![]() |
|
Tirada Qaxootiga Soomaalida ee dalka Yemen oo sii kordheysa !!![G-News] Hadaba sidee ayay ku soo gaaraan dadka soomaalida ah ee qaxooti doonka ah dalka Yemen ?? waa safar marka aad dhan walba ka eegto leh qataro badan; Qatarta badanaa ka soo gaarta dadka soo tahriibaya ama soo qaxaya waa ka soo gudbida ama ka talaabida Badda Cas taas oo ay maalin walba ka soo yeerto qeylo dhaan faro badan iyo warar aan maqalkooda dhegaha u fiicneyn, dadka ku waxyeelooba ka soo talaabida badda cas waa ay sii korartaa Dhimasho iyo Dhaawacyabo sanadba sanadka ka danbeeya iyadoo arintaas lagu micneeyo sababo badan hadana waxaad arkeysaa in ay maalinba maalinta ka danbeesa sii kordhayaan dadka tahriibayaalka ah ama qaxooti doonka !!!! Tirakoobkii ugu danbeeyay oo ay sameeysay hay'ada u qaabilsan arimmaha qaxootiga UNHCR xafiiskooda Yemen ayaa waxay ku sheegeen in dadka qaxooti doonka ah ee soo gaaray dalkaasi Yaman ay sii laba-jibaarmatay, masuul ka hadlayay arintaa ayaa u sheegay Wargeys maalinle ah ee ka soo baxa dalka Yeman (AL_AYYAAM ) in tirada qaxootiga Magaalo joogta ah ay kor u dhafeen ilaa 50,000 qaxooti Soomaali ah iyo wax xoogaa Etopiyyan ah , halka masuulada u hadashay UNHCR Mrs Miira al-cabunji ay u sheegtay wargeyska in caasimada dalka Yemen ee Sanca oo kaliya ay ku nool yihiin in ka badan 16000 lix iyo tobon kun oo qaxooti , halka Magaalada Cadan ay ku nool yihiin in ka badan 14000 qaxooti oo ka diiwaan gashan xafiiskooda, iyadoo ay jiraan qaxootiyo badan oo ku kala firirsan gudaha dalka Yemen. Waxaa kaloo ay carabka ku dhufatay Mrs Miira in dowlada Yaman ay ka mid tahay dowladihii wax ka saxiixay heshiiskii caalamiga ahaa ee xuquuqda qaxootiga sanadkii 67-dii ee Geneva;, Arintu si kastaba ha ahaatee sidaan horeyba ku soo xusay waxa sii kordhayaa soo galootiga qaxooti iyo tahriib doonka ah waxaana doonidii ugu danbeesay ay ku soo caarisay maalin ka hor koonfurta dalka Yaman gaar ahaan magaalada xeebta ee Axwar kana tirsan gobolka Abyan. Doonidaasi sida wararka ay sheegayaan waxay waday in ka badan 130 qaxooti ah badidooduna lagu sheegay inay ahaayeen Soomaali halka 4 ka mid ahina ay Etoopiyaan ahaayeen. 4 afar qofood dhimasho ayaa lagu sheegay halka 18 kalena la la,yahay, inta soo badbaadayna loo soo gudbiyay xero lagu qaabilo dadka ka soo samato baxa ee isla xeebta ku dhinac taal oo ay howl wadeeno ka yihiin Dhaqaatiirta aan Xuduuda laheen ee dalka Spain, iyagoo dadkaasi la gaara kaalmo Caafimaad iyo Cunno. Hadaba waa sidee mustaqbalka qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool gudaha wadanka aan walaalaha nahay ee Yemen?? marka aad dhinacyo badan ka fiiriso arrimaha qaxootiga waxaa kuu soo baxaya in xaalkooda yahay mid liita xag Dhaqaale ,xag Caafimaad iyo weliba xag Waxbarshaba , waxaanu lagu tilmaami karaa xaalad adag oo ay ku sugan yihiin inta badan qaxootiga. Gargaarada ama Kaalmooyinka ay ka helaan hay'adaha u qaabilsan samafalkana ma ahan mid ku filan baahidooda nololeed. Arintu si kastaba ha ahaatee (CEEL UMA QODNA CIDNA DHAAN UGUMA MAQNA) badanaa Duruuftu waxay baddaa dadkaas qaxootiga ah talaabooyin Murugo, Ceeb iyo uurku taaalo ku ah sharafta Soomaalida. Qaar ayaa iska shaqeesto shaqooyin aan micno laheyn, qaarna way iska dawarsadaan, qaarna falal denbiyeed ayayba ku kacaan mararka qaar. Ugu danbeyntii waxaan maqaalkeyga ku soo gabagbeen lahaa in soomaalidu maanta ay is dabaqabato, wax garadkeedu u istaago sidii loo badbaadin lahaa inta ka hartay Soomaalida dibna loo soo celin lahaa sharaftii iyo karaamaadi Alle uu siisay . Ogeysiin: Qormadan tan xigtana waxaan idiin kugu soo gudbin doonaa taariiqda Qaxootiga ku nool dalkaasi Yeman maqaal dheer oo aan kaga hadli doono, bilowgeedi iyo xaalka ay maanta ku sugan yihiin iyo waliba macluumaadyo ku saabsan sidii ay kugu fududaan leheyd in aad la xiriirto ama warkiisaba aad hesho waa hadii aad doon-dooneyso ruux aad warkiisa la'dahay kana mid ahaa dadka ka soo talaabay badda cas nolol iyo geeri waxaan adressyo ama talefoono idiinka soo diyaarin doonaa xafiisyadda u qaabilsan arimmaha soo dejinta iyo qaabilaada dadka soo gala iyo xiriir toos ah oo la sameen doontaa xerada qaxootiga Soomaalida ee AL KHARAZ CAMP Howshaan ama service-kan waxaa idiin fududeen doona qaar ka mid howl-wadeena web-site kan Gendershe.com mar walbana wuxuu u taagnaan doonaa web-site -kan khidmada ama u shaqeynta shacabka Soomaaliyeed horumarkiisa iyo isku xerkiisa waana hadafkeena Waxaa soo diyariyay qormadaan gaaban By: Abdirahman Tammaam tammaam@hotmail.com [G-News] |
|