![]() |
|
[G-News]April /2008 ![]() 32 carruur ah oo ka mid ahaa carruur ay ciidamada Ethiopia ku kaxaysteen dagaal ka dhacay magaalada Muqdisho toddobaadkii hore ayaa maanta la sii daayay. Ka aqri BBC Midowga Maxaakiimta Islaamiga ayaa Sheegaya in Magaalada JOWHAR ay si buuxda u maamulaan oo ay Gacanta ku hayaan. warkii ka soo baxay Wasiirka Warfaafinta DFK na uu yahay mid aan sal iyo raad lahayn ![]() Wasiirka Gaashaandhiga Maraykanka ayaa sheegay in Markabka dagaal ee kusii jeeda Gacanka Carbeed inuusan ahayn mid dagaal oogaya balse uu tusayo Dalka Iiraan Awooda ciidanka Mareykanka. ![]() Qarax aad u weyn ayaa saakay lala beegsay Ciidamada Itoobiya ee fariisinka u ahaa Saldhig yaraha Magaalada Baydhabo, Qarxaasi ayaa la sheegay oo dawankiisa laga maqlay Magalada Baydhabo gedigeeda in laga hagayey meel fog lalana beegsaday Ciidamo iyo Booyad biyo u siday ciidamadaasi. Qarax xoog leh ayaa saaka lala beegsaday Gaari Ural ah oo ay saarnaayeen Ciidamo Itoobiyaan agagaarka Kuliyada Jaale Siyaad ee Magaalada Muqdisho. Qaraxaasi ayaa la sheegay inuu ahaa mid laga hagayey meel dheer, ilaa iyo haatana lama oga qasaaraha soo gaaray baaxadiisa. 29/04/08[G-News] ![]() Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in tirada Dhimasho ee Ciidamada DFK ay kor u kaceen dagaaladii shalay ka dhacay halkaasi, kadib markii 9 askari maydkooda laga helay Isbartiibada deegaanka Buula xuubeey. Dagaalkaasi ayaa mas'uuliyadiisa sheegtay Ururka Islaamiga Soomaaliyeed oo ah urur u dhow Xarakada Al-shabaab wuxuuna Ciidamada DFK ugu baaqay inay kamid noqdaan Ururka sidii looga saari lahaa Wadanka Cadawga Itoobiya. 29/04/08/[G-News] ![]() Sawirka SOMALITALK Kuxigeenka Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliy Mudane: Sakariya Maxamuud Xaaji ayaa waraysi uu siiyay Talefishanka Al-jasiira kadigay Dagaal ba'an oo aad u qaraar inuu kadilaaco Geeska Afrika oo idil, hadii aysan Ciidamada Itoobiya ka bixin Dhulka Soomaaliya isagoo cadeeyay dilkii Culumada inuu ahaa Dagaal Diineed oo bareer ah. isagoo hadalkiisa sii wata ayuu ku eedeeyay Warbaahinta Dowladaha Carabta inay iska indha laabayaan xaqiiqda ka jirta Soomaliya ee ah in Dalka ku jiro Gumaysi. 28/04/08[G-News] Wasiirka Warfaafinta ee DFK ayaa beeniyay in Magaalada Jowhar ay gacanta u gashay Xoogaga ka soo horjeeda; isagoo tilmaamay in ciidamadii fadhiyay halkaa looga yeeray Magaalada Muqdisho. Tartanka Warbaahinta ee Idaacadaha VOA iyo BBC da oo sii kordhaya. Faahfaahinta ka aqri Qoraaladii Cabdiraxmaan ![]() Dagaal socday 2 saacadood ayaa wuxuu ka dhacay VILLA BAYDHABO oo fariisin u ah ciidamada DFK. halkaas oo looga dilay 6 Askari oo saddex kamidi yihiin Saraakiil sar sare. War laga soo xigtay hogaanka sarre ee wasaaradda gaashaandhiga DFK ayaa ku waramaya in Kooxaha wax iska caabinta ay kediyeen Ciidamada Dowladda iyagoo kusoo weeraray qoriga loo yaqaan RPG iyo bambaano gacameed, kadibna uu ku xigsaday xabado isweydaarsi ah oo aad u xoogan. 27/04/08[G-News] ![]() Madaxweynaha Afgaanistaan Karazai ayaa kabadbaaday isku day dil oo lala beegsaday Gantaal isagoo Xaflad fadhiyay Magaalada Kaabul ee caasimada Afganistan, waxaa dhaawac soo gaaray kuxigeenkiisa Karim Khalili. Dhaqdhaqaaqa Dhaalibaan ayaa sheegtay inuu falkaasi ka danbeeyay. waxaa xaflada laga dhex maqlayey rasaas goos goos ah iyo daryan Qaraxyo ah. 27/04/08 [G-News] ![]() Khalid Mishcal oo ah Hogaamiye siyaasadeedka Xarakada XAMAAS ayaa sheegay inaysan Xamaas xabad joojin soo bandhigin oo aysan jirin halkaas bandhig xamaas oo ay Israel aqbalayso ama diidayso ee wuxuu ku tilmaamay in Walaalaha Masar ay isku dayayaan inay qaboojiyaan xiisada ka aloosan Marinka GAZA. 27/04/08[G-News] ![]() Gudoomiyaha Barlamaanka Dalka Lubnaan ayaa isugu yeeray barlamaanka inay kalfadhi lagu dooranayo Madaxweynaha dalkaasi la qabto bisha soo socota 13keeda, iyadoo ay tahay markii 18aad ee dib loo dhigo doorashada Madaxweyne; isafgaradwaa ka dhexeeya dhinacyada siyaasadeed ee lubnaan dartii. 27/04/08[G-News] ![]() Dadaal xoogan oo ay sameeyeen Hay'adda Alqadaafi ee horumarinta ayaa ku guuleysatay in lasii daayo Hogaamiyihii Jabhada xoreynta wadaniga MORO ee Filibiin Nuur Miswari - Arinkaasina waxaa soo dhaweeyay Ururka Islaamka - 27/04/08[G-News] Ergayga Qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya Axmaduu Walad Cabdalla ayaa ku booriyay dhamaan dhinacyada isku haysta Soomaaliya inay isasoo hor fariistaan si ay u gaaraan heshiis ay ku midaysan yihiin inta uu socdo kulanka la filayo in uu ka dhaco Jabuubi bishan soo socota 10keeda. Wuxuu sheegay in Qaramada midoobay ay iska iloobi doonto arimaha Somaliya hadii aysan awoodin inay door ka qaadato xalinteeda, isagoo sii raaciyay hadalkiisa "marnaba masuurta gelayso inaan Nayroobi fadhino mudo 18 sanadood ah - waxaan ushaqaynaynaa Somali darteed, waxaana waajib nagu ah inaan u shaqeyno Somaliya, hadii kalena aan iska tagno." 26/04/08[G-News] ![]() Ra'iisul wasaaraha Turkiya "Rajab Dhayib Ardogan" ayaa booqasho ku tagaya maanta Magaalada Dimishiq ee Dalka Suuriya iyadoo uu dadaal ka wado siduu dhexdhexaadin ugu soo dabaali lahaa Suuriya iyo Israel. Ardogan ayaa u sheegay usbuucii lasoo dhaafay Bashaar alasad in Israel ay diyaar u tahay inay ka baxdo buuraha Joolaan dhamaanteed hadii ay hesho Nabad buuxda. 26/04/08[G-News] Dagaal xoogan ayaa ka qarxay isgoyska xararyaale ee Degmada Wardhiigley kaasoo u dhexeeya ciidamada DFK iyo Xoogaga kasoo horjeeda iyadoo laysu adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan . 26/04/08[G-News] ![]() Sheekh Maxamuud Ibraahim [Suuleey] ayaa maanta shir jaraa'id ku sheegay In qaar kamida Ciidamada DFK ay u dulqaadan waayeen falkii Ciidamada Ethiopia ay ku xasuuqday dad ku sugnaa Masjidka Al hidaaya, kusoo biireen Maxkamadaha Islaamiga, waxaana uu sheegay in Ciidamadaasi ay ka mid noqdeen xoogaga ka soo horjeeda DFKM islamarkaana uu tilmaamay in aysan ka jirin wax dowlad la yiraahdo sida uu hadalka u dhigay. 