabwe.
War laga soo xigtay Wakaalada Wararka ee Reuters ayaa sheegtay in afhayeenka xisbiga dhaqdhaqaaqa iyo isbedelka Zimbabwe ay soo wajaheen cadaadisyo fara badan oo kayimid taageerayaashiisa guud ee dalka khaasatan gobolada baadiyaha oo diidaya in la aqbalo kaqayb galid dulinimo ah.
Wuxuu warku sii raaciyay in xisbigiisu uu go'aan rasmi ah ka gaari doono hadii ay ka qeyb galayaan doorashada iyo inkale maalinta Isniinta ee fooda inagu soo haysa.

Cunug dhaawac kasoo gaaray Herdankii Shalay.
Iska hor imaadkii xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho ee u dhaxeeyay Kooxaha kacdoomay iyo ciidamada Itoobiya iyo kuwa DFK ayaa sababay dhimasho 7 qofood oo rayid ah halka ay toban kale ku dhaawac meen. Iska hor imaadyadan ayaa waayahan danbe soo kordhay kadib markii heshiis lagu gaaray Magaalada JABUUTI kaas oo cadeynaya heerka khilaaf ee dhextaagan qolooyinka isku haysta siyaasadda.

Isku day Gargaar loo fidinayo dhaawac kamida dhaawacyadii shalay.
Weerarkii shalay ayaa waxaa kadanbeeyay Midowga Maxaakiimta Islaamiga oo weeraray afar goobood oo ay kamid ahaayeen Wasaaradii hore ee Gaashaandhiga oo ay ciidamada Itoobiya u rogeen Fariisimo sida uu sheegay afhayeenka Maxaakiimta Cabdiraxiim Ciise Cadow isagoo u waramayey shabakada Aljazeera.
Wararka Maanta 20/06/08 [G-News].

Bush oo ku guulaystay markale inay Dimuqraadiyiinta maalgeliyaan Dagaalka inkastoo ay ku badan yihiin barlamaanka.
Aqalka Kongareska Maraykanka ayaa ansixiyay inay qoondeeyaan Lacag cusub oo lagu maalgelinayo Dagaalka Ciraaq iyo Afganistaan Sanad kale.
268 Barlamaani ayaa haa ku ansixisay halka 155 ay maya ka yiraahdeen. Lacagta lagu maalgelinayo Dagaalka labada meel ee Ciraaq iyo Afgaanistaan ayaa ah 165.4 Milyaar dolar halka inta badan lagu wado inay aado Ciraaq, hase yeeshee aqalka ansixiyaha ayaa lagu wadaa inay hoos u dhigaan maalgelinta 161.8 cod kale oo la qaadi doono si loogu sii gogol xaaro waxbixin kale oo koongareeska soo food saaran.
Wararka Maanta 20/06/08 [G-News].
Qarax xoogan ayaa saakay ka dhacay waddada 21oktoobar ee degmadda waabari ee magaalada Muqdhish, qaraxaasi oo lala beegsaday gaari ay wateen ciidamada DFK ee soomaaliya ayaan la,ogayn cidda wax ku noqotay ilaa iyo iminkadan sababo ah ayagoo ay halkaasi isku gadaameen ciidamada dowlada.
18/06/08[G-News]
Wasaaradda Gaashaandhiga Afgaanistaan ayaa sheegtay inay xoogaga Naato dileen 20 kamida dhaqdhaqaaqa Dhaalibaan kadib markii weerar duqayn ah ay u geysteen qaar kamida tuulooyinkii ay Dhaalibaan faraha ku dhigeen labadii maalmood ee aynu soo dhaafnay.
Wararku waxay intaasi ku darayaan in labada dhinac ay fooda isu saaran yihiin dagaal xoog leh oo iminkadan la sheegayo inuu bilowdayba.
18/06/08[G-News]
Heshiis ay madax ka ahaayeen Dowladda Masar ayaa berito oo khamiis ah ka dhaqan geli doona Marinka GAZA kaas oo dhex maraya Israa'iil iyo Dhaqdhaqaaqyada iska caabinta ee reer Falastiin. heshiiskaasi ayaa wuxuu dhigayaa in ay labada dhinac joojiyaan weerarada dhinac walba ah. islamarkaana si tartiib oo isdaba joog ah loo furo baraha Xuduuda ee marinka Gaza uga soo gala Nolol maalmeedkeeda. Sidoo kale in ay kawada hadlaan isusoo deynta maxaabiista ay labad dhinac kala haystaan.
Afhayeenka Dhaqdhaqaaqa Xamaas ayaa warbaahinta u sheegay inay fulin doonaan heshiiskan inta ay Yuhuuda fulinayso. ayna diyaar u yihiin inay iska difaacaan weerarada gardarada ah ee lagula kacayo.
Heshiiskan ayaa la sheegay inuu socon doono mudo 6 bilood


Midowga Maxaakiimta Islaamiga ee Soomaaliya oo sheegay inay dileen 5 askari oo Itoobiyaan ah... kadib markii ay weerar gaadmo ah ku qaadeen fariisimo ay ciidamda Itoobiya ku leeyihiin waqooyiga Muqdisho.
Afhayeenka u hadla Midowga ayaa sheegay in saddex kamida dagaalyahanada Maxaakiimta ay soo gaareen dhaawacyo fudud halka ay ku laayeen iyaga 5 kamida askartii Itoobiya dhaawacna ay gaarsiiyeen 11 kamida. Asagoo hadalkiisa sii wata afhayeenka ayaa wuxuu sheegay inay burburiyeen safka hore ee cadawga kuna qasbay inay dib uga gurtaan fariisimihii horey soo jiray.
16/06/08[G-News]

