HomeAbout usChattingCasharoAroosDhalashoTacsiadverMembersGuddiga Sarre ee badbaadinta Gendershe

3D Animated Flags--By 3DFlags.com

Qolobaa calankeedu, waa ceynoo, Innaga keenu waa, Cirkoo kale e, Oon caadna lahayn, Ee caashaqaye. Xidigyahay cadi, Waad noo ciidamisee, Carradaa kaligaa adow curadee cadceeda sideedaa u caan noqo ee

[Wararka Bisha May, 2008]
Maalintii labaad ayaa waxaa xiran Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Gaalkacyo kadib markii shalay ay duqayn u gaysteen maleeshooyin lasheegay inay ka soo jeedaan koonfurta Gaalkacyo iyagoo ku andacoonaya in hantida ka soo xaroota garoonka ay ku tagri falaan hal qolo keliya.
31/05/08[G-News]
Warar ay heshay Gendershe.com ayaa sheegaya in shirkii maanta ka furmi lahaa Dalka Jabuuti uu dib u dhac ku yimid ilaa iyo beri.
31/05/08[G-News]
Xaafad lagu magacaabo TACAB IYO TACLIIN oo ah meel ganacsi oo ku taal degmada Dharkiinlay ayaa goor dhow ka kacay dab xoogan oo gaystay Khasaare maaleed.
31/05/08[G-News]
Roobab lixaad leh oo ka da,ay Gobolka Shabelaha Hoose oo khasaaro ka gaystay degmada Marka cadeey, warka ayaa waxay sheegayaan inay soo dumeen guryo qaarkood oo ku yaalay degmada, sidoo kalle degaan waynaha Gendershe ayaa waxaa laga soo sheegayaa in ay duntay sar duug ah oo bartamaha degaanka kutiil oo aan cidna ku jirin, balse Lixaadka roobka da'ayo dartii ayaa dadweynaha reer Gendershe ay baqdin ka muujiyeen biyaha roobka ee ka soo burqanaya buuraha inay fariistaan gudaha Gendershe kaa oo sababi kari cudurada faafa.
31/05/08[G-News]
Ciidamo taabacsan Maxkamadaha Islaamiga ayaa la wareegay degaanka KUDHAA oo ka tirsan Degmada Badhaadhe ee gobolka Jubada Hoose iyadoo aan la kulmin wax iska caabin, Maleeshooyin Beeleedyadii ku sugnaa ayaa halkaasi isaga baxay kadib markii ay maqleen inay ku soo wajahan yihiin ciidamada Maxkamadaha Islaamiga.
31/05/08[G-News]
Roobabkii 24saac ka da,ayay Magaalada Muqdisho -xamar- ayaa hakad geliyay isu socodka Baabuurta isaga kala gooshta xaafadaha xamar dhexdooda.
31/05/08[G-News]

Maanta oo Sabti ah waxaa Magaalada Jabuuti dib uga furmaya shirkii la isugu soo dhaweynayay Dowlada Somaliya iyo Mucaaradka kaa soo ay soo qaban qaabisay qaramada midoobay.
Qaramada midoobay ayaa ugu baaqaya dhamaan Mucaaradka iyo Dowladda inay sameeyaan iskaashi ah sidii loo soo afjari lahaa dhibaatada haysata Shacabka Soomaaliyeed...
Axmed Walid Cabdalla oo ah ergayga Qaramada midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya ayaa ugu baaqan kooxaha dhanka siyaasadda isaga soo horjeedaan inay iska daayaan wax uu ugu yeeray [Guul gaaraha ayaa wax waliba qaadanaya] waa hadii ay doonaan buu yiri inay soo dhameeyaan dhibaato soo jirtay 18 sanadood. wuxuuna ku baraarujiyay inay sameeyaan tanaasulaad dan u ah Shacabka dhibaataysan ee Soomaaliya.
War laga soo xigtay Mucaaradka ayaa sheegaya inaysan wadahalkaasi uusan salkiisa durqinayn inta ay joogaan Itoobiya ciida Soomaaliya.
31/05/08[G-News]
WAR DEG DEG AH xildhibaan cusmaan caato ayaa goor dhow xurayadiisa dib u helay daqiiqado ka hor waxaa gacanta ku dhigay ururka JABHALISLAAMIYA oo ka mid ah xoogaga kacdoonka ka wada geyiga soomaaliya xildhibaanka ayaa goor dhow gaaray degmada wanle wayn.
warar lagu kalsoon yahay ayaa waxay sheegayaan in xildhibaanka lagu magacaabo CUSMAAN CAATO ay gacanta ku dhigeen xoogaga ka soo horjeeda DFKM cusmaan caato ayaa lagu qabtay agagaaraha LEEGO IYO YAAQBARI WAYNE isagoo ku sii jeeday magaalada baydhabo kana yimid muqdisho..
30/05/08[G-News]
Taliye ku xigeenka ciidanka booliiska ee degmada Balcad XASAN CALI XASAN ayaa caawa shaaca ka qaaday in uu iska casilay jagadii uu u hayay DFKM mana ahan markii ugu horaysay ee ay is casilaan madaxda iyo hawlwadeenada DFKM.
30/05/08[G-News]

Sheekh Shariif Sh. Axmed hogaamiyaha Isbahaysiga dib u xoreynta Somaliya ayaa aad u fogeeyay in wadahadal toos ah lala galo Dowladda ka jirta Muqdisho iyadoo aan lahelin wax damaanad ah in laga gaarayo Guul.
Sidoo kale wuxuu sheegay inaysan jirin dhibaato aad u weyn ama kalaqeybsanaan soo dhexgalay Isbahaysiga dib uxoreynta Somaliya oo beyahan la arkayey.
Shariif ayaa warkan kusoo beegay iyadoo ay wax yar ka dhiman yihiin wareegii labaad ee wadahadalka Jabuuti ay kooxaha mucaaradka kula lahaayeen Xukuumada Muqdisho.
30/05/08[G-News]
Magaalada muqdisho ayaa xalay ilaa iyo maanta waxaa ka da,aya roob iyadoo lagu arkayo Wadooyinka oo biyo buuxa isla markaana Dhaqaatiirta ay ka digayaan in cudurada faafa ay ka dilaaci karaan biyaha roobka ee fariisinka ka dhigtay wadooyinka.
30/05/08[G-News]
Xoogaga ka amar qaata Midowga Maxkamadaha ee xalay gaaray Degmada Cadale ayaa la filayaa in meel fagaaro ah ay kala hadlaan dadka degan Cadale ee gobolka Sh.Dhexe.
30/05/08[G-News]
Ciidamada Itoobiya ayaa shalay fariisin cusub ka samaystay xaafada Kax Shiiqaal ee degmada Dharkiinlay iyagoo halkaasi ka ilaalin raba saldhiga ay ku leeyihiin Xarunta Asluubta.
30/05/08[G-News]
Ciidamo Itoobiyaan oo xalay ku sugnaa xero ay ku nool yihiin Dad qaxooti ah oo ku taal degmada Wanle wayn ayaa saqdii dhexe ee xalay ka ruqaansaday una dhaqaaqay dhanka Muqdisho.
30/05/08[G-News]
Xildhibaan Cabdullaahi Shalaytay ayaa xalay hoygiisa oo ku yaala Magaalada Baydhabo lagu weeraray Bam gacmeed kaasoo dhaawac ugu gaystay tobon ruux oo kamid ahaa qoyskiisa halka ay qaarkooda yihiin dhaawac culus.
30/05/08[G-News]
WAR DEG DEG AH meelo ka mid ah degmooyinka huriwaa iyo Yaaqshiid ayaa waxaa iminka ka socda dagaal u dhaxeeya Xoogaga Kacdoonka ka wada Ciida Soomaaliya iyo ciidamada Itoobiya iyadoo la maqlayo daryanka madaafiicda.
29/05/08[G-News]

Ciidamadii Itoobiya ee ku sugnaa tuulada Yaaqbari wayne maalmahan ayaa ka guuray waxayna u ruqaansadeen dhanka Degmada Afgooye.
29/05/08[G-News]

Madaafiic ayaa goor dhow lagu weeraray ciidamo Itoobiyaan ah oo ka soo laabtay qaybin mucaawino ciidamada oo fariisinkooda ah garoonka Istaadiyo Muqdisho ayaa khasaaraha gaaray la'ogayn; dhanka kale golaha aqoonyahanka xorta ah ee soomaaliyeed ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in la yiraahdo ciidamada Itoobiya ayaa mucaawino qaybinaya oo mushaharkooda ugu deeqay Dadka Soomaaliyeed xili ay degan yihiin goobaha Caafimaadka, Waxbarashada iyo meelaha Dhaqaalaha kasoo gala shacabka Soomaaliya.
29/05/08[G-News]
SARIFKA LACAGAHA QALAAD IYO BADEECOOYINKA :
1 DOLLAR=33,OOO Sh.So.      100 SH.KENYA= 42,OOO Sh.So.
1 DIRHAM = 92,OOO Sh.So.      1 S.RIYAL = 7O,OOO Sh.So.
BUR 5OKG= 48$.      BARIIS 5OKG = 52$.
SONKOR 5OKG = 25$.      SALIID CADEEY 2OKG = 33$.
OMO TOP = 1O.5$      OMO CRYSTAL = 1O.2$.      CALEEN SHAAH = 34$.
Xaafada kax Shiiqaal ee degmada Dharkiinlay ayaa waxaa ku soo faafay Ciidamo Itoobiyaan iyo kuwo soomaali ah iyadoo la sheegayo inay baaritaano ka bilaabo doonaan kadib markii xalay weerar culus lagu qaaday saldhiga galbeed.
2905/08[G-News]
Waxaa gebi ahaanba xiran wadooyinka gala nambar afar waxaana xirtay ciidamada DFKM lamana yaqaan sababta ay u xireen walow wadadaasi la xiro markay imaanayan ama ay baxayaan madaxda DFKM.
2905/08[G-News]

