HomeAbout usChattingCasharoAroosDhalashoTacsiadverMembersGuddiga Sarre ee badbaadinta Gendershe

3D Animated Flags--By 3DFlags.com

Qolobaa calankeedu, waa ceynoo, Innaga keenu waa, Cirkoo kale e, Oon caadna lahayn, Ee caashaqaye. Xidigyahay cadi, Waad noo ciidamisee, Carradaa kaligaa adow curadee cadceeda sideedaa u caan noqo ee

Tilmaansiinta Cudur qabaha SONKORTA

Waad la yaabaysaa markaad ogaato in Nooca raashin qaadashada qofka qaba sonkorta uu yahay isla nooca raashin caafimaadeedka wanaagsan ee uu doorbido haatan qof kasta ha’ahaado mid Sonkor qaba ama yuusan qabin.
Ilaa iyo maanta laga joogo Waaxda Caafimaadka ma’aysan helin wax bedel ah oo raashin ah oo xukumaya qofka sonkorta qaba inkastoo la ogaaday INSOLIN iyo Daawooyin kaleba. Hadana raashinka xakamaysan waa saldhiga koowaad ee Daaweynta taas oo la’aanteeda aan laheleynin dheelitir.
Cudurka Sokorowga wuxuu u muuqdaa : Jirka oo aan awoodin inuu soo bixiyo INSOLIN ku filan ama isagoo aan si habaysan oo joogta ah u bixinayn ama isagoo jirku diido inuu howshiisa qabto.
SONKORTA dhiiga waxay ka timaadaa quudsiga laga qaadanayo raashinka la cunayo oo ka kooban sonkor, marka waxaa haboon in la raaco nidaam raashin xukumid ah heerka sonkorta dhiiga.

DHIIGA OO SONKORTA KU YAR:-
Waxay lamacna tahay inta heer sonkor ee dhiigaaga ay aad uga yar tahay heerka caadiga ah ee qofka SOOMAN oo ah:
( 70 – 120 mlgm/unit)
Waxaad nafsadaada dareemeysaa wejiyadan soo socda:
(( Gariir, Lulasho, Hurdo hurdo xoog leh, Madax xanuun, Dhidid badan, Garaacida wadnaha oo hoos u dhacda, Indhaha oo is wareejiya, Noog oo aad dareento, Daal, Jirkaada oo aad moodo mid kala daadsan, Madax Wareer oo aad dareento, Adigoon awoodin inaad shay si fiican u xajiso iyadoo raacsan welwel, iyo Xanaaq, iyo Dareen Baahi daran)).
Markaad aragto wejiyadaas aan soo sheegnay isla markiiba waxaad qaadataa mid kamida macmacaan yadan:
(“ Gabal Sonkor ah, Nacnac, Qaado[Malcaqad] Malab ah, Malmalaado, Timir, iyo wax alla wixii kuu dhow oo sonkor leh…”)

DHIIGA OO SONKORTA KU BADAN:-

Waxay lamacna tahay heerka sonkorta dhiiga oo aad u kacsan maka loo eego heerka caadiga ah ee qofka sooman oo ah:
( 70 – 120 mlmg/unit).
Waxaad nafsadaada isku arkeysaa wejiyada soo socda:- (“Oon Daran oo aad dareento, Kaadi badan oo habeenkii iyo maalintiiba, Labalabo oo aad dareento”).
markaad dareento wejiyadan aan soo sheegnay midkood waxaad qaadataa inta saxa ah ee INSOLIN ama Daawo wixii laguu qoray, hadii ay xaalada sidaa kugu sii socoto; waxaa kugu waajib ah inaad si degdeg ah Dhakhtar u gaarto.

-: WAANO GUUD :-

1- Isku day inaad badsato raashin uu u badan yahay qudaarta,
2- Ka fogow raashimada ay sonkortooda badan tahay
3- Ka fogow raashimada qasacadeysan iyo raashinka ladubay iyo kuwa saliida lehba.
4- Raashinka u qaado si waqti sugan leh, adigoo si tartiib ah u cunaya, si fiicana u calaan jinaya.
5- Ilaali miisaanka halka laga rabo, sijoogta ahna u ilaali miisaankaaga.
6- Samee jimicsi fudud, …sida socodka.
7- Hurud waqti kugu filan … seexana waqti hore.
8- Ilaali nadaafada jirkaaga iyo Cagahaaga.