25/04/08[G-News] Afhayeenka Dhaqdhaqaaqa AL-SHABAB Sheekh Mukhtaar Roobow [Abu Mansuur] ayaa ku eedeeyay Xukuumada DFK inay ka danbeysay dilkii dadka rayidka ahaa ee Masjidka Al-hidaaya ee Waqooyiga Muqdisho. wuxuuna kaloo cadeeyay in ra'iisul wasaare Nuur Cade uu raali kanoqday xasuuqii ay Itoobiya ka gaysatay Masjidka. Wuxuuna balan ku qaaday maanta kadib inaysan wax nabad ah ku jiri doonin dambiilayaasha falkaasi ka danbeeyay; Falceliskeenana uu noqon doono Dhul gariir danbiilayaasha Shacabka xasuuqay. 25/04/08[G-news] Suuriya ayaa si cad u diiday oo ku tilmaantay Olole been abuur ah oo ay Maraykanku ku doonayaan inay ku tirtiraan xaqiiqda jirta [Isgarabaysiga Nuyuklerka Dimishiq iyo Koriyada waqooyi]. Eedeynta Maraykanka ayaa kusoo beegantay kadib markii Ciidamada Sirdoonka maraykanka ay kongareska u soo bandhigeen sawiro muujinaya in wada shaqaysigaasi uu jiro. 25/04/08[G-news] ![]() Hogaamiyaha Dhaalibaan Pakistan [Baytulaah Maxsuud] ayaa kooxdiisa ugu yeeray inay joojiyaan Weerarada ay ku hayaan Ciidamada Pakistan, halka ay Xukuumada Pakistan ka diyaarinayso heshiis nabadeed oo ay lagasho Dhaqdhaqaaqa Dhaliban Pakista. Wuxuu balan ku qaaday Maxsuud qoraalo lagu daadiyay Gobolka Waziiristaan ee ku dhow Xuduuda Afgaanistaan in uu ku daldali doono meel fagaare ah cidii jabisa Amarkan. 25/04/08[G-news] Hay'ada (UNRWA), ee ka howlgasha Marinka GAZA ee Falastiin ayaa shaqadeedii kaalmanimo joojisay kadib markii uu ka dhamaaday Shiidaalkii, cunaqabatayta ay Israel ku hayso darteed. 25/04/08[G-news] Gaari ural oo ah nooca ay isticmaalaan ciidamada Itoobiya ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa maanta wuxuu dardaray gaari caasi ah oo marayay agaagaraha isgooyska folorensa ee degmada wardhiiglay; Gaariga ayaa soo gaaray qasaare isugu jira Dhimasho iyo Dhaawac ku dhacay dadkii rakaabka ahaa ee saarnaa caasiga. Ciidamada soomalida ee fadhiisinka ku leh isgooyskaasi ayaa u soo gurmaday dadkii uu dardaray. Uralaha Itoobiyaanka ahaa ayaa xabado ku furay dakii gurmadka ahaa. Degmada Warshiiq ee Gobolka Shabeelada Dhexe ee dalka Soomaaliya ayaa maanta waxaa lagu qabanayaa Xaflad loogu dooranayo maamulka hogaamin lahaa Degmadaas, iyadoo maamulkii hore uu iska casilay. Taliyihii Ciidamada Booliiska gobolka Bay Ibraahim Macalin ayaa maanta iska casilay jagadii uu ka hayay Gobolka iyo kii ciidankaba isagoo sheegay in uu isaga tagay jagada uu hayay mana uusan sheegin sababta uu isaga tagay. Suldaan cusub oo ay yeelatay Beesha Tuni ayaa maanta lagu caleemo saaray Magaalada Muqdisho, suldaanka beesha Tuni waxaa loo magacaabay Suldaan Xasan Suldaan Cumar Saciid waxaana goob joog ka ahaa caleemo saarkaasi Khaliiful Qaadiriya Sheekh Axmed Sheekh Aways Sheekh Muxudiin, Xaaji Xuseen Sheekh Cali, Sheekh Amiin Sayid Cali Sheekh Muxudiin, nabadoon Xaaji Sheekhunaa Maye, Maxamed Garre oo ah wakiilka suldaanka Gendershe Suldaan Iimaan Sheekh Cusmaan Sheemile iyo marti sharaf kale oo aad u fara badan. 22/04/08[G-News] Xaalada degamada Dharkiinlay ayaa iminka degan kadib markii saakay ay ka dheceen Dagaalo ay isaga hor yimaadeen ciidamada DFK iyo kooxaha ka soo horjeeda iyadoo aan weli la ogaan qasaaraha soo kala gaaray labada dhinac ee dagaalamay iyo dadka rayidka ah. 22/04/08[G-News] ![]() Qaramada Midoobay ayaa carabka ku dhifatay inay muhiimad weyn siinayso dagaalada maalmahan ka socda Magaalada Muqdisho. Xoghayaha guud ee qaramada midoobay [Ban ki mon] ayaa wuxuu sheegay inuu welwel kaqabo dadka rayidka ah ee ku dhamaanaya Muqdisho, halka dhimashadu lasheegayo 81 ruux labo maalmood gudahooda. 22/04/08[G-News] ![]() Laba askari oo Maraykan ah ayaa lagu dilay laba kalena way dhaawacmeen kolkii lala beegsaday miino lagu rakibay wadadii ay marayeen gobolka Salaaxudiin ee Wadanka Ciraaq. Wasiirka gaashaandhiga Maraykanka Ropert Gates ayaa amar ku bixiyay in loo diro Ciraaq diyaaradaha aan duuliyaha lahayn. 22/04/08[G-News] Xukuumada Itoobiya ayaa maanta ku dhawaaqday inay Xiriirkii diblomaasi u jartay Dowladda Qadar iyadoo ku eedeyneysa inay inay badinayso qalalaasaha ka oolan geeska Afrika. Wasaarada arimaha dibadda ee Itoobiya ayaa bayaan ku sheegtay inay Itoobiya sameysay u kaadin iyo sabar isku dayga Qadar ay kawado rujinta deganaanshaha Gobolka, gaar ahaan siyaasadeeda Cadawtanimada ah ee ku aadan Itoobiya. 21/04/08[G-News] ![]() Hogamaayi siyaasadeedka Dhaqdhaqaaqa Xamaas ayaa sheegay in Xamaas ay diyaar u tahay inay aqbasho Dowlad Falastiini ah oo xuduudkeedu yahay dhulkii 1967kii ay yuhuudu qabsatay, hayeeshe aanay aqoonsan doonin Israa'iil. hadalkaasina wuxuu ka danbeeyay warkii uu yiri madaxweynihii hore ee Maraykanka Jemmy Carter in Xamaas ay ogoshahay Xalka kama dambeyska ah. 21/04/08[G-News] Dagaalkii maanta ka dhacay SOS ilaa iyo Waxar cadde ayaa waxaa la sheegayaa in Ciidamada Itoobiya ay ka gaysteen tacadi xoog badan oo si arxandaro ugu gaystay dad rayid ah oo aan waxba galabsan iyagoo Gowrac u gaystay dad gaaraya ama lagu qiyaasay tiradooda labaatameeyo ruux. 20/04/08[G-News] WAR DEG DEG AH : Dagaal laysku adeegsanaayo hubabka noocyadiisa kala duwan ayaa iminka wuxuu ka socdaa Wasaaradii hore ee Gaashadhiga iyo Xeradii hore Guulwadayaasha ee degmada Hodan wuxuuna u dhaxeeyaa ciidamada is garabsanaya ee Itoobiya iyo kuwa DFK dagaalka oo socda iminka ayaan la ogaan karin qasaarihiisa.G-news. 20/04/08[G-News] Iimaan allaa uur buuxiyay : Degmooyinka xamar wayne iyo Xamar jajab ayaa maanta waxaa laga bilaabay in laga qaato lacagta kunka ah ee duuga ah iyadoo shalay laga bilaabay in laga qaato lacagta duuga ee kunka suuqa wayn ee Bakaaro balse beryahan waxaa la diidayay lacagta kunka duuga ah gebi ahaanba koonfurta Soomaaliya. 20/04/08[G-News] WAR DEG DEG AH dagaal ayaa iminka wuxuu ka socdaa degaanka waxar cadde oo ka tirsan degmada huriwaa dagaal ayaa wuxuu u dhaxeeyaa ciidamada DFK oo garabsanaya kuwa ITOOBIYA ciidamada itoobiyaanka ayaa adeegsanaya madafiicda aad u culculus sida (PM) iyadoo madafiicda laga soo ridayo fariisamada ciidamada itoobiyaanka ay ku leeyihiin magaalada muqdisho madaafiicda ayaa sida roobka oo kale ugu dhacayaan goobo ay degan yihiin dad rayid ah. 20/04/08[G-News] ![]() Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee dagaalka kala dhexeeyay xoogaga ka
soo horjeeda ayaa maanta waxay dil fool xumo ah u gaysteen seddex