Codaleza Rice oo Aduunweynaha ugu baaqday kaalmo dheeraad ah iyadoo waxyar kahor inta aan la qaban shirkii Istokholom ee looga hadlayey Arimaha Ciraaq ugu baaqday Aduunweynaha in kaalmo dheeraar ah u fidiyaan sidii loo taageeri lahaa dowlada Ciraaq ka jirta. waxayna markale Iiran uga digtay faragelinta iyo hubaynta maleeshiyada reer Ciraaq ee sababaya dhimashada ciidamada Maraykanka.
29/05/08[G-News]

Boqortooyada Niibaal oo isu wareejisay Jamhuuriyad kadib markii doorasho ay sameeyeen Golaha dhisida khaaska ah "Barlamaanka wadankaasi" uu si buuxda u ogolaaday in la baa'biyo Nidaamkii boqortooyo ee wadankaasi ku dhaqmayey mudo kabadan 240 sanadood lana baahiyo in wadanka isu rogay JAMHUURIYAD.
Shacabka reer Niibaal ayaa u dabaaldegay isbedelkan taariikheed, Xafladii lagu dhaarinayey ra'iisul wasaaraha cusub ee la filayo inuu noqon doono Madaxweynihii ugu horeeyay ee Niibal ahna hogaamiyaha Maawiyiinta [Bushbaa Kamal Dahal] ayaa isugu yimid kumanaan qofood barxada weyn ee Xarunta shirarka Magaalada Katmandu ee caasimada Niibaal.
29/05/08[G-News]

Ra'iisul wasaaraha cusub ee Dowladda Kuwait Sheekh Naasir Muxamed Al Sabaax ayaa magacaabay wasiiradii dowladiisa oo ay ku jirto qof dumar ah oo Lebaraali ah.
Xukuumadan cusub ayaa waxaa ay ka kooban tahay 15 wasiir oo ay 7 kamidi ay yihiin shakhsiyaad cusub oo aan ku jirin xukuumadii hore. maalintii arbacadii ayey xukuumada hor istaagtay Amiirka Dowladda Kuwait iyadoo isudhaarinaysa shaqadeeda cusub.
Muudi Cabdilcasiis oo ah Wasiirada cusub ee Deegaanka iyo horumarinta ayaa ah qof lebaraali ah oo ku baaqa in lahagaajiyo siyaasada guud ee wadanka si weynna loogu furmo caalamka dibada.
29/05/08[G-News]
Dagaal sababay dhimasho iyo dhawac ayaa maanta ka dhacay isgoyska towfiq dagaal oo ay soo qadeen koxaha kacdoonka ka wada somaliya halkaas waxaa farisinka ku leh ciidanka DFKM ee loo yaqaan KOOBI.
Wararka ka imaanaya Somaliya ayaa sheegaya in abaarihii 5:25 ee galabnimo ay waxaa weerar culus soo qaadeen xoogaga wax iska caabinta iyagoo weeraray saldhiga galbeed waxayna halkasi ku dilen 4 askari waxayna la wareegen Hal tikniko mid kalena way gubeen iyago ka baxay saldhiga mar danbe.
Afhayeen u hadlay ciidamada AMISOM ayaa sheegay in ay ka war heleen in kooxaha ka soo horjeeda ay qorsheenayaan inay weerar ku soo qaadaan ciidamadooda.
Ciidamo beeleedyo ku sugan magaalada Kismaayo ayaa maanta gudaha u galay iyagoo shaqaalahana ku amray inay dibada ka tagaan Dekada Caalamiga ee kismaayo. Afhayeen u hadlay Maxkamadaha ayaa sheegay inay iyaga ka danbeyeen dagaalkii ka dhacay saldhiga galbeed.
Wararka maanta 28/05/08[G-News]

Idaacada Rasmiga ee Iiraan ayaa sheegtay in barlamaanka Dalkaasi uu doortay CALI LAARJAANI oo ahaan jiray mas'uulkii Iiraan ee u qaabilsanaa lahadalka Aduunweynaha arimaha barnaamijka Nuyuklerka Iiran inuu noqdo madaxa Barlamaanka.
Wuxuu helay cod dhan 232 halka aysoo xaadireen 263 oo codkooda dhiibtay. wuxuuna bedelayaa GULAAM CALI XADAAD oo ah Madaxa Barlamaanka..
28/05/08[G-News]

Isbahaysiga tirada badan ee barlamaanka Lubnaan ayaa soo sharaxay Fu'aad Alsanyuura kadib heshiiskii Dooxa ee dhigayey inuu is casilo...
Fu'aad Alsanyuura oo ah sii wadaha shaqada ra'iisul wasaare ee Lubnaan ayaa mar labaad ay usoo sharaxeen isbahaysiga tirada badan ee barlamaanka Lubnaan kadib markii la doortay Madaxweyne Cusub oo heshiisku ahaa in xukuumada jirtaa ay iscasisho.
War laga soo xigtay Wakaalada wararka ee Reuter ayaa sheegay in isbahaysiga uu u gudbin doono Madaxweynaha maanta oo Arbaca ah.
28/05/08[G-News]

Mas'uuliyiinta Dowladda Yemen ayaa ayaa sheegay in Ciidamada Xooga Yemen ay awoodeen inay kasaaraan Mucaaradka Xuuthiyiinta ee ku sugnaa duleedka Magaalada Sanca "Bani Xashiish". halka ay xuuthiyiinta ka beeniyeen warkaasi, haseyeeshee Goobjooge yaal rayid ah ayaa sheegaya in uu socday dagaalkaasi 3 maalmood uuna sababay tobaneeyo dhimasho iyo dhaawac isugu jira kadibna ay ciidamada Yemen isku fidiyeen goobtaasi.
Goobjooge yaal kale ayaa sheegaya in Mucaarka ay halkaasi ku go'doomiyeen hogaamiyaha Ciidamada Amniga Gobolka Sanca Alcamiid Maxamed Saalax Laba maalmood kadib markii ay u galeen wadadii uu marayey, taasi oo sababtay dagaalka dhacay in lasoo diro Ciidamo ka fura go'doonkaasi.
28/05/08[G-News]
Xaalada caafimaad ee gudoomiyaha Barlamaanka Soomaliya SH.AADAN MADOOWE ayaa iminka la sheegayaa inay degan tahay kadib markii shalay gaarigii uu saarnaa uu hirdiyay Gaari Xamuul siday oo noociisa yahay N3.
27/05/08[G-News]
Madaxii canshuuraha ee DFKM u qaabilsanaa degmada Shibis ayaa maanta lagu dilay isla Degmada Shibis waxaana dilay seddex dhalinyaro oo ku hubaysnaa bastoolado iyagoo halkaasi ka baxsaday.
27/05/08[G-News]

Mucaaradka Dowladda Masar oo diiday Xukunka Bandowga ee labo sano lasii kordhiyay. Xisbiga Wadaniga ee xukuma Dalka masar ayaa xubnihiisa barlamaanka codkoodii siiyay si loo sii kordhiyo mudadii Sharcigii Bandowga oo lagu kordhiyay 2sano oo kale.. halka ay mucaaradka oo ay metalayaan Akhwaanka muslimiinta, Xisbiga kulanka, iyo Xubno madaxbanaan ay codkooda ku dhiibeen diidista xukunkaas oo la hirgeliyay kadib markii dil loo geystay madaxweynihii hore Anwar alsaadaat.
Waxaa uu sheegay xubin barlamaan oo ka tirsan Mucaaradka inaysan ahayn wax macquul in wadanka lagu dhaqo xukun bandow ah mudo intaa la'eg [81-2008]; haseyeeshee waxaa go'aankaas difaacay xubno ka tirsan xisbiga talada haya oo sheegay in dagaalada iyo dhibaatooyinka gobolka ay sababayaan in lasii kordhiyo mudada bandowga si looga hortago qolada argigixisada iyo shaqaaqooyinka wada oo aan ilaa iyo haatan degin. sidoo kale ayaa waxay sheegeen inaysan Masar la dooneyn inay noqoto sida Ciraaq ama Lubnaan ama Falastiin.
27/05/08[G-News]

Lix ruux ayaa ku dhimatay halka ay 16na ku dhaawacmeen kadib markii qarax ismiidamin ahi lala beegsaday Hogaamiyiha kooxda Saxwada ee Dhaarimiya Waqooyiga Baghdad Maalintii shalay.
Booliska Ciraaq ayaa sheegay in ruuxa is qarxiyay uu sitay Mooto soona dardaray halkii marti sharafka lagu hayey ee guriga Hogaamiyaha Sheekh Saciid Jaasim Almashhadani kaas oo sababtay in ay ku dhintaa 4 kamida Saxwada iyo laba askari oo ciidamada booliska ah, halka ay 16ka kale ka yihiin saxwada.
27/05/08[G-News]

