Home About us Chatting Casharo Aroos Dhalasho Tacsi adver Members Guddiga Sarre ee badbaadinta Gendershe

Riix Sawirka isagoo Weyn
S- G_news]
Waa maxay sababta abuurtay warshadaha biyaha.?
Eng. Awees]
Marka hore Iyadoo la eegayo Ahmiyadda ay Biyuhu u leeyihiin nolosha guud ahaan iyo baahida biyo ee ka jirta ama biyo yarida, Gaar ahaan Dhulalka carabta oo ay 001% (boqolkiiba hal) keliya ka helaan biyaha dunida ayaa abuurtay in la raadiyo ilo kale oo laga helo karo biyo wanaagsan oo geli kara Cabitaan, Waraabinta beeraha, iyo Isticmaal kale oo fara badan. Warshaduhuna ma'aha Badaa'il ama Il kale oo biyo ee waxay hagaajiyaan biyaha Ceelasha, Badda, Biyaha wasaqeysan iwm.
S- G_news]
Warshadaha intee Qeybood ayey ukala baxaan wax ma inooga taaban kartaa..?
Eng. Awees]
Warshadaha biyaha waxay u kala baxaan qaybo fara badan oo aan ka xusi doono dhawr kamida.:-
Qeybta Hagaajisa dib u isticmaalida Biyaha la soo isticmaalay (sida biyaha Musqulaha, dhar dhaqida, "Laban daayo" iwm.) oo ay warshadu ku sameyso dib u hagaajin iyadoo ka dilaysa bakteeriyada iyo sunta kale ee raacsiisan sida Curiyayaasha Kiimiko "Yuuriyada, Cusbada, Kaalsiyam ... iwm." kadibna ku sameysa dib u hagaajin... si loogu isticmaalo waraabinta beeraha, Wax dhaqida....iwm.
Qeyb Macaaneysa Biyaha Badda. Qeybtaan oo ku shaqeysa Nidaam is weydaarsi, waxaana aad looga hirgeliyay Dhulalka ay ceelashu ku yar yihiin oo biyahoodu aad u fog yihiin sida dowladaha khaliijka, gaar ahaan Sacuudiga, kuwait, qadar, iwm...
   


S- G_news]
Wax ma inooga sheegi kartaa ... Biyuhu kaalinta ay ka qaataan Dhaqaalaha wadan.?
Eng. Awees]
Biyuhu waa laf-dhabarka jiritaanka nolosha aadanaha iyo degaankiisa ku xeeran. Biyaha, oo ah baahi-nololeed, waxay faa'idooyin badan u leeyihiin nolosha iyo deegaankeena. Qiimaha ay biyuhu leeyihiin waa kuwo ku cad Quraanka Kariimka ah sida uu EEBE Qur'aankiisa ku caddeeyey :
Suuratu Anbiyaa, aayaddeeda 30 naad "...waxaannu biyaha ka yeelnay shey walba waxa uu ku noolaado...".
biyuhu waxa ay laf-dhabar u yihiin horumarka dhaqaalaha iyo bulshada, taranka nolosha, iyo xasiloonaanta dhaqanka iyo ilbaxnimada, ayada oo ay ilbaxnimooyinkii ugu horeeyey adduunyada ay ka bilowdeen meelo biyo leh sida webiyada Ilaha biyaha iwm.
Caafimaad ahaan, biyuhu waa nafaqo, la'aantoodna nolosha qofka aadanaha ah ma suuro geli karto, waayo 62% jirka qofka bani'aadanka ah waa biyo. Biyuhu waxay lagama maarmaan u yihiin dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin hab-dhiska qashinsaarka jirka, dheelitirka heerkulka jirka iyo shaqeynta unugyada noolaha. Waxaa la caddeeyey in qofka bani' aadanka ah uu cunto la'aan noolaan karo muddo Afartan maalmood ah, balse uusan biyo la'aan noolaan karin dhowr maalmood oo kaliya.
S- G_news]
Howsha aad qabataan Idinka Shirkad ahaan Maxay tahay..?

Eng. Awees]
Shirkada waxay qabataa
1- Soo dejinta Qalabyada loo isticmaalo Biyaha. "Nooc kasta oo ay Noqdaan"
2- Rakibidda Warshadaha Cusub ... Nooc kasta oo ay noqoto ... Kuwa sifeeya Biyaha, ama Kuwa Macaaneeya Biyaha, ama Dib u hagaajinta biyaha horey loo isticmaalay.
3- Dayactirka Warshadaha horey u dhisnaa... iyo Kuwa ay shirkadu dhistayba.
S- G_news]
Mudane Engineer Awees Sh. Maxamed Waad Mahadsan tahay....!!!
Eng. Awees]
Adinkaa Mudan ... Soo Dhawaada...