nin oo odayaal ah kuwaasoo gowracay waxaana ku jiray dadkaasi oday
sidetan jir lagu qiyaasay da,diisa isagoo ay gurigiisa ugu galeen
kadibna gowrac u gaystay dhacdadaasi arxandarada ah oo ka dhacday
xaafada suuqa xoolaha ee degmada huriwaa.20/04/08[G-news] Degmada Afgooye ee gobolka shabeelaha hoose ayaa maanta xaaladeeda degan tahay, kadib markii xalay ay isku rasaaseen xoogan leh ku dhexmartay ciidamada DFK iyo kooxaha ka soo horjeeda joogitaanka ciidamada shisheeye ee Dalka; inkastoo qasaaraha soo kala gaaray labada dhinac ee dagaalamay aan la'ogeyn. 20/04/08[G-news] Xaalada degmooyinka Huriwaa, Dayniile iyo Yaaqshiid oo shalay iyo maanta ay ka socdeen dagaalada ayaa iminkadan degan walow la maqlayo mararka qaar xabado si goos goos ah u dhacaya dagaalka oo ay ku geeriyoodeen 35 ruux oo ay ku jiraan ciidamo itoobiyaan ah, dhaawuca dadka rayidka soo gaarayna waxaa lagu qiyaasayaa ilaa iyo 100 ruux walow uusan dagaal socon hadana daqiiqad kasta waxaa la filan karaa inay rasaasta bilaabato. 20/04/08[G-news] ![]() Waxaa saakay aroortii dagaal ka dhacay marlabaad Degaanka Yaqshiid iyo suuqa weyn ee Hiliwaa, siday warku sheegayaan dagaalkii shalay wuxuu sababay gubasho weyn oo suuqa ku yimid kadib markii Ciidamada Itoobiya ee fariinsinka u ahaa halkaa laga gubay dhowr taangi. dad goob jooge yaal ahaa ayaa waxay sheegayaan dhimashada iyo dhaawaca dadka rayidka ah inuu aad u sareeyo ilaa iyo haatana ay gaarayaan 16 ruux balse aan la ogeyn khasaaraha dhanka ciidamada Itoobiya. 20/04/08[G-News] Xaggee ku danbeeyay Murankii ka dhex taaganaa maamulka iyo shaqaaalaha shirkada kalluumeysiga SHIFCO Faahfaahintii Cabdiraxmaan [Ka aqri halkan] ![]() Ciidamada Badda Faransiiska oo ku Guuldareystey in 12 Burcad Badeed Soomaali ah ku baacsadaan Xeebta Soomaaliya iyo $2,000,000 oo Laga Bixiyey Doontii la afduubtay.... Faahfaahinta Ka aqri [Somalitalk website] ![]() Madaxweynihii hore ee Maraykanka "Jemy Carter" Waxaa uu kulan la yeeshay hogaamiye siyaasadeedka Xarakada Xamaas Mr. Khalid Mishcal, wadahadalkaas oo lagu tilmaamay mid qotoman oo dheer. waxay kawada hadleen arimaha xabad joojinta iyo maxbuus kala qaadasho iyo cunaqabadka ay Israel GAZA ku hayso. 19/04/08[G-News] ![]() Hay'adda HUMAN RIGHTS WATCH ayaa waxay dalbatay in lasameeyo baaritaan xor ah dilkii Sawirqaadihii Wakaalada Reuter ee Falastiin iyo qaar kale oo rayid ah oo ay ku dileen ciidamada gumaysiga Israel Marinka GAZA saddex beri ka hor; iyagoo cadeeyay in si ulakac ah ay dabaabad Israili ah tacshiirado ugu furtay kooxdii saxafiga ahayd. 19/04/08[G-News] Xulka junyeerka kubada cagta ee Soomaaliya ayaa galabta ka badiyey dhigiisa Kenya, ciyaartaas oo ka dhacday dalka jabuuti. xulka Soomaaliya wuxuu ku badiyay labo gool iyo hal [2 - 1] waxaana labada gool u kala dhaliyay ciyaaryahana kala ah Cabdicasiis(homy) iyo Shaarkay oo dhaliyay rigoore ciyaartaasi oo ahayd isreereebka xulalka junyeriska ee qaarada Afrika. 18/04/08[G-NEWS] Waraaqo digniino ah ayaa maanta lagu daadiyay degmada Caabud waaq ee gobolka Galgaduud, waraaqahaasi waxaa loogu digayay todobo shaneemo oo ku yaala degmada caabud waaq. 18/04/08[G-news] Dagaal culus oo u dhaxeeya labo maleeshiyo beeleed degmada Afgooye maleeshooyin beeleedka ayaa isku haysta dhul hore u lahayd warshadii hore ee labanka oo hadda ah suuq lagu ganacsado waxaana goobtaasi soo gaaray ciidanka maamulka degmada Afgooye. 18/04/08[G-news] Dibadbax rabshado iyo boobitaan isugu jira ayaa goor dhow ka dhacay Via roma degmada Xamarwayne ee magaalada Muqdisho waxaa boobid lagula dhaqaaqay Baabuur siday bagaash sidoo kale waxaa la boobay dukaan ku yaal Suuqa wayn ee Xamar wayne. 18/04/08[G-news] Shacabkii ka qaxay degmada Balcad ayaa kusoo laabanaya degaankooda kadib markii Ciidamadii Itoobiya ay ka guureen Fariisimadii ay halkaas ka sameysteen. 18/04/08[G-news] ![]() Condoleza Rice ayaa cadeysay inay cadaadis saarayso dowladaha carbeed ee dariska la'ah Ciraaq sidii Safaarado ay uga furi lahaayeen Baghdad kolka la qabanayo shirka dowladaha deriska la'ah Ciraaq ee lagu wado inuu ka dhaco Salaasada soo socota wadanka Kuwait si loo taageero xukuumada Nuuri Almaaliki. 18/04/08[G-News] ![]() Bashaar Al-asad oo sheegay in dalkiisu u diyaar garoobayo Dhibaato kusoo fool leh una dhaqmayaan in dagaal kusoo socdo. Asagoo hadalkiisa sii wata wuxuu cadeeyay in Maraykanku Dagaal ka door bidayo inuu abuuro Mushkilad Sunni iyo Shiici ama Iiraan iyo Carabta. wuxuuna ku eedeeyay inay ka danbeeyaan siyaasad xumida kataagan wadanka Lubnaan. 18/04/08[G-News] Goob jooge lagu magacaabo Xiimaay ayaa inoo sheegaysa in Ciidamadii Itoobiyaanka ee ku suganaa degmada Balcad ay ka guurayeen degmadaasi sidoo kale ciidamadii ka fadhiyay Magaalada Jowharna ay saaka isaga soo dhaqaaqeen iyagoo u jihaystay dhanka Magaalada Muqdisho. 17/04/08[G-News] Gaari uu lahaa Axmed Cabdi Salaan Wasiirka Warfaafinta, Dhalinyarada iyo Isboortiga isla markaana ah Ra'isul wasaare ku xigeenka DFK ayaa lala beegsaday qarax miino inkastoo uusan saarnayn wasiirka waxaana dhaawac ka soo gaaray darawlka gaariga wasiirka. 17/04/08[G-news] Dagaal ayaa barqanimadii maanta wuxuu ku dhexmaray ciidamada Itoobiya iyo kooxaha ka soo horjeeda wadada warshadaha, kadib markii gaari booyad ah oo biyo u dhaamin jirtay ciidamada Itoobiya lala helay xabad ka dhacda qoriga loo yaqaano (RPG) kaasoo qasaaro badan u gaystay gaarigii iyo ciidamadii Itoobiyaanka ee ilaalada ka ahaa booyada kadibna waxaa dhacay dagaal xoogan oo aan qasaarihisa weli la ogaan. 17/04/08[G-news] Qarax ayaa goor dhow lagula beegsaday gaari cabdi bile ah agagaarka Shaneemo Afrika ee degmada Xamar jajab waxaana ka soo gaaray qasaaro aan ilaa hadda la ogaan karin kadib markii ay fureen rasaas. 17/04/08[G-news] Maxaa natiijo ah oo laga fili karaa inay ka soo baxaan shirka la filaayo inuu dhex maro garabyada ka kala socda Dowlada Federaalka Iyo garabka Mucaaradka. [ Faahfaahintii Cabdiraxmaan ka aqri halkan] ![]() Xusuuq ulakac ah ayey Ciidamada Cirka ee Yuhuuda ku sameysay Xeryaha qaxootiga ee Al-bareej ee Marinka GAZA. 17 ruux oo wada rayid ah ayaa ku dhimatay oo mid canug yahay mid kalena Saxafi u shaqeeya Wakaalada reuters. Xasuuqaas ayaa wuxuu ka danbeeyay markii jab xoog leh ku dhacay ciidamada yuhuuda oo isku dayey inay lug kugalaan xaafada Al-shujaaciya ee bariga marinka Gaza, halkaas oo looga dilay 3 askari 3kalena looga dhaawacay hubkii ay wateena laga dhigtay. 