Ciidamada Maraykanka ayaa sheegay in laba weerar oo kala gedisan looga dilay Laba askari Magaalada Baghdad iyo Gobolka Salaaxudiin. kuwaas oo kor u kicinaya tirada ciidan [4082]ruux oo Maraykanka looga dilay Ciraaq tan iyo goortii ay kusoo duuleen dalkaasi 03/2003 sida ay u sheegeen Mas'uuliyiinta Pentagon Saxaafada.
27/05/08[G-News]

Hellary ayaa Cadeysay inaysan ka harayn isu sharaxida tartanka isreebreebka Xisbiga Dimuqraadiga ee Mareykanka; iyadoo isu haysata inay tahay qofka keliya ee ka guulaysan kara Jhon Mccin bisha November ee soo socota.
Hellary ayaa sheegtay faalo lagu qoray Wargeyska Newyork Daily News inay lasocoto rajo yarida helitaanka tirada la iska rabo inla isugu sharaxo madaxweynenimo, misana waxay tiri waxaan ahay qofka keliya ee xisbiga Dimuqraadiga ka guulaysan kara Mccin.
27/05/08[G-News]
Dagaal aad u culus oo ay soo qaadeen Kooxaha kacdoonka ka wada Geyiga Soomaaliya ayaa waxay ku qaadeen Ciidamada AMISOM gaar kuwa Ugandha ee fariisimo ku leh No.4 Kilomitir Afar, Dagaalka ayaa wuxuu ku faafay wadada Maka al mukarama oo ay degan yihiin Ciidamo isugu jira Itoobiyaan iyo Soomaali oo iyagana lagu qaaday weerar culus, Dagaalkan galabta ka dhacay wadada No.4 ilaa wadada Maka al mukarama ayaa gaystay khasaaro Baaxad leh.
26/05/08[G-News]
WAR DEG DEG AH Taliyaha Ciidanka Booliiska Gobolka Shabeelada Hoose Gaashaanle Sare CALI GANEY ayaa qarax lagula beegsaday wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye waxaana ka badbaaday CALI GANEY.
26/05/08[G-News]
Labo askari ayaa lagu dilay agagaaraha Tabakaayo madow ee Degmada Dharkiinlay waxaa toogtay seddex dhalinyaro oo ku hubaysnaa Bastoolado waana ayka baxsadeen goobtiil; sidoo kale askar ka tirsan DFKM ayaa waxaa lala eegtay Bam gacmeed balse aan wax khasaaro ah dhicin, Bamka ayaa askarta lagula beegsaday isla degmada Dharkinlay.
26/05/08[G-News]
Xaalada isgoyska Xararyaale ayaa degan kadib markii xalay weerar lagu qaaday ciidamada DFKM ee fariisinka ku leh balse lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkii xalay ka dhacay.
26/05/08[G-News]

Markabkii dhawaan ay sii daayeen burcad badeedka ee lagu magacaabo VICTORIA ayaa saakay ku soo xirtay Dekedda caalamiga ah ee magaalada Muqdisho.
26/05/08[G-News]

Maxkamadaha islaamka ee ku sugan magaalada jowhar ayaa shaaca ka qaaday in shaqsigii lagu arko asagoo sita HUB in laga qaadi doono hubka uu wato isla markaana talaabo sharci ah laga qaadi doono.
26/05/08[G-News]


Madaxweynihii hore ee Maraykanka Jemmy Carter ayaa ku sheegay Cunaqabataynka lagu hayo GAZA inuu yahay mid Jariimo ku ha Xuquuqul aadanaha halka Wafdi ka socda Qaramada midoobay qeybteeda u qaabilsan xuquuqul aadanaha la filayo inay booqasho Usbuuca soo socda ku tagaan Beyt xaanuun.
Xuduud beyt xaanuun oo ka xiran Falastiiniyiinta
Xaflad lagu qabtay maalintii Axadii Magaalada Welis ayaa Jemmy Carter uu ka sheegay in Cunaqabadka ay Israil ku hayso Marinka GAZA uu kamid yahay dembiyada xuquuqul aadanaha midka ugu weyn ee haatan kajira Dunida.
Wuxuu sii raaciyay inaysan jirin haba yaraatee wax mubarir ah in Shacabka Falastiin ee marinka GAZA in sidaasi loola dhaqmo. wuxuuna dowladdaha reer Yurub ugu yeeray inay ka shaqeeyaan sidii loo sameyn lahaa Dowlad midaysan oo ay Falastiiniyiinta u dhan yihiin ayna ku jiraan Xarakadaha Fatax iyo Xamaas.
Jemmy Carter ayaa ahaa Dhexdhexaadiyihii Masar iyo Israail sanadadii 1977-1981 shirkii Camp devid.

26/05/08[G-News]

Hogaamiyaha Ciidamada Lubnaan Alcimaad Miisheel Sulaymaan ayaa Gutay dhaartii Madaxweynenimo ee Dalka Lubnaan, waqti yar kadib kolkii uu barlamaanka dalkaasi u doortay kursigaas. tani waxay soo afjartay Madaxweyne la'aan soo jirtay lix bilood, iyo dhibaato baaxad weyn oo soo food saartay dalkaasi lubnaan kuna sigtay dagaal sokeeye labaad.
Misheel Sulaymaan ayaa markiiba khudbad uu kusoo dhaweeyay amiirka Qadar iyo mas'uuliyiintii halkaas isugu timid ka jeediyay barlamaanka isagoo cadeeyay in dhacdadani ay aasaaseyso Marxalad cusub oo cinwaankeedu yahay Lubnaan iyo Lubnaaniyiinta waxay u hogaansamayaan Mashruuc wadani iyo kashaqeynsiinta xafiisyada dowladda.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in khilaafka siyaasadeed noqdo mid dhiiragelinaya in laga fogaado kalajabka Mustaqbaleed.
25/05/2008[G-News]
Dagaal qaraar ayaa caawa fiidkii lagu qaaday ciidamada Itoobiya oo rabay inay isku dhereriyaan wadada warshadaha dagaalka ayaa la xaqiijiyay inuu ahaa mid aad u culus oo aan beryahan ka dhicin magaalada Muqdisho balse lama ogaan karo khasaaraha kala soo gaaray labada dhinac iyo dadka rayidka ahba xiliga oo habeen ah.
25/05/2008[G-News]
Ciidamada Itoobiya ayaa shir la yeeshay odayaasha tuulada Yaaqbariwayne iyagoo kala hadlay amaanka wadada iyagoo u ku baaqay inay sheegaan waxa wadada u gala ciidamada Itoobiya xili wadadaasi ay noqotay meel lagu ugaarsado ciidamada Itoobiya.
25/05/08[G-News]

Sh.Xasan Cabdullaahi Xirsi(TURKI) oo ka mid ah madaxda Maxkamadaha Islaamka ayaa ku baaqay in lala dagaalamo ciidamada UN-ka ee la rabo in lagu bedelo ciidamada Itoobiya ee xiligan u dhiman is raacsiin keliya waa sida uu hadalka u dhigay wuxuu yiri : Waxaan ku suganahay geed qurac hoostii oo ku yaal soomaliya intaan gaal isku dhiibi lahayn waxaan noo dhaanta geeri sharaf leh.
25/05/08[G-News]

Sh. Shariif Sh. Axmed Sh. Maxamuud oo ah Gudoomiyaha Isbahaysiga dib u xoraynta Somaliya islamarkaana ah Madaxa sare ee Midowga Maxaakiimta Islaamiga ayaa wuxuu yiri : Danta Itoobiya waxay ku jirtaa inay isaga baxaan Soomaaliya, kadibna Itoobiya waxay tabanayso ay keento miiska wadahalka, mar uu shir jaraa,id uu ku qabtay Magaalada Jabuuti. Sheekha ayaa intaas ku daray in Dowladda Eretereeya ay wado kala dhantaalid ay ku samaynayso Isbahaysiga dib u xoraynta.
25/05/08[G-News]

WAR DEG DEG AH Madaafiic xoogan ayaa ku socota Xaafadaha Waxar cadde iyo Huriwaa waxaa madaafiicda tuuraya ciidamada Itoobiya, saakay ayaa weerar culus waxaa lagu qaaday Warshadii Baastada oo fariisin u ah Ciidamada Itoobiyaanka.
25/05/08[G-News]

