HomeAbout usChattingCasharoAroosDhalashoTacsiadverMembersGuddiga Sarre ee badbaadinta Gendershe
Allgedo
Abaaji
Ababshe

Afgoye
Al-karama

AwdalDevelopment
allpuntland
allSomali
Arlaadi.com
ArlaadiNet
amsasconsulting
Banadir
Baydhabo
Boosaaso
Bulhan
Buurhakaba
Calmadow
CodkaBeesha
CodkaSomGalbeed
Daawo
Doollo
DarwiishNet
Dayniile
DjibtiNet
DhulkaNet
Dulmane
Gaarhaye
Gabanow
Gedohomepage
Gedonet
GeeskaAfrika
Gendershe.com Goobjoog
Halganews
Hiiraan
HornAfrik
Horseed.com
Horseednet
Horyaal
IftiinNet
KenyanSomalis
Lafoole
MarkaCaddeey
Midnimo
Mogadishu
NugaalNet
NugalOnline
puntlandpost
Puntlandstate
PuntOnline
PuntLandNetNet
Qandala Home
Qaranimo
Qardho
Radiogarowe
Riverineland
SahanOnline
Samafale
sbconline
somaliaRebirth
SomaliaWatchOrg
SomaliaWatchCom
Somaliainfo Somalidenmark
SomaliGlobe
SomaliGov
Somalihome
Somali.Italy
SomaliLand
SomaliLandForum
SomaliDesigns
SomaliNet
Somalipeace
SomaliUK
SomaliWebsite
SomaliWeyn
SomDenmark
somheritage
somlink
Somitek
SomTV
Taleh
UNSomlia
Wadani
WarsidahaPuntland
widhwidh.com

