![]() |
|
|
Shir Balaaran oo ay isugu yimaadeen Beelaha Shiikhaal Gendershe iyo Biimaal Maalintii ay bishu ahayd 07/03/2007, ayay isugu yimaadeen shir si ballaaran oo aysoo abaabuleen Gudiga howlfulinta Beesha Biimaal kaas oo lagu qabtey Aqalka Guddoomiyaha maamulka sarre ee beesha Biimaal, Mudane Cumar Maxamed cali " Cumar Moordi". Shirkan ayaa ay kasoo qayb galeen lama dhaafaanka labada beelood. Waxaa beesha Biimaal fadhigaasi goob joog ka ahaa Suldaanka Cabdalla Cali cabdalla Oontiro iyo Ugaaska Sheekh Nuur Caddaawe Faarax iyo fiqaha Xasan Sheekh Cismaan iyo Duqa beeshaasi Mudane Cumar Maxam Cali. Sidoo kale waxaa socday maamulka beesha Biimaal qeybahiisa kala duwan Odey dhaqameedyada , Waxgaradka, Indheergaratada, Siyaasiyiinta, Dhalinyarada iyo Maamullada hawl fulinta beesha iyo madaxdooda kala duwan , oo uu hor kacayey Mudane Cabdulqaadir Abiikar Iidle oo ah guddoomiyaha BYC isla markaana ah af hayeenka Beesha, iyo hoggaanka dhallinyerada beesha Biimaal. Beesha Shiikhaal waxaa ka socday Guddiga Sarre ee Badbaadinta Gendershe oo ay hor kacayeen , Gudoomiyaha Guddiga Mudane : Eng. Aweys Sh. Maxamed Sheemile, iyo Guddoomiye kuxigeenka Guddiga Eng. Sh, Xasan Sh, Cabdi, iyo Afhayeenka mudane Eng. Aadan Sheekh Cabdi , waxaa kale oo ka mid ahaa mudane Jaamac Sheekh Cabdullaahi, Sheekh Nuur Sh. Cabdi "Bunka", Xuseen Khaliif Sh. Cumar iyo xubnaha maamulka gudiga howl fulinta guud ee Guddiga. Waxaa Shirka ka hadlay oo furay Guddoomiyaha beesha Biimaal Mudane: Cumar Maxamed Cali oo khudbadiisii ku wareejiyay Ugaas Sheekh Nuur Caddaawe faarax, oo ku dheeraadey xiriirka soo jireenka ah ee labada Beel ka dhaxeeya, iyo heerkii taarikkhda ay wadaagaan iyo deegaanka. Ugaaska si gaar ah wuxuu uga hadlay dhibaatada weyn ee ka taagan Gobolka Shabeellada hoose oo ay dusha ka saaran tahay beelaha u dhashey gobolkaasi gaar ahaan labadaan beelood ee shiikhaal iyo Biimaal iyo kuwa aan walaalaha nahay ayuu yiri oo maanta aan fadhigaani joogin. Sidoo kale wuxuu canbaareen xoog leh usoo jeediyay kuwa maamulayey Gobolka 17kii sanadood ee lasoo dhaafay, loona baahanyahay in si wadajir wax loo maamulo, sidii dhibaatadan daba dheeraatey looga bixi lahaa. Gebagebadii warkiisa wuxuu ku baaqay in labadan beel , Shiikhaal iyo Biimaal ay ka midoobaan dhankasta siyaasada maamulka iyo wax qabsiga sidii ay awoowayaashooda ay u mideysnaayeen , ay iyagana ay maantana u midoobaan. Waxaa kale dhinaca kale ee Beesha Shiikhaal khudbad wanaagsan ka jeediyay Guddoomiye Eng.Aweys Sh. Maxamed oo halkaasi ka cadeeyay habka hadalka Ugaaska oo ahaa hadal taabta dhibaatada jirta nuxurkeeda, runtana taabta, wuxuuna ku baaqay in shirarka la sii wado lagana dhigo mid joogta ah oo mira dhal leh. Guddoomiye Eng. Aweys ayaa hadalkiisa ubadnaa dhibaatooyinka gobolka ka jiro, ee la soo gudboonaadey beelaha deggan siiba Shiikhaal iyo Biimaal , halkaana ka tilmaamey inay lama huraan tahay in dhaqankii hore la tixgeliyo laguna dhaqmo. Wuxuu Cadeeyay in labadaan beelood ay ka dhaxeyso xiriir dheer oo ka weyn waxa maanta dhacaayo, isla markaana ah dad weligood derisnimo ka sokow ay ka dhexeen jirtey wax woda qabsi iyo midnimo. Shirku wuxuu cadeeyay tilmaana ka bixiyey, waxa ka dhaxeen jirey labadaan beelood, kaasi oo maanta la gaarey waqtigii dib loo soo nooleyn lahaa, kaasi oo ay kala qeybiyeen dhibaatooyinka soo jiitamey ee sanooyinkaan dambe. Waxaa shirku Gudoonsaday: In ay yeeshaan labadaan beelood Maamul mideysan, oo ay ka tallaabo qaadidoonaan, sidii gobolkooda ay uga xoreysan lahaayeen Tuugada gacanta ku haysey muddadii 17ka sannadood. In aysan marna oggolaaneynin , Dhulkeygana Anigaa ayaa leh, kaadana waan kula leeyahay, iyo Dulmiga. In nafta loo huro sidii dhibaatada gobolka looga qaadi lahaa, oo marna aan la oggolaan beelaha aan u dhalan gobolka inay koodana maamushaan , kanna qeyb ku doodaan. Waxaa kale oo canbaareen xoog leh loo soo jeediyey, kuwa dhaba dhilifka u ah,, Beelaha gobolka xoogga ku haysto, ee gobolka u dhashey inay ka waantoobaan arinkaasi , waayo waa ay dhamaatey intii leysku tix gelinaayey Walaaltinimada dulmiga xambaarsan. Maanta wixii ka dambeeya Dulmiilayaasha ayaa lagu darayaa Cidkasta oo aan ka damqaneyn Dhibka lagu hayo Gobolka iyo deegaanka. [G-News]Maarso 07/2008 |
|