Madaxweynaha Maraykanka Jorge W.bush ayaa dowladaha reer galbeedka ku boorinaya inay xooga saaraan sidii cunaqabateyn adag loo saari lahaa dalka Iiraan.
madaxweyne Buush isagoo socdaalo ku maraya dhowr dal oo kamida midowga yurub ayaa ajandihiisu yahay sidii loo soo afjari lahaa barnaamijka Nuyuklerka Iiraan.
Buush oo booqasho ku tegay London ayaa wuxuu rajeynayaa in uu sameyo Jabhad midaysan oo looga hortagayo Iiraan barnaamijkeeda, sidoo kale wuxuu beeninayaa is afgarad waaga ay beryahan saxaafada qorayeen oo kusaabsan labada dal ee Mareykanka iyo Egland.
16/06/08[G-News]

Pakistan oo u yeertay Safiirka Afgaanistaan, kadib markii Madaxweynaha Afgaanistaan Karazai uu ku hanjabay inay ku dabageli doonaan dhaqdhaqaaqa Dhaalibaan xuduuda Pakistaan.
Afhayeenka wasaaradda arimaha dibadda ee Pakistaan Maxamed Sidiiq ayaa sheegay inay Pakistaan iska difaaci doonto ku xadgudubka lagu sameynayo dhulkeeda.
Ra'iisul wasaaraha dalka Pakistaan oo u hadlayey Saxaafada ayaa sheegay in wadankiisu uusan fara gelinaynin arimaha gudaha ee wadan kale, uuna rajenayo inaan lasoo fara gelin arimaha gudaha ee dalkiisa; wuxuu sii raaciyay hadalka kasoo yeeray Karazai inuusan ahayn mid toosinaya xiriirka labada dal ee uu dhibayo dadka ku nool labada dhinac ee xuduuda ah.
16/06/08[G-News]
Dagaal culus oo la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa galabnimadan uu ka bilowday Warshadii hore ee Baastada oo fariisin u ah Ciidamada Itoobiya... waxaa dagaalkan soo qaaday kooxaha kacdoonka ka wada Geyiga Soomaaliyeed kadib markii ay madaafiic fara badan ladhaceen fariisimaha ciidamada Itoobiya ay ku leedahay warshada baastada.
15/06/08[G-News]

Israel oo ka warwareegaysa xabad joojin dheer oo lala galo Xamaas; kadib markii ay shuruudo iyo howl meleteri oo weyn ku hanjabtay inay ka sameyneyso Marinka GAZA.
Afhayeenka Dhaqdhaqaaqa Xamaas ayaa isna carabka ku dhiftay inaysan ahayn wax cusub ... ayna diyaar u yihiin wax kasta oo ay sahyuuniyada ku dhaqaaqaan.
Wasaaradda Dagaalka ee Israa'iil ayaa sheegtay in hogaamiyaha qeybta Nabada iyo siyaasada Caamuus Jalcaad uu hordhigay dhowr shuruudo Maamulaha Sirdoonka Masaarida Cumar Sulaymaan oo hogaaminayay wadahadalka xabadjoojinta, hayeeshee uusan wax jawaab oo lagu qanco soo helin.
wararku ayaa waxay sheegayaan in Jalcaad uu layimid shuruudihii hore ee ahaa in Xamaas ay joojiso Sawaariikhda ay ku hardinayso dhanka yuhuuda, iyo in horumar laga gaaro wadahadalka kala qaadashada maxaabiista si loo sii daayo askarigii Israa'iil ee maxbuuska ku ah GAZA mudo laga joogo laba sano; sidoo kale in dowladda Masar ay xoojiso sidii ay u joojin lahayd Hubka laga soo gelinayo dhankeeda>>>
Isku hagaha dhanka siyaasada ee Midowga Yurub 'Khafier Solan' ayaa ka degay Magaalada Dhehraan ee Dalka Iiraan si uu ugu gudbiyo mas'uuliyiinta Iiraan Kaalmo dhiiragelin ah si ay u joojiyaan Barnaamijka Nuyuklerka.
Waxaa lafilayaa in Solana uu lakulmo Wasiirka Arimaha Dibadda ee Iiraan Manushahar Mutaki iyo hogaanka sare ee wadahadalka Arimaha Nuyuklerka Alnuuri Saciid Jalili.