<<< Xaggee ku danbeeyay Murankii ka dhex taaganaa maamulka iyo shaqaaalaha shirkada kalluumeysiga SHIFCO >>>
Waxaa maalmahan la soo dhaafay isa soo taraayay cabashooyin iyo gadood ay samenayaan dhamaan shaqaalihii shirkada kaluumeysiga SHIFKO , Hadaba muxuu ku saleesan yahay gadoodkaas ama cabshooyinkaas??
Marka hadii aan horu-dhac yar ka bixiyo SHIFCO waa shirkad ama Agency Soomaaliyeed oo ka shaqeeya kalluumeysiga kuna shaqeesta maraakiib ay leeyihiin ummada Soomaaliyeed , waana wixiii ka haray hantida Soomaaliyeed ka dib burbrukii 26-Janaayo 1991 dowladii uu madaxda ka ahaa Maxamed Siyyaad Barre, hadaba waxaa xusid mudan in lagu amaano laguna karaameyo madaxa maamula shirkada SHIFCO, Eng.Munye Siciid sida wadanimada ah ee soomaalinimo ee uu ku badbaadiyay hantidaas ma guurtada ah ee ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed, waxaana oran kataa waa hantida kaliya ee ka harsan hantidii soomaaliyeed guud ahaanba, waana wax lagu faano ayaan qabaa, Wallow ay jiraan warar kale oo sheegaya in madaxa shirkada Eng. Munye aysan daacad ka eheen badbaadinta maraakiibtaasi ama hantidaasi qaran, balse danihiisa gaarka u ah ku fushado, arinta si kastaba ha ahaatee dagaalkii sokeeyo ka dib shirkada kalluumeysiga SHIFCO waxa ay ka shaqo bilaabeen dalkaasi Jabuuti oo xarun u aheed shirkada, intii ka danbeesay 1995-tii shirkada waxay u soo wareegtay dalka Yemen gaar ahan magaalada dekkeda leh ee Cadan , oo ay xafiisyo ku leedahay, Shirkada waxay maamushaa in ka badan 5 shan markab iyo hal markab wayn oo qaboojiyo ah, shaqaalaha shirkada waxay gaarayaan in ka badan 300 oo shaqaale oo badankoodu yihiin shaqaalo soomaali ah, shaqaaluhuna waxay u kala qeybsamaan qeybo badan oo ka mid tahay shaqada loo yaqaan Baxrida, qaar kalena ShabaakTole, Kookayaal ,iyo sete-kookayaal, qaar kale oo qaabilsan Amaanka sakuuridka, Makaaniik, iyo qolooyin yar oo Kabtanno macmal ah, oo uu sameestay maamulka shirkada Eng.Munye Siciid isagoo dalacsiiya ruuxa uu doono iyadoon aan la marin sharciga dalacsiinta ama aqoon ku filan iyadoo aysan laheen Kabtanada qaar uu Engneerka dalacsiiyo qofkuu doono, taas waxaa lagu micneeyaa in uu doonayo in uu ku dhimo qarashka badan ee shirkada ugu baxa Kabtanada Ajnabiga ah ee badanaa lagu soo kireesto lacag mushaaro aad u badan, wallow ay jiraan Kabtano Soomaaliyeed oo khibrad u leh howshooda lana shaqeeya shirkada wallow aysan maamulka ula dhaqmin raggaas sida ugu wanaagsan, marar badana ay iska hor yimaadaan maamulka.
Mida kale oo aan rabo inaan ka hadlo waa nidaamka shaqaaleenta shaqaalaha shirkada , nidaamka loo shaqaalooyo shaqalaha shirkada ma ahan mid waafaqsan sharciyada caalimiga ah ee shaqaaleynta, ma jiraan wax qoraal ah (document) oo ay kala qortaan maamulka shirkada iyo shaqaalaha oo kala cadeenaya xuquuqda labada garab, mana jiraan wax xuquuq ah mid hore iyo mid danbe.
shaqaalaha ma heystaan wax cadeen ah oo ay ku muujisan tahay nidaamka shaqo iyo xuquuqda ay kala leeyihiin, Arintaas waa midda ugu wayn oo la oran karo sababta dhalisa dhibaatooyinka hada taagan oo maalinba maalinta ka danbeesa soo kordhaya , waxaa kaloo jira in maamulka shirkada marar badan hoos u dhigeen mushaarka shaqaalaha iyadoo la og yahay in maciishada Yemen lagu daray in kabada 200% wax walibana ay ku saddex jibaarmeen maciishada.
Hadaba bilowgii sanadkaan sii dhamaanaya ee 2007 ayaa waxaa hakad soo galay shaqadii shirkada Agency; Shirkada iyadooba la dhihi gebi ahaanba waxaa soo gabagaboobay shaqadii shirkada qeybta ka soo kalluumeysiga baddaha , iyadoo ay ugu wacan tahay sababo badan ayaa waxaa maalmaahan soo kordhaayey cabshooyinka ay qabaan shaqaalaha shirkada amaba qaarkood ay sameeyeen gadood ay isku dayayaan in ay ku hor istaageen dhaqdhaqaaqa xafiiska shirkada ee Cadan.