17/04/08 [G-News] Xaalada degmooyinka Hodan iyo Waaberi ayaa iminka degan kadib markii dagaal xoogan oo laysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, dagaalkaasi oo u dhaxeeyay ciidamada DFK iyo kooxaha ka soo horjeeda iyadoo kooxaha ka soo horjeeda ay u suurto gashay inay la wareegaan wadada No. afar ilaa iyo Sarta dabka ee wadada Maka almukarama kadibna iyadoo si nabadgelyo ah markii danbe ugu bexeen goobahii ay la wareegeen. 16/04/08[G-news] WAR DEG DEG AH Dagaal xoogan ayaa iminka wuxuu ka socdaa xaafadaha No 4 [afar],Taleex, iyo Saldhiga waaberi dagaalkaasi wuxuu u dhaxeeyaa ciidamada DFK oo ay wehliyaan Ciidamada Ugaandha iyo kooxaha ka soo horjeeda DFK iyo joogitaanka ciidamada shisheeya ee Cariga Soomaaliya iyadoo xabadaha dayankooda laga maqlayo degamadaha ku dhow dhow goobta u dagaalka ka socdo. 16/04/08 [G-News] Faransiiska oo qabqabtay Dad aan waxba Galabsan oo wax iska daawanayey Cadayn Lahastayaasha Soomaalida ah ee lagu qabsaday GARACAD inayna ahayn Afduuba yaashii Markabkii Faransiiska... Ka aqri Qoraalkii Odayaasha Beesha ay ku cadeeyeen [ Somalitalk.com ] Markab nooca qaada xamuulka oo aad u wayn ayaa doraad ku soo xirtay Dekada Macmalka ah ee Magaalada Baraawe kaasoo lagu wado in lagu daabulo Dhuxul laga soo gubay Degaamada gobolka Shabeelaha hoose iyadoo si xad dhaaf ah loo jarayo geedaha iyadoo aan lahayn dowlad itaal leh oo wax ka qaban karta arintaasi, inkastoo ay shaqo ka helaan dhalinyaro busaarad xoogan ku haysta Degmada Baraawe iyagoo ku maareeya noloshooda.g-news. 16/04/08[ G-News ] Cabdulqaadir Yuusuf Cali oo ah sarkaal ka tirsan Ciidamada Nabadsugida Degmada Afgooye ayaa sheegay inuu isaga tagay shaqadii uu u hayay DFK isagoo sheegay inuu markii hore uu ahaa beeralay uuna ku noqday shaqadiisii hore ee beeralayda ahayd. 16/04/08[ G-News ] Wararka aynu ka helayno Magaalada Jowhar ayaa sheegaya in Magaalada ay xaaladeeda saakay ay aad u kacsan tahay iyadoo la sheegayo in Maamulkii Gobolka Sh.dhexe oo isaga tagay Waaberigii saakay iyagoo ka baqaya in kooxaha ka soo horjeeda ay soo galaan Magaalada. Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee ku sugnaa Jowhar way isaga tageen shalay, sidoo kale Degmada Balcad ayaa waxaa laga dareemayay shalay iyo maantaba Barakac weyn. 16/04/08[G-News] Todoba [7] ruux oo shacab oo aan waxba galabsan ayaa ku dhaawacantay kadib markii ay tacshiirad xoogan ku fureen gaari ay sarnaayeen dadkaasi Ciidamada Booliiska DFK ee ku sugan CEEL GAAB degmada Xamar Jajab iyadoo todobada ruux ee dhaawacantay seddex ka mid ah dhaawacooda aad u daranyahay darawalkii gaariga ayaa diiday in uu bixiyo lacag baad ah oo ay halkaasi ka qaataan ciidamada DFK kadibna rasaas la beegsaday gaariga dadka siday. 15/04/08[G-News] Yuusuf Axmed Hagar(DABO GEED) ayaa xalay saqdii dhexe loo ogalaaday in uu ka gudbo xadka dalka Itoobiya waxaana laga reebay ciidan uu watay isagoo si aan caadi ahayn loo baaray kadibna loo ogalaaday in uu ka gudbo xadka isagoo aan wadan wax ciidan ah. 15/04/08[G-News] Gebi ahaanba waxaa xiran Ganacsigii degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho kadib markii maamulka gobolka Shabeelaha hoose uu amar ku bixiyay in aan la kala sooci karin lacagta kunka shilin iyadoo Ganacsatada degaankaasi ay sheegeen inaysan garanaynin meel ay geeyaan Lacagta duuga ah oo aan jirin Ganacsade ka qaadanaya. 15/04/08[G-News] ![]() Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee ku sugnaa Gobolada Hiiraan iyo Shabeelada dhexe ayaa ka baxay Goboladaasi iyagoo isugu tagay halka looyaqaan BARDAHA oo (3km) seddex kiilo mitir u jirta degmada BUULO BURTE ee gobolka Hiiraan; beryahan waxaa goboladaasi ay noqdeen kuwo ay isku ugaarsadaan kooxaha isaga horjeeda geyiga Soomaaliya. 15/04/08[G-News] Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka soo dhaqaaqay degmada Buuloburte kuna sii jeeday degmada Jowhar waxayna wateen afar baabuur ural ah ayaa loo galay halka loo yaqaano FIIDOW; goob jooge diiday in magaciisa la shaaciyo ayaa inoo xaqiijiyay in ciidamada Itoobiyaanka ay soo gaareen qasaaro Naf iyo Maalba leh waxaana laga gubay labo gaari ural ah iyo ciidankii saarnaa inta hartayna ay si dirqi ah ku baxsadeen. 14/04/08[G-News] Qaybta sarifka lacagaha qalaad ee suuqa wayn ee Bakaaro ayaa maanta gebi ahaanba xirmay kadib markii shalay lagu daadiyay waraaqo digniino ah oo ay ku qoran yihiin in dolarka lagu sarifo boqolkii dollar lacag dhan hal milyan iyo shan boqol oo shilin ninkii ka badan ku sarifana waa la tooganayaa iyadoo aan la ogayn kooxdii warqadahaasi daadiyay iyadoo ay iska fogeeyeen xarakada alshabaab in aysan wax shaqo ku lahayn daadinta warqadahaasi. 14/04/08[G-News] Inta badan ganacsigii degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa maanta xiran iyadoo loo sababeeynayo diidista lacagta kunka duuga ah iyosicir barar. 14/04/08[G-News] Abuukar Yuusuf Ibraahim oo ahaan jiray gudoomiyihii Maaliyada gobolka Hiiraan ayaa wuxuu maanta shaaca ka qaaday inuu isaga tagay shaqadii uu ka haayay gobolka Hiiraan isagoo sheegay in waqti xaadirkan aan shaqo laga qaban karin ama aan xil loo qaban karin DFK sabab amaan dartii iyadoo la beegsanayo ruuxii jago ka qabta maamulka DFK waana mas,uulkii seddexaad ee isaga taga Maamulka gobolka Hiiraan ee maanta keliya ka taga. 14/04/08[G-News] ![]() Madaxweynihii hore ee Maraykanka "Jimmy Carter" ayaa cadeeyay in Dhaqdhaqaaqa Xamaas ay ahmiyad weyn leedahay in lagu soo daro wadahadalka Nabadeed ee bariga dhexe. inkastoo ay jiraan codad diidan fikradaas oo Maraykan iyo Yuhuud ah. 14/04/08[G-News] Xalay ayaa waxaa Bam lagu weeraray Shaneemo ku taalay degmada Marka waxaana ku geeriyooday (5)shan ruux, (16) lix iyo toban kalena way ku dhaawacmeen oo isugu jira mid culus iyo kuwo fudud ah. 14/04/08[G-News] Xaalada degmada Beled wayne ayaa saakay degan kadib markii xalay ay gacan ku haynta Magaaladaasi ay la wareegeen kooxaha ka soo horjeeda DFK waaberigii saakayna ay halkaasi ka bexeen iyadoo magaalada aysan wax maamul ah ka jirin. 