![]() |
|
SAWIRQAADIHII ALJAZEERA Waxbarashiida Dugsiyadii Hoose ilaa Dugsiga Sarre wuxuu ku qaatay Dugsiga Sanaar Kadibna wuxuu u safray Hindiya oo ka soo qaatay 1993 Bachelor of Art "Adab Ingiriisi" sidoo kale wuxuu qaatay Diplomaha Culuunta Kombuyuutarka. Markuu shahaadada soo qaatay mudo kadib ayaa hooyadiisa geeriyootay. Kadibna wuxuu u safray Isutaga Imaaraadka Carabta Magaalada Shaariqa isagoo shaqo kabilaabay Shirkadda Romat International 1996 markuu kasoo laabtay wuxuu bartay Fanka Sawirada. 1997 wuxuu guursaday Igola Ismaciiloofa oo Aderbijaani ah, waxayna u dhashay wiil sanadkii 2000. 2000 Saami wuxuu ka bilaabay waxbarasho ah Sawirqaade iyo Weriye nimo Kanaalka Al-jazeera, Dabayaaqadii 2000 wuxuu si rasmi ah u midnoqday Shaqaalaha Al-jazeera. Aljazeera waxay u dirtay inuu soo gudbiyo wararka Sheeshaaniya, waxayna ahayd in uu halkaasi aado iyadoo uu marayo wado buureed, wuxuu helay fiiso gelitaan uu ku galayo Gorgia, haseyeeshee wuxuu la kulmay dhibaato fara badan oo usuura gelin wayday inuu galo halkaasi.waxaa loo wareejiyay Brishtina Kosofo bedelkii Chechniya. Oktoobar 2001 Saami wuxuu kamid ahaa wafdi saxaafadeed u kicitimay Magaalada Qandahaar ee Afgaanistaan oo uu hogaaminayay Yuusuf Al-shooli si ay usoo gudbiyaan Dagaalka Mareykanka ee Afgaanistaan. Kadib markii ay Dhaalibaan isaga tegtay Kaabul ayaa Kooxdii saxafiyiinta ay kusoo laabteen Paakistaan. Hayeeshe Al-jazeera ayaa dib kooxdii uga codsatay inay ku laabtaan Afganistaan si ay usoo gudbiyaan Xaflada Madexweyne saarida Afgaanistaan. Ayagoo kusii soda ayey Ciidamada Pakistaan qabteen Saami Al-xaaj isagoo la socday Kooxdii saxafi ee Al-jazeera. waxay halkaasi ku hayeen 21 cisho kadibna waxay u dhiibeen Ciidamada Mareykanka oo marba xabsi u sii gudbinayey ilaa ay ka keenaan Xabsiga Guwantano ee Kuuba. Maxamuud Sheekh Cabdulqaadir "Diyeeshe" Xigasho Aljazeera.net diyeeshe@hotmail.com |
|