![]() |
|
EE LAGU MAAMUUSAYEY SANADGUURADII KOOWAAD EE KOOXDA JAALIYADDA SOOMAALIYEED JEDDAH AL-KHAALIDIYAH ![]() ![]() Xaflad lagu maamuusayey Sanadguuradii koowaad ee ka soo wareegtay aasaasidii Kooxda kubadda Cagta ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee boqotooyada Sacuudiga Alkhaalidiya ayaa lagu qabtay Hotel Addiyafa ee Magaalada Jeddah Maalintii Khamiistii ee ay nu soo dhaafnay [22/05/08]... xafladaas oo ay kasoo qaybgaleen howlwadeenada Jaaliyadda iyo qaar kamida Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Jeddah. ![]() ![]() Waxaa xafladda soo qabanqaabiyey iskuna dubariday Jaaliyadda Soomaaliyeed oo uu Gudoomiyaha ka yahay Mudane: Cabdulqaadir Nuur Cumar oo sihabsami leh ugu soo dhaweynayay dadweynaha Soomaaliyeed ee kasoo qayb galay xafladaas. Waxaa sidoo kale xafladaas lagu casuumay oo marti sharaf looga dhigay Dhowr Gudi beeleed oo ka jira Magaaladan Jeddah. ![]() ![]() Dhanka Guddiga Sare ee badbaadinta GENDERSHE waxaa xafladaas uga qayb galay Gudoomiyaha Guddiga Mudane: Eng. Aweys Sh. Maxamed Sheemile iyo kuxigeenka Guddiga Mudane: Eng. Xasan Sh. Cabdi. Sidoo kale waxaa kaloo ka socday Eng. Aadan Sh. Cabdi, Eng. Saalax Baawaziir, Macallin Sheekh Nuur 'Bunka' iyo Xuseen Khaliif Cumar. ![]() ![]() Xafladaas ayaa waxay u dhacday si habsami leh oo aad looga soo shaqeeyay ![]() ![]() Xafiiska Warbaahinta GENDERSHE - Jeddah - Email: info@gendershe.com [G-News] |