14/04/08[G-News] ![]() WAR DEG DEG AH Dagaal qaraar oo laysku adeegsanayo hubabka noocyadiisa kala duwan ayaa uu kadhacay saldhiga galbeed ee degmada Dharkiinlay Magaalada Muqdisho. Dagaalkaa ayaa waxaa looga adkaaday Ciidamada DFK oo dib uguratay. Kooxihii kasoo horjeeday ayaa waxay sii daayeen Maxaabiistii ku xirnayd saldhiga galbeed ee degmada dharkiinlay. Dhanka kale waxaa caawa weerar lagu qaaday Ciidamada Brundi ee ku sugan Siliga Maraykanka qasaaraha soo gaaray lama oga ilaa iyo haatan. 13/04/08[G-News] ![]() Xaalada Degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa caawa aad u kacsan kadib markii maqribnimadii caawa ay halkaasi soo gaareen ciidamo ka amar qaata Maxkamadaha Islaamka iyadoo ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ay ku sugan yihiin meel aan sidaas uga fogayn degmada Cadaado; dadka waxay bilaabeen inay ka cararaan degaanka iyagoo ka baqaya in uu dagaal dhexmaro labada dhinac ee iska horjeeda. 13/04/08[G-News] Taliyaha ciidamada booliska ee DGPL ayaa goor dhow ka badbaaday isku day dil kadib markii qarax miino uu ku dhacay gaarigii uu saarnaa. 13/04/08[G-News] ![]() Khaalid Mishcal Hogaamiye siyaasadeedka Dhaqdhaqaaqa Xamaas ayaa cadeeyay inay jiraan VITO Mareykan iyo Sahyuuniyad ah oo ishortaagaysa sidii Marinka GAZA looga qaadi lahaa Cunoqabateynka, taasi oo kalena waxay saaran tahay sidii loo heshiisin lahaa Walaalaha Falastiin Dhexdooda. Mar uu ka jawaabayey Su'aalo ay weydiiyeen Televishanka Al-aqsaa wuxuu sheegay Mishcal in Dhibaatada maanta ka taagan GAZA ay sabab u yihiin: Maraykanka, Israa'iil iyo Tabar darida Aduunweynaha, iyo Aamusnaanta Dowladaha Carbeed. wuxuu hadalkiisa sii raaciyay inaysan wax cudurdaar lahayn Aamusnaanta Dowladaha carabta. <13/04/08[G-News] Is rasaaseen ayaa goor dhow ku dhexmartay ciidamada DFK iyo xoogaga ka soo horjeeda xaafada Xararyaale ee degmada Wardhiiglay kadib markii ciidamada DFK ay isku dhereriyeen xaafadaasi dadkana ay ku bilaabeen inay gacamo gacamaystaan iyagoo ka qaadanayay lacag ama mobayl iwm. kadibna waxaa weerar ku soo qaaday xoogaga ka soo horjeeda oo ka dhawaa goobtaasi wax qasaaro ahna lama sheegin. 13/04/08[G-News] Banaabax ay soo qabanqaabiyeen Maamulka gobolka Sh.dhexe ayaa maanta ka dhacay xarun goboleedka Sh.dhexe ee Magaalada Jowhar waxaana lagu tageerayay joogitaanka Ciidamada Itoobiya ay joogaan gobolkaasi waxaana markii ugu horaysay lagu arkay goobta uu ka dhacayay banaabaxa Gudoomiyaha Gobolka Sh.dhexe Maxamed Cumar Deele oo ka cararay Magaalada Jowhar markii uu ka war helay inay ku soo fool leeyihiin xoogaga Maxkamadaha. Isu soo baxaasi wuxuu ka dhacay Garoonka Kubada cagta lagu ciyaaro ee Magaalada Jowhar waxaana ka hadlay Gudoomiyaha gobolka Shabeelada dhexe Maxamed Cumar Deele wuxuuna sheegay in Ciidamada Itoobiya ay u yimaadeen gobolka ay tahay inay sugaan Amaanka wuxuuna sheegay in Itoobiya iyo Soomaliya ay yihiin dad walaalo ah, sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay sarkaalka hogaaminaayay Ciidamada Itoobiya ee ku sugan gobolka Sh.dhexe. 13/04/08[G-news] Ciidamada Itoobiya iyo Xoogag ka amar qaata Maxkamadaha Islaamka ayaa waxaa iminka uu dagaal ku dhex marayaa tuulada Garasiyaane oo u dhaxaysa Magaalooyinka Beledwayne iyo Buuloburte ee gobolka Hiiraan, dagaalkaas oo laysku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan. 13/04/08[G-news] Wakaaladda wararka ee Faransiiska ayaa ka soo xigatay Gudoomiyaha Gudiga Doorashada Zimbabwe Goerge Tshweshe hadal uu siiyay jariidada Sundaymill ee ku hadasha Magaca Dowladda Zimbabwe in Natiijada doorasho ee codkii 23 goobood markale lakala soocayo codadka, iyagoo ay joogaan xubno ka socda xisbiyada iyo kormeerada Doorashooyinka. wuxuu intaasi raaciyay inay Jiraan sababo macquul ah oo khalad keenay taa oo wax u dhimi karta Natiijada guud. 13/04/08[G-News] ![]() Ciidamo Itoobiyan oo fariisinkooda ahaa Xerada Janta Kundisho ee Magaalada Beled Weyn ayaa saaka ka soo dhaqaaqay halkaa , iyagoo kusii jeeda dhanka degmada Buulo burte. Dadweynaha deegaanka ayaa cabsi xoog leh ka qaba in dagaal xoogan ka dhaco deegaanka. 13/04/08[G-News] ![]() Muqtada Assadar oo ah hogaamiye diineedka Maleeshiyada [Jeesh Almahdi] ayaa ku tilmaamay Wasiirka Difaaca Maraykanka Robert Gates "Argagixiye" eraygaasina wuxuu ahaa jawaab celintii hadalkii wasiirka dhowaan kasoo yeeray. Dhinaca kale Booliska Ciraaq ayaa wuxuu qeyb ahaan ka qaaday go'doon kii ay ku hayeen Magaalada Saddar ee bariga Baghdad inkastoo ay weli iska hor imaad goos goos ahi ka jiraan. 13/04/08[G-News] Tirada Qaxootiga Soomaalida dalka Yemen oo sii kordheysa Maalinba Maalinta ka danbeysa. Waa maxay Mas'uuliyadda saaran Waxgaradka Soomaalida meel kastoo ay joogaan.[Faahfaahintii Qaxootiga] Ka aqri halkan !!! Dhaqtarad Ruush ah oo dhawaan Muslintay oo lagu magacaabo Khadiijo horayna lagu magacaabi jiray Galina iyo saygeeda oo Soomaali ah ayaa la siidaayay kadib markii lagu afduubay Suuqa wayn ee Bakaaro, cid Afduubkooda sheegatayna ma jirto. 12/04/08[G-News] ![]() Roobab lagu diirsaday ayaa xalay ka da'ay Degmada Marka iyo Degaamada Jilib-Marka iyo Gendershe, roobkaasi oo ay ku diirsadeen Dadka iyo duunyada ku nool degaanadaas oo la taag darnaa Abaaro iyo Sicir barar. 12/04/08[G-News] Degmada cadaado ee gobolka galgaduud ayaa maanta waxaa laga fuliyay howlgal baaritaan ciidanka baaritaanka sameeyayna ayaa la sheegayin ay ka yimaadeen dhanka Puntland iyagoo kaashanaya ciidamada Itoobiyaanka ee shalay soo gaaray degaanka, howlgalkaasi waxaa lagu dilay sedex ruux oo mid yahay canug yar oo aan waxba galabsan. 12/04/08 [G-News]. ![]() Qabqabasho xoog leh ayaa si xowli leh ugu socotay barqadii maanta isgoyska Fagax ciidamada DFK ayaa waxay maanta baabuurta ka timaada suuqa xoolaha kala degayay dadka saaran baabuurta kadib markii uu xalay dagaal uu halkaasi ku dhexmaray ciidamada DFK iyo kooxaha ka soo horjeeda iyadoo dadka ay fishaan markuu dagaal qabsado ciidamada DFK ay ku dhaqaaqaan inay qabqabtaan dadka rayidka ah ee sicir bararka qaati ka taagan. 