Sheekh Shariif Sh. Axmed oo ah Gudoomiyaha isbahaysiga dib uxoreynta Soomaaliya ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed inay taageeraan oo xoojiyaan heshiiskii dhowaan lagu gaaray Magaalada Jabuuti ee dhexmaray Dowladda DFK iyo Isbahaysiga. Sheekha oo wereysi Idaacadeed kala hadlay Shacabka waxaa uu sheegay inay ka heleen Damaanad Qaramada Midoobay iy Golaha Amniga in ciidamada Itoobiya ay uga baxayaan wadanka 4 bilood sida ku xusan heshiiska.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in Isbahaysiga uu guulo la taaban karo ka gaaray wadahadalkii ay la galeen Dowladda kaasoo uu ku sheegay Jadwalaynta kabixida ciidamada Itoobiya Dalka Soomaaliya.
Dadka deegaanka Tuulada Muta ee koonfurta Afgaanistaan ayaa Maraykanka ku eedeeyay Xasuuq ula kac ah oo ka geysteen tuuladaasi
Dadkaasi ayaa sheegay inay la kulmeen weerar dhul iyo cirba leh oo habeennimo ah iyo baaritaan guri oo ay kusoo qaadeen ciidamada Maraykanka.
waxaa isdhaafdhaaf galay tirada dhabta ah ee halkaasi lagu laayey... qaar kamida dadka deegaanka ayaa sheegay in 33 oo rayid ahi lagu dilay ayna ahaayeen Caruur iyo haween halka dhaawaca laga soo sheegay 18 ruux.
12/06/08 [G-News]

Dagaal xoogan oo la isku Adeegsanayo Hubka Nuucyadisa kala duwan ayaa waxaa uu u dhexeeyaa Ciidamada Ethiopia Kuwa AMISOM iyo Kuwa dowlada oo isku dhan ah iyo Xoogaga kacdoonka ka wada Soomaaliya, dagaalkaasi ayaa wuxuu ka socdaa Isgooyska KM 4 ee Magaalada Muqdisho.
Ciidamada AMISOM ee Ku sugan KM 4 waxaa ay tuurayaan Hub CulCulus oo dayankiisa si weyn looga maqlayo Qeeybaha kale ee magaalada Muqdisho.
12/06/08 [G-News]
100 ruux dhimasho ah ka dib markii dab qabsaday diyaarad rukaabka qaada dalkaasi Suudaan>>>>>
Dab ayaa waxaa uu qabsaday mid ka mid ah diyaaradah rukaabka qaada eee dalkaasi Suudaan iyadoo ku soo degeysay garoonka diyaaradaha magalada Qurduum ee caasimada dalkaasi Suudaan , diyaaradaasi oo ka timid magaalada Cammaan ee dalkaasi Urdun , wararka ayaa waxa ay sheegayaan in sababta diyaarada ku keentay inuu dab qabsadu uu yahay xaalada jawiga ama hawada uu xumay awgeed ayna ka baxday qadkii ay ku socotay dabna ka dhashay matoorka , taas oo kaliftay in diyaaradu u kala burburto labo qeybood , diyaaradaas oo waday rukaab ama passenger ka badan 200 rukaab, dhacdaasi murugada leh waxaa ku geeriyoday ilaa iminka dad ka badan 100 ruux sida laga soo wariyay talefishanka dalkaasi Suudaan....
106/08 [G-News]

Hogaamiyaha Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya oo cadeeyay inay hayaan shaqo ay ku doonayaan inay wadanka uga xoreeyaan Gumaysiga Itoobiya.
Wuxuu kaloo sheegay in dhamaan dhaqdhaqaaqyada iska caabinta ay garbeynayaan wadahadalka lagula jiro xukuumada sidii loo jadwaleylahaa kabixida ciidamada gumaysiga Itoobiya Dhulkeena hooyo.
Hadalka ayuu soo baxay kadib markii Ban ki mon uu soo dhaweeyay heshiiskii ay dhowaan mucaaradka iyo dowladda ku gaareen magaalada Jabuuti. Heshiiskaa ayaa wuxuu dhigayaa in ciidamada Itoobiya ay wadanka uga baxaan mudo 120 maalmood ah. sidoo kale in la joojiyo dhamaan qalalaasaha ka jira wadanka 30ka maalmood ee ugu horeeya iyadoo si wadajir ahna ay u ogolaadeen 90 maalmood lana sii kordhin karo.
Heshiiska ayaa wuxuu dhigayaa in Isbahaysiga uu canbaareeyo cidii fulisa weerar ama howlgal ka dhan ah ciidamada Itoobiya iyo DFK ayna ka fogaato xiriirkeeda inta heshiiskan uu jiro.....
106/08 [G-News]
Dowlada Masar oo ku waafaqday inay marti geliso kulan dhex mara kooxaha falastiiniyiinta ah
Wuxuu cadeeyay Mr Nabiil camruu safiir Dowlada Filistiiniyiinta ee dalkaasi Masar maalintii Talaadada eheed in dowlada masar ay balan qaaday inay marti-geliso kulamo leesugu keenayo garabyada Falastiiniyiinta ah dhexdooda inay ku wadad hadlaan hadafkiisuna yahay si loo gaaro musaalaxo ka dhax dhacad labada garab oo beryahaan danbe madaxdoodu wareesiyadooda ku sheegayay inay diyaar i yihiin inay wada hadlaan waan garabyada kala ah , ururka muqaawada Islaamiga ah ee loo yaaano XAMAAS iyo ururka xoreenta falastiin ee FATAX, marti-gelintaan ayaa ka danbesay ka gadaal markii ay magaalda qaahira ku kulmeen Madaxweynaha dalkaasi Masar MR Xusni Mubaarak iyo Mr Cabaas , kana codsaya Mr Mubaarak inoo door muhiim ah ka ciyaaro arimaha ka dhextaagan falastiiniyiinta dhexdooda , caasimada masar ee qaahirana noqo caasimada camal mushtaric si falastiin looga saaro mishaakilka heysta , dacwadaas waxaa aqbalay oo soo dhoweeyay dhamaan madaxda garabyada isku haya dalkaasi Falastiin, xamaasna ka mid tahay.br> 10/06/ 08 [G-News]