Cunada laga Fogaanayo Cunideeda:-
Waxyaabaha ay sonkortu ka buuxdo sida:
1- Xalawiyaatka, buskut, doolsho, kunaafo, hariisa, gamardiin, umcali, luqeymat, basbuusa, malab, malmalaato, jalaato, mahalabiya, jail, sonkor caadi, sonkorta faakihada. Loowska, bunduq “yicib”, fustuq waa nooc looska kamida.
Cabitaanka Gaaska leh sida pepsiga, kokada, sevenupka, iwm.
Faakihada la engejiyay sida : “Sabiibka, mishmishka iyo tiinka”
Raashinka difinta leh sida:
{ burcadka, subaga, Mayoniiska, saliida qumbaha, cadiinta xoolaha, caanaha ay difintiisu dhan tahay}, Dhamaan raashinada lagu dubay saliida.
Dheelitir ku sameyn raashinka loo sameeyay qaabka ilaalinta rajiimka, iyo raashinada Gasacadeysan:
Qiimaha Xaraarada ama (Kiilo kaalariga ku jira raashinka)

Hal garaam 1gm oo Borotiin ah waxaa ku jira 4 qiimo Xaraari ama (4 k/calari)
Hal garaam 1gm oo karboon haydareed ah 4 qiimo Xaraari ama (4 k/calari)
Hal garaam 1gm oo difin ah 9 qiimo Xaraari ama (9 k/calari)
QIYAASYO
Qaado Shaah = 5gm
Qaado Xalawiyaad ah = 10gm
Qaado cuno ah = 15gm


Waxaa soo diyaariyay:
Maxamuud Sheekh Cabdulqaadir "Diyeeshe"
Email: diyeeshe@hotmail.com
'SOMALIA'[G-News]

[ Indonesiya oo ku hanjabaaday inay xiri doonto Mowqica "Youtube" ] Mudaaharaadyo
Maqaal
Ma'ogtahay Faa'iidada Gudniinka ?!!
Maqaal
Shirkii jabuuti oo Umadda lagu heshiiyay
in aan la heshiin

Maqaal
Waa maxay Sababaha Furiinka badiyay ?!!
Maqaal
Kulayl Gubasho Gamaarasho

Maqaal
Tartanka VOA Vs BBC oo sii kordhaya
[ ka aqri halkan]

Maqaal
Timirtii hore DAB loo waa
[ ka aqri halkan]

Maqaal
Shirkadii Kaluumaysiga Shifco xagey kusocotaa???!!!!
Maqaal
Yaa u wan qalanaya???!!!
Shirka DFK iyo Mucaaradka.?
[ ka aqri halkan]

Maqaal
Tirada Qaxootiga Soomaalida dalka Yemen oo sii kordheysa !!!!!!
Maqaal
Tahriibka waa Tahluuko!!!!
Maqaal
Barro Cadawgaada!!!!
Maqaal
Sicir bararka Yaa ka mas'uul ah??
Maqaal
Dib u heshiisinta [Nuur Cadde] ma Miro dhali kartaa.!!!?
Maqaal
Caruurta Soomaaliyeed Dhaan u ma maqna!!!
Qeybtii Labaad [ka aqri halkan]
Maqaal
Maxaad ka taqaanaa Jubadda Hoose..?
Qeybtii Labaad [ J.hoose ]
Maqaal
Dhibaatooyinka Saxafiga
Maqaal
Dowlad waxay ka timaadaa Bulshada
Maqaal
Maxaad ka taqaanaa Xisbullah
Maqaal
Muqdisho iyo Maanta
Maqaal
Nabada iyo Nolosha
Sheydaanka iyo Meelaha uu kusoo ganbado.

Maqaal
Xumaanta iyo Samaanta

Weriye ama Sawir qaade SAAMI ALXAAJ Maxaad ka taqaanaa
. Waa weriye u dhashay Dalka Suudaan ... wuxuu u shaqeynayey Kanaalka Aljazeera ee Qadar ... [ka aqri Halkan.]