Ciidamo itoobiyaan ah ayaa ku faafay Magaalada Baydhabo iyadoo aan la ogayn sababta ay ugu faafeen magaalada iyadoo ay xiran yihiin goobihii ganacsiga ee Baydhabo JANAAY.
25/05/08[G-News]
Xildhibaano ka tagay Muqdisho kuna sii jeeday Baydhabo ayaa lagu xirxiray Xarunta Asluubta oo ay degan yihiin Ciidamada Itoobiya waxaana xiray Itoobiyanka, balse goor dhow ayaa la siidaayay iyagoo ku soo laabtay xamar.
25/05/08[G-News]
Kooxaha kacdoonka ka wada Soomaaliya ayaa Waaberigii saakay waxay weerar culus ku qaadeen farisimaha cidamada Itoobiya iyo kuwa KOOBI_ga ayka degan yihiin Garoonka Cayaaraha ee Istadio Muqdisho ilaa isgoyska Towfiiq iyadoo laysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan iminkana xaalada way degan tahay.
24/05/08[G-News]
Dagaal culus ayaa caawa lagu qaaday ciidamada Itoobiya ee fariisinka ku leh Warshadii hore ee Baastada iyo daarta Xayle barise, waxaa soo weeraray kooxaha kacdoonka ka wada Soomaaliya, Khasaaraha lama ogaan karo xiliga oo habeen ah dhanka kale waxaa weerar kale lagu ekeeyay ciidamada DFKMee farisinka ku leh isgoyska folerenza ee Degmada Wardhiiglay sidoo kale asna lama ogaan karo xiliga oo habeen ah.
24/5/08 [G-News]
Degmada runirgood ee gobolka Shabeelada Dhexe ayaa waxaa amaankeeda la wareegay xoogag ka amar qaata Maxkamadaha Islaamiga iyadoo si nabadgelyo ah ku galay waxayna gacanta ku dhigeen hal tikniko.
23/05/08[G-News]
WAR DEG DEG AH Qarax Miino ayaa lala eegtay kolonyo baabuur oo ay wateen Ciidamada Ugaandha. Qaraxii miino ee lala helay gaarigii ay saarnaayeen ciidamada Ugandha ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen afar askari Ugandhees ah qaar kalena way ku dhaawacmeen gaarigiina gebi ahaanba wuu burburay.
23/05/08[G-News]
Markabkii VICTORIA ee u afduubnaa burcad badeedkii Soomalida ahaa ayaa la siiday; markabka oo siday Sonkor ay lahaayeen Ganacsato.
23/05/08[G-News]
Ciidamo isugu jiray Itoobiyaan iyo Soomaali ayaa maanta galay Guriga Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya mudane CABDIQAASIM SALAAD XASAN iyagoo guriga ka qaatay hub uu lahaa laguna ilaalin jiray sidoo kale waxay ka qaateen qalab kale oo uu lahaa c/qaasim.
23/05/08[G-News]
Seddex askari oo ka mid ah kuwa DFKM ayaa ku geeriyootay kadib markii ay isku dheceen iyaga iyo kooxaha ka soo horjeeda agagaaraha geed jacayl degmada wardhiiglay.
23/05/08[G-News]
Hobiyeyaal ayaa lagu garaacay Madaxtooyada Muqdisho kadibna waxaa ay ku soo jawaabeen madafiic ku soo dhacday suuqa Bakaaro.
23/05/08[G-News]
Ciidamada Itoobiya oo ay weheliyaan kuwa Soomaalida ah ayaa saakay ka bilaabay baaritaano Degmada Madiino kadib markii xalay weerar culus lagu qaaday ciidamada Itoobiya ee fariisinka ku leh Taliska Ciidanka Asluubta weerarkaasi ayaa waxaa sheegtay inay ka danbeeyeen Xarakada dagaalyahanada hubaysan ee Al-shabaab.
23/05/08[G-News]

Ismaaciil Haniya oo ah Hogaamiye siyaasadeed kamida hogaamiyayaasha Xarakada Xamaas ayaa shuruudo ku xiray in Xabadjoojin dheer lala gaaro Israa'iil taas oo uu ku sheegay inay lagama maarmaan tahay marka hore in la joojiyo duulaanka joogtada ah, iyo Cunaqabadka lagu hayo Gazana laga qaado. wuxuu doorbiday in la helo dadaal carbeed oo arinkaas ah, iyadoo labilaabayana wadahadal wadani Falastiini ah.
Haniya oo ka hadlayey Shirkii isutaga Culumada Falastiin ee Gaza kaas oo lagu maamuusayey xusuustii 60ka jirsatay ee Lumitaankii Falastiin [Nakba] ayaa sheegay in kooxaha Falastiin aysan siin marnaba siin doonin xabad joojin Dulinimo ah, mana bixinayso hadii aysan Israa'iil ogolaan Doonitaanka Falastiin ee kaqaadista Cunoqabadka, iyo Furitaanka Xuduudada, iyo joojinta duqaynta joogtada ah. wax intaa kahooseeyana aysan ahaan doonin xabadjoojin la sheego.

Heshiiskii Dooxa ee Lubnaaniyiinta oo lagu wado inuu dhaqan galo Maalinta Axada ah, iyadoo ladooranayo Cimaad Misheel Sulayman Madaxweynaha Cusub ee Dalka Lubnaan.
Siyaasiyiintii Lubnaan ayaa bilaabay inay kunoqdaan Beyruut kadib markii ay gaareen Heshiiskii Dooxa ee soo afjaray dhibaatadii lubnaan gaarsiisay dagaal sokeeye oo markale ka dilaaca halkaasi, Halka uu golaha barlamaanka isu diyaarinayo Maalinta Axada ee soo socota inay doortaan Miisheel Sulaymaan Madaxweynaha cusub ee Dalka.
Waxay ahayd in madaxweynaha la doorto maanta oo Khamiis ah, hayeeshee waxaa dib loogu dhigay si ay fursad ka soo qeyb gal ah ay u helaan Ra'iisul wasaaraha Qadar Sheekh Xamad iyo shakhsiyaad kale oo fara badan.
Waxaa la sheegay in Hogaamiyaha Ciidanka uu aad ugu riyaaqay heshaaskaas ay gaareen hogaamiyayaasha, sidoo kale waxaa aad looga soo dhaweeyay heshaaskaas dunida Carabta iyo caalamkaba.
Sarkozy oo ah Madaxweynaha Faransiiska ayaa ku tilmaamay in heshaaskaasi yahay mid loo riyaaqo sheegayna in udub dhexaadkiisu yahay mid ay horey u bilaabeen Faransiiska Talyaaniga iyo Spain.
Sacad Alxariiri ayaa ku sheegay heshiiska in furayo bog cosub oo Taariikhda Lubnaan kamida inkastoo ay jiraan dhaawacyo qoto dheer hadana wuxuu yiri Lubnaaniyiinta waa inay midoobaan.
Gabal dhicii caawa ayaa waxaa tiro hobiyeyal ah lagu weeraray dhismaha Xayle barise iyo Wasaaradii hore ee Gaashaandhiga oo fariisin u ah Ciidamada Itoobiya.
22/05/08[G-News]
Shaneemooyinka ku yaala degmada beled xaawo ayaa caawa gebi ahaanba xiran kadib markii ay heleen digniino.
22/05/08[G-News]
WAR DEG DEG AH dagaal qaraar oo aad u culus ayaa iminka uu ka socdaa Taliska Ciidamada Asluubta oo ay degan yihiin ciidamada Itoobiya, dagaalka ayaa wuxuu u dhaxeyaa ciidamada Itoobiya iyo kooxaha kacdoonka ka wada geyiga Soomaaliya
22/05/08[G-News]
Ciidamada maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa lagu amray inay isaga baxaan wadada isku xirta Wanle wayn ilaa iyo Yaaqbari wayne waxaa amarkaasi bixiyay ciidamada Gumaysiga Itoobiya.
22/05/08[G-News]
WAR DEG DEG AH Qarax ayaa goor dhow ka dhacay wadada Maka al mukarama, qaraxa ayaa lala eegtay ciidamada Itoobiya ee ku sugan Ciidda Soomaaliya. Qaraxaas soo gaaray Itoobiyaanka wuxuu u geysta Khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac.
22/05/08[G-News]
Kaluumaysatada gobolka Shabeelada Hoose ayaa ka cabanaya Maraakiibta waawayn ee fadhiya Bada gudaheeda kuwaas oo gogoynaya Shabakada iyagoo sheegay in mararka qaar lagu furo biyo kulul iyo rasaas nool iyagoo sheegay in xiligan uu da,ayo roob oo aysan helaynin malaayga fiican.
21/05/08[G-News]
Dadwaynaha ku nool agagaaraha isgoyska Towfiiq ayaa bilaabay inay isaga qaxaan guryahooda kadib markii gelinkii danbe ee shalay ay halkaasi fariisin ka samaysteen ciidamada DFKM ee loo yaqaan KOOBI iyadoo dadka ay ka baqayaan inay halkaasi noqoto goob ay isku ugaarsadaan kooxaha isaga horjeeda Ciida Soomaaliya.
21/05/08[G-News]
Degmada Awdheegle ayaa waaberigii saakay lagu afduubay seddex ruux oo u shaqaynayay hay,ad ka howl gasha degmadaas, labo ka mid ah shaqaalaha la afduubay dhalashadooda waa Talyaani oo midi haweenay ah.
21/05/08[G-News]
Xoogaga Alshabaab iyo kuwa Maxkamadaha ayaa saakay isaga huleelay gobalada Jubooyinka meelihii ay galeen sida Jamaame, Kamsuuma iyo Jilib kadib markii uu is afgarad dhexmaray Odayaasha beelaha iyo wadaadada Maxkamadaha iyo Al-shabaab.
21/05/08[G-News]
Roob socday xalay ilaa iyo saakay ayaa ka da,ay magaalada Muqdisho iyo agagaaraheeda, iyadoo meelaha qaar aad ku arkaysid dadkii barakacay oo la tacalaya guryaha cooshadaha ka samaysan.
21/05/08[G-News]
Xoogaga kacdoonka ka wada geyiga soomaaliya ayaa galabta la wareegay gacan ku haynta koontaroolka siinka dheer kadib markii dagaal ayla galeen ciidamada DFKM lagana itaal roonaday muddo kadib ayay isaga baxeen kooxaha kacdoonka ka wada somaliya, kadib waxaa kontaroolka soo buux dhaafiyay dadwayne u caraysnaa ciidamada DFKM iyagoo gubay biliqana u gaystay halkaasi.
20/05/08[G-News]
WAR DEG DEG AH ciidamo aad u fara badan isla markaana ku hubaysan tiknikooyin ayaa goor dhow gaaray degmada jowhar oo xarun u ah gobolka shabeelada dhexe.
20/05/08[G-News]
Dadka barakacayaalka ah ee ku nool degaan waynaha GENDERSHE ayaa la soo sheegayaa inay ka cabanayaan Hoy xumo xili uu bilowday roobka gu,ga iyagoo sheegay inaysan haysan guryo ay ka galaan roobka iyagoo ku jira guryo duqoway sidoo kale waxay ka cabsi qabaan cudurka shubanka iyagoo ugu baaqay dadka soomaaliyeed inay la soo gaaraan mucaawino degdeg ah.
20/05/08[G-News]
cabsi tii ugu saraysay ayaa soo wajahday dadka reer Beledweyne kadib markii la sheegay in magaaladaasi ay ku soo wajahan yihiin kooxo ka amar qaata Maxkamadaha Islaamka xili ay halkaasi soo gaareen maamulka cusub ee Gobolka Hiiraan iyadoo ay soo galbiyeen ciidamada Itoobiya.
20/05/08[G-News]
Weerarkii hoobiyaal ee saakay lagu qaaday ciidamada Itoobiya ayaa waxaa sheegtay xarakada Al shabaab.
20/05/08[G-News]
WAR DEG DEG AH gaari ural ah oo siday ciidamo itoobiyaan oo aad u fara badan ayaa daqiiqado ka hor lagu qarxiyay degmada dayniile ee magaalada Muqdisho, qaraxa ayaa loo adeegsaday miinooyinka meelaha fog fog laga hago.
20/05/08[G-News]
afar ka mid ah ciidamada itoobiya iyo seddex ka mid ah ciidamada DFKM ee soomaalida u taqaan KOOBI ayaa inta la hubo ku geeriyootay qarax miino oo lagula beegsaday agagaaraha kuliyadii jaale siyaad,sidoo kale waxaa weerar hoobiyayaal ah lagu qaaday fariisamo ay degan yihiin ciidamada itoobiya sida wasaaradii hore ee gaashaandhiga, warshadii hore ee baastada iyo sarta cabdi waayeel lamana oga qasaaraha soo gaaray.g-news.
Ciidamada Itoobiya oo Isku fidiyay Wadada Warshadaha ee magaalada Muqdisho.
Waxaa saaka kusii balaartay Wadadda Warshada ciidamo Itoobiyaan ah oo ay garbinayaan ciidamada DFK ka dib markii xalay la weeraray ciidamada Itoobiya ee fariisinka ku lahaa waddada dheer ee Warshadaha.
Sida ay wararku sheegayaan Ciidanka Itoobiyaanka iyo kuwa DFK ayaa ka baaraya wadooyinka miinooyin iyo waxyaabaha qarxa, sidoo kale waxay baarayaan dadka iyo gawaarida. ma jiraan ilaa hadda wax iska horimaad ah oo ka dhacay halkaa. Xogayaha arimaha gudaha ee isbahaysiga dib u xoraynta Soomaaliya CUMAR XAASHI AADAN ayaa maanta meel fagaaro ah ugu khudbeeyay dadka reer Buulo Burte isagoo sheegay in ay dadka iska dhiciyaan Gumaystaha Tigreega oo ay hogaaminayaan dad Soomaali ah oo aan dan ka lahayn dadka iyo Dalka Soomaaliya waa siduu hadalka u dhigay.
19/05/08[G-News]