Maxamuud Cabaas oo markale ugu baaqay wadahal inay yeeshaan xoogaga Falastiin, kadib markuu wadahadal la yeeshay Boqorka Sacuudiga Cabdalla bin Cabdilcasiis booqasho gaaban oo uu ku tegay halkaasi.
Wuxuu cadeeyay inay tahay waajib inay yeeshaan wadahadal toos ah oo ay hormuud ka tahay Jaamacada carabta dhaqdhaqaaqyada Fatax iyo Xamaas.
Booqashadan ayaa ku soo beegantay xili ay si toos ah u wada hadleen labada kooxood Fatax iyo Xamaas Magaalada Daka ee Senegaal halka uu dhexdhexaadiye ka ahaa Madaxweynaha dalkaasi Cabdalla Waad.
09/06/08 [G-News]

Waxaa sii kordhaya Dhaawacii iyo dhimashadii Dagaaladii shalay ka dhacay Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.
Ilaa iyo 15 ruux ayaa ku dhimatay inta la'ogyahay dhaawucuna wuxuu sii dhaafay 52 ruux sida laga soo xigtay ilo Caafimaad oo ku sugnaa Cisbitaalka Madiino.
Sida ay warku sheegayaan ayaa Dagaalka waxaa uu ka bilowday kadib markii ay ciidamada Itoobiya isku dayeen inay galaan Suuqa Bakaaraha iyagoo ay hogaaminayaan Ciidamada DFK halkaasi oo ay kala kulmeen iska caabin xoog badan oo ku qasabtay inay dib uga gurtaan. kadibna waxay bilaabeen inay Madaafiic la dhacaan goobtii laga eryay.
09/06/08 [G-News]

Madaxweynaha Dalka Ruushka Medvedev ayaa Maraykanka dusha ka saaray mas'uuliyada dhaqaala darada maanta dunida ka jirta.
Medfedev isagoo ka hadlayey kalfadhi Dhaqaale oo lagu qabtay magaalada San Butrisberg ee waqooyiga Raashiya ayaa sheegay in wadankiisu uu dhexgeli doono Nidaamka Caalamiga "Globalazition" ee dunida oo uusan lahayn khiyaar kale. waxuuse markale adkeeyay diidmada Ruushka ee ah in Wadan uu isu maleeyo xitaa hadii uu yahay kan ugu xooga badan inuu dunida kaligii maamulo ama uu sameeyo sida Xukuumad Caalami ah.
08/06/08[G-News]

Hellary Clinton ayaa cadeysay maalintii Sabtidii inay dib uga guratay tartankii doorasho madaxweyne ee xisbiga dimoqraadiga Maraykanka; waxayna taageertay Barack Opama.
Warkaas ayey ka sheegtay Matxaf qaran oo ku yaala Magaalada Washington iyadoo doonaysa inay mideyso dadaalka xisbiga Dimuqraadiga kadib markii dagaal dheer oo doorasho soo gabagabowday maalintii Salaasada goortii uu guuleystay Barack Obama wafdiyadii looga baahnaa ee kadhigi lahaa murashaxii doorashada xisbiga.
Khudbadaas ay jeedisay ayaan goob joog ka ahayn Barak Obama, khudbadeeda waxay ku bilowday inay u mahadceliso dhamaan codbixiyayaashi garab istaagay intay ololeyneysay; waxayna ku guubaabisay inay codkooda siiyaan Barak Obama.
08/06/08[G-News]

Madaxweynaha Senegal Cabdalla Waad ayaa wadahadal kala gooni ah layeeshay wafdiyo ka kala socday dhaqdhaqaaqa Xamaas iyo Fatax si uu usoo helo aragti ay ka siman yihiin labadooda ee ku aadan Dhanka Isra'iil.
Jariidad maalinle ah oo kasoo baxda Senegaal ayaa kasoo xigatay Xaaji Mamadow oo ah afhayeenka madaxweynaha Senegaal in Waad uu sameeyay wada hadal midba mar uu lasameeyay Fatax iyo Xamaas ...wadatashigaas ayaa bilowday maalintii Jimcihii...
wuxuu socon doonaa 7 marxaladood si loo helo mowqif midaysan si loo gaaro nabad lala galo Isra'iil.
08/06/08[G-News]

Maxkamadda Denbiyada Aduunka ayaa sheegtay inay isku dayday Afduubid ay kusoo qabanayso wasiirka Xuquuqda Aadanaha ee Suudaan MR. Axmed Haaruun, kaa oo ay ku eedeynayso inuu ka danbeeyay falal Denbiyo xuquuqul aadanaha kabaxsan oo lagula kacay gobolka Daarfuur...
Maxkamada ayaa waxay qiratay inay ka danbeysay isku daygaa la isku dayey in lagu soo qabto Axmed Haaruun.
Afhayeenad u hadashay Maxkamada Folorans Olara ayaa sheegtay in ladamacsanaa in la wareejiyo jihada Diyaaradii uu saarnaa ee kusocotay Magaalada JEDDAH si uu usoo qaato Waajibkii Cumrada. waxay kaloo warka sii raacisay inay jirtay Dowlad aanay sheegin magaceeda inay diyaar u ahayd inay qaabisho diyaarada lasoo leexiyay. hayeeshe waa loo digay oo diyaaradii waa uu kasoo degay intaysan duulin.
Afhayeenada waa ay diiday inay sheegto dowladda diyaarka ahayd ... hayeeshee waxaa ay sheegtay in dowladda Sacuudiga lala socodsiiyay howlgalka la damacsanaa...
07/06/08 [G-News]