12/04/08[G-News] ![]() 12/04/08[G-News] Wasiirka ganacsiga Somalia Xuseen Ceelaabe Faahiye ayaa sheegay inay Dowladda Somalia sameysanayso lacago cusub dhawaana laga istcimaali doono Dalka. Lacata cusub ee ay sameynayso Dowladda ayuu ku sheegay inay noqon doonaan kuwo isugu jira [5]-shillin, [10]-shillin, [20]-shillin, [50]-shillin iyo [100]-shillin. Lacagtan cusub way ka tayo wanaagsanaan kana qiimo sarreyn doontaa midda hadda ka jirta Dalka. [G-News] ![]() Ciidamada DFK ayaa saakay xiray Wadada Makka almukarama iyo wadada aada Garoonka Caalamiga ee Aadan Cadde. waxay wararku sheegayaan in xitaa Dadka loo diidan yahay inay maraan wadooyinkaasi; sidoo kale ayaa la sheegayaa in xabado ay ka dhacayaan si goos goos ah oo xoogan. Wadada aada Garoonka aalaaba waxaa la xiraa kolka wafdi uu soo degayo ama dhoofayo. 12/04/08 [G-News] Wariye: Cali Axmed "Dhegay" Xisbiga "Almustaqbal" oo kamida xisbiyada Dalka [Lubnaan] ayaa ku gacan sayray Baaqii uu soo jeediyay Gudoomiyaha Barlamaanka Lubnaan 'Nabiih Biri' oo ka tirsan Mucaaradka Dalkaasi kaasoo ku xusnaa in doorashada Madaxweyne lagu soo saleeyo qaanuunkii 1960kii iyadoo ay mucaaradkuna ka tanaasulayaan Xukuumad midaysan. 12/04/08 [G-News] Sicir bararka ka jira gudaha Soomaaliya ayaa waxay saamayn wayn ku yeelatay dhamaan Gobolada Dalka Mar aan qadka taleefanka kula xiriray mid ka mid ah Ganacsatada Degmada Baraawe ee gobolka Shabeelada hoose ayaa uu ii sheegay in ay garan la, yihiin lacagta ay ku iibin lahaayeen badeecadooda, isagoo taasi sabab uga dhigaya Ganacsatada waaweyn ee Muqdisho inay Dollar oo keliya wax ku gadayaan. wuxuu sii raaciyay hadalkiisa hadaan kunka shilin wax ku gadno anagana manaqaano meel aan gayno maadaama Ganacsatadii ay diidan yihiin in Shilinka Somaliga ay ku gadaan Badeecada. 12/04/08[G-News]. Dagaal ayaa maqribnimadii caawa wuxuu ka dhacay agagaaraha Tarabuun iyo Warshadii hore ee caanaha oo kawada tirsan Degmada Hodan, dagaalkaasi oo u dhaxeeyay ciidamada DFK iyo kooxaha ka soo horjeeda sida la xaqiijiyay waxaa ku dhaawacmay dad rayid ahaa oo dhan (9)sagaal ruux iyadoo aan laogayn qasaaraha kala gaaray labadii dhinac ee dagaalamay walow hada ay xaaladu degan tahay. 11/04/05 [G-News] Dadwaynaha iyo Maamulka degmada Wanle wayne ee gobolka Shabeelada Hoose ayaa soo wajahday cabsi ay ka qabaan in degaasi ay soo gaaraan kooxaha ka soo horjeeda Siyaasada DFK iyo joogitaanka Ciidamada Shisheeye ee Dhulka Soomaaliya. Iyadoo warar aynu ka helayno degmada W/wayn ay sheegayaan in Maamulka degmada ay habeenimadii xalayto aysan ku hoyan Degmada Wanle wayn ee gobolka shabeelada hoose. 11/04/05 [G-News] ![]() Ganacsatada Degmada Afgooye ayaa bilaabay inay xirxiraan goobahooda ganacsi iyagoo ka cabsi qaba in boob loo gaysto hantidooda iyadoo dadka la wareersan yihiin Sicir barar, Abaaro iyo Diidista lacagta kunka '1000' ah . 11/04/08 [G-News] Gaari siday xamuul nooceeduna ahaa Sonkor tiradeedana lagu sheegay 450 kiish kana yimid Dekada caalamiga ah ee Muqdisho kuna sii jeeday suuqa wayn ee Bakaaro uuna lahaa nin ganacsade ah ayaa maanta boob loogu gaystay Degaanka Barmuuda ee Magaalada Muqdisho iyadoo beryahanba caadi ka noqotay boobka loo gaysto Baabuurta ku raran Raashinka ha noqoto mid Ganacsi ama Mucaawino iyadoo loo sababeyo Sicir bararka xoogan ee ka jira Dalka. 11/04/08 [G-News] ![]() Wasaaradda arimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa ku wargelisay madaxweynihii hore ee Dalkaasi Jimmy Carter inuusan la yeelan wax kulan ah hogaamiye siyaasadeedka dhaqdhaqaaqa Xamaas Usbuuca soo socda Magaalada Dimishiq ee Suuriya. Afhayeenka wasaarada arimaha dibadda ayaa sheegay in wadankiisu qaadayo talaabo lagu takoorayo XAMAAS oo uu ku tilmaamay Qolo Argagixiso ah. 11/04/08 [G-News] ![]() War kasoo baxay Madaxweynaha Faransiiska ayaa sheegaya in lasii daayey xubnihii Markabkii Faransiiska ee lagu haystay Xeebaha Soomaaliya. warku ma uusan cadeyn sida loo sii daayey. Markabkaasi ayaa la afduubay Jimcihii aynu soo dhaafnay. 11/04/08[G-News] Ciidamo Itoobiyaan ah oo wata labaatameeyo Baabuur oo isugu jira kuwa Gaashaaman iyo kuwa Xambara ciidamada ayaa Barqanimadii maanta tagay Degmada Jowhar ee gobolka Sh.dhexe. Dhanka kale xoogaga ka soo horjeeda DFK iyo joogitaanka ciidamada Shisheeye ee Dalka Soomaaliya ayaa waxay la wareegeen Degmada Buulo Burte ee gobolka Hiiraan. April 11, 2008 [G-News]. Barakac xoogan ayaa ka socda Xaafada Xararyaale ee Degmada Wardhiiglay kadib markii ay halkaasi ku badatay is ugaarsiga u dhaxeeya ciidamada DFK iyo xoogaga ka soo horjeeda kadib markii ay ciidamada DFK ay ka bexeen isgoosyada H/wadaag iyo kan Aadan Cadde, qalalaahiisii ka jiray ayaa wuxuu u weecday xaafada Xararyaale iyadoo dadkii degaankana ay durbadiiba u adkaysan waayeen xabadaha iyo bambooyinka ay is weedaarsadaan kooxaha iska horjeeda. April 11, 2008 [G-News]. Xaalada amaan ee Magaalada Jowhar ayaa gebi ahaanba qasan iyadoo aan ka jirin wax maamul ah oo dharaar cad laysku furanaayo wixii nooli ah oo lagu arko jeebkaaga ama lagugu arko Mobayl waxaa ka qaadanaya Maleeshiyo hubaysan oo aan la ogayn waxay yihiin baabuurtana ka qaata baad ama dhac qaawan u gaysta. April 11, 2008 [G-News]. WAR DEG DEG AH warar aynu ka helayno ilo lagu kalsoon yahay oo ka imanaya Magaalada Baydhabo ayaa waxay sheegayaan in Madaxwaynaha DFK Cabdullaahi Yuusuf oo cafis u fidayay Gudoomiyihii Maxkamada sare Yuusuf Cali Haaruun iyo Garsoore Maxamed Nuur Sheegoow waxaana lagu wadaa in saacadaha soo socda laga sii daayo xabsiga oo ay ku jireen muddo bilooyin ah. 10/04/2008[G-News] Magaalada Muqdisho ayaa beryahan waxaa caadi ka noqotay in ay shacabka boobaan Baabuurta u raran Hay'ada Cuntada Aduunka (WFP), markaad waraysatid dadka waxay ku leeyihiin anagaa xaq u leh oo naloo soo dhiibay iyaga waxay rabaan in suuqyada ay ka iibsadaan anagana aan u baqtino gaajo. Maanta ayaa waxaa boob loogu gaystay mid ka mid ah baabuurta u raran hay'ada Deegaanka No. Afar ee Magaalada Muqdisho. 