HomeAbout usChattingCasharoAroosDhalashoTacsiadverMembersGuddiga Sarre ee badbaadinta Gendershe
Allgedo
Abaaji
Ababshe

Afgoye
Al-karama

AwdalDevelopment
allpuntland
allSomali
Arlaadi.com
ArlaadiNet
amsasconsulting
Banadir
Baydhabo
Boosaaso
Bulhan
Buurhakaba
Calmadow
CodkaBeesha
CodkaSomGalbeed
Daawo
Doollo
DarwiishNet
Dayniile
DjibtiNet
DhulkaNet
Dulmane
Gaarhaye
Gabanow
Gedohomepage
Gedonet
GeeskaAfrika
Gendershe.com Goobjoog
Halganews
Hiiraan
HornAfrik
Horseed.com
Horseednet
Horyaal
IftiinNet
KenyanSomalis
Lafoole
MarkaCaddeey
Midnimo
Mogadishu
NugaalNet
NugalOnline
puntlandpost
Puntlandstate
PuntOnline
PuntLandNetNet
Qandala Home
Qaranimo
Qardho
Radiogarowe
Riverineland
SahanOnline
Samafale
sbconline
somaliaRebirth
SomaliaWatchOrg
SomaliaWatchCom
Somaliainfo Somalidenmark
SomaliGlobe
SomaliGov
Somalihome
Somali.Italy
SomaliLand
SomaliLandForum
SomaliDesigns
SomaliNet
Somalipeace
SomaliUK
SomaliWebsite
SomaliWeyn
SomDenmark
somheritage
somlink
Somitek
SomTV
Taleh
UNSomlia
Wadani
WarsidahaPuntland
widhwidh.com

<<< Timirtii hore Dab loo waa >>>
Maqaalkaa manta wuxuu daba joogaa ama qeybtiisa labaadba yahay maqaal maalmo ka hor baxay ciwaankiisuna ahaa Yaa u WAN qalayna shirka??, kaasoo aan ku falanqeeneenay natiijada laga filli karaayay shirkii la filaayay inuu ka dhexdhaco garabyo mucaarad iyo kuwo dowlada FK, shirkaasu qaban qaabadiisu wadeen Qaramadda Midoobey , ninka arrimaha soomaliya u q aabilsanna Mr : Axmed wuldu Abadalla uu beryaahan danbe u kala dab qaadi jiray raggaas, Hadaba durbaba waxaad moodaa in ay soo baxyaan natiijo xumo ka muuqaneesa qabsoomida shirka , inay qodobo ama heshiisyo ka soo baxaan haba sheegin.!!!
Waxaa wareesiyo badan oo isdaba joog ah soo kalla saaray dhinacyada la filaayay inay wada fariistaan, ka gadaal markii ay soo baxeen warar badan oo sheegaya in xasuuq ba'ann oo dad badani oo soomaali waxba galabsan ka dhacay maalmihii ugu danbeeyay magaalada Muqdisho ayna geesteen ciidamada Cadawga Etoopiya , iyo duqeen aaan loo meel dayan oo beryahaan danbe ka socotay Muqdisho , taas oo siyaasin iyo waliba dad badan ka careesiisay , markii ay soo if baxeen warar sheegaya in ciidamda cadawga Etoopiya ay ragg wadaado ahaa ay masaajida kala soo baxeen ayna gowracen, waana arin laga xumaado . arimahaasi iyo shakiyo badan oo jiray ayna kala qabeen garabyada la filaayay inay wada hadlaan ayaaba gebi ahaanba u muuqan mid qabsoomi karin. Shirka , waxaan maqli jiray hadal carbeed oo micnihiisu ahaa ( (WUXUU DHINTAY INTUUSAN DALAN ) adiga lee waaye sidaad u fasiran laheed Ee aniga waxaan ulla jeedaa Shirkii la filaayay intuusan qabsoomin ayuuba burburkiisa ka soo hor maray waa arin la yaab ah, laguna bartay shirarka Soomaalida inay noqdaan dhicis.
Gudomiyaha Isbaheysiga dib-uxoreynta Sheekh Shariif mar uu wareesi siiyay Idaacada BBC_da ayuu ku sheegay inay san wax wada hadala ah aysan la galeenin amaba ay dib ugu fiirsanyaan iyadoon aduunka arinata ka dhacday muqdisho maalmihii la soo dhaafay wax ka qaban oo ragii ka danbeeyay xasuuqaasna cadaalada la hor keenin , ayna dib uga gurteen mabda'oodii ahaa inay aduunweynaha ka aqbaleen in leysku soo dhowaado oo wadadii lagu wada hadli lahaa la sii xaaro , balse xaalka hadda taas waa ka duwanaaday .
Wareysi kale oo naxdin leh wuxuu ka soo yeeray Ninkii ugu weynaaa ee laga filaayay inuu horseed ka noqdo isku keenida iyo isku soo dhoweenta mucaaradka iyo DFK mudane: Ra'iisul wasaare Nuur Cadde hadallo la dhihi karo waxay kala durjinayaan ama sii kala fogeenayaan garabyada isku hayay siyaasada Soomaaliya, taas oo dad badani ka dhumisay rajadii ay ka qabeen geedi socodka nabada ee uu beryhaan danbe ku dhawaaqi jiray Nuur Cadde' taas oo ay dad badan ku tilmaameen nasiib xumo ka habsatay siyaasiyiinta Mudulood oo aan wax la taaban karo u qaban shacabkooda reer Muqdisho oo marar badan ay isaga soo daba noqnoqdeen dagaal.
Amaba waxaa la dhihi karaa Nuur Cadde wuxuu maray jidkii madaxweynaha Cabdullaahi Yuusuf , wuxuuuna si toos ah u qaatay Mabda'a Madaxweynaha.
Waxaa kalloo isagana wareesi siiyay idaacada VOA madaxweynaha Soomaaliya Mr: Cabdullahi Yususf wuxuuna mucaaradka ku sheegay rag wejiyo badan leh, hogaan toosan oo lala wada hadlaa aysan laheen, waana rag dhalin yaro yar oo ciyaal ah waxayna istimaalyaan waxa loo yaqaano ku dhifo oo ka dhaaqaaq, taasina waxay muujineesaa sida weli aysan dowladda diyaar ugu aheyn inay nabad ku soo dabaasho Dalka.
Waxaa kaloo isna idaacaha ka hadlay gudoomiyihii Midnimada Hawiye Maxamed Xasan isagoo ka codsaday in dowlada iyo Nuur Caddeba ay raali gelin ka bixiyaan hadaladii ka soo yeeray iyo in dadka nadaba rabaan in ay kala hadlaan aysan iyaguba ka go'in nabada ee wadanka la heysto dowladuna tahay Dowlad ku sheeg waa sida uu dhigay hadalkiisa, sidaa awgeedna aysanba suuroobi Karin in wada hadal la galo iyadoo dhiigu shacabku qubanayo.
Hadaba natiijada shirka laga fili karaayo maa mid ka sii hoseeya Sifirka ama eber, marka wax eber sii hooseeyanna waaba waxba ma jiraan, Shacabkuna waxay ku jiraan dhibaatooyin aan dhamaad leheen waxaan isu soo baheestay Cuduro , Dagaalo iyo nooc cusub oo Gaajo ah "sicir bararka".
Waxaana Alllaha awoodda sare leh ka baryeynaa inuu ummada Soomaaliyeed guud ahaan meel walba oo ay joogto gaar ahaan goobaha uu gumeystuhu ku tacadinaayo in Alle ka qabto , colaadanna nabad ugu bedello, roobab lagu diirsado Alle siiyo AAmiin!! AAmiin