Dowladda Fenezuela oo Sawaariikh ay dhowaan soo gadatay ku tijaabisay Badda Kariibiyanka iyadoo dhoolatusaysa awoodeeda Meleteri, halka ay xiisada siyaasadeed iyo xiriirka ay laleedahay Maraykanka iy Kolombiya ay liidato.
Maalintii Jimcihii ayaa Diyaaradaha Dagaalka ee Fenuzuela noocoodana yahay Sakhoy [Rusia] ay ku sameeyeen dhoolatus xabado nool ah dusha xero meleteri oo kutaala jaziirada La'Orteshela, waxay halkaasi ku riday Bam culayskiisa ahaa 500kg iyo Saaruukh [Gantaal] noociisu yahay KH-500 oo lagu riday bartilmaameed badda gudaheeda ah.
Hadal warbaahin oo laga soo xigtay Abaanduulaha Ciidamada cirka ee Fenezuela "Loes Jose" ayaa sheegay in qalabka dagaal ee casriyaysan ay kaalmeyneyso wadankiisa sidii ay isaga difaaci lahayd weerar lama filaan ah oo lagu soo qaado.
Dhoolatuskan waa kii ugu horeyay ee ay Fenuzuela ku sameyso hub casriyaysan oo ay dhowaan kasoo gadatay dalalka Rusiya iyo China iyadoo ka faa'ideysanaysa kor ukaca saliida ay iibgeyso.
07/06/08 [G-News]
Wararka naga soo gaaraya degmada Qansaxdheere ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay taliyihii ciidamada Asluubta ee degmada Qansaxdheere kasoo ay dileen kooxo ku hubaysanaa Bastolado.
07/06/08[G-News]
Labo wiil oo dhalinyaro ah oo saakay ay wateen ciidamada DFKM ayaa maydkooda laga helay agagaaraha kuliyada Jaalle Siyaad labada wiil ayaa kala ahaa Macalin Dugsi Quraan midka kalena wuxuu ka mid ahaa ilaalada HOTEL WEHELIYE. Macalinka Dugsi Quraanka ayaa magaciisa lagu sheegay Macalin Cabdulqaadir ciidamada DFK markay kaxaysteen waxay ku wareejiyeen Ciidamada Itoobiya kadibna dilay labadii wiil oo aan la ogayn sababta loo dilay.
07/06/08[G-News]
Xaalada agagaaraha Saldhiga Galbeed ee degmada Dharkiinlay ayaa degan kadib markii shalay gelinkii danbe ay saldhiga ku soo laabteen Ciidamada Boliska iyadoo dadka ay biliqo xoogan u gaysteen saldhiga.
07/06/08 [G-News]
Shan ruux oo seddex ka mid ah ay yihiin Askarta DFKM ayaa ku geeriyootay kadib markii xalay weerar ay ku qaadeen xoogaga ka soo horjeeda DFKM kuliyada Jaalle Siyaad oo fariisin u ah ciidamada DFK ee loo yaqaan KOOBI.
07/06/08 [G-News]


Dagaal laysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa wuxuu dhexmaray Xoogaga kacdoonka ka wada Soomaaliya iyo ciidamada Itoobiya, dagaalkan ayaa waxaa soo qaaday kooxaha kacdoonka ka wada Soomaaliya xili la sheegay in ciidamada Itoobiya ay qaybinayeen Mesego iyadoo aan la ogayn danta ay ka leeyihiin ciidamada Itoobiya qaybinta Mesegada iyadoo loogu bartay qaybinta Madaafiicda, Gantaalo, Hoobiye iyo PMKA.
06/06/08[G-News]
Ciidamada Boliska DFKM ayaa maanta rasaas ku furay dad marayay agagaarka saldhiga Galbeed ee degmada Dharkiinlay waxaana halkaaasi ku geeriyooday wiil 12jir ah, seddex qof kalena way ku dhaawacmeen.
06/06/08[G-News]
Magaalada Muqdisho dilka wuxuu ka noqday wax iska caadi ah oo aan lala yaabin balse beryahan waxaad moodaa inay saa,ideen dilka, dilkii ugu danbeeyay ayaa xalayto ka dhacay Suuqa Bakaaraha oo lagu dilay wiil dhalinyaro ah halka mid kale lagu dilay xaafada Taleex ee degmada Hodon, iyadoola og yahay in is ugaarsi sida dabaysha u socda uu u dhaxeeya DFKM iyo xoogaga ka madax jabsan DFKM iyo joogitaanka Ciidamada Shisheeye.
06/06/08[G-News]
Afhayeenka dhinaca howlgalada ee Maxkamadaha Islaamka SH.CABDIRAXIIN CIISE CADDOW ayaa sheegay in dagaaladii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho ay iyaga ka danbeeyeen.
06/06/08[G-News]
Dooni ay saarnaayeen tahriibayaal Soomali ah kana baxay Liibiya kuna sii jeeday Talyaaniga ayaa la,layahay meel ay jaan iyo cirib dhigtay.
06/06/08[G-News]
Dagaal ayaa galabta ka dhacay wadada warshadaha dagaalka ayaa waxuu u dhaxeeyay ciidamada Itoobiya iyo kuwa Soomaalida ah oo isku dhinac ah iyo kooxaha ka madax jabsan joogista ciidamada shisheeye; sidoo kale dagaal la mid ah midkaas ayaa ka dhacay wadada 30ka iyo wadada kale ee Maka almukarama dagaaladaasi ayaa bilowday isku mar abaarihii 5:20DAQIIQO ee galabnimo.
05/06/08[G-News]
Xoogaga xarakada Al shabaab ayaa maanta waxay howlgal isbaaro qaadis ka fuliyeen inta u dhaxeysa degaanka Xaramka iyo Degmada Jilib oo kawada tirsan Gobolka Jubada Dhexe, wax khasaaro ahna lama sheegin iyadoo wadadaasi lagu dhibaatayn jiray dadka ku safra.
05/06/08[G-News]
Ciidamo ka wada tirsan DFKM oo kala ah Booliis iyo Meleteri ayaa goor dhow dagaal ku dhex maray isgoyska Ceelgaab ee degmada Xamar jajab waxaa halkaasi dhaawac ku soo gaaray Gabar yar oo ku sugnayd halka dagaalku ka dhacay.
05/06/08[G-News]
Markabkii laga lahaa dalka Holland ee u afduubnaa burcad badeedka Soomaalida ah ee lagu haystay degmada Baargaal ayaa hadda waxay la aadeen dhanka degmada Eyl.
05/06/08[G-News]
SARIFKA LACAGAHA QALAAD IYO QIIMAHA BADEECOOYINKA :
1OO DOLLAR =3,3OO,OOO SH.SO
1OO KENYA MONEY=43O,OOO SH.SO.
1OO DIRHAM=92O,OOO SH.SO.
1OO S.RIYAL=7OO,OOO SH.SO.
====### Badeecooyinka ###====