10/04/2008[G-News] Dadkii horay ugu barakacay agagaaraha isgoosyada Howlwadaag iyo Aadan Cadde ayaa bilaabay inay dib ugu soo noqdaan guryahooda kadib markii ay amaanka goobahaasi ay noqdeen kuwa ka degan sidii ay ahaayeen bil ka hor mar aan tagay isgoosyadaasi; Waxaan ku arkay ganacsigii ku dherersanaa goobahaasi oo dib u howl bilaabay Dadkiina ay si raxan raxan ah u marayeen isgoosyada Howlwadaag iyo kan Aadan Cadde. 10/04/2008[G-News] Xaalada Degmada XamarJajab ee Magaalada Muqdisho ayaa degan kadib markii xalay la weeraray Xarunta Degmada oo ku taal bartamaha Suuqyaraha Xamarjajab waxaana lagu weeraray Bam gacmeed waxaana ku dhaawacmay Hooyo iyo canugeeda. [G-News]Thursday, April 10, 2008 Xaalada Gobolka Shabeelada dhexe ayaa degan inkastoo aan ka jiran wax Maamul kadib markii ay isu dhaadhaafeen Ciidamada DFK iyo Maxkamadaha Islaamiga; Xalay saqdii dhexe ayay ka bexeen Ciidamadii ka amar qaadanay Maxkamadaha Degmada Balcad. [G-News]Thursday, April 10, 2008 ![]() Suuriya oo u diyaar garoobeysa Mashruuc tababar laga fulinayo dhamaan Gobolada Dalka Suuriya; halka ay Israel weli ka wado dhoolatuskii difaaceed ee ay beryahanba ka waday Waqooyiga dhulka Falastiin ee ay Yuhuudu haysato. Waxaa ay sheegeen ilo lagu kalsoon yahay Tababarkan ay Suuriya fulinayso inay kasoo qeyb galayaan dhamaan xoogaga kala gedisan ee ka jira Dalka iyadoo lagu eegayo heerka diyaargarowga ciidamada ka hortaga dhibaatooyinka lama filaanka ah. Waxay ka soo gudbisay Wakaaladda wararka rasmiga ah ee Suuriya Ra'iisul wasaaraha dalkaasi inuu Dadweynaha ugu yeeray wada shaqeyn iyo inay u hogaansamaan Tacliimaadka difaac madaniga iyo jihooyinka kale ee ka qeyb qaadanaya tababarkaan. Hayeeshee dadka indha indheeya siyaasadda Bariga dhexe ayaa waxay sheegayaan in dhoolatuskan uu yahay Fariin qeexan oo ku wajahan Israail oo beryahan sameyneysa dhoolatuskii ugu weynaa...[G-News] Dagaal culus oo u dhaxeeya labo beelood oo wada degan Degmada Luuq ee Gobolka Gedo, dagaalka ayaa bilowday galabta abaarihii 5:20pm ilaa iyo iminkana wuu socdaa waxaana ku geeriyooday Dad aan ilaa haatan tiradooda la ogayn kuwo kallena way ku dhaawacmeen.[G-News] War deg deg ah: ciidamo ka amar qaata Maxkamadaha islaamiga ayaa caawa waxay la wareegeen gacan ku haynta degmada balcad ee Gobolka Sh. Dhexe iyadoo aan ka dhicin wax dagaal ah xaalada degmada balcad ayaa iminka degan. [G-News] Gaari Uural ah oo ay lahaayeen Ciidamada Itoobiya ayaa Qarax lala beegsaday asagoo marayey Wadada Maka al mukarama ee Magaalada Muqdisho. Qaraxaasi wuxuu geystay Qasaaro gaariga uraalaha iyo ciidamada Itoobiyaanka ee saarnaa gaariga; Iminka ayaa waxaa joogsaday dhaqdhaqaaqii Dadka iyo Baabuurta ee Wadada Maka al mukarama iyadoo la arkayay dhalinyaradii deganaa goobta uu qaraxa ka dhacay iyagoo ka baqaya in la qabqabto.[G-News] Dad ayaa ku geeriyooday kuwo kallena way ku dhaawacmeen kadib markii is rasaaseen ku dhexmartay bartamaha Degmada Baardheere ee gobolka gedo labo jufo oo ka wada soo jeeda hal beel oo dega deegaankaas.[G-News] Ciidamadii Maxkamadaha islaamiga ee saakay la wareegay magaalada [Jowhar]ayaa goor dhow si iskooda ah isaga dhaqaajiyay iyadoo magaalada jowhar ay iminka joogin wax Ciidan ah[G-news] GENDERSHE Warar aynu ka helayno degaanka Gendershe ayaa waxay sheegayaan in Abaaro ba' an ay ka jiraan degaanka Gendershe dadka ku dhaqan ayaa ka soo yeeraysa qaylo dhaan waxayna ka codsanayaan dadka u dhashay Gendershe ee ku dhaqan Qurbaha inay lasoo gaaraan wax alla iyo waxay heli karaan[G-news] ![]() Koox Kumaandoos oo Faransiis ah ayaa soo gaaray Magaalada Jabuuti ee Cariga Jabuuti. Kooxdaas ayaa lagu wadaa inay howlgal ka sameeyaan Somaliya iyagoo doonaya inay soo xoreeyaan 30 ruux oo dalxiiseyaal ahaa oo lagu afduubay Dhul xeebeedka Soomaliya. kuwaasi oo ahaa rakaabkii saarnaa Markabkii Le-Ponant. Is rasaaseyn ayaa waxay ku dhexmaratay ciidamada DFK iyo xoogaga ka soo isgoyska Taleex ee degmada Hodan. Is rasaaseentaasi waxaa ku geeriyooday Afar ruux oo labo ka mid ahi ay yihiin Askarta DFK labada kallena waa rayid ka ag dhowaa goobta uu dagaalka ku dhexmaray ciidamada Dowladda iyo kooxaha ka soo horjeeda.[G-NEWS.] Seddex askari ayaa ku dhimatay iyo labo ruux oo rayid ah, kadib markii dagaal goos goos ah u ku dhexmaray xaafadaha Xararyaale iyo Geedjacayl ee Degmada Wardhiiglay ciidamada DFK iyo kooxaha ka soo horjeeda dhanka siyaasada DFK iyo joogitaanka ciidamada Shisheeye; Goobihii dagaalada ka dheceen ayaa iminka degan iyadoo isu socodka Dadka iyo Gadiidka uu caadi ku soo noqday.[G-NEWS.] Gaashaanle Shariif Yuusuf oo ka tirsanaa Ciidanka Sirdooka DFK ayaa xalay kooxo hubaysan ku toogteen Magaalada Baydhabo, xaalada Magaalada Baydhabo ayaa xiliga habeenkii nabadgelyadeeda laga dayrinayaa.[G-NEWS.] Ciidamo Itoobiyaan oo ay wehelinayaan Ciidamo Soomaali ah ayaa mar labaad ku soo noqday maanta xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose ee Marka iyadoon la ogayn waxay ka qabanayaan Gobolka iyadoo bishii hore iyo bishanba isaga daba noqonaya degmooyinka
Gobolka Sh.hoose gaar ahaan Marka,Baraawe Gaari booyadle ah oo biyo u siday ciidamada Itoobiya ee fariisanka ku leh warshadii hore ee Baastada iyo Guriga Xayle Bariise ayaa qarax lala helay ... Dib ayaan uga sheegi doonaa qasaaraha gaaray![]() Xarakada Al-shabaab oo sheegatay inay xarakadooda ay ahaayeen kuwa maanta qabsaday degmada Cadaado ayaa galabta isaga baxay degmadaas.Xoogagii maxkamadaha islaamka ayaa goor dhow isaga baxay degmada jalalaqsi iyagoo halkaasi ka watay gaari cabdi bile oo horay u lahaayeen.G-NEWS Saalada subax kadib ayaa kooxo aad u hubaysan waxay weerar ku qaadeen Degmada Qansaxdheere ee Gobolka Bay xili uu halkaasi ku sugnaa gudoomiyaha Gobolka Bay Cabdifataax Geesay iyo wafdi uu hogaaminay waxaana dagaalkaasi ku geeriyooday seddex Askari kana mid ahaa ciidanka gobolka Bay xaalada ayaa iminka degan waxaana gacanta ku haya ciidanka DFK.[G-NEWS.] Ciidamo ka amar qaata Maxkamadaha Islaamiga ayaa xalay abaarihii 2:30 saqdii dhexe waxay la wareegeen gacan ku haynta Degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan iyadoo aan ka dhicin wax dagaal ah waana degmadii labaad ee u gacan gashay xoogaga Maxkamadaha iyadoo ay degan yihiin xaaladaha degmooyinkaas Buulo burte iyo Jalalaqsi oo weli ay ku sugan yihiin ciidamada Maxkamadaha Islaamiga Soomaaliya.