HomeAbout usChattingCasharoAroosDhalashoTacsiadverMembersGuddiga Sarre ee badbaadinta Gendershe

3D Animated Flags--By 3DFlags.com

Qolobaa calankeedu, waa ceynoo, Innaga keenu waa, Cirkoo kale e, Oon caadna lahayn, Ee caashaqaye. Xidigyahay cadi, Waad noo ciidamisee, Carradaa kaligaa adow curadee cadceeda sideedaa u caan noqo ee

[Tiro-badnida iyo waxqabad yarida Web-site yadda Soomaalida]
Maqaalkaan waaan si kooban ugu hadli doonaa arimo dhowr ah oo ku aadan waxa loo yaqaano Electronic Pepar oo maanta si weyn aduunka looga adeegsado qaasatan wadama horey u maray iyadoo loo isticmaalo dhinacyo dhowr ah amaba la dhihi karaba sanadaha nagu soo aadan ama mustaqbalka dhowba in adeega aduunka oo dhan inuu isugu tagi doono aalada Computerka ah oo wax walba sahli doonta , taas oo la dhihi karo waxay ka tarjumeesaa horumarka aadanaha ku talaabsaday salkana ku haysa khaliifnimada arlada Eebe adoomihiisa siiyay, meelaha sida ad loogu isticmaalo computerka waxaa ka mid ah Bangiyada Jaamcadaha, E-commerce loo yaqaano, Suuqyada Dhaqaalaha sida Porsooyinka, Cusbitaalda iyo guud ahaan adeega aadnaha u baahan yahay, waxayaalaha ugu sii muhiim san ee loo isticmaalo techonoloojiyada, aadna loo isticmaala casrigaan aan joogno waxaa loo yaqaano web-site ama bogaga-internetka, kuwaas oo si aad ah sanadihii ugu danbeeyay ugu sii faafaayay caalamka.
Web-site yadu waxay leeyihiin qeybo badan qaar ayaa jira ku hadla codka Dowladaha qaar waxaa ka shaqeeyaan horumarinta aqoonta , qaarna waa wargeesyo , qaar kalena waxay ka hadlaan arrimaha ciyaaraha, suugaanta, dhaqanka diinta iyo arimaha siyaasada, ilaaa ay xitaa jiraan boggag shaqsi ah oo shaqsiyaadka qaar sameesteen boggag ay kaga hadlayaan noloshaooda shaqsiyadeed, Hadaba markaan u soo jeleecno heerka boggaga ama web-site ku baxa luqada soomaalida maalinba maalinta ka danbeesa way soo kordhaan maalin walba web-site cusub aa la maqlaaa hada nasiib xumada jirta waxay tahay guud ahaan soomaaliya dhan way burburtay hadana burburkaas wuxuu saameen weyn ku yeeshay dadka aqoon-yahanada qaar ama dadka web-mastarada ka ah boggaga oo badankoodu waxay ku saleesan yihiin fikir qaab qabiil waana arin aan la dafiri Karin oo jirta bal dhex gal boggaga ku baxa afka Soomaaliga bogg walbaa oo aad booqato waxaad kala kulmeesaa inuu u dhisan yahay amaba u hadlaayo qabiil u gooni ah , waaa arin nasiib daro ku ah saxaafada gef weyna ku ah saxaafada , waa arin aan qabo weli waxaa nagu jira qabiilkii na soo baa'biyay oo maanta halkaa dhigay Soomaalida ,kolkaa in weli daba lagu wada wato , waa ayaan daro la rabo in laga hortago ama wax laga yiraahdo qaabkaas oo dad badani caadeesteen.
Waxaa kaloo la yaab leh in aad arkeyso qaabka u soo gudbinta aqbaarta ama macluumaadka guud inay tahay qaab aan macqul eheen oo aad arkeysid warar baxay 5 maalin ka hor inuu weli taagan yahay oo aan wax update ah ama dib u habeen joogtaha ah aysan jirin ayna ku sii dul qoran tahay ereyga ah new!!, arintaasi waxa lagu micneen karaa inaya ay tahay uun sanifaad marka web-masterku rabo wax ka bedelo hadii klalena sidiisa ku daayo , taas hoos u dhiga karta kalsoonida ruuxa soo booqda web-siteka , taasoo sabata inuusan waxba ka fii'ideesan waqti ka lumay mooyaaneee !!!!
Qiyaasta ugu danbeesay ee lagu sameeyay webisite-yada caalamka ayaa waxaa ka soo baxday in web-site-yada ku baxa luqada Soomaaliga uu heer 5aad lagu qiyaasay marka laga eego luqadaha aduunka, waxaa leesku qeybiyay tirada dadka ku hadla af-soomaaliga iyo tirada website ku soo baxa af-Soomaaliga , tiro badan ayay heleen Soomaalida balse waxaa aad loogu quud dareeyay ama loogu rajo xumeeyay waxqabad yarida ay leeyihiiin boggagaas, oo sinaba looga faa'ideesan karin xagg walba , iyagoo uun buunbuuniya danaha qaaska ama ujeedooyinka loo abuuray , taas meesha ka saareesa dhexdhexaadnimadii loogu talagalay warbaahinta , dhacdooyinka sida ay yihiin u soo tebi waqtiga munaasbka ahna soo tebi runta ku dadaal, beenta iyo malo'awaaalkana haba niyeesanin, kolkaa ruuxa aqristaha ah isagaa marqaati kugu filan kalana dooran doona dariiqa saxda ah iyo kan qaloocan.
Hadaba waxaan tallo ahaan u soo jeedin lahaa dhamaan web-site soomaaliyeed inay wax ka bedelaan qaabka ay hada u shaqeeyaan
- waxaan kula talin lahaa inay howshooda ay u hayaan ummada ay ku saleeyaan cilmi iyo xikmad, si ruuxa soo booqdaa uu mar walba noqdo ruux faa'ideystay
- -inay website ka dhowraan caadifada qabiilka iyo waxa dhaawac gelin kara saxaafada nadiifka ah,,
- Waxaan kaloo ugu danbeen ugu baaqayaa dhamaan web-siyada inay wax ween ka bedelaan qaabka hada ku soo baxaan ayna sameestaan DALLAD AY KU MIDEESAN YIHIIN WEBISITE-yada Soomaalida kana horta tagta xumaanta iyo khaladaadka ka dhaca , lana xisaabtamo web-site yada caadeestay inay gefaf ka dhan ah xoriyada shaqsiga iyo guud ahaan safaaxada galaan
Waxaa qoray:
Cabdiraxamaan Tamaam
tammaam@hotmail.com
[G-News]


[ Indonesiya oo ku hanjabaaday inay xiri doonto Mowqica "Youtube" ] Mudaaharaadyo