Gaadiidka iska kala goosha Bakaaro iyo Nambar afar[4] ayaa maanta ka nastay lacagtii ay ka qaadi jireen ciidamada DFK, kadib markii shalay uu digniin culus uu soo saaray taliyaha ciidamada Booliska gobolka Banaadir CALI SACIID, inkastoo meelaha qaar weli lagu arkayo ciidamada qaadanayo lacagta leejada ah sida Ceelgaab, Xamarwayne, Sayidka, Fagax iyo goobo kalle.
19/05/08[G-News]
WAR DEG DEG AH: Xarakada Dagaalyahanada hubaysan ee Al shabaab ayaa si nabadgelyo ah kula wareegay Degmada Jamaame ee Gobolka Jubada Hoose.
19/05/08[G-News]
Dagaal ayaa maanta ka dhacay suuqa xoolaha lagu iibiyo ee DAYAX iyo degaanka galgalato, Dagaalkaa oo u dhaxeeya ciidamada DFKM iyo kooxaha kacdooka ka wada geyiga Soomaaliya, waxaana dagaalka uu gaystay khasaaro isugu jira naf iyo maalba leh.
19/05/08[G-News]
Nin rayid ah ayaa duhurnimadii maanta lagu dilay suuqa labaad ee ugu wayn magaalada Muqdisho Suuq Bacaad, ninka ayaa waxaa dilay kooxo hubaysan.
19/05/08[G-News]
Waxaa xalay lagu dilay magaalada Baydhabo mid ka mid ah golaha Aqoonyahanada Digil iyo Mirifle oo lagu magacaabi jiray Sheekh Ibraahim, maanta ayaa lagu wadaa in lagu aaso Magaalada Baydhabo.
19/05/08[G-News]
Labo wiil oo Soomaali ah ayaa lagu dilay mid ka mid ah xabsiyada ku yaala dalka Liibiya, waxaa toogasho u gaystay Askarta xabsiyada Liibiya, Xabsiyada Liibiya waxaa ka buuxa dhalinyaro fara badan oo Soomaali ah kuwaas oo doonayay in ay galaan wadanka talyaaniga.
19/05/08[G-News]
Dagaalkii Shalay ka dhacay inta u dhaxeesa tuulada Yaaqberi wayne iyo garoonka Balidoogle ee dhexmaray ciidamada Itoobiya iyo xoogaga kacdoonka ka wada gudaha Soomaaliya ayaa waxaa sheegtay Maxkamadaha iyo Jabhada Islaamka Soomaaliyeed.
19/05/08[G-News]

Usaama Binlaadin oo ugu yeeray Caalamka Islaamka inay Jebiyaan Cunaqabataynka lagu hayo GAZA. Risaalad Cusub oo uu soo diray Hogaamiyaha Alqaacida Sheekh Usaama Binlaadin oo lagu soo faafiyay mowqic Internet Islaami ah galabnimadii Axada yiri: Waa waajib diineed oo saaran ruux walba oo muslim ah inuu la dagaalamo Cunaqabateynta Dulmiga ah ee ay Israaiil saartay GAZA. wuxuu raaciyay marnaba masuurobeyso in la xoreeyo Dhulka Falastiin iyadoo aan lala dagaalamin wax uu ugu yeeray Xukuumadaha Carabta ee Israaiil taageera. Sidoo kale wuxuu sheegay in Israaiil aysan lahay tabar aan ka ahayn kaalmada reer Galbeedka, isagoo ku eedeeyay Xukuumado Carbeed inay la safan yihiin reer Galbeedka iyo Israaiil ladagaalanka Islaamka.
Wuxuu aad risaaladiisa ugu adkeeyay in Jihaadka Qadiyada Falastiin darteed ay tahay sabab kamida sababaha waaweyn ee kadanbeysa weerarada Alqaacida ee ku aadan reer Galbeedka.
Dhaalibaan oo Gantaal la heshay Helicopter nooceedu yahay SHINHOK oo ay leeyihiin Ciidamada NATO sidayna Mas'uul Afganistaan ah iyo wafdi ka socday dalka Ingiriiska koonfurta wadankaasi. Isla wararka Afgaanistaan ayaa sheegaya iska horimaad iyo qaraxyo kala gedisan halkaasi kadhacay ayaa lagu dilay ugu yaraan 4 ruux oo rayid ah iyo 10 hubaysan. Maamulaha Gobolka HELMAND Gulaab Maxamed Mangaal ayaa weriyayaasha u sheegay in helicopter u siday isaga iyo wafdi Ingiriis ah Qalca Muusaa ay haleeleen Tacshiirado laga soo furay magaalada meel ku dhow. oo mar ahaan jirtay hoygii Dhaalibaan inta aysan xoogaga Afgaanistaan, Ingiriiska iyo Maraykanka bishii Disember la wareegin.
Afhayeen u hadlayey ciidamada NATO ayaa sheegay in Helicoptarka Marwaxada danbe lala helay Qadiifad taas oo sababtay dhibaato lasameyn karo, si nabad ahna way ku degtay Garoon u dhaw oo ay NATO ilaaliso, Cidna wax kuma noqon Weerarkaas.
18/05/08[G-News]
Dagaal socday muddo 45 daqiiqo ayaa ka dhacay dhabaha dheer ee u dhaxeeya Garoonka Balidoogle iyo Yaaqbari wayne, dagaalka ayaa soo qaaday Xarakada Al-shabaab waxayna weerar la beegsadeen ciidamo Itoobiyaan ah oo lug ka soo bilaabay Magaalada Baydhabo iyagoo iska ilaalinay in miino lala eegto Baabuurta ay fuulaan, waxayna ka door bideen inay lugahooda caano maalaan si ay uga badbaadaan qaraxyada, Balse dagaal foolka fool ah qabsaday maanta.
18/05/08[G-News]
Dhaqdhaqaaq meleteri ayaa ka jira Magaalada Kismaayo oo xudun u ah Gobalada Jubooyinka ee cariga Soomaaliya waxaa abaabulkaasi wada maleeshiyo beeleedyada ku sugan Kismaayo, iyadoo la sheegayo in magaaladaasi ay ku soo wajahan yihiin Xoogaga Maxkamadaha oo shalay la wareegay degmada Jilib iyo tuulada Kamsuuma.
18/05/08[G-News]
Wararka aynu ka helayno Degaanka Kamsuuma ee gobolka Jubada Dhexe ayaa sheegaya in gelinkii Danbe ee shalay ay soo galeen ciidamo ka amar qaata Maxkamadaha Islaamka iyagoo aan la kulmin wax iska hor imaad ah.
Degaanka Kamsuuma Magaalada kismaayo waxay u jirtaa 90km, gelinkii horena ciidamada Maxkadaha waxay awood kula wareegeen Degmada Jilib.
18/05/08[G-News]
Labo Askari oo ka mid ah ciidamada Booliiska DFKM ee ku sugan magaalada Baydhabo ayaa xalay ku dhaawacantay kadib markii lagu weeraray bam gacmeed.
18/05/08[G-News]