Shaqada xafiiskaas oo beryahaan danbe isku koobay howlo kale baayac -mushtar ah oo kalluun kaga soo iibsadaan gudaha suuqyada Yemen ka dib ay u suuq geeyaan dibadaha.
Shaqaalaha waxa ay ka cabanayaan in ay shirkadu ku leeyihiinn mushaaro ku harsan shirkada, shirkadana waxay in badan ku celcelisay in aysan waqtigaan aysan wax dhaqaalo ah u heynin shaqaalaha , maraakiibtii lagu howlgali jirayana ay hool-gabeen oo xataa dhaqaale lagu dayactiro aan loo heynin !!!
Hadaba waxaa jira dhibaatooyin badan oo ka dhashay shaqo la'aantaas ka dhacday shirkada shaqaalihiina ay dalbadeen in ay helaan wixii mushaar ah oo kaga harsan shirkada si ay wax ugu qabtaan maciishadooda oo meel xun mareysa , oo qaar ka mid shaqalahaas oo kacabanay in ay mushaar la'yihiin in ka badan hal sanno ayna ku adkaatay in ay nolol maalmeedkooda xaliyaan.
Waxaa kaloo jira dhibaatooyin badan oo ay ka tabanaayaan maamulka shirkadana taas oon wax dan ah ka laheen maamulka in shaqaalahaas ku qanciyo sida ugu wanaagsan ,xataa waxaa shaqaalihii ku adkaaday in la kulmaan maamulka shirkada Eng Munye; Taas oo ay badiyaan ka soo hormaraan boliiska Yemen oo aan shaqaalaha fursan u siinin in ay ka caawiyaan in shaqaalaha sidii ay xaqooda ugu dhacsan lahaayeen shirkada, waxaaba ku adkaata in yimaadaan banaanka hore xafiiska shirkada, iyadoo mararka qaar la qabqabto shaqaalahaas iyagoon wax dhiba geysan xabsiyadana loo taxaabo.
Hadaba dhibkaas soo wajahay shaqaalihii shirkada kalluumeysuga Soomaaliyeed ayaa waxaa cabasho iyo in arintooda la soo dhex gallo ay ka codsnayaan dhamaan Muwadiniinta soomaaliyeeed ee cadaalada jecel meel walba oo ay joogan kuna garab istaagaan sidii ay u heli lahaayeen xaqooda ka maqan.
      1- Gaar ahaan waxay ka codsanayaan dalada garyaqaaniinta soomaaliyeed (ABUKAATOOYINKA) in soo fara geliyaan sidii arintaa loogu dhameen laha sida waafaqsan xuquuqda shaqaalaha.
      2- Waxay kaloo cabasho u gudbinayaan hayaddaha caalamiga ah ee u dooda xuquuqda shaqaalaha.
      3- Waxaan kaloo cabasho u dirayaan maamulka shirkada in uu sida ugu dhaqsiyaha badan ugu soo jawaabo dalabkooda ah in ay shirkada ka helaan wixii mushaaro ah oo ugu harsan shirkada.
      4- Waxaa kaloo cabasho u gudbineenaa Dowlada aanu walaalaha nahay ee Yaman in ay arin sida ugu dhaqsihayabasdan u soo gasho una xaq soorto sida waafaqsan cadaalada ee aysana dhan u janjeersan.
      5- Waxaan kaloo si mas'uuliyad ku jirto ugu codsaneenaa dowlada federaalka Soomaaliyeed in ay arintaan ka soo saaraan taloobiiyinka ku haboon, wallow ay arinta ka dhaceyso meel ka baxsan wadanka hadana waxaan aad ugu xunahaya siyaasada dowlada ee ku aadan arimaheena ay in badan ka gaabisay, waxaana wax badan kala socda arimaheena qunsuliyada Soomaaliyeed Cadan.
Ilaa iyo hada wax jawaab kama aanan helin wasaaradaha ay quseeyo arimaheena, Ugu danbeyntii waxaa sugnaaba waa jawaab nooga timaada dhamaan qeybaha aan kor ku soo xusnay, Waxaana ku rajo weenahay in ay arinteena ku dhamaan doonto si nabad leh oo wanaagsan. Wallow ay jiraan qaar ka mid shaqaalahaasi cabnanaya in ay cabashooyinkooda ay gaarsiiyeen Baadariga kaniisada Cadan, si arimahooda wax ugu qabto oo xaqooda ugu soo dhiciyo maamulka shirkadda, waana arin dad badan ka yaabisay inay cabashooyinkooda u gudbiyaaan baadariga diinta Kirishtaanka!!!
Qoraalkan kan xagina waxaan ku soo gudbin doonaa liiska magacyada shaqaalaha ee ka cabanaya maamulka shirkada iyo shaqaaale walba inta uu ku leeyhay shirkada.
Shaqaalaha ugu yar waxa uu shirkada ku lee yahay in ka badan 2000$ laba kun oo doolar waa qaar ugu lacaga yar, qaar ka mid ah shaqaalaha waxa ku lee yihiin maamulka shirkada lacag lagu qiyaasay ilaa 30000 sodon kun oo doolar, haba ugu badnaadeen Kabtanada, Isku celcelis dhamaan lacagta shaqaalaha shirkada mushaar ahaan ugu harsan waxaa lagu qiyaasayaa in ka badan rubuc malyuun oo dolarka mareekanka ah.

