![]() |
|
Shirkadihii ajnabiga ahaa ee u yimaada in ay wax horumar ah ka sameeyaan, Dalka Somaliya waxaa laga qadanayaa Laaluush. Markaasay intay yaabaan oo ay afka gacanta saartaan. Marka dabana intay gacanta afka ka qaadaan dabadeedna ayey qosol la dhacaan farxad & la yaab awgeed. Waayo Shirkaduhu waxaa ka fajicin jiray Dad madax ah oo aad wadankoodi dhismahiisa u timaadeen oo ku leh, Lacagta noo qaybi oo waliba qayb yar anaga naga sii inta badana adiga qaado waxna ha qabanin ee, (take the most the money an go home) Taasi soow mahaa wax Dadka ama Qofka wax garadka ah marna ka fajiciso oo la yaab ku noqota, marna ay ku qoslaan. Waxaan taas in ay sidaas ahayd oo ay dhab ahayd, ku xasuusinayaa dadka Somaliyeed hal tusaale oo ka mid ah wixii maamul ama Dowlado ku sheega ahaa ee soomaray Dalka Somaliyeed. Sanadkii 1980 meeyadii Shirkad Talyaani ahayd oo u timid in ay dhisto, wadada u dhexeeysa Magaalooyinka Golweyn iyo Jilib oo ka kala tirsan Gobolada Shabeelaha Hoose iyo Jubada Dhexe ,Shirkadaas oo magaceedana la oranjiray, Empressa Passina. Taas oo aan Ummada Somaliyeed waxba u dhisin haba yaraatee, lacagtii loogu talagalay wadadana dhismaheedana, Laaluush loo kala qaataay, oo ay kala qaateen madaxdii ogu sareeysay dalka ee maamulkii markaas jiray. Wadadii oo wada boholo ah ama haadaamo lagu haligmo ah ayaana maanta hortaala dadka Somaliyeed Qof Somali ah oo dalka Somaliya ku nool oo aan dhibaatada iyo shilalka wadadaas aan dhandhaminina in uu jiro u maleeyn maayo, qaar badana wey ku dhinteen oo ku haligmeen. Waxaa la burburiyey wax ala wixii tasiilaad ahaa ee Dalka Somalia uu lahaa. Sida Daarihihii Xafiisyadii Dowlada, Bangiyadii, Warshadihii, Qaybihii Ciidamada Amaanka Dal uu lahaan jiray oo kala gadisan, sida Milatariga, Nabadsugida, Asluubta, Booliska & Munashiibiyada ama Dowlada Hoose. Kuwaasi oo burburkooda uu soo biloowday 1974tii ka dib markii ay dilaacday, cadaalad daridii soo bilaabatay 1960kii. Nin walba Wasaaradii loo dhiibay khayraadkeeda uu jeebka gashtay Qaybsadeena wasiiradii iyo Qabiilkiisa. Kuna daaro dhisteen wana daaraha ay maanta leeyihiin ee masiibada oogu soo gashay dhul ninkii dhista ayaa iska leh bal muxuu ku dhistay waa xoolo uusan lahayn oo xaaraan ku ah. Beero moos ah & Aseendooyin waaweeyna oo xaaraan ahna ka sameeysteen oo ay dhulkaasina dadkii lahaa laga boobay, ayada oo la adeeksanayo magaca Dowlad ku sheegta Qabiil. Wasiiradaasi iyo Beelahooda ayaa si toos ah u lahaa Wasaaradaha iyo Hay,adaha kalaba ee Dalka, ka dib Xornimo Qaadashadii Dalka Somaliya 1960kii. Xasuusin eray uu Alle swt ku balan Qaaday. Wuxuu Alle sheegay swt in xoolo xaaraan ah iyo Qofkeedaba ama Ninkeedaba uu isla baabi,in doono. Mida aad maanta aragtaana waa tii uu Alle swt ku balanqaaday, balse kuwasi baabaya ayan ayan garaneeynin in ay sababtaasi u baaba,ayaan dulmigoodi ay galeen dartiis. Waxay wali ku sii socdaan oo ay sii maleegayaan. Qeybta 1aad Qeybta 3aad Waxaa qoray: Mohamed Omar Osman, Chairman of UNHS E-mail:sooraac@unhs.us ama world9peace@yahoo.com |
|