Isgoyska Towfiiq ayaa saakay waxaa ka socda howgal lagu baarayo Baabuurta isticmaasha Wadadaasi, waxaa baaritaanada wada ciidamada Itoobiyaanka ee farisinkooda yahay garoonka Cayaaraha ee Istadiyo Muqdisho.
18/05/08[G-News]
Shan askari oo kamida Ciidamada DFK ayaa ku geeriyootay tiro intaasi ka badana way ku dhaawacmeen kadib markii Qarax miino lagula eegtay kontaroolka siinka dheer ee isku xira Magaalada Muqdisho iyo Degmada Afgooye.
17/05/08[G-News]
Saddex Askari oo Itoobiyaan ah ayaa ku geeriyootay shan kalena way ku dhaawacantay kadib markii weerar lagu qaaday Askarta oo marayay wadada Warshadaha.
17/05/08[G-News]
Ciidamada DFKM ee fariisinka ku leh Suuq Bacaad ee degmada Yaaqshiid ayaa dilay wiil dhalinyaro ah oo saarnaa gaari HOMY Soomaaliduna u taqaan CAASI lamana yaqaan sababta ay u dileen wiilka dhalinyarada ahaa asagoo ku sii jeeday degaanka DHOOBLEEY.
17/05/08[G-News]
Xoogag ka amar qaata Maxkadaha Islaamka ayaa la wareegay gacan ku haynta Degmada Jilib,dagaal aad u culus oo dhexmaray maleeshiyo beeleedyo gacanta ku hayay degmada Jilib iyo ciidamada Maxkamadaha kadib ayay u suurto gashay Xoogaga Maxkamadaha inay la wareegaan degmada jilib, dadka degaankaasi degan ayaa si farxad leh u soo dhaweeyay la wareegida degmada jilib ay lawareegeen Maxkamadaha Islaamiga.
17/05/08[G-News]

Maanta oo Sabti ah waxaa Magaalada Dooxa ee Dalka Qadar uga furmaya wada hadalkii kooxihii dhanka siyaasada isaga soo horjeeday Dalka Lubnaan, kolkii uu si rasmi ah Shalayto u furay Amiirka Dowladda Qadar Sheekh Xamad bin Khaliifa Aal thaani.
Wadahadalkan ayaa lagu hanweyn yahay inuu soo afjaro Colaada in mudo ah soo socotay kooxaha Lubnaan; taa oo ku dhawaatay inay sababto Dagaal sokeeye oo markale ka dhasho halkaasi.
Wadahadalka waxaa ka soo qeyb galay Dhanka Xukuumada: Fu'aad Alsanyuur, Sacad Alxariiri, Amiin Jumayl, Waliid Junbulaat iyo Samiir Jacjac.
Dhanka Mucaaradkana waxaa kasocday: Nabiih Biri, Miisheel Coon, Maxamed Racad, Maxamed Finiish... waxaa uu metalayay Xasan Nasralah oo shirka uga maqan arimo xaga amniga ah.
Sidoo kale waxaa shirka kasoo qeybgalay Xoghayaha Jaamacada Carabta Camroo Muusaa iyo xubnihii wasiirada Jaamacada Carabta ee loo magacaabay inay soo afjaraan colaada Lubnaan.
Shirkani waa kii Afaraad oo la isku dayayo in lagu xaliyo arimaha Lubnaan, kadib markii la isku dayey in la isusoo dhaweeyo bishii Maarso 2006, Hadana dagaalkii Luulyo kadib, kii sadexaadna wuxuu ka dhacay Faransa sanadkii aanu soo dhaafnay bartamihiisii.
Shirkan ayaa wuxuu ka danbeeyaa heshiis ay soo gaareen Xubnaha wasiirada Carabta maalintii Khamiistii kadib markii Magaalada Beyruut uu ku dhexmaray dagaal kooxaha isku haysta dhanka siyaasada kaa oo sababay ugu yaraan 66 dhimasho ah dhaawacana gaarayo 250.
Shirkan ayaa laga filayaa inuu miro dhalo, inkastoo ay u baahan tahay dadaal xoog badan inay la yimaadaan dhamaan kooxaha siyaasada isaga soo horjeeda.

Madaxweyne Buush ayaa xaqiijiyay in wadankiisu gabar istaagayo Israa'iil si ay u burburiyaan wax uu ugu yeeray Shabakada Argigixisada. wuxuuna eedeeyay Dhaqdhaqaaqa Xamaas iyo Xisbulah Allubnani iyo Iiraan.
Madaxweynaha Mareykanka isagoo booqasho ku maraya Israel ayaa wuxuu cadeeyay in ay mid ka wada noqon doonaan sidii looga hortagi lahaa aayaha Nuyuklerka Iiraan.
Buush ayaa u sheegay Barlamaanka Israaiil inay tahay Khiyaano aan loo denbi dhaafi karin Jiilka soo socda hadii loo ogolaado Iiraan inay kusii socoto barnaamijka Nuyuklerka.
Sidoo kale ayaa wuxuu cadeeyay inay Israil tahay Saaxiibka iyo garabka ugu dhawaan badan dalka Maraykanka, isagoo sii wata hadalkiisa ayuu yiri dalalka kale waan isla wada shaqeyneynaa sidii aan guuldaro u gaarsiin lahayn kuwa madax adeyga ah sida Xamaas iyo Xisbulah iyo Alqaacida iyo sidoo kale Barnaamijka Nuyuklerka Milatari ee Iiraan.
Wafdii Carabta ayaa lagaaray kooxaha iska soo horjeeda Dalka Lubnaan Heshiis ah sidii loo bilaabi lahaa wadahadal ka dhaco berito Magaalada Dooxa ee dalka Qadar si looga baxo dhibaatada ka aloosan Lubnaan.
Warku wuxuu intaasi raaciyay inay kooxaha dhanka siyaasada isku haysta ee Lubnaan ay berito u kicitimi doonaan Dooxa si ay usoo afjaraan colaadooda. iyadoo lasheegayo in kooxaha Mucaaradka ay aqbaleen heshiis xukuumada awoodeeda ka dhigay saddex meel... taas oo ah in xukuumada ay lahaadaan 10wasiir sidoo kale Mucaaradkana 10wasiir halka 10ka kale ay ahaan doonaan kuwo raacsan Madaxweynaha lasoo dooran doono; kaas oo ilaa iyo iminka uu u sharaxan yahay Mishel Sulaymaan oo ah Hogaamiyaha Ciidamada.
Arinkan ayaa wuxuu u muuqdaa in inta ka horeysa 10ka June ee soo socota in ladooran doono Madexweyne la isku afgartay.