OMO TOP=10.8$ OMO CRYSTAL=1O.5$ CALEENTA SHAAHA = 33$
BARIIS 5OKG=65$ BUR 5OKG=55$ SONKOR 5OKG=25$
SALIID 2OKG=33$ MACSARO LITARKII=75,OOO SH.SO. KOOMBO DIGIR=23,OOO SH.SO.
KOOMBO GALAY=15,OOO SH.SO. KOOMBO MESEGO= 8.OOO SH.SO.
05/06/08[G-News]
Xaalada xaafada Macmacaanka ee degmada Madiino ayaa degan kadib markii xalay weerar lagu qaaday meel lagu farsamayn jiray qamriga nooca ay Soomaalidu u taqaan CALAQ iyadoo halkaasi lagu burburiyay qalabkii lagu farsamayn jiray Calaqa iyo wixii qamri ah oo yaalay halkaasi, iyadoo dadkii halkaasi ku dhaqnaa ay mujinayeen siday ugu qanacsan yihiin burburinta goobtaasi.
05/06/08[G-News]

Brack Opama oo Cadeeyay inuu ku guuleystay Musharaxnimada Madaxweyne ee xisbiga Dimuqraadiga kadib markii ay soo baxday natiijadii labadii gobol ee ugu danbeysay ee isreebreebka musharaxnimada xisbigaasi.
Helary Clinton ayaa diiday inay isudhiibto natiijadaa soo baxday iyadoo sheegtay inay latashanayso howlwadeenada xisbiga dimuqraadiga iyo reerkeeda, si ay u soo xadido waxa u wanaagsan Xisbigeeda iyo wadankaba; isla markaana waxay aad u amaantay Barack Opama oo awooday sida ay tiri inuu ku guuleysto tartan sharafaysan. waxayna ka shaqeyn doontaa sida ay tiri waxa u wanaagsan xisbiga dimuqraadiga.
Opama ayaa khudbad uu u jeediyay cod bixiyayaal yiri:
Waxaan caawa awoodaa inaan idiin soo hor istaago idina sheego inaan noqon doono Musharaxa Xisbiga dimuqraadiga ee Madaxweynanimada Maraykanka.
Wuxuu hadalkiisa ku adkeeyay inay tahay waqtigii ama saacadii lasoo dabooli lahaa siyaasadihii hore.
Opama ayaa amaanay lidkiisa tartameed ee xisbiga dimuqraadiga Helarry Clinton iyo taageerayaasheedaba habkii wanaagsanaa ee ay uga qeybqaateen tartankan.
War laga soo xigtay lataliyaal ku dhowdhow Helary Clinton ayaa sheegaya inay aqbalayso inay noqoto musharax Madaxweyne ku xigeenka tartanka doorashada Madaxweynanimada iyagoo sii tilmaamay inay sidaasi ku sheegtay telefan ay la hadlaysay saaxiibayaalkeeda xubnaha ka ah gobolka Newyork ee kongareska ku jira.
Gendershe New Media Online. [G-News]
Darawalkii Wasiirka gadiidka cirka iyo dhulka isla markaana ah xildhibaan ka tirsan barlamaanka DFKM Ibraahim Xaabsade ayaa maanta waxaa dilay askarta DFKM, Darawalka ayaa waxaa lagu magaaci jiray Maxamed Cumar.
04/06/08[G-News]
Shirkii aqoon iswaydaarsiga ahaa ee ugu socday dalka Jabuuti DFKM iyo Isbahaysiga dib u xoraynta ayaa maanta waxaa isaga baxay Isbahaysiga kadib markii hoolka shirka ka socday uu soo galay Safiirka Dowladda Itoobiya.
04/06/08[G-News]
Maraakiib kuwa dagaalka oo ay leyihiin Dalalka Maraykanka iyo Faransiiska ayaa maanta waxaa lagu arkayay xeebaha Magaalada Muqdisho gaar ahaan agagaarka Dekedda iyo Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho iyadoo aan la ogayn sababaha ay ugu soo dhawaadeen xeebaha Muqdisho.
04/06/08[G-News]
Afhayeenka Xarakada dagaalyahanada Al shabaab SH.MUQTAAR ROOBOW CALI(ABUU MANSUUR) ayaa sheegay in dilkii afhayeenka ganacsatada gobolka Banadir inay kadanbeyeen Cadowga Soomaaliyeed.
04/06/08[G-News]
Diyaarado Hilekobtar ah oo aan lagaranaynin dowlada leh oo joog hoose ku duulayay ayaa lagu arkayaa Magaalada Muqdisho gaar ahaan degmooyinka Xamar wayne, Shangaani,C/casiis iyo Kaaraan, sidoo kale diyaaradaha dagaalka ee dalka Kenya ayaa iyagana shalay iyo maantaba waxay dul heehaabayaan degaanka Dhooblay kadib markii habeen hore la dilay 4 Askari oo Keenyaan ah waxaana weeraray dablay Soomaali ah oo ka gudbay xadka Soomaaliya.
04/06/08[G-News]
Saldhiga booliiska ee degmada wanle wayne(DAAFEED) ee Gobolka Shabeelaha hoose ayaa maanta wax shaqo ah qabanin kadib markii ciidankii joogay ay xirteen Saldhiga iyagoo ku andacoonaya in aysan helin wax mushahar mudadii ay joogeen Saldhiga.
04/06/08[G-News]
Tikniko iyo ciidamo ay saarnaayeen ayaaka ka baxsaday DFKM iyagoo isku dhiibay xoogaga Maxkamadaha Islaamka ee ku sugan Magaalada Jowhar.
04/06/08[G-News]
Saakay waaberigii ayaa waxaa weerar xoogan lagu qaaday ciidamo Booliis ah oo ku sugnaa Xaafada Tabakaayo madow ee degmada Dharkiinlay, weerarkan ayaa waxaa soo qaaday xoogaga kacdoonka ka wada geyiga Soomaaliya waxaa halkaasi ku geeriyooday hal Askasi iyo qof rayid ah, maydka askariga ayaa weli yaala halka uu ku dhintay qorigii askariga ayaa waxaa horay u qaatay kooxdii weerartay askarta DFKM.
04/06/08[G-News]

