![]() |
|
|
|
Duulaankii ay Itoobiya kusoo qaaday Dhulka Soomaaliya iyadoo Sharci ka dhiganaysa Dowladda kumeelgaarka oo ka dalbatay Gargaar dhinaca Amaanka ah. Ayaa jirsaday Sanad iyo googa’. Lamana hayo amaankii waxaana batay isdilkii, boobkii, tuugadii iwm. Waxaan wada xusuusanaa soo gelitaanka Itoobiya in uu ahaa mid horey loo soo dejiyay oo ay ka danbeeyaan Dowladda Maraykanka iyo qaar kamida Dowladdaha reer Yurub. Taasi waxaan kawadaa … Taageeradii ay Itoobiya ka qabtay Dowladdaha qaarkood oo xitaa diiday in Golaha amaanka u soo jeediyo Itoobiya eedeyn. Itoobiya oo ka indha adaygtay go’aanadii Golaha Qaramada midoobay ee diidayey in dowladaha safka hore ay san tegi karin Soomaaliya. Tolow aan is weydiino Maadaama Golaha amaanka uu diidanaa in Dowladaha safka hore aysan tegi karin soomaaliya Maxaa keenay Itoobiya? Joogitaanka Itoobiya muxuu soo kordhiyay muxuuse Faa’iido noo keenay.? Su’aashani waxay quseysaa Dowladda Kumeel gaarka ah. {Dhul Gumaysi ka jiro Dowlad maka jiri kartaa…?} Tan iyo maalintii ay Itoobiya soo caga dhigatay Muqdisho waxaa soo kordhay isboobkii Dhacii, isdilkii …. Waxaa intaasi dheer sicir barar . taa oo sababtay in shacabku qaxo. [Waxaa amaan mudan 6 bilood oo aan Aniga indhahayga ku soo arkay oo ay Midowga Maxaakiimta Islaamiga Maamulayeen Muqdisho iyo agagaarkeeda. – waxaa ay soo celiyeen kala danbeyn Amaan, Maamul hooseed, waxayna kusii socotay in ay gaarto dhamaan gobolada Dalka oo dhan.] Taasina waa mida ka careysiisay Maamulka Itoobiya iyo Kan maraykanka oo aan u cuntamin ku dhaqanka Shareecada Eebe. Waxay ku midoobeen Ladagaalanka Kooxaha Islaamiga ah meel kasta oo ay joogaan. Taasina waxaa inooga Daliil ah Dhibaatada manta lagu hayo walaalaheena Falastiin Gaar ahaan Marinka GAZA. Kolkii ay Dhaqdhaqaaqa XAMAAS gacanta ku dhigeen GAZA ay cunoqabad dhan walba ah saareen. Itoobiya Waxaanu nahay Dal deris ah …waxaana jira Cadawtinimo soo jireen ah oo aan laga indha laaban karin … mana ah mid lagu xalin karo maalin iyo habeen. Maantase Mas’uuliinta Dowladda waxay inoo aqriyaan in aanu saaxiibo nahay waxayna iska indha tiraan Gumaysiga ka jira Dalka iyagoo fiirsanaya oo keliya Danahooda guud. Hadaba shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo uu joogo waxaa la gudboon in uu ka shaqeeyo sidii dhulka looga saari lahaa Cadawga jooga, Qof waliba oo Soomaali ahina waxaa xil ka saran in uu ku dadaalo xoreynta Dhulka Hooyo iyo soo celinta sharaftiisa. Soomaaliyeey Qabiilkastoo aad tihiin is garabsada oo Cadawga Dhulkiina ka saara. Kuwa cadawgooda soo dhawaysta ha noqonina … cadawna kaama naxo. Waad aragtaan Xasuuqa joogtada ah ee lagu hayo Shacabka maalin walba. Gacmo wadajir bay wax ku gooyaan. Midooba oo iska kaashada xoreynta Dalka. Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsadayee hadba kina taagdaran taageera weligiinee. Qore: Sharma'arke
Khaliif Saciid. Gendershe.com waa kamadax banaan. Copyright © Gendershe 2008 |