HomeAbout usChattingCasharoAroosDhalashoTacsiadverMembersGuddiga Sarre ee badbaadinta Gendershe

3D Animated Flags--By 3DFlags.com

Qolobaa calankeedu, waa ceynoo, Innaga keenu waa, Cirkoo kale e, Oon caadna lahayn, Ee caashaqaye. Xidigyahay cadi, Waad noo ciidamisee, Carradaa kaligaa adow curadee cadceeda sideedaa u caan noqo ee
Wareysigii Suldaan IIMAAN SH. CUSMAAN SHEEMILE

Waxaa inoo suurto gashay inaan waraysi la yeelano Suldaanka guud ee beesha Shiikhaal Gendershe
(SULDAAN IIMAAN SHEEKH CUSMAAN SHEEMILLE)
Waraysiga wuxuu u dhacay sidatan:
G-NEWES: Suldaan Iimaan marka hore ku soo dhawoow webka gendershe.com...
Suldaanka: Waan ku dhawahay marka hore waxaan rabaa inaan u mahadceliyo Dhalinyaradii isku taxalujisay inay sameeyaan warbaahintan baaxada weyn iyo shaqaalaha dhamaantooda.
G-NEWS: Suldaanimada aad u haysid beesha aad ka soo jeedid ee Shiikhaal Gendershe ma mid aad dhaxal ku heshay baa mise doorasho.
Suldaanka: ..een ... horta waxaan kuu sheegayaa in Sh. Gendershe waxay lahaan jirtay duq beeleed ama qadhiib oo ilaa hadaba jira lakiinse ma jirin wax la dhaho suldaan suldaanimo anigaa ugu horeeyay mana jecli inay noqoto dhaxaltooyo maxaa yeelay waxaa roon qof u qalma suldaanimada oo karti leh inay doortaan dadka dhaxalkana waxaa dhici kartaa in uu ku soo boxo nin aan karti u lahayn suldaanimada.
G-NEWS: goormee laguu magacaabay suldaanimada sh.gendershe?
SULDAANKA: waxaa la ii doortay 1995tii kadib markii ay isku yimaadeen duqowda Shiikhaal Gendershe waxaana la iigu doortay gogosha oo ah guriga alle ha u naxriistee SH.JAMAAL jibiye.
G-NEWS: inta aad u magacaban tahay suldaanimada maxaad u qabatay dadka kuu doortay suldaanimada?
SULDAANKA: horta aniga hal qof ayaan ahay lakiinse aniga oo iskaashi ka helaya duquwda kalle wax badan ayaan qabanay masalan hal tusaale ma idinku filnoo degaanwaynaha gendershe mar ayaa waxaa fariistay biyo roob waxaan u fadhiisanay saan wax ugu qaban lahayn waana ka qabanay sidoo kalle mar ayaa geed la yiraahdo geed yahuud ayaa beledka xiray wax xoogaa ayaan ka aruurinay dadka waana ciribtirnay geedkii wax kalle oo aan qabanay waa jiraan balse halkan laguma soo koobi karo.
G-NEWS: adiga waxaad ku nooshahay xamar sidee ayaad ku ogaataa waxyaalaha ka dhaca gendershe?
SULDAANKA: horta aan ku saxo aniga suldaanka guud ee s.gendershe ayaan ahay waxaana loo bahan yahay in aan la socdo dadka ku abtirsada beesha sh.gendershe meel walbo oo ay dunuda ka joogaan.
G-NEWS: suladaan iimaan aan kula kaftamee adiga waxaad tahay qof da, ah maxaad xilkan culus ugu dhiibi waydeen qof dhalinyaro ah?
SULDAANKA: su,aashaasi waa mid sax ah haddiiba la helaayo qof qaban kara xilkan waan ku wareejinayaa adiga diyaar ma u tahay ma qabanaysaa ma kuu baneeyaa booska. G-NEWS: sidee u aragtaa golaha badbaadinta gendershe?
SULADAANKA: koleyba golahaas sida aad sheegaysid waa magac aad u qurux badan lakiinse wax qabadkiisa waxbaa ka dhiman waayo haday howl qabanayaan ma soo maraan duqoowda iyo odayaasha beeshe waxay wax u dhiibaan dad iska socda oo waxay rabaan iska sameeya hadda runtii gendershe howl fiican ayay ka bilaabeen balse anagga duqowda ah waxba maloo sheegin.
G-NEWS: Adiga waxaad ka mid tahay saladiinta soomaaliyeed sidee kula muuqataa in lagu xalin karo arimaha murugsan ee Soomaaliya?
SULDAANKA: waa fududahay haloo noqdo kitaabka iyo sunaha.
G-NEWS: ugu danbayntii suldaan Iimaan maxaad ugu baaqi lahayd dadka soomaaliyeed gaar ahaan dadka ku abtirsada beesha aad suldaanka u tahay?
SULDAANKA: Umadda Soomaaliyeed waxaan dhihi lahaa Allihiina u tawbadkeena ee is gacan qabta... tan kalle reer Gendershe khaasatan kuwa ku nool dibadaha waxaan dhihi lahaa dad noqda oo ku dayda waxna la wadaaga asaagiina sidoo kalle dadkiina ku sugan gudaha wax u tara hada waxaa la aruurinayaa lacag wax loogu qaban rabo tuulada hadda oo kalle ayaa wax laysku taraa walaalkaaga baahan adigana ha dhergin.
G-NEWS: waad mahadsan tahay suldaan iimaan sheekh cusmaan sheemille.

XUSUUSIN:
Waxaa maanta xusid mudan in ay howl aad u adag oo waxgal ah ka socoto deegaanka Gendershe oo Ceelashii duugmay Ilaahay mahadii dib loo soo celiyay iyadoo ay ka danbeeyeen Golaha Sare ee Badbaadinta Gendershe.
Waxay kaloo faraha ku hayaan dib u hagaajinta wadadii xirmatay ee deegaanka khaasatan gudaha gendershe oo roobabka ay si ba'an u xireen


Waxaa waraysigan qaaday :
Ad-ham Aminullahi Maxamed
ad-ham@hotmail.com
Mobile: +25215594571.
[G-News]

Suldaan:
Iimaam Sh. Cismaan Sheemille