Madaxweynaha Maraykanka Jorge Bush ayaa ka digay in Aduunweynaha uusan ogolaanayn in inay soo noqdaan wax uu ugu yeeray amarkutaagleynta Nidaamyada Iiraan iyo Suuriya ay ka wadaan dalka Lubnaan. Sidoo kale wuxuu cusbooneysiiyay Kaalmada ay u hayso wadankiisa xukuumada Fu'aad Alsanyuura, wuxuuna balan qaaday Taakuleynta ciidamada Lubnaan si ay u awoodo inay difaacdo xukuumada iyo xafiisyadeeda shaqada.
Madaxweyne Bush ayaa si xoogan u eedeeyay war uu soosaaray Dadaalkii ugu danbeeyay ee Xisbullah iyo kuwa kafog ee Iiraan iyo Suuriya inay xoog ku maquuniyaan Xukuumada Lubnaan cabsina ku abuuraan Shacabka Lubnaan.
Wuxuu sheegay inuu ka faa'ideysan doonto fursada socdaal ee uu ku mari doono Gobolka wadatashi uu la yeesho hogaamiyayaasha Lubnaan si uu u taakuleeyo Xukuumada Lubnaan loona dabaqi lahaa go'aanadii Qaramada midoobay ee ilaalinaysay Qaranimada Lubnaan sida uu warku u sheegay.
BUUSH ayaa lagu wadaa inuu booqasho ku yimaado Maalinta Berito ee Arbacada ah Israa'iil iyo Sacuudiga iyo Masar wuxuuna go'aansaday inuu maalinta Axada ah la kulmo Ra'iisul wasaaraha Dalka Lubnaan Fu'aad Assanyuura.
GENDERSHE Copyright © 2008 [G-News]

Degmada laasqoray ee Gobolka bari ayaa waxaa dhaqdhaqaaq ciidan ka wada kooxo aan haybtooda la aqoon balse xooraansi aan ka helay degmadaasi ayaa sheegaya in loo maleynayo kooxdaasi in yihiin xoogag ka amar qaata Maxkamadaha Islaamka.
12/05/08 [G-News]
Labo askari oo ka mid ah ciidamada maamulka Shabeelada hoose ee amarka ka qaata DFKM ayaa waxaa dilay ciidamada Itoobiya oo barqanimadii maanta qarax lagula beegsaday agagaarka leego, kadib markii ciidamada DFKM ay hiilo u fidin rabeen ciidamada Itoobiyaanka ee qaraxa haleelay balse ay ciidamada itoobiya ay qudha kaga jareen labada askari ee ka mid ahaa ciidamadii maamulka Sh.hoose ee rabay inay u hiiliyaan ciidamada Itoobiya.
12/05/08 [G-News]
Degmada Bardaale ayaa gacan ku haynteeda la wareegay Xarakada Dagaalyahanada Alshabaab iyadoo aan wax iska hor imaad ah ka dhicin.
12/05/08 [G-News]
Qarax miino ayaa goor dhow lala beegsaday Ciidamo ka tirsan DFKM oo marayay xaafada Radeerka ee degmada WAR DEG DEG AH: gaari cabdi bile ah uu saaran yahay qoriga dhashiikaha ayaa daqiiqado ka hor qarax lagula eegtay agagaaraha guriga shaqaalaha ee wadada Maka al mukarama.
15/05/08[G-News]
Degmada Diinsoor ee gobolka bay ayaa goor dhow u gacan gashay xarakada al shabaab, iyadoo aan la kulmin wax iska caabin ah, Degmada Diinsoor waxay magaalada Baydhabo u jirtaa 100 KM.
15/05/08[G-News]
Dagaal ayaa goor dhaw ka dhacay suuqa lagu iibiyo xoolaha ee lagu magacaabo DAYAX, dagaalka ayaa waxaa soo qaaday xoogaga ka soo horjeeda DFKM iyo ciidamo suuqa fariisin ku lahaa suuqa, iyadoo ay la wareegeen suuqa muddo gaaban xoogaga kacdoonka ka wada ciida soomaaliya.
15/05/08[G-News]

Maamulka degmada buur dhuubo ee gobolka gedo ayaa beeniyay in xoogag taabacsan al shabaab ay soo galeen degmadooda balse xaqijiyay inay joogaan meelo ka mid ah gobolka Gedo.
14/05/08[G-News]
Madaafiic noocoodu yahay hoobiyayaal ayaa Maqribnimadii caawa lagu weeraray xarumo ay ciidamada Itoobiyaanka ka degan yihiin Wasaaradii Gaashaadhiga, balse ay jawaab ka bixin ciidamada Itoobiyaanka ee lagu bartay inay markii la weeraro inay iyagana ay tuuraan madaafiic balse caawa lagamahaayo jawaabtii loogu bartay.
14/05/08[G-News]
Xubnihii Isbahaysiga dib u xoraynta ee joogay Jabuuti ayaa goor dhow ka tagay halkaasi, iyadoo la filayay in shir uga furmo Isbahaysiga iyo DFKM.
14/05/08[G-News]
Maxay tahay sirta ka danbaysa!!! Ciidamada Itoobiya ee degan Wasaaradii Gaashaandhiga ayaa maanta u qaybiyay Mesego dadka degan halkaasi tolow maxay tahay sirta ka danbaysa!!! dadka degan agagaaraha agaasi iyo shaqsiga maqlay ciidamada Itoobiya ayaa qaybiyay mucaawino ayaa yaab iyo amakaak ku noqotay waayo waxaa lagu bartay inay qaybiyaan Madaafiic iyo Rasaas, Qaybinta mucaawinada waxaa marqaati ka ahaa Maamulka gobolka Banaadir hadaba maxay tahay sirta ku qarsoon?.
14/05/08[G-News]
Gaari kuwa raaxada ah oo ay saarnaayeen dad rayid oo aan hubaysnayn oo marayay ex kontarol Afgooye ayaa waxaa rasaas la eegtay ciidamada DFKM, waxaana soo gaaray dadkii hal dhimasho iyo hal dhaawac midka seddexaad ayaa ka badbaaday.
14/05/08[G-News]
Ciidamo Itoobiyaan ayaa lagula beegsaday qarax nawaaxiga isgoyska Towfiiq, qaraxa ayaa wuxuu gaystay Dhimasho labo askari ciidamada Itoobiyaanka ah, dhaawacuna intaasi wuu ka badan yahay.
14/05/08[G-News]
Dibax balaaran ayaa maanta wuxuu ka socdaa magaalada Jowhar oo xudun u ah Gobolka Shabeelaha Dhexe, dibaxa oo rabshado watay ayaa waxaaloogu cabanayay diidista lacagta kunka duuga ah.
14/05/08[G-News]
Wadooyinka degmooyinka xamar jajab, xamar wayne iyo shangaani ayaa saakay ay xireen ciidamada DFKM sababta ay xireen lama oga.
14/05/08[G-News]



xoogaga xarakada al shabaab ee shalay la wareegay degmada bardaale ayaa saakay isaga si iskooda ah, iyadoo haatan aysan jirin wax maamul ah oo degmada Bardaale jooga.
13/05/08[G-News]
WAR DEG DEG AH: macalin u dhashay dalka KENYA ayaa goor dhow lagu afduubay wadada nambar afar iyadoo aan ila hadda la ogayn cida ka danbeysa qafaalasha ninkan kenyaanka ah.
13/05/08[G-News]
Barakac xoogan ayaa ka socota inta u dhaxeysa Wanle wayn iyo Buur hakaba, kadib markii laamiga dheer ee isku xira labada degmo ay ciidamo fara badan oo itoobiyaan ah kahowlgalayaan, marinkaas ayaa noqday marin loo galo ciidamada itoobiya, weerarkii ugu danbeeyay wuxuu dhacay shalay kasoo loogu gubay ciidamada itoobiya seddex gaari oo URAL ah, ciidankii saarnaana ay noqdeen wax dhintay iyo wax dhaawacmay.
13/05/08[G-News]
Degmada Qansax Dheere ee gobolka Bay ayaa waxaa la wareegay Xoogaga Al shabaab oo saakay ka soo tagay Degmada Bardaale iyagoo si nabadgelyo ah ku galay Degmada Qansax dheere..
13/05/08[G-News]
Dayniile inkastoo aan la ogaan khasaaraha soo gaaray.
12/05/08 [G-News]
Ciidamada Itoobiyaanka ee fariisinka u ah garoonka Ciyaaraha Istadiyo Muqdisho ayaa qarax miino lagula eegtay isgoyska Towfiiq ciidamadaas oo lug ku marayay aagaasi ayaa soo gaaray seddex dhimasho iyo dhaawac intaa ka badan.
12/05/08 [G-News]
Wararka naga soo gaaraya Gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay ka jiraan dhaqdhaqaayo meleteri oo ay wadaan Maxkamadaha Islaamka.
12/05/08 [G-News]
Dadka ka soo barakacay Magaalada Muqdisho ee degan degaan waynaha Gendershe ayaa cabsi wayn soo wajahday iyagoo ka baqaya in xiligan aysan haysan hooy ay ka galaan roobabka iyadoo ay u dheer tahay Gaajo iyo Nafaqo daro, iyagoo ka codsaday dadka Soomaaliyed inay la soo gaaran kaalmo deg deg ah.
12/05/08 [G-News]

Dagaal cusub oo gaadmo labada dhinac ah ayaa dib uga bilowday waqooyi-galbeed ee Dalka Yemen, iska hor imaadkaasi wuxuu u dhaxeeyaa Ciidamada Yemen iyo Falaagada Zaydiyiinta ah ee Gobolka Sacda.
Wararku waxay sheegayaan in galabnimadii Jimcaha ilaa iyo haatan ay dhinteen 15 qofood. Halka uu hogaamiyaha Xuuthiyiinta uu Mas'uuliyiinta Sanca uga digay Dagaal 5-aad oo ku fidaya Gobolada Koonfurta iyo Waqooyiga Yemen.
04/05/08[G-News]

