HomeAbout usChattingCasharoAroosDhalashoTacsiadverMembersGuddiga Sarre ee badbaadinta Gendershe

Mohamed Omar Osman
[Gobonimo Qaadashadii Somalida, Horta Ma Loo Walqalay?]
Waxay wali ku sii socdaan, oo ay sii maleegayaan dhagar iyo dhul boobkii ay fitnada maanta socota ka dhalatay. Wali ma ay fahmin badankeed Somalida waxa ay tahay nolosha adunka dhab ahaan. Waxay ku noolyihiin, nolol khayaali ah ama aan jirin. Waxay ka tageen wixii dadnimo iyo xishoodba uu lahaa Qofka Bani,Adamka ah ama laga rabay, waa badankoode.
Waxay qabaan, damac weyn oo ay rabaan in ay ku gaaraan wado ama jid khaldan oo aan ahayn kii loogu tala galay in lagu gaaro, damacaas weyn ee ay qabaan. Dhulka Somalia la yiraahdo ee ay ku noolyihiin, hal lug ayay kula jiraan, lugta labaadna banaanka ayey u taalaa. Waxay burburiyeen Airaport,iyadii, Dakadihii, Warshadihii iyo dhamaan wixii danta guud ahaa oo uu Qaran lahaa.
Birahii Warshadaheena ay ku dhisnayeen, ayey ka iibsadeen Nin kale oo qayrkood ah kuna dhistay dalkiisa.
Tuubooyinkii biyaha waday, ee dhulka hoostiisa ku jiray, ee Caruurteena ay biyaha ka cabayeen, ayey u dheceen in ay la soo baxaan oo iskareeb ahaan dibada u iib geeyaan.

Hadaba akhristoow, aaway xishoodkii iyo Qofnimadii Qofka Somaliga ah?
Waxay u fikeraan badankeed Somalida, si ayan dadyoowga kale ee Aduunka kula nool ayan u fekerin, kaas oo ah mid ay ku marin habaabeen kana soo noqon la,yahiin. Waxaad moodaa badankood, in ay Qom hore oo aan hada Aduunkanba ku nooleeyn, in ay ka hareen. Ama Qoom imandoona ay ka soo hormareen badankooda Somalida, waa sida ay u egyihiine.
Hadii uu mid ka mid ah tala fiican soo jeediyo, waxaay u arkaan in uu yahay qof aan waxba garaneeynin, laakiin hadii uu mid ka mid ah ama kuwo ka mid ah talo xun ama ayba faraha kula jiraan, waxay u arkaan qaar dadnimo wanaagsan wayna u sacbiyaan. Waxay ka helaan dhibaatada iyo waxa curiya dhibaatada ama keena oo ay ka abuuranto.
Waayo hadii ayan reera dhib jecel ahayn way iska deeyn lahayeen oo ka towba keeni lahaayeen, dhibaatada ay ku sugan yihiin.
Nus Qarni ayaa laga joogaa Gobonimo qaadashadii Somalida, maantana Gunmimo ayey ku jiraan.

Ninkii xukun boob iyo Dhul boob, intaas ku soo jiray oo da,yartii ka dambeeysayna ku tacliimiyey, ayaa wali isla quman oo soo taagan. Waxa ka dabeeyana wax fiican ma aha oo waa wixii uu isaga tacliimiyey, oo raadkiisii kuwa ka leexanayo uma eka. Wax ay haleeyaan mooyee wax in ay hagaajiyaana, qalbigooda kuma jiro.
Waa Qoloma iyo Qoorta ka goo, ayey taladooda tahay oo ay ku towfiiqsadeen, badankood Somalida.
Waxay carar ka yihiin burburin iyo baabi,in ka dib, dhulkooda. Hadii ay tagaan dhul kalana waxay la tagaan, wixii ay ku ahayeen dhulkooda, markaasay isku dhacaan dadkii ay u tageen oo ay ogu tageen nabadgalo raadin iyo in ay siiyaan nololba.
Markaasaa la karahsadaa oo la is weydiyaa war waxan maxay ahaayeen?
Waayo waxay la tagaan wax xun oo aanba laga aqoonin Gayigaasi, sida Laaluush bixin, dariiqyo istaagid, Dagaal ay ku dagaalamaan Qabiil Qabiil, ganacsi oo aan nidaamka waafaqsanayn iyo wax la mid ah.

Talo Guud.

Caano daadanayo dabadoodaa la Qabtaa, ee Somaliyeey is daba Qabta, oo ka shaqeeya midnimo Somaliyeed iyo Nabada iyo Horumarinta Dalkiina iyo Dadkiina meel walba ku dayacan. Waxay su,aasha tahay Gobonimo qaadashadii Somalida horta ma loo walqalay maxaan uga jeeday?
Waxan uga jeedaa, ma naqaanaa oo ma baranay oo ma fahanay oo ma u bislaanay, waxa ay tahay Gobonimada ama Xornimada uu leeyhay Qoom ama Qaran?

Waa Qaybtii 3aad oo dhamaad ah.
(The end)


Website: WWW.UNHS.US


La soco Qaybaha kale
Qeybta 1aad
Qeybta 2aad


Waxaa qoray:
Mohamed Omar Osman, Chairman of UNHS
E-mail:sooraac@unhs.us ama world9peace@yahoo.com


[ Indonesiya oo ku hanjabaaday inay xiri doonto Mowqica "Youtube" ] Mudaaharaadyo

U.N.H.S.
Ciwaanada Ururka ee USA:
Mobile: +1585-360-3940
E-mail. sooraac@unhs.us
Website: WWW.UNHS.US
Ururka Nabadda Horumarinta Soomaaliya

Daawo Sawiradii qaar kamida howlihii waxgalka ahaa ee ay ka fuliyeen deegaano kamida Magaalada Muqdisho.
Degmada Wadajir...