Madaxwaynaha DFKM ee Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo Wafdi uu hogaaminayay ayaa dib ugu soo laabtay Dalka, Kadib markuu booqasho gaaban ku maqnaa Dalka Jabuuti oo halkaa ay wadahadal uga socdeen Kooxaha isaga soo horjeeda Dalka. Goortii uu kasoo degayey gegida Dayuuradaha Caalamiga Aadan Cadde ayaa waxaa lagu soo weeraray hoobiyayaal. weerarkan ayaa soo qaaday xoogaga kacdoonka ka wada geyiga Soomaaliya.
03/06/08[G-News]
WAR DEG DEG AH bam gacmeed nooca loo yaqaano (F1) ayaa caawa waxaa lagu weeraray shaneemo ku taal magaalada Gaalkacyo lamana yaqaano cida tuurtay bambada, balse waxaa la xaqiijiyay inay jirto dhimasho hal ruux ah iyo tiro dhaawac ah oo intaa kabadan.
02/06/08[G-News]
Sideed ruux ayaa ku dhimatay Qarax Gaari Miineysan oo lala beegsaday Safaarada Denmark ay ku leedahay Magaalada Islamabad ee Dalka Pakistaan...
Waxaa kaloo ay wararku sheegayaan in ay dhaawac kusoo gaareen laba hablood oo ka shaqeynayey safaarada sidoo kale Qaraxa wuxuu sameeyay god weyn wadada dhexdeeda, halka uu Albaabka weyn ee safaarada burburiyay iyo gawaari ay tiradoodu kor u dhaaftay 4 oo laga lahaa safaarada ay burbureen.
02/06/08[G-News]
Odayaasha dhaqanka ee beelaha Hawiye ayaa maanta sheegay in aan wax natiijo ka soo baxaynin shirka Jabuuti ee la rabo in laysku horfariisiyo DFKM iyo Isbahaysiga dib u xoraynta iyagoo sheegay in inta ciidamada Itoobiya ay ku sugan yihiin geyiga Soomaaliya aan waxba soconaynin.
02/06/08[G-News]
WAR DEG DEG AH qarax ayaa goor dhow lagula beegsaday ciidamada itobiya magaalada beled wayne qasaaraha soo gaaray lama oga.
02/06/08[G-News]
CALI MALAAY oo ah sarkaalka ugu sareeya Hay,adaha Qaramada Midoobay ee gobolka Shabeelada Dhexe ayaa waxaa xiray Midowga Maxkamadaha Islaamiga.
02/06/08[G-News]
Saakay salaadii subax kadib ayaa waxaa dhaawac toogasho loogu gaystay Magaalada Baydhabo Shiiq Aways Xasan waana Aqoonyahanada degan Baydhabo. Lamana oga cidii geystay falkaasi dambiyeed... iyadoo ay beryahan danbe soo kordheysay xaalada amni darada Magaalada Baydhabo. Shiiq Aweys ayaa wuxuu u shaqeynayey hay'add samafal [UNDP] oo ka howlgasha Magaalada Baydhabo
02/06/08[G-News]
Xaalada degmada Dharkiinlay ayaa degan ka dib markii xalay Saldhiga Galbeed ay weerar ku soo qaadeen xoogaga iska caabinta kula jira ciidamada Isbahaystay ee Itoobiya iyo kuwa Soomaalida ah. Ilaa iyo haatan lama oga khasaaraha soo gaaray laba dhinac. Saldhiga Galbeed ayaa wuxuu noqday meel bartilmaameed u ah Ciidamada Kacdoonka ah ee ka soo horjeeda DFK.
02/06/08[G-News]
Ciidamo ku hubaysan tiknikooyin ayaa maanta la dhigay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Gaalkacyo, ciidamadan oo ah kuwa ay leeyihiin Maamul goboleedka Buntland ayaa halkan lakeenay kadib markii seddex beri uu u xirnaa ciidamo ka soo jeeda koonfurta Gaalkacyo.
