![]() |
|
<<< Yaa u WAN qalanaya Shirka DFK iyo Mucaaradka >>> Jahwareer faro badan ayaa la soo derstay Ummada Soomaaliyeed Maalinba maalinta ka danbeesa waxaad maqleesaa shirkii nabadeenta Beelaha, maalin waxaad maqleesaa shirkii dib u heshiisiinta, waxaa kale oo aad maqleysaa shirkii Guurtida, .. Shirar faro badan ayaa dhegeha dadka Soomaalida soo maray ka gadaal burburkii Dowladdii Maxamed Siyaad Barre kuligoodna wax mira dhalay ama arin la taaban karo kama aysan soo bixin !!! Sida in dhoweydba la shaaciyay hadana waxaa la filayaa shir ay ku kulmayaan garabyo ka kala socda dowlada fedraalka ah iyo garabyo ka socda mucaaradka, lana filaayo inay dhaxdhaxaadiyaan Qaramada midoobay. Hadaba natiijo intee la'eg ayay ummada soomaaliyeed ka filli karaan inuu miro dhalo shirkaas?? Waa su'aal jawaabteeda laga sugaayo inta wax garadka ah ee Soomaaliyeed in ay sii iftiimiyaan , bacdamaa dadkii soomaaliyeed jahwaeer faro badan iyo dhibaatooyin isa soo daba galay iyo qalalaase siyaasadded ay ku habsadeen; Ummada Soomaaliyeedna wax ugu maciinaya[Kaalmeynaya] dhibka heystaana uusan jirin. Haddii aan isku dayo inaan si kooban u hadlo waxa laga fili karo shirkaan, marka hore naxriista Eebbe marnaba lagama quusto, Ruuxa Muslimka ahina waa inuu ahaada mid rajadu aysan ka dhamaan qalbigiisa, mar walbana uu rajeeyo uuna dhanka qeerka ama wanaaga wax u ififaaleeyo, nasiib wanaag Ummada Soomaaliyeed waa dad Muslim ah, waa dad aan dhehi karo adkeesigu ama sabarku waa ku badan yahay bacdamaa ay soo xamileen in ka badan 18 sano oo Dowlad la'aan ah, hadana waxaad moodaa in beryahaan danbe ay isaga soo daba noqnoqatay natiijo xumo, xaalkuna uu u muuqan waayo mid soo hagaagaya, Marka garabyada la filaayo inay shirka isu soo horfariistaan waa ayo? waa sidee awooda siyaasadeed iyo mida militari ee garabyada shirka isku soo hor fariisan doona?? Maxay Ummada ka filan kartaa innay ka soo baxaan kulankaasi?? Marka aan lee yahay garabyadda waa fikirkeyga qaaska ah, balse aan filaayo dad badan oo siyaasada Soomaaliya indha indheeya ay igu raacsan yihiin inaan is ticmaalo ereygaas. Garabka koowaad waa garabka uu hogaaminaayo Ra'iisul wasaare Nuur cadde., Runtii xaqiiqda dhabta ah ee dhex taal ragga mas'uuliyiinta sar sare ah ee DF, maanta ruux caaqil soomaali kama qarsoona kala qoqob badan iyo kala ujeedo iyo nidaamka loo wajahayo ama loola heshiinayo mucaaradka guud ahaan iyo gaar ahaanba waa leesku mari weysanaa beryihii noogu danbeesay , khilaaaf xoogan waa soo kal dhex galay mas'uuliyiinta sar sare ee xukuumada waana la wada ogaa heerka uu gaaray khilaafka ilaa uu booqasho lama filaan ah ku yimaado dalka wasiirka arimaha dibada Etoopiya, bishii Maarso gudaheeda. Dowladuna waxay u kala qeybsan tahay qeyb raacsan fakirka Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf haba ugu badnaadeen taageerayaashiisa, iyo qeyb raacsan fikirka Ra'iisul wasaare Nuur Cadde oo ah in geed dheer iyo mid gaabanba loo koro dib-u heshiisiinta Ummada Soomaaliyeed, waxaana is weydiin mudan sida ay garabkaan ku fulin karaan qodobada ka soo bixi kara shirkaan oo ay ka mid noqon karto ka bixitaanka ciimada Etoopiya ay ka baxaan dalka ?? Taas waa mid , mida kale garab labaad marka aan u galno mucaaradka iyagu xaalkoogu kama sahlana kan dowlada , maalin walbaa waxaad idaacadaha ka maqashaan dad mucaarad ka mid ah hadana kala hadlaya ,awoodo kala duwana kala sheeganaya, garabyada ugu active-san ama ugu nuxurka badan waa garabka hubeysan ee Al Shabaab dhaqdhaqaaqyo militerina ka wada gudaha dalka , guud ahaan garabka Al Shabaab waa ay qaadaceen shir lala hor fariisto dowlada fedraalka ka ah o ay ku tilmaamaan dabadhilif u adeega cadawga , sinaba aysan suura-gal u aheen in ay la wada hadlaan xataa hadii ay ka baxaan ciidamada Etoopiya dalka , xoog ayaan kaga xoreyneynaa dalka cadawga ku soo duulay diinta iyo dadka muslim ee Soomaaliyeed iyo daba dhilifkooda intaas waa fekirka Al Shabaab sida ku cad ama afyeenkooda Abu mansuur Roobow marar badan ku celceliyay , uuna ku tilmaamay gurbaankii la axaday goobta ama meesha lagu garaaci lahaay aa