HomeAbout usChattingCasharoAroosDhalashoTacsiadverMembersGuddiga Sarre ee badbaadinta Gendershe

Mohamed Omar Osman

[Ma dawbaa, in ay socoto, mudo 18 sano ah, niman afka soo duubtay ayaa Dilay, Hebel Hebel? ..????]
Waa maqaal aanu ku eegayno, kuwa iyagu maherada ka dhigtay, Dilka foosha xun ee intay afka soo duubtaan oo ay Bustooladana isku soo hubeeyan, dabadeena sidaas dadka ku laaya.

Waa wax mucjiso ah oo la yaab leh, dilka uu geeysanaayo damiirlaawaha. Waa arin xanuun badan oo uur kutaal & ciil badan. Waa waxashnimo, Cawaanimo, Diin laawe & Adaminimo xume. Waa cara Alla qabe, iimaan laawe & Dullmi ku noole. Waa Dugaag ay Dawaco dhashay oo dubka sare dadka oga eg. Ebleeys ayeey ilma adeer ruma yihiin, oo waxay kala tirsadaan wax afar Oday aad oga yar. Ninkaasi ama kooxdaasi ma harayaan ilaa aanu inaga u soo noqono, waxa Xalka ah.

Maxaa Xal u ah dadka Somaliyeed?

Waxaa xal u ah, in aad ka caagtaan oo aad ka fogaataan, Dulmiga aynu isku haysano ama kala galeeyno dhexdeena. Intaasi ka dibna iska soo qab,qabta kuwaasi aan tilaamay ee Daalimiinta ah. Jawaabtu waa intaas kaliyaa, ayadoo gaaban.

Saxibayaal hadii aad Nabadgalyo & Naxariis Alle aad rabtaan, waa in aad hal meel oga soo wada jeesataan, oo la cirib tiraa, nimanka Bustooladaha ku hubeeysan ee afka soo duubta ee caadeeystay Dilalka Arrxan darada ah, ee Muwaadiniinta wax garadkii Somaliyeed Gumaadaya.
Somalida ayaa tirahda, il qoriga mudayo ma argto. War habeen & maalinba Somaliya waxaa ku socota, Cara ALLE. Oo waxaa la dilayaa, Nin miskiin ah oo aan waxba galabsanin oo wadankiisa & gurigii uu ku dhashay lagu hor dilayo.
Waxaana musiibadas ama Caradasi, Alle keenay, waa dilka aan xaqa ahayn & dhaca anu isku hayno mudada dheer.
Waayo kuwa waxaasi sameeynayo waxay ku noolyihiin oo ay u hoydaan, guryo Somaliya dhexdeeda ku yaalo.
Samada kama ayan imanin kuwaasi ay qoomu thamuudka & Caad" isku darajada yihiin. Waa la wada yaqaanaa dhamaantood. Waana la iska qaban karaa ilah idankiis. Marka Xaqa loo noqdo, oo laga haro xukundoonimada xaaraanta ah.

Waxaan sheegaynaa oo aynu ka qaylineeynaa, in Ethiopia ina qabsatay, oo ay na xasuuqayso. Waa dhab run ah. Laakiinse maxaa u sabab ah oo kalifay in ay Ethiopia ina duleeysato? Jawaab: Waxay Ethiopia noo qabsatay oo noo Gumeeysaneeysaa, oo noo Duleeysaneeysaa, waa Xaq darada aanu dhexdeena isku hayno oo kala galeeyno.
Kii hore u galay waa laga gudayaa. Kan Xasuuqa xalaaleeystay ee hada wadaana, mid tani ka xun ayaa ku iman doonta. Marka Qolo walbaaba inta ay doonto oo dhib ah ha geeysato, waa,uun wax u yaala ayaga oo laga jisayn doono.

Mana istaagayso oo ka bixi mayno, ilaa Qof walba uu taasi ka garanayo, oo uu iska celinayo waxa uu xaqdarada ku haysto. Ka soo bilaabato mudadii 1960kii calan qaadashadii ay eedeen Hooyooyinka & Caruurta Somaliyeed.

Danta Guud.

Waxaanu aragnaa in marka la yiraahdo, Dowlad hala dhiso ay Beela kooban kala boobaan, madaxweynaha, Wasiirada & Barlamaanka Dowlada.
Waay ay u boobayaan oo ay sidaasi u yeelayaan Beelahaasi? Jawaab: Waxay u boobayaan in ay Dowladu iyaga jeebkooda ku jirto, oo wixii khayraad ahaa ee dal & dibadba ka yimid qaataan oo daaro dheer,dheer ku dhistaan oo ay ogu faanaan kuwii aan iyagu waxba boobin.

Waana midaas Xaq darada & musiibooyinka hada Qarxay ee soo biloowday 1960kii ilaa hada uu Qof walba ay uu la yahay meel uu galo oo nafta dhuunta u joogto.
Ma jirto wax dan guud ka figirayo. Qolo walbana Xukun xaq daro ah ayeey u cararayaan. Allana wuu daba socdaa mana arkaan, mana gartaan.


Waxaa qoray:
Mohamed Omar Osman
E-mail:sooraac@unhs.us ama world9peace@yahoo.com


[ Indonesiya oo ku hanjabaaday inay xiri doonto Mowqica "Youtube" ] Mudaaharaadyo

U.N.H.S.
Ciwaanada Ururka ee USA:
Mobile: +1585-360-3940
E-mail. sooraac@unhs.us
Website: WWW.UNHS.US
Ururka Nabadda Horumarinta Soomaaliya

Daawo Sawiradii qaar kamida howlihii waxgalka ahaa ee ay ka fuliyeen deegaano kamida Magaalada Muqdisho.
Degmada Wadajir...