01/06/08[G-News]
Weerarkii barqadii maanta ka dhacay Wadada Maka al mukarama ayaa waxaa la sheegayaa in lagu qaaday Madaxwaynaha DFKM ee Soomaaliya. Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo ku sii jeeday garoonka diyaaradaha kadib markii uu gaaray garoonka ayaa markale lagu weeraray madaafiic oo dhaawac soo gaarsiiyay ciidamada amisom gaar ahaan kuwa Ugaandha, madaxwaynaha ayaa goor dhow ka duulay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
01/06/08[G-News]
Dagaal ayaa goor dhow ka bilowday wadada Maka al mukarama wuxuu u dhaxeeya ciidamada Itoobiya iyo kuwa soomaalida ah oo hal dhinac ka soo wada jeeda iyo kooxaha ka biyo diidan DFKM iyo joogista ciidamada shisheeye xili uu madaxwaynaha la filayo inuu ka dhoofo xamar isagoo ku sii jeeda Dalka Jabuuti, Garoonka diyaaradaha ayaa waxaa lagu garaacayaa madaafiic xoogan iyagoo xoogaga ka soo horjeeda DFKM ay ku tuurayaan Madaafiicdaasi.
01/06/08[G-News]
Koroneelka ugu sareeya ciidamada Itoobiya ee ku sugan gobolka hiiraan ayaa ku amray gudoomiyihii xilka ay ka xayuubiyeen DFKM Yuusuf Axmed Hagar(DABO GEED) inuu isaga baxo gobolka Hiiraan, halka yuusuf uu weli ku adgaysanayo inuu yahay gudoomiyaha gobolka isla markaana uusan ka tagaynin halkaasi.
01/06/08[G-News]
Saakay ayaa waxaa xiran wadooyinka gala isgoysyada no-4 waxaana la filayaa in maanta uu bixi doono Madaxweynaha Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf.
01/06/08[G-News]
[ Indonesiya oo ku hanjabaaday inay xiri doonto Mowqica "Youtube" ] Mudaaharaadyo
Maqaal
Ma'ogtahay Faa'iidada Gudniinka ?!!
Maqaal
Shirkii jabuuti oo Umadda lagu heshiiyay
in aan la heshiin

Maqaal
Waa maxay Sababaha Furiinka badiyay ?!!
Maqaal
Kulayl Gubasho Gamaarasho

Maqaal
Tartanka VOA Vs BBC oo sii kordhaya
[ ka aqri halkan]

Maqaal
Timirtii hore DAB loo waa
[ ka aqri halkan]

Maqaal
Shirkadii Kaluumaysiga Shifco xagey kusocotaa???!!!!
Maqaal
Yaa u wan qalanaya???!!!
Shirka DFK iyo Mucaaradka.?
[ ka aqri halkan]

Maqaal
Tirada Qaxootiga Soomaalida dalka Yemen oo sii kordheysa !!!!!!
Maqaal
Tahriibka waa Tahluuko!!!!
Maqaal
Barro Cadawgaada!!!!
Maqaal
Sicir bararka Yaa ka mas'uul ah??
Maqaal
Dib u heshiisinta [Nuur Cadde] ma Miro dhali kartaa.!!!?
Maqaal
Caruurta Soomaaliyeed Dhaan u ma maqna!!!
Qeybtii Labaad [ka aqri halkan]
Maqaal
Maxaad ka taqaanaa Jubadda Hoose..?
Qeybtii Labaad [ J.hoose ]
Maqaal
Dhibaatooyinka Saxafiga
Maqaal
Dowlad waxay ka timaadaa Bulshada
Maqaal
Maxaad ka taqaanaa Xisbullah
Maqaal
Muqdisho iyo Maanta
Maqaal
Nabada iyo Nolosha
Sheydaanka iyo Meelaha uu kusoo ganbado.

Maqaal
Xumaanta iyo Samaanta

Weriye ama Sawir qaade SAAMI ALXAAJ Maxaad ka taqaanaa
. Waa weriye u dhashay Dalka Suudaan ... wuxuu u shaqeynayey Kanaalka Aljazeera ee Qadar ... [ka aqri Halkan.]