la rabaaaa!!! , taas oo uula jeeday heshiiska la sheeg sheegayo meesha lagu fulin lahaa ayaa la rabaa , waaba hadii heshiiisku ka soo baxaan qodobo lagu wada heshiiyay. Garabka kale ee ka tirsan mucaaradka waa garabka uu hogaamiyo Sheeq shariif oo dad badani u yaqaanaan mucaaradka dibad joogtada ah , kuna mideesan ururka dib-u xoreenta Soomaaliya oo dhawaana lagu aasaasay dalkaasi Eretariya aynu ka mid yihiin rag faro badan oo ka soo jabay Maxkamadihii, barlamaanka xorta ah iyo waxaa loo yaqaano aqoon yahano dibad joog ahaa ( Diasprada) , wallow iyagu ay tanaasulaad faro badan muujiyeen xaga la kulanka DF, iyadoo wadanku joogaan ciidamada cadawga Etoopiya ay ogolaadeen inay la fariistaan DF ayna shuruudihii hore ka soo yara dabceen lana shaaciyay in ka mid yihiin garabka mucaaradka ee la filaayo inay shirka ka soo qeyb galayaan shirka, mar la weydiiyay Sharriif Xasan Sh. Aadan tanaasulaadka ay sameeyeen ayuu wuxuu ku tilmaaya inay fiiriyeen danaha ummada taasna ay ku kaliftay inay horfariistaan DF, marka hadii aan dib u jeleecno awoodooda fulineed ee gudaha dalka ay ku leeyihiin iyo sida ay fulin karaan qodobada ka soo bixi kara shirka oo ay ugu horeeso in xabad joojin deg deg ah lagu dhawaaqo iyo sida ay fulin karaan qodobkaasi bacdamaa aysan awood military oo la taabban karo ku laheeed gudaha dalka. Garabka sedexaad ee la filayo inay iyagana shirka ka qeyb galaan waa goloha midnimada Hawiye ee uu hogaamiyo Maxamed Xasan Xaad , golahaasi sidaan ka warqabno waa kal qeybsanaa, Qeyb uu imam Cumar iyo C\laahi Sh.Xasan iyo rag kale ku mideysnaayeen waa jireen kana qeybgalay shirkii dib-u heshiisinta ee Muqdisho ka dhacay kal dhoweed , xaalkooduna wuxuu iska ahaa mid iska daba hadal ama qori qori ku taag ahaa , marka waxaa is weydiin leh garta Hawiye qolada ay goon teeda ka go'daa waa ayo?? , iyo sida ay macquul ku noqon karto sida ay isugu milmi karaan siyaasad qaran iyo qaab qabiil ?? iyo sida ay macquul ku noqon karto inay fuliyaan qodobada shirka lagu wado inay ka soo baxaan , qodobdaasi waxaa ka mid noqon kara in hub maleeshiyada lagu wareejiyo gacanta DF, taasna waxay fulinteeda culees ku noqon doonta garabka golaha ee shirka soo xaadirtay, Hadaba hadii qaab dhismeedka garbaha shiraya sidaa u muuqdo , maxaa natiijo ama qodobo miro dhal ah oo laga filan karaa ayay kula tahay inuu ka soo boxo shirkaasi ay qabanqaabadiisu wado qaramada midoobeey, Qaramada midoobeey lafteedu dad badan oo siyaasada indha indheeyaa waa saluugsan yihin sida ay daacad ugu noqon karto amaba ay dhexdhexaad ugu noqon karto arimmaha Soomaaliya , qaramada midoobeey miyeey ka run sheegayaan xaalada dhabta ah ee Soomaaliya ka jirta ?? Soomaaliya waxaa soo maray dhibaatooyin faro badan hadana aduun weynaha gacmaha ayay ka laabteen sidii loogu gurman lahaa dhibaatooyinkaasi ku habsaday dalkii iyo dadkii Soomaaliyeed, Hadaba su'aasha isweydiinta mudan waxay tahay: Garabka Nuur cade awood fulin noocee ah ayuu heli karaa ka gadaal marka shirka la filaayo dhowaan ay ka soo baxaan qodobo oo ay ka mid noqon doonto ka bixitaanka ciidamada Etoopiya , halka madaxweynaha uu marar badan ku celcelyaya inaysan wadanka Etoopiya ka bixi doonin inta laga xaqiijinayo danaha ummada waa sida uu hadalka uu dhigay Madaxweyne Cabdullaahi yuusuf , welina uu balan qaaday in lasoo kordhin doono waa wareysigii ugu danbeeyaya uu bixiyay, intaa ka gadaal Madaxweyne Cabdullaahi yuusuf awood intee la eg ayuu ku lahaan karaa in uu qodobkaas fuliyo waa hadii uu isku dayo inuu tanaasulaad sameeyo oo ka dalbado ciidamada Etoopiya in ay ka baxaan Soomaliya ? ? waa su'aal kale Xaqiiqda dhabta ee joogitaanka ciidamada Etoopiya dhulka Soomaaliya maxay ku saleesan tahay ? ?!! wax fikrad ah maka heysataa ??!!! Intaas ka gadaal waaba haddii Dowlada Etoopiya ay debecsanaan arintaas ka muujiso, maxay kula tahay in Dowlada Mareykanka iyo reer Galbeedka ay arinta si sahlan uga aamusi doonaan ?? waxaana hubaal ah inay mowjadu ama hirku si kale isku roggi doonaan - war jiraaba cakaaruu immaan >>> La soco qeybta labaad By: Abdirahman Tamaam tammaam@hotmail.com |
|