HomeAbout usChattingCasharoAroosDhalashoTacsiadverMembersGuddiga Sarre ee badbaadinta Gendershe

Mohamed Omar Osman
[Gobonimo Qaadashadii Somalida, Horta Ma Loo Walqalay?]
Waxay ahayeen maalmo loowada hiloow Qabay. Waxay ahayeen maalmo Ummada Somaliyeed dhamaantood ay wada sugayeen.
Waxay ahayeen maalmo u qurxoona, maalma soo mara dadka Somaliyeed. Waxay ahayeen maalmo midibyo isgalgalay oo ay ishu ku raaxaysato, maqalka dhagahana jecelystaan.
Waxay ahayeen maalmo Somalida Saqiir iyo Kabiir,ba ay u soo wada bexeen. Waxay ahayeen maalmo Qalbiga wuxuu ku taamaayey ay run,ahaan ishu qabatay. Waxay ahaayeen maalmo in la qadariyo oo la xasuusto mudnaa. Waxay ahaayeen maalmo mudnaa in loo dhowro, mustaqbalka Caruurteena. Waxay ahayeen maalmo mudnaa in lagu xishmeeyo, waayeeladii Curiyey. Waxay ahaayeen maalmo mudnaa in lagu xushmeeyo, Hooyooyinka iyo Aabayaasha Somaliyeed.
Waa cajiibe waa kuwee maalmahaasi Sha,nigooda sidaas ahaa? Waa Maalmaha 26ka June iyo 31ka July.
Maalmahaasi aan kor ku soo sheegay ee sharafta iyo karaameeynta mudnaa ayaa waxaa laga dhigay, cardaaduqaha iyo wax aaban jirin. Waa wax la yaab leh, Qof Aduunya joogoow maxaa aragti kuu laaban? Waxaa la xalaaleeystay wixii xaaraanta ahaa badankeena. Waxaa laga tagay wixii Xarago iyo Haybada Bani,Aadamka ku haboonaa. Waxaa inta badan dadka Somaliyeed ay isku balansadeen, in wanaaga laga tago, xumahana lagu xaragoodo. Ka dib markii Xurnimadii la qaatay 1960kii waxaa horay ay Somalida ka bilaabeen waa badankeede, dhul boob, Xukun boob, Laaluush bixin, Laaluush Qaadasho iyo Cadaalad ku tumasho.
Hadii aad u sii fiirsato ficilada ay ku dhaqmaan dadka Somaliyeed badankood, waxaad moodaa, dad dhulka la yiraahdo Somalia ayan ayagaba lahayn ee ay dad kale oo imandoona inta ayan imanin, ka sii booba kana sii Qariba wax walba. Marka ay dadkaasi yimaadaana oga carara meel maran oo isku dhalaashay dhan walba.

Qeybta 2aad
Qeybta 3aad


La soco Qaybta 2aad
Waxaa qoray:
Mohamed Omar Osman, Chairman of UNHS
E-mail:sooraac@unhs.us ama world9peace@yahoo.com


[ Indonesiya oo ku hanjabaaday inay xiri doonto Mowqica "Youtube" ] Mudaaharaadyo

U.N.H.S.
Ciwaanada Ururka ee USA:
Mobile: +1585-360-3940
E-mail. sooraac@unhs.us
Website: WWW.UNHS.US
Ururka Nabadda Horumarinta Soomaaliya

Daawo Sawiradii qaar kamida howlihii waxgalka ahaa ee ay ka fuliyeen deegaano kamida Magaalada Muqdisho.
Degmada Wadajir...