![]() |
|
![]() URURKA NABADDA IYO HORUMARINTA SOOMAALIYEED Hordhac: Ururkaan oo ah Urur wadani ah waxaa lagu magacaabaa Ururka Nabadda iyo Horumarinta Soomaaliyeed (UNHS). Ururkaani waxa la’aas-aasay Bishii 19 October 2006, waxaana aas-aasay Aqoonyahano Soomaaliyeed oo ka damqaday dhibaatada dadkooda Soomaaliyeed iskuna taxluujiyay sidii ay u taakuleen lahaayeen dadkooda dhibaateysan. Ururkaani waxa uu leeyahay calaamad u gaar ah isla markaana calaamada ururka waxa ay tahay: Calan labada dhinac ka cad dhexdana ka cagaar ah. Taasoo oo macnaheedu uu yahay cadaanka oo tilmaamaya Nabad iyo cagaarka dhexda ku jira oo muujinaya Barwaaqo. Ururkaani oo la rabo inuu ka howlgalo guud ahaan gobalada Soomaaliya ayaa waxaa lagu aas-aasy wadanka mareykanka isagoo ururkaani uu aqoonsi ka helay hay’addo deeq bixiyayaal ah oo dagan wadanka Mareykanka. Ujeedooyinka Ururka: 1. Inuu nabadda Soomaaliya ka shaqeeyo, oo uu uhorseedo nabad waarta. 2. Inuu Horumariyo dadkiisa iyo dalkiisaba sida in wax uu ka qabto horumarinta: Tacliinta, Caafimadka, Cunto siinta dadka masaakiinta ah iyo ku dhiirigalinta dadka wax soosaarka kheyraadka dalka. 3. Inuu isku keeno dhalinta Soomaliyeed ee iyagu kala tagsan loona mideyn lahaa xoogooda, aqoontooda, xigmadooda I.W.M. 4. Inuu ku wacyi galiyo Bulshada inay iyagu iskaalmeeyaan waxna wada qabsadaan. Dhaqaaqa Ururka: Ururkaan oo ah urur ka shaqeenaya arrimaha nabadda iyo Horumarinta bulsho weynta Soomaaliyeed ayaa wuxuu qaaday tilaabooyin ay ka mid tahay siduu uga howlgali laha guud ahan Soomaaliya, sidoo kalena wuxuu la kulmay hay’addo deeq bixiyayaal ah. Ururkaani oo ah urur wadani ah Wuxuu aakhirka rajeeyneynaa in dhamaan Ummada Somaliyeed ay midoowdo isguna imaato ururka Somali Peace Development Association. Codsi: Waxaan Ummada Somaliyeed iyo Caalamka ka codsaneeynaa in ay gacansiiyaan Ururka Somali Peace Development Association. Kaas oo ah mid raba in uu si cadaalad ah ogu adeego Ummada Somaliyeed, isla markaasna u ogu soo jeediyo ama u tusi lahaa indhaha Caalamka. Ciwaanada Ururka ee Muqdisho: Mobile: +252-15522262 E-mail. cawiyahaummadda@hotmail.com Ciwaanada Ururka ee USA: Mobile: +1585-360-3940 E-mail. sooraac@unhs.us Website: WWW.UNHS.US Shaqaalaha iyo howlwadeenada GENDERSHE.COM Waxaa ay dhankeeda ugu baaqaysaa Umadda Soomaaliyeed meel kastoo ay joogaan inay gargaaraan Walaalahooda Soomaaliyeed iyagoon aan fiirin qabiil iyo gobolaysiba... Maanta marxalada shacabka waxaa ay maraysaa halkii ugu liidatay mana aha halkii walaal looga tegayey... Soomaaliya Ha midowdo, Soomaaliya Ha israacdo, Soomaaliya Hanoolaato. Daawo Sawiradii qaar kamida howlihii waxgalka ahaa ee ay ka fuliyeen deegaano kamida Magaalada Muqdisho. |
|