FA-ZABRUN JAMIIL WALAAHU MUSTACAAN!!!!
ALLE DULMIGA NAFTIISUU KA XAARAM YEELAY EE ADOOMAHEYGIYOOW HA IS DULMININA
By: Abdirahman Tamaam
tammaam@hotmail.com

GENDERSHE Copyright © 2008 [G-News]

[ Indonesiya oo ku hanjabaaday inay xiri doonto Mowqica "Youtube" ] Mudaaharaadyo

Tafsiirka Suurada Al-ikhlaas
[Ka aqri Halkan]

[AminAmir's Cartoon]


Maqaal
Tahriibka waa Tahluuko!!!!
Maqaal
Barro Cadawgaada!!!!
Maqaal
Sicir bararka Yaa ka mas'uul ah??
Maqaal
Dib u heshiisinta [Nuur Cadde] ma Miro dhali kartaa.!!!?
Maqaal
Caruurta Soomaaliyeed Dhaan u ma maqna!!!
Qeybtii Labaad [ka aqri halkan]
Maqaal
Maxaad ka taqaanaa Jubadda Hoose..?
Qeybtii Labaad [ J.hoose ]
Maqaal
Dhibaatooyinka Saxafiga
Maqaal
Dowlad waxay ka timaadaa Bulshada
Maqaal
Maxaad ka taqaanaa Xisbullah
Maqaal
Muqdisho iyo Maanta
Maqaal
Nabada iyo Nolosha
Sheydaanka iyo Meelaha uu kusoo ganbado.

Maqaal
Xumaanta iyo Samaanta

Weriye ama Sawir qaade SAAMI ALXAAJ Maxaad ka taqaanaa
. Waa weriye u dhashay Dalka Suudaan ... wuxuu u shaqeynayey Kanaalka Aljazeera ee Qadar ... Nasiib xumose waxaa gacan geliyay Ciidamada Pakistan oo u dhiibay Ciidamadii Mareykanka ee fadhiday Afgaanistaan. iyadoo faahfaahsan [ka aqri Halkan.]

Advertisement
Xayeysiinta Gendershe

[New] Qeybta Baafinta
Qaadac Denmark
Maqaal
Dhuxusha iyo Dhaawaca Shacabka Soomaaliyeed
Gendershe oo Cabaneysa "Geeraar":
Gardaro Miyaa ... mise waa gef?
Maqaal
... Shacabka Soomaliya Muxuu sugayaa...?


Waraysi ku saabsan Doorka Biyaha iyo Faa'iidadiisa oo aan la yeelanay Eng. Aweis Sh. Maxamed Sheemille [ka aqri Halkan.]
Qoraaladii Adham iyo Gendershe Ha garab marin!!! Jamaal Jebiye. Duqii ugu Horeeyay ee Magaalada Muqdisho Ka aqri Halkan
http://www.gendershe.com

Waxaad booqan kartaa boggaga
Dhalasha cusub
Tacsida (Geerida)
Faraxa ama (Arooska)

Fikradaada Ku aadan GENDERSHE ka dhiibo halkan:
Gendershe waa gurigaada hagarab marin

Wixii Talo iyo tusaala ahna waxaad noogu soo gudbin kartaa:
info@gendershe.com
Qormadii koowaad ee Adham
Wadooyinka Gendershe Fikradaada ka dhiibo
Dhiibo Ra'yigaaga!
Ka Daawo Wararkii ugudambeeyay dunida G-TV

See More Vids