Boqolaal kamida Ciidamada Amniga Falastiin ee daacada u ah Madaxweyne Cabaas ayaa isku fidiyay Magaalada Jenin Daanta Galbeed ee wabiga Urdun, iyagoo isku dayaya inay muujiyaan sida ay u xajinayaan Amaanka iyo Qaanuunka Dowladnimo.
04/05/08[G-News]
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna dhuqa Magaalada Muqdisho Maxmed Cumar Xabeeb ( Max’ed Dheere) oo Werysi siiyay Shabakada Shabelle ayaa ku eedeeyay Axmed Cabdi Salaan Ra'iisul wasaare ku xigeenka DFK in wasaaradiisa aysan wax xafiis ah ku laheyn magaalada Muqdisho, shaqana kuma laha Maamul u samaynta gobolada dalka Soomaliya. Howshaasina waxay u taalaa Wasaarada arimaha gudaha ee Dowladda Ku meelgaarka.
04/05/08[G-News]
Qarax weyn ayaa maanta ka dhacay deegaanka suuqa Bacaad, sida ay warku sheegayaan waxaa ku dhaawacmay qaraxaasi ilaa Saddex qofood oo mid yahay askari ka tirsan ciidamada DFK ee soomaaliya.
03/05/08[G-News]
Cisbitaalka Madiina ayaa la keenay dad lagu soo dhaawacay degmada Dharkenley ee Gobolka banaadir kadib markii xalay ay qalalaaso nabadeed ka dhaceen halkaasi. Sidoo kale waxaa Degmada Dayniile laga sheegayaa dhaawacyo iyo dhimasho kadib markii ay Ciidamada Itoobiya madaafiic ku garaaceen halkaas kol lagu weeraray fariisinkooda Garoonka Muqdisho.
03/05/08[G-News]
Weriyaheena kasoo hadla degmada Shibis ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya Galabnimadii maanta in Ciidamada Itoobiya ee fadhiyay Garoonka kubadda cagta ee Muqdisho lagu weeraray hubka loo yaqaan Hoobiye, kaas oo lasheegayo inuu sababay dhimasho iyo dhaawac jahawareer ku riday ciidamada Itoobiya oo jawaab celintooda ka dhigay inay dadka rayidka ah soo aadiyaan Madaafiicdooda... kulana beegsaday Degmada Yaaqshiid.
02/05/08[G-News]

Dhaqdhaqaaqa Alshabaab ayaa wacdi ku maray inay sii wadi doonaan Jihaadkooda ay kula jiraan Cadawga Diinta iyo Dalkaba. War laga soo xigtay hogaamiyayaal ka tirsan kooxda Al-shabaab ayaa sheegaya inay dooran doonaan Hogaamiye cusub kadib markii hogaamiyihii hore ay ciidamada Maraykanka duqeyn ku dileen Magaalada Dhuusamareeb oo Waqooyiga Muqdisha u jirta 500km.
02/05/08[G-News]

Saami Alxaaj Sawirqaadihii AL-JAZIIRA oo Xor ah 6 sano kadib markuu xabis ku ahaa Guwantano ayaa xalay kadegay Magaalada Khartuum ee Dalka Suudan.
kolkii uu soo degay ayaa markiiba la geeyay Cisbitaalka weyn si caafimaadkiisa loo baaro. waxaa ka muuqday daal aad u fara badan. Warkii ugu horeeyay oo uu siiyay Telefishanka Aljaziira wuxuu sheegay in qabsashadiisa ay ahay mid looga dan lahaa Afxirida Saxaafada Xorta ah. sidoo kale wuxuu cadeeyay in saraakiisha ama ciidamada mareykanka ay aflagaadeyn diinta iyo muslimiintaba ay si ulakac ah u sameeyaan... xitaa ay u diidaan inay cibaadeystaan.
Sheekadiisa [Ka aqri halkan]

Afhayeenka Midowga Maxaakiimta Islaamiga Sheekh Maxamuud Ibraahim Suuleey ayaa ku tilmaamay Dembi foolxumo ah oo aan laga indha laaban karin ... ahna fal aan geesinimo ahayn. wuxuuna Cadeeyay in kumanaan u dhigma Mucalim Xaashi ay soo baxayaan inay ladagaalamaan cadawgooda. wuxuuna balan qaaday inay xoojin doonaan maalmaha soo socda ladagaalanka Cadawgooda; isagoo ku tilmaamay siyaasadda mareykanka ee geeska afrika mid dhicisowday.
02/05/08[G-News]
War laga soo xigtay Afhayeenka Ururka Alshabaab Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa cadeeyay in Duqayntii maraykanka ay saakay duqeeyeen Guri ku yaala Magaalada Dhuusamareeb uu ku dhintay hogaamiye ciidameedka Alshabaab Sheekh Aadan Xaashi Ceyrow iyo sideed kale oo aan weli lagaran magacyadooda, Lix kalena ay dhaawac kusoo gaareen.
01/05/08[G-News]
Wasiirka Dagaalka ee Israel Ayhud Barak ayaa sheegay in Buuraha Joolaan ee suuriya ay yihiin Qeyb kamida Dhulka Yuhuuda kol uu waramayey saxaafada mar ay ciidamadiisa ku sameynayeen buuraha Joolaan tababar. tabarkaas oo uu ku sheegay inay yihiin isu diyaarin dagaal lagu qaado Dalka Lubnaan.
01/05/08 [G-News]

Wasiirka arrimaha dibedda ee dowladda KMG ah ee Somalia Cali Axmed Jaamac Jangali, ayaa sheegay in rajo weyn ay ka qabaan in uu qabsoomo wada hadal lagu wado in dowladda iyo mucaaradka uu ku dhexmaro dhawaan waddanka Djibouti.
Ka aqri [BBC]
01/05/08 [G-News]
Dayaarad maraykan aha ayaa saakay waaberigii Duqaysay Magaalada Dhuusamareeb ee Dalka Soomaaliya; goobjooge yaal ayaa sheegaya in dhimasho iyo dhaawacba ay sababeen. duqeyntaasi ayaa sida ay wararku sheegayaan lagula dan lahaa in lagu dilo hogaamiye ka tirsan dhaqdhaqaaqa Mujaahidiinta Al-shabaab.
01/05/08[G-News]

Qarax weyn ayaa saakay ka dhacay Magaalada Sanca, Safaarada Talyaaniga horteeda. sida goob jooge yaal ay sheegayaan wuxuu qaraxu kadhacay Dhismaha Canshuur qaadista Yemen ee ku dhegan safaaradda. ilaa iyo haatana lama oga Falka inuu yahay mid ula kac ah ama iskadhac

Dhaqdhaqaaqa Aljihaad Alislaami ee Falastiin ayaa sheegay inuu ogolaanayo in Xasilooni lagu soo dabaalo Marinka GAZA, heshiiskaas oo ay faraha kula jiraan Dowladda Masar; hayeeshee waxay cadeeyeen inay isdifaacayaan oo ay weerari doonaan kolka lagu gardaroodo
[ Indonesiya oo ku hanjabaaday inay xiri doonto Mowqica "Youtube" ] Mudaaharaadyo
Maqaal
Ma'ogtahay Faa'iidada Gudniinka ?!!
Maqaal
Shirkii jabuuti oo Umadda lagu heshiiyay
in aan la heshiin

Maqaal
Waa maxay Sababaha Furiinka badiyay ?!!
Maqaal
Kulayl Gubasho Gamaarasho

Maqaal
Tartanka VOA Vs BBC oo sii kordhaya
[ ka aqri halkan]

Maqaal
Timirtii hore DAB loo waa
[ ka aqri halkan]

Maqaal
Shirkadii Kaluumaysiga Shifco xagey kusocotaa???!!!!
Maqaal
Yaa u wan qalanaya???!!!
Shirka DFK iyo Mucaaradka.?
[ ka aqri halkan]

Maqaal
Tirada Qaxootiga Soomaalida dalka Yemen oo sii kordheysa !!!!!!
Maqaal
Tahriibka waa Tahluuko!!!!
Maqaal
Barro Cadawgaada!!!!
Maqaal
Sicir bararka Yaa ka mas'uul ah??
Maqaal
Dib u heshiisinta [Nuur Cadde] ma Miro dhali kartaa.!!!?
Maqaal
Caruurta Soomaaliyeed Dhaan u ma maqna!!!
Qeybtii Labaad [ka aqri halkan]
Maqaal
Maxaad ka taqaanaa Jubadda Hoose..?
Qeybtii Labaad [ J.hoose ]
Maqaal
Dhibaatooyinka Saxafiga
Maqaal
Dowlad waxay ka timaadaa Bulshada
Maqaal
Maxaad ka taqaanaa Xisbullah
Maqaal
Muqdisho iyo Maanta
Maqaal
Nabada iyo Nolosha
Sheydaanka iyo Meelaha uu kusoo ganbado.

Maqaal
Xumaanta iyo Samaanta

Weriye ama Sawir qaade SAAMI ALXAAJ Maxaad ka taqaanaa
. Waa weriye u dhashay Dalka Suudaan ... wuxuu u shaqeynayey Kanaalka Aljazeera ee Qadar ... [ka aqri Halkan.]