By: Abdirahman Tamaam
tammaam@hotmail.com

GENDERSHE Copyright © 2008 [G-News]

[ Indonesiya oo ku hanjabaaday inay xiri doonto Mowqica "Youtube" ] Mudaaharaadyo

Tafsiirka Suurada Al-ikhlaas
[Ka aqri Halkan]

[AminAmir's Cartoon]


Maqaal
Tahriibka waa Tahluuko!!!!
Maqaal
Barro Cadawgaada!!!!
Maqaal
Sicir bararka Yaa ka mas'uul ah??
Maqaal
Dib u heshiisinta [Nuur Cadde] ma Miro dhali kartaa.!!!?
Maqaal
Caruurta Soomaaliyeed Dhaan u ma maqna!!!
Qeybtii Labaad [ka aqri halkan]
Maqaal
Maxaad ka taqaanaa Jubadda Hoose..?
Qeybtii Labaad [ J.hoose ]
Maqaal
Dhibaatooyinka Saxafiga
Maqaal
Dowlad waxay ka timaadaa Bulshada
Maqaal
Maxaad ka taqaanaa Xisbullah
Maqaal
Muqdisho iyo Maanta
Maqaal
Nabada iyo Nolosha
Sheydaanka iyo Meelaha uu kusoo ganbado.

Maqaal
Xumaanta iyo Samaanta

Weriye ama Sawir qaade SAAMI ALXAAJ Maxaad ka taqaanaa
. Waa weriye u dhashay Dalka Suudaan ... wuxuu u shaqeynayey Kanaalka Aljazeera ee Qadar ... Nasiib xumose waxaa gacan geliyay Ciidamada Pakistan oo u dhiibay Ciidamadii Mareykanka ee fadhiday Afgaanistaan. iyadoo faahfaahsan [ka aqri Halkan.]

Advertisement
Xayeysiinta Gendershe

[New] Qeybta Baafinta
Qaadac Denmark
Maqaal
Dhuxusha iyo Dhaawaca Shacabka Soomaaliyeed
Gendershe oo Cabaneysa "Geeraar":
Gardaro Miyaa ... mise waa gef?
Maqaal
... Shacabka Soomaliya Muxuu sugayaa...?


Waraysi ku saabsan Doorka Biyaha iyo Faa'iidadiisa oo aan la yeelanay Eng. Aweis Sh. Maxamed Sheemille [ka aqri Halkan.]
Qoraaladii Adham iyo Gendershe Ha garab marin!!! Jamaal Jebiye. Duqii ugu Horeeyay ee Magaalada Muqdisho Ka aqri Halkan
http://www.gendershe.com

Waxaad booqan kartaa boggaga
Dhalasha cusub
Tacsida (Geerida)
Faraxa ama (Arooska)

Fikradaada Ku aadan GENDERSHE ka dhiibo halkan:
Gendershe waa gurigaada hagarab marin

Wixii Talo iyo tusaala ahna waxaad noogu soo gudbin kartaa:
info@gendershe.com
Qormadii koowaad ee Adham
Wadooyinka Gendershe Fikradaada ka dhiibo
Dhiibo Ra'yigaaga!
Ka Daawo Wararkii ugudambeeyay dunida G-TV

See More Vids