|
|
Sabaha dhaliyay Xisbigga: Waxaa joogintaanta habeysan ee Xisbullah ka horeeyay iyadoo ay jirtay Fikrado iyo Caqiidooyin kala duwan ay jirtay taas oo asalkeedu ahaa Ciraaq khaas ahaan Xisbiga Aldacwah Al-islaami kaa oo uu hogaaminayey Muxammad Baaqir Al-sadar iyo Dugsigii diiniga ahaa ee AL-NAJAF kaa oo kulmiyay dhowr arday oo Lubnaaniyiin ahaa, qaarkoodna uu noqday Madaxdii diiniga ee shiicada Lubnaan; waxaana kamida Muusa Al-sadar oo ahaa Aas aasaha "Dhaqdhaqaaqa dadka dhibaateysan" Xaraka Al-amal ee uu haatan hogaamiyo Nabiih Barri islamarkaana ah Madaxa Golaha Barlamaanka Lubnaan. Al-sadar ayaa silamafilaan ah loo waayey kadib 1978 ayaa waxaa soo baxay Nin lagu magacaabo Maxammed Xuseen Fadlalah oo lahaa heybad abaabul iyo siyaasad taabaneysa bulsha weynta... waana islawaqtigii Xisbullah uu soo shaacbaxayey Awood kamida awoodaha ladagaalanka Gumaysiga Yuhuud iyo Xoogaga Lubnaaniyiinta ee la bahoobay. Hogaamiyayaasha Xisbullaah: Ilaa iyo haatan lama hayo ilo madax banaan oo si kala dhigdhig ah uga hadla qaab maamulka Xisbiga intii ka horeysay 1989. Laakiinse macluumaad caam ah ayaa sheegaya in ay ahaayeen hogaan wadajir ah ilaa laga doortay Hogaamiyihii ugu horeeyay ee xisbullah kaas oo ahaa Sheekh Subxi Al-dhufayli [1989-1991]. Kadibna waxaa hogaankii qabtay Sheekh Cabaas Al-Mowsawi ... jagadiisa kuma nagaan in kabadan 9 bilood... howlihii uu qabtay waxaa ugu weynaa oo ahamiyadda koowaad siiyay oo uu ka horeysiiyay ajenda kasta Ladagaalanka Gumaysiga Ficil ahaan. Yuhuudu ayaa dishay sanadkii 1992kii Kadibna waxaa hogaankii qabtay Sheekh Xasan Nasrallah ilaa iyo haatan. Xisbiga gacan bir ah ayuu ku dhiftay Yuhuuda oo gelgeliyay Luulyo 2006 kadib markii ay Laba askari oo Yuhuud ah aysoo afduubeen. [Guuldaradii ugu weyneyd ee Yuhuuda soo gaarta sida ay qirteen]. Dagaalkii xooganaa ee ay Yuhuuda kusoo qaaday Koonfurta Lubnaan waxay geysteen Burbur iyo dhibaato weyn, haseyeeshe waa ay soo dhaafi waayeen dhowr Mitir oo dhulka Lubnaan kamida. Xisbullah wuxuu muujiyay siyaasad wanaag dhinaca milateriga ah wuxuu dhowr jeer sameeyay madax furasho uu kusoo baxsanayo maxaabiistiisa. Indha indheeyayaasha Gobolka waxay sheegaan in Xisbullah uu yahay Aragti cusub oo Dunida carabta kusoo biirtay, Taariikhdana ay xifdin doonto Magacaciisa inuu yahay Xisbi iska caabin ah oo ku guuleystay inuu Guuldaro bado Ciidamada Yuhuuda kuna qasbo inay isaga tagaan Koonfurta Lubnaan. Wuxuu awooday inuu sameeyo dheelitir dhinaca siyaasada iyo Milateriga iyo warbaahintaba. Ilaha wararka: 1- infoplease.com 2- Aljazeera.net 3- almanar.com.lb Waxaa qoray: Maxamuud Sheekh Cabdulqaadir "Diyeeshe" Diyeeshe@hotmail.com |
|