[G-NEWS.] Kolonyo ciidamo Itoobiyaan ayaa waaberigii saakay qarax lagula beegsaday agagaarka Buundo Carbiska ee degmada Afgooye qasaaraha gaaray lama oga inkastoo rasaas ay fureen uu ku geeriyooday hal nin oo rayid ah oo ilaa iyo iminka maydkiisa uu yaalo.[G-News] -------------------------------------------------------------------- 07/04/2008 ---------------------------------------------------------------------------- ![]() Waxaa Ciidamada Maraykanka laga dilay 6 askari 24kii saacadood ee aynu soo dhaafnay, kaas oo kadanbeeyay weeraro afar goobood oo kala gedisan ka dhacay, Caasimada Baghdad iyo Gobolka Diyaala,,, taasi oo tirada ciidanka laga dilay maraykanka gaarsiinaysa 4023 tan iyo bishii maarso 2003 siday qirteen Dhismaha Bentagon ee Gaashaandhiga Maraykanka.[G-News] Waxaa aad usii balaaranaya dibad baxii dadweynaha reer Yaman kaa oo kusii fiday Magaalooyinka Ticis, Daalic, Laxaj, Abyan iyo Cadan.horey waxaa loo sameeyay Gudi Gurmad ah oo xukuumadeed oo uu u madax yahay Kuxigeenka Madaxweynaha Yemen Cabdirabu Mansuur Haadi. Gudigaas oo shaqadiisu ay tahay inuu soo indha indheeyo dhacdooyinka ka socda wadanka iyo sidii looga hortegi lahaa dhibaatooyinkaas looguna soo dabaali lahaa degenaansho guud oo daaweysa qalalaasaha, si ku haboon ama dhowreysa Maslaxada guud ee Dalka.[G-News] Banaabax aad u balaaran ayaa ka dhacay suuqyada Arjantiin iyo Sanca ka soo loogu soo horjeeday sicir bararka iyo diidista lacagta kunka ee duuga ah isu soo baxaas oo la socotay rabshado dhagaxtuur loo gaysanayay goobaha Ganacsiga iyo Baabuurta maraysay agagaaraha suuqyadaas oo ku yaala degmada kaaraan ee magaalada muqdisho.[G-News]. 0704/2008. Degmada saakow ee gobolka Jubada dhexe oo maanta ay gaareen ciidamo ka amar qaata Maxkamadaha Islaamiga ayaa degmadaas u magacaabay maamul hoos taga Maxkamadaha.[G-News] 7/4/2008. Wararka aanu ka helay Magaalada Beled wayne oo xarun u ah gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in gaari tikniko ah oo uu saaran yahay qoriga loo yaqaan dhashiike lala beegsaday miino nooca meelaha fog laga hago, qaraxaas oo gaystay qasaaro naf iyo maalba leh waxaana ku geeriyooday todobo ruux 28 kalena way ku dhaawacmeen. [G-News] 0704/2008. Afhayeenkii maamulka degmada Balcad ayaa sheegay inuu ka tagay xilkii uu u hayay Dowladda federaalka [G-News] 0704/2008. Xaalada magaalada baydhabo ayaa saakay degan kadib markii xalay uu ka dhacay qarax miino ay ku dhinteen sedex ruux oo midi yahay canug yar labada kalle ayaa maydkooda aad u gubtay; xaalada amaan ee degmada Baydhabo ayaa beryahan laga dayrinayaa iyadoo beryihii hore lagu qaarijiyay mas,uuliyiin isugu jirtay Ciidan iyo kuwo kalle oo u shaqayn jiray DFK [G-News] 0704/2008. Xoogagii maxkamadaha ee xalay gacanta ku dhigay degmada balcad ee gobolka Shabeelada dhexe ayaa saakay isaga baxay degmadaas iyagoo horay u watay labo gaari oo tikniko ah; xaalada degmada balcad ayaa iminka degan.[G-News]. 0704/2008 ![]() ![]() Gacan ku haynta Degmada Balcad ayaa maqribnimadii caawa waxaa la wareegay xoogag ka amar qaata Midowga Maxkamadaha Islaamiga ah, kadibmarkii dagaal qaraar uu ku dhexmaray xoogaga Maxkamadaha Islaamiga iyo ciidamo ka amar qaata DFK [G-news.]![]() ![]() WAR DEG DEG AH: Gaari homy "CAASI" ah oo siday dumar ka ganacsada Qaadka kana yimid garoon (NO 5O) ee Gobolka Shabeelada hoose kuna sii jeeday Magaalada Muqdisho ayaa waxaa tacshiirad aan loo meel dayin ku furay xerada Agoonta ee Lafoole waxaana falkaasi arxandarada iyo waxashnimada ah waxaa aad ugu xumaaday dadkii goob jooga ahaa ama arkay gaarigii sida loo galay,dadkii saarnaana waxaa la dhigay cusbitaalka Degmada Afgooye.[G-News].Dekedda Qadiimiga ah ee ku taal xarun goboleedka Shabeelaha hoose ee Magaalada Marka ayaa waxaa maanta ku soo xirtay markab aad uwayn oo siday mucaawino u raran hay,ada (WFP). Markabkaasi waxaa soo galbiyay markab dagaal oo ay leedahay Dowladda Faransiiska, iyadoo shalay la afduubtay Markab dalxiis oo ay saaran yihiin dad dhalashadooda ay u badan tahay dad ka soo jeeda Dalka Faransiiska.[G-NEWS] Wararka aynu ka helayno Degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha dhexe ayaa waxay sheegayaan in gebi ahaanba ay xiran yihiin goobahii ganacsiga iyadoo ay ugu wacan tahay diidmada lacagta keliya ee ka shaqaysa koonfurta soomaaliya ee kunka shilin[]1000[] iyadoo halkaasi lagu xirxiray dadka diiday lacagta duugta ah diidmada kunka shilin ayaa si xad dhaaf ah ugu badatay guud ahaan koonfurta soomaaliya iyadoo sicir bararka uu kor usocdo maalin walba.[G-News] -------------------------------------------------------------------- 08/04/2008 ![]() WAR DEG DEG AH Gaari uu ka buuxo waxyaalaha qarxa ayaa isku miidaamiyay xaruntii hore ee jaamacada oo ay degan yihiin ciidamada amisom gaar ahaan ciidamada brundi lama oga qasaaraha intuu la,eg yahay.[G-News]Tuesday, April 08, 2008 3:00:14 PM ![]() Ciidamo Itoobiyaan ah oo fariisan cusub ka samaystay Degaanka Lafoole ee duleedka degmada Afgooye ayaa maanta waxay kala bexeen labo qofood Masjid ku yaala deegaankaas; sidoo kalle labo qof oo kale ayay kala baxeen Cusbitaalka Al- cimraan oo isna ku yaal isla degaanka Lafoole iyadoo aan la ogayn sababta loo watay Dadkaasi[G-News] Ciidamo itoobiyaan ah oo ku sugnaa bartamaha xaafada afar irdood ee magaalada baydhabo ayaa waxaa lagu weeraray labobam gacmeed nooca loo yaqaano (f1) waxaana goobtaasi ku geeriyooday hal oo rayid ah lix kallena way ku dhaawacmeen qofkii tuuray bamka ayaa baxsaday waana markii ugu horaysay ee dharaar cad bam lagu weeraro ciidamada itoobiya ee ku sugan magaalada baydhabo.[G-News]Tuesday, April 08, 2008 10:54:05 AM Banaabax rabshado wata ayaa iminka wuxuu ka socdaa Degmada Kaaraan ee Magaalada Muqdisho kaasoo loogu soo horjeedo sicir bararka iyo diidista lacagta kunka shilin iyadoo ciidamada booliska DFK ay xirxireen dad fara badan, dibadbaxaas ayaa galay maalintiisa labaad.. [G-News]Tuesday, April 08, 2008 10:27:05 AM -------------------------------------------------------------------- [G-News]April 